onsdag, mars 27, 2024

Xildhibaano ka tirsan xisbiyo uu kamid yahay( AP) oo soo jeediyay in xijaabka laga mamnuuco iskuulada caruurta

Koox xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka Norwey ayaa bilaabay olole cusub oo ay sheegeen inay rabaan in ku hormariyaan isdhexgalka iyo isku soo dhaweynta bulshada ku dhaqan Norwey iyo dadka soo galootiga ah. Xildhibaanadan oo ka tirsan xisbiyada AP(Shaqaalaha), KRF, SV, SP, iyo Venstre ayaa soo jeediyay qodobo ay kamid yihiin in la mamnuuco ama la xadido isticmaalka xijaabka gabdhaha dhigta iskuulada caruurta ee  wadanka ku yaalo.

Xildhibaanadan oo soo jeedintooda la kaashaday naadi(urur) ka shaqeeyo arimaha siyaasada oo dhanka bidixda ah xigo, laguna magacaabo Agenda. Waxayna soo saareen 10 qodob oo ay sheegeen inay aaminsanyihiin inay ka qaybqaadan karaan is dhexgalinta iyo isku dhaweynta bulshada. Waxaana tobankaas kamid ah in:

  1. In dhamaan goobaha waxbarashada Norwey laga mamnuuco niqaabka(indhoshareerka)

  2. In la mamnuuco in wiilasha iyo gabdhuha ay meelo kala duwan ku dabaashaan xiisada dabaasha iskuulka. oo la micno ah in waajib laga dhigo in wiilal iyo gabdhaba isku meel ku dabaashaan xiliga dabaasha.

  3. In lasoo rogo xeerar qaran oo mamnuucayo in gabdhaha yar-yar ay xirtaan xijaab, marka ay joogaan iskuulka. Hadii uu yimaado shaki ah in gabdhaha lagu qasbo xijaabkana, xiriir lala sameeyo barneverkna.

  4. In la sameeyo sharci cusub oo dhigayo in caruurta yar-yar ee kujirto kaamamka in ay boos ka helaan barnehagayaasha caadiga ah ee wadanka.

  5. In warqad shaqo oo kumeel gaar ah la siiyo dadka codsiga magangalyada xareystay, loona maleynayo inay sharciga magangalyada heli donaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xildhibaano-baarlamaan oo ka tirsan xisbiyo waaweyn oo wadanka ah ay soo jeediyaan mamnuucida xijaabka ee iskuulada caruurta. Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga xag-jirka ah ee FRP ayaa arintan caan ku ahaa, balse arinta ugubka ah ayaa ah in xildhibaano ka tirsan xisbiyada bidixda sida AP iyo SV ay soo jeediyaan wixii ay FRP ku eedeyn jireen sanado kahor. Hadia Tajik oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga AP ayaa sanadkii hore soo jeedisay in gabi ahaanba xijaabka laga mamnuuco iskuulada caruurta yar-yar.

Inkasta oo aysan soo jeedinta xildhibaanadan aysan wali aheyn go-aano xisbi oo la isku raacsanyahay, hadana waxay muujinaysaa isbadal weyn oo ku yimid siyaasada soo galootiga xisbiyada bidixda, gaar ahaan AP iyo SV oo badanaa hela codadka ugu badan ee bulshooyinka soo galootiga ah oo ay soomaalidu kamid tahay.

AP oo waagii hore ahaan jiray xisbiga ugu weyn ee kahor imaado go-aanada iyo soo jeedinta xisbiga FRP, ayaa hada u muuqdo mid dabcay oo badanaa ka indho qarsada ama ka aamusa, mararka qaarkoodna ku raacaba go-aanada iyo qorshayaasha xisbiga FRP.

Isku soo wada duuboo soo jeedinta xildhibaanadan ayaa noqon doonto mid abuurta dood badan, maadaama ay jiraan siyaasiyiin iyo dad kale oo aad uga soo horjeedo mamnuucida xijaabka ee iskuulada caruurta. Dadka aqoonta u leh arimaha isdhexgalka bulshada ayaa ka digayo in arintan ayba keeni karto kala fogaansho iyo kalsooni daro cusub oo  ka dhex abuuranto bulshooyinka soo galootiga ah iyo dadka intiisa kale.

[adsenseyu1]

Xigasho/kilde: VG

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x