tirsdag, november 26, 2024
Home Blog Page 269

Ururka NOAS oo hal maalin ku taajiray

0

Ururka magangalyo doonayaasha Norway ee NOAS ayaa mudo 24 gudahood ah, ku helay lacag kor u dhaafeyso 3 milyan oo NOK. Lacagtan ayaa waxaa ururkan ugu deeqay dad ka careysan siyaasada wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka  dowlada Norway ee Sylvi Listhaug.

 

 

15202500_110848932734418_6838554657544108453_nKristoffer Joner oo ah jilaa caan ka ah dalkan Norway, ayaa bartiisa facebooka kusoo bandhigay olole uu dadka uga codsanayo iney Listhaug darteed lacag ugu deeqaan ururkan u dooda xuquuqda magangalyo doonayaasha.

Wuxuu sidoo kale dadka ka codsaday iney Like saaraan qoraalkiisa barta facebooka si loo muujiyo in dadka Norway ku dhaqan oo dhan, aysan Listahaug ku raacsaneyn siyaasadeeda guracan ee ku aadan magangalyo doonayaasha. 

Jilaagan oo caawin ka helayo shirkad kuwa xayeysiimaha sameysa ah, ayaa alifay qorshahan lacagta loogu aruurinayo NOAS, isla markaana lagu muujinayo sida looga soo horjeedo siyaasada wasiirada Listhaug ee ku aadan soo galootiga iyo magangalyo doonayaasha.  

80 kun oo qof ayaa  like saaray qoraalka facebooka ee Kristoffer Joner, waxaana qeybiyay(share) 50 kun oo qof, halka ay kommenti(fikir) dhiibteen ilaa 6400 oo qof. Waxaana ilaa hada NOAS loogu deeqay lacag kor u dhaafeyso 3 milyan, iyada oo wali ay socdaan lacagaha loogu deeqayo ururka magangalyo doonayaasha. 

Sylvi ayaa mar sii horeysay barteeda facebooka ku qortay qoraal ay ku faaneyso Labo caruur ah oo Afghanistan ka yimid, kuwaas oo wadanka si khasab ah looga saarey. Wargeyska weyn ee Washington-Post, ayaa wax ka qorey arintaas, iyaga oo Norway ku tilmaamey wadanka ugu badan ee sida khasabka ku tarxiilo caruurta ka timid wadanka Afghanistan.

Dad badan ayaa ka xanaaqay faanka ay Listahaug ku faaneyso tarxiilka caruurtaas laga tarxiiley Norway, waxeyna sheegeen iney tusineyso arxandarada iyo naxariis la´aanta ku dheehan siyaasadeeda arimaha soo galootiga. Waxeyna sidoo kale raaciyeen in siyaasada Listahaug ay magac xumo iyo ceeb usoo jiidi karto sumcad-wanaaga uu wadanka Norway ku dhex leeyahay bulshoweynta caalamka.

[adsenseyu2]

Marxuum Maxamud Axmed Ciise oo maanta lagu aasay Asker

0

Allah ha u naxariistee waxaa maanta deegaanka Asker lagu aasay Marxuum Maxamud Axmed Ciise, oo ahaa marxuumkii ku baxay gacanta wiil uu dhaley oo maskixiyan u xanuunsanaa.

Aaska marxuumka ayaa waxaa kasoo qeybgaley dad badan oo kala kala yimid Asker, Oslo iyo nawaaxigeeda.  A.H.N Maxamuud Aflow ayaa ahaa nin bulshada reer Oslo, gaar ahaan dhalinyarada ay aad u wada yaqaaneen. 

Dhanka kale booliska ayaan wali soo saarin warbixinta dhameystiran oo ay kasoo saareen baaritaankii ay ku hayeen dhacdadan. 

[adsenseyu2]

Xisbiyada dowlada oo madaxa iskula jiro, iskuna mari la´ miisaaniyad sanadeedka 2017

0

Afarta xisbi ee bah wadaagta ku ah dowlada hada ka taliso wadanka, ayaa madaxa iskula jiro, kadib markii ay isla meel dhigi waayeen miisaaniyad sanadeedka sanadka soo socdo ee 2017. Xisbiyadan ayay balantu aheyd in maalintii shaley aheyd ay soo gudbiyaan natiijada wada xaajoodkooda ku aadanaa qorsha dajinta miisaaniyada, balse shaley way u kala kaceen oo wax natiijo ah kama soo bixin kulamadooda.

Arinta ugu culus ee la isku heysto ayaa ah, canshuurta laga qaado bensinka baabuurta iyo dadka iska leh baabuurta. Xisbiga FRP ayaa rabo iney canshuurtan dhimaan, si ay u buuxiyaan balanqaadkii ahaa iney qiimaha shidaalka hoos u dhigayaan, halka Venstre iyo Krf ay k adkeysanayaan inaan wax laga badalin lacagta canshuurta ah ee laga qaado baabuurleyda.

FRP iyo Høyre ayaa dhinac isugu biiray, halka KRF iyo Venstre ay dhinaca kale istaageen. Maanta waxaa shir gaar ah lahaa FRP iyo Høyre, shirkaas oo ay uga wada tashanayeen talaabada ay qaadayaan, hadii ay qancin waayaan labada xisbi ee kale. 

Dowlada Erna Solberg oo ay u dhimantahay wax kayar sanad, ayaa laga yaabaa in hadii khilaafkan uu sii xoogeysto ay sababto iney dhacdo. Codbixinada xaga internetka ee la qaaday maalmihii ugu danbeeyay, ayaa sheegaya in  xisbiyada FRP iyo Høyre ay lumiyeen taageerayaal badan.

[adsenseyu2]

Qormo: Wanaaga iyo nolosha aad naftaada la rabtid, la jecloow walaalkaa

0

Bilowgii bishii Juni ee sanadkan ayey aheyd markii ay soo baxeen warar sheegaya, in Passport dadka ka yimid 31 wadan lagu qori doono «Ukjent» ama lama yaqaan booska dhalashada. Wararkaas oo ahaa kuwo si weyn u gilgilay dhamaan bulsho weynta ajaaniibta, gaar ahaan kuwa kasoo jeedo 31-kaas wadan.

Waan wada xasuusanaa sidii dhamaan soomaalida kunool Norway ay uga wada xumaatay go´aankaas, iyada oo lagu tilmaayo inuu ahaa go´aan ay ku dheehantahay midabtakoor iyo faquuq gooni ah. Maqaaxi walba oo soomaaliyeed wax kale loogama hadleynin aan arinta «ukjentiga» aheyn, qof walba oo soomaali ah oo kaasoo horbaxana wuxuu wax ka weydiinayay arintaas. Dadka facebooga iyo e-mailka nagula soo xiriiray, iyaga oo raba iney wax ka ogaadaan arintaas 100 kor waa u dhaafayeen.

Ma jirin qof dhahayay go´aankaas waa go´aan dowladeed ee aan u hogaansano ama anigu waxaan ku qanacsanahay in passportkeyga lagu qoro «Ukjent». Ma jirin qof dhahayay soomaalida maxaa ka khaldan, wadanka ay martida ku yihiin, may shuruucdiisa raacaan. Kii wadanka 30 sano degenaa yo kii shaley yimidba, waa la xanaaqsanaa. Qof walbana wuxuu diyaar u ahaa inuu dagaalamo, si arintaas wax looga qabto. Markiiba waxaa la uruuriyay lacag 20-kun gaareyso si advokat arinta galo loo qabto, waana la qabtay. Markii ugu horeysay taariikhda soomaalida Norway(inta aan ognahay) ayey wada qabsadeen qareen u gaar ah oo arinta soomaalida u dooda.

Dadku markeen dareemaan inay wax ka maqanyihiin ama in laga gardaranyahay orod badanaa oo hadal macaanaa. Wax walba waxaa ka daran dhiirinaanta iyo codkarnimada. Qof walbe wuxuu lasoo baxey geesinimo malaha guriga ugu tiirsaneyd, oo aan horey loo maqlin loona arkin. Qof walbana wuxuu u hadlayay, sidii in asaga uu yahay qofka kaliya ee dulmiga laga galay ama laga gardaranyahay.

«Ukjent» VS 2000 soomaali ah.

Nasiib wanaag hey´ada maamusha booliska oo malaha dareensan khaladaadka ka imaan karo arintaas, ayaa badashay go´aankii «ukjent», iyaga oo ku xaliyey qaab si uun u yara dhaama tan «Ukjentiga», balse aan aheyn xal rasmi ah oo dadka dhan ay ku wada qanceen.

Markii la ogaaday in arintii «Ukjentiga» ay meesha ka baxday, waxaa markiiba damay ama meesha ka baxay buuqii iyo guuxii wadanka hareeyay maalmo dhan. Dadkii dhiirinaa oo lahaa wax la qabto  ama kan hala sameeyo, ayaa halmar la wada waayay oo xabad xabad u dhuuntay.

Su´aal baad isweydiin kartaa ah, dadkaas shaley maxaa ka qeylisiiyay oo maanta ay la aamuseen?. Jawaabta waa cadahay, shaley dantooda ayey u dagaalamayeen oo u xiiqsanayaan, mar hadey taas gaareene, cid kale wax kama galin.

Go´aanka «ukjentiga», waxaa garab socday go´aanka kale ee dib u qiimeynta sharciyada soomaaliyeed ee aan wali qaadan sharciga degenaanshaha. Dadkaas oo gaarayo 1600, marka lagu daro 500 ee sharciga ku laheyn wadankan, waxey isku dar gaarayaan 2100 iyo ka badan.

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, waxey muujisay dadaal iyo isku duubni ku aadan go´aankaas dowlada ee saameynta ku yeelanayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee wadankan nalagu nool. Dadaalka ay reer Norway ay sameeyeen, waxaad ka ogaan kartaa in warkooda uu gaarey Muqdisho oo madaxda DFS su´aalaha ku saabsan celinta qoxootiga ay ka harsan la´yihiin iyo New-York oo warqad ay qaramada midoobey kasoo dirtay halkaas.

Hadaba waxaa yaab ah in qaar kamid ah dadkii shaley qaylinayay markii la yiri Passportka waxaa lagu qorayaa «Ukjent», ay maanta xaga kale kasoo jeesteen oo leeyihiin soomaalidu wadankoodii haku noqdeen. Makaa khaldan dadkaan, mey raacaan sharciyada wadanka qoxootinimada kusoo dhaweeyay. Wadankii wax idiin dhaama malahan ee ku noqdo. Wadankan dowlad ayaa kajirto sharciyada raaca oo qeylada joojiya. 

Hadalka madaxweyne Hassan Sh Mahamoud.

Dadka marka ay ka hadlayaan arinta celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Norway, waxay mar walbe tusaale xun iyo mid fiicanba usoo qaadanayaan jawaabtii uu Hassan Sheikh ka bixiyay su´aasha laga weydiiyay arimaha Norway.

Waxaa cad oo qof walbe oo wareysiga daawaday uu fahmayaa in Hassan su´aasha loo hoos galiyay, oo uusan fahmin micnaha ay xambaarsantahay iyo baaxada ay leedahay. Hadii Hassan Sheikh loo sharixi lahaa dhibaatada qoxootiga soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaan 1600- ee sharciyada heysto, ma uusan ku deg-degeen jawaabteeda. Hadii isaga oo og dhibaatada 1600 ee soomaalida ah uu sidaas u jawaabi lahaa, markaas ayaan la dhihi karey wuu khaldanyahay ama wuu saxanyahay.

Ajnabi hakuu dagaalamo, soomaalina haku niyad jabiso.

Tan iyo markii ay soo baxday tirada dadka soomaaliyeed ee saameynta uu ku yeelanayo go´aanka dowlada, waxaa is soo daba dhacayay cambaareynta ku aadan go´aankaas ee ka imaanayay hey´adaha xuquuqda iyo kuwo qoxootiga. Ururo ay kamid yihiin OMOD, Nye SOS Rasime, Anti Rasistisk iyo qaar kale ayaa safka hore u taagan ka hadalka arinta celinta qoxootiga soomaaliyeed. Mudaaharaadkii ugu danbeeyay, waxaa ka qeybgalay ilaa 15 urur oo ajaaniib ah. 

Inkasta oo mudaaharaadkii Oslo uu ahaa mid ay dad badan kasoo qeybgaleen, hadana Waxaa jiray sadex koox soomaali ah oo mudaaharaadka kasoo horjeeday, diidanaana inuu dhaco. 

  1. Koox dhalinyaro u badan oo kasoo horjeeday in mudaarahaad lala qabanqaabiyo ururka Nye Sos rasisme, balse sida kale mudaaharaadka taageersanaa.

  2. Koox siyaasiyiin hogaamineyso oo mudaaharaadka dantooda shaqsiyadeed ka dhex arki waayay, sidaas darteed mucaaraday. 

  3. Koox diidan oo gabi ahaanba kasoo horjeeday in mudaarahaad la qabto, si walbana isku dayay in mudaaharaadkaas ay baajiyaan. Ilaa ay qaarkood SMS u direen boqolaal qof, iyaga oo ka codsanayo inaan mudaaharaadka la aadin. Waxuuna hadafkooda ugu weyn uu ahaa inaan dhibaatada soomaaliyeed ee Norway, aysan caalamka intiisa kale gaarin. Kooxdan hadii loogu yeero kulan looga hadlayo gudniinka fircooniga, ayagaa kaa orod badan.

Soomaaliya qof walba oo muwaadin soomaaliyeed ah wuu jecelyahay, inuu ku noqdana wuu rabaa. Laakiin waxaa jirto dan iyo duruuf dadka shaley kasoo qixisay wadankoodii, maantana wali kajirto. Sidaas darteed waxaa soomaalida Norway qaarkood la gudboon iney ka fiirsadaan hadalada deel-qaafka ah oo dadka lagu nijad jabinayo. 

Maxaan FRP iyo sylvi Listhaug wax ka sheegnaa, anigaaba boqolaal Listhaug ka daran noo joogaane.

[adsenseyu2]

Mahad Mire: Soomaalida doorashadan haka digtoonaadaan xisbiga ay codka siinayaan

0

Mahad Mire oo kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee kujiro gudiyada xaafadaga Oslo, gaar ahaan xaafada Grünerløkka ayaa sheegay iney muhiim tahay in  doorashadan soo socoto aysan soomaalida ku kadsoomin xisbiga ay codka siinayaan. Waxa uuna sheegay in bulshada soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan ay u baahantahay iney wax weyn ka fahanto systemka siyaasada wadankan ee ku dhisan xisbiyada. 

Mahad ayaa ka tirsan xisbiga bixixda xiga ee RØDT, waxa uuna doorashadii 2015 u tartamayay kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo.

Mahad oo xiriir lasoo sameeyay warbaahinta NorSom News, ayaa sheegay in khaladka ugu weyn ee soomaalidu ay gasho xiliyada doorashada, ay tahay iney shaqsi iyo aqoon ay dadka codka ku siiyaan, iyaga oo aan waxbadan ka ogaan siyaasada xisbiga uu qofkaas matalayo. Wuxuuna ugu baaqey iney cashar ka qaataan doorooshooyinkii hore, sanadkana ay si fiican isha ugu hayaan siyaasada kala duwan ee xisbiyada, gaar ahaan mida ku wajahan danta guud ee bulshada soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa ah qowmiyada sadexaad ee ugu badan ajaaniibta wadankan, sidoo kale waa qowmiyada ugu badan ajaaniibta  ee dhiibata codadka xiliyada doorashada. Sidaas darteed waa muhiim in aan doorashadan aan lahaano, qorshe mideysan oo ku wajahan siyaasadaha kala duwan ee xisbiyada. 

Mahad ayaa sheegay in soomaalidu ay u baahantahay iney darsaan oo ay fahmaan, dhamaan qodobada ay xisbiyadu ku galayaan doorashada, isla markaana ay codka siiyaan xisbigii ay u arkaan inuu ka shaqeynayo dan soomaaliyeed. Waxa uuna ugu baaqey soomaalida ineysan indhaha ka xirnaan oo hal xisbi codka isugu geyn, sidii horey u dhici jirtay. 

Doorashada baarlamaanka Norway ayaa waxaa hada ka dhiman mudo 10 bilood ah, waxeyna xisbiyadu mar horeba bilaabeen magacaabista musharaxiinta u tartameysa jagooyinka baarlamaanka, iyaga oo dhawaan soo saari doona, qorshadooda ku aadan doorashadan dhici doonto sanadka fooda nagu soo hayo ee 2017. 

Si kasta doorashada sanadka soo socoto ee 2017 ayaa noqon doonto mid masiiri ah, taas oo saameyn ku yeelan doonto bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Norway.

[adsenseyu2]

Maqaal(Somalisk Jobbklubb): Marna ma isweydiinay culeyska aan ku heyno wadankan iyo faa´iidada nalagu qabo.

0

Wali ma ku fikirtay shakhsiyan adiga wadankaan aad ku nooshahay ma culays baad ku tahay? Mise wadankaan waxtar ayaad u leedahay oo dowlada faaiido ayada ayaa kugu qabtaa?

Waxa ay soomaalida ku maahmaahaan (meel ka muuqo ama ka maqnoow). Hadaba wadankaan shakhsiyan adiga is qiimee, ma ka muuqataa mise? Su’aashaasi jawaabteeda adiga ayaa og, balse anaga guud ahaan ayaan eegeeynaa, hadaan nahay soomaali wadankaani khasaaro miyuu nagu qabaa mise faaiido?

 Waxaan ka qayb galnay kulan mar looga hadlaayo in kommune uu qaato dadka da’ yarta ah ee ka yar 15 jirka, kulankaasi dood dheer oo siyaasiyiinta kommunekaasi aan la fadhinay, anago qayb ka ehen kulanka waaxda dajinta qaxtootiga. Waxaa lagu soo gaba gabeeyay in aysan marnaba qaadanaynin da’yar ka yar 15, sababta waa maxay?

 Degmada  waxay  ka fikireen, kharashka oga baxaayo qofka ka yar 15, iyo dakhliga uu mustaqablka soo galin karo kommuneka, waxaana batay kharashka uga baxaayo, waxa ayna go’aansadeen in ay qaataan dadka waawayn oo ka weyn da´ahaan 18, sababtana waxa ay ahayd, qofka kaweyn 18 in si dag dag ah uu ku gali karo suuqa shaqada oo uu kommuneka u soo xarayn karo canshuur taas oo ka badan kharashkii labada sano ee isaga la galiyay.

 Xisaab ahaan hadii aan galno, qofka marka uu galo barnaamijka intro loo yaqaano, wuxuu qiyaas ahaan dakhligiisa yahay 180,000kr. Sanadkii. Laba sano hadii uu dhigto barnaamijkaasi waa 360,000kr. Hadii uu qofkaasi shaqeeyo, shaqo 100% ugu yaraan mushaarkiisa waa 280,000 kr, sanadkii markii lagu dhufto canshuurta aan dhahno 30% waxa uu bixinayaa sanadkii 84,000kr, hadii qofkaasi uu shaqeeyo waligiis dowlada ama kommuneka waxa ay kuqabaan faaiido wayn, asaga ayaaba wadanka dakhli fiican soo galiyo inta cimrigiisa ka dhiman, iyo adeega bulsho oo uu qabanaayo amarka uu shaqeeynaayo.

 Sidaasi caksigeeda qofka haduu shaqaynin oo un uu qaato caawinaada dowlada, waxa uu yahay qof culays ku ah bulshada uu la daganyahay iyo dowlada Norway intaba. Hadaba labadaasi mid unbaad tahay adiga, aniga iyo kulligeenba, kee fiican marka in lagugu tirio culays iyo in lagugu tiriyo miro faaiido leh oo la maal gashtay? Jawaabta adaan kuu dhaafay.

 Hadaan taariikhada dib ugu laabano 2008dii, xarunta SSB oo ka shaqeeyso soo saaritaanka statistikada, waxa ay qortay in soo galootiga Somalida, Irak, Marokko, Pakistan iyo Afghanistanba ay culays ku tahay dowlada, akhri warbixintaan yar ee hoos ku qoran.

Ikke lønnsom : Blant førstegenerasjons somaliske innvandrere utgjør disse trygdeytelsene 38,9 prosent av inntekten.

For irakere er andelen 36,4 prosent. Marokkanere har 35,3 prosent av sine inntekter fra velferdsordninger, tyrkere 30,1 prosent, pakistanere 28,3 prosent og afghanere 26,9 prosent. Samlet mottok førstegenerasjonsinnvandrere fra Tyrkia, Marokko, Somalia, Afghanistan, Irak og Pakistan i løpet av 2006 3,5 milliarder kroner i uføretrygd, dagpenger, rehabilitering, overgangsstønad, kontantstøtte, barnetrygd og sosialhjelp.

I samme periode hadde de om lag 7,1 milliarder kroner i skattbar inntekt. Med en skatteprosent på 30 gir dette staten om lag 2,1 milliarder i inntekter. Utgiftene til sosialhjelp er høyest for somaliere, afghanere og irakere, mens marokkanere og pakistanere kommer dårligst ut når det gjelder uføretrygd. Andelen uføretrygdede pakistanere og marokkanere er om lag tre ganger høyere enn for resten av innvandrerbefolkningen.

Sanado kadib wali meeshii ayaan taaganahay. Baaritaan kale oo la sameeyay waxaa soo baxday in Somalida ay wali 38% (2014)  ay qaataan caawinaada dowlada. 38,9% ayay ahayd (2006), marka isbadal yar oo 0,009% ah unbaa soo kordhay. Fiiri garaafkaani hoose, kaas oo qeexaayo boqolkiiba inta qaadato lacagta caawinaad dowlada iyo wadanka ay ka soo jeedaan, walina waxaa la dhihi karaa culays wayn oo dowlada saaran waaye.

Walaalayaal aan ka wada shaqayno sidii aan u noqon lahayn dad u istaago in aan ka baxno culayska iyo cabaadka aan maalin kaste ku jirno. Sida khubrada dalka Norway ay saadaalinaayaan waxa ay leeyihiin 10sano kadib Somalida waxa ay noqon doonaan kuwa helo furaha guusha oo wada shaqeeystay, hadana heerka aan taanganahay lagu ma tilmaamo karo meel aad u hooseeyso, maxaa yeelay 62% hadii ay shaqeeyaan waa fiicantahay ama 10kiiba 6 ayaa shaqeeyso Somalida, marka tiraadaani 5ta sano ee soo socoto hadii aan ka dhgno 10kiiba 8 waxa ay noqonaysaa guul.

 Waxaan ku soo gabagabaynaa hadal khubarada ku xeel dheer ajaaniibta ay ka dhaheen xaalka soomaalida, kadib markii ay isbar-bardhig ku sameeyeen qowmiyada Veitnamka oo wadanka soo gashay, 1970-meeyadii. Sida soomaalida oo kalena loo caayi jirey, laguna tilmaami jirey ma shaqeystayaal, balse maanta noqday qowmiyada ugu shaqo badan wadanka. Soomaalida waxey sheegeen in sanado kadib ay noqon doonaan Veitnamka oo kale, balse loo baahanyahay in la siiyo waqti la siiyo.

Hadalka khabiiradaas hadii aad ku sii daro, wax yar oo aan uga jeedo ifafaalahaasi ayaa waxa ay tahay: hadii aan nahay bahda Somaliskjobbklubb, waxaa nala soo xariiro dad aad u badan oo Somali ah kuwaas oo shaqo raadis ah, caawinaad u baahan, waxaana aragnaa in dadkaasi ay yihiin dad rajo fiican leh, ku dhiiran in ay shaqo raadsadaan, waxbarashadooda iyo heerkooda luqad ay aad u fiicantahay, taasina waxa ay noo tahay dhiiro galin aad u wayn in aan caawino bulshadeena u baahan caawinaada. 

Qore: Somalisk jobbklubb Team 

[adsenseyu2]

Jaaliyada soomaaliyeed ee Asker: Sharaxaad nalaga siiyo qaabkii ay wax u dhaceen

0

Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanka Asker, ayaa dalbaday in sharaxaad laga siiyo qaabkii ay u dhacday dhacdadii uu wiilka xanuunsan ee soomaaliga ah, uu falka dilka ah ugu geystay aabihii. Iyaga oo calaamad su´aal saarey iney suurtogal aheyd in falkan laga hortago inta uusan dhicin. Waxeyna codsadeen in banaanka la keeno dhamaan macluumaadka la xiriira falkan, si looga kaashaanto iney markale dhacdo musiibo noocan oo kale ah.

Wargeyska lokalka ah ee Budstikka ayaa warbixin ka qorey kulan ay isugu imaadeen qaar kamid ah soomaalida degan kommunaha Asker, gaar ahaan xaafada uu falkan ka dhacday. Kulankaas oo lagu soo hadalqaaday su´aalo dhowr ah oo la xiriira falkan. 

Dr. Maxamed Macalin iyo Khadar Elmi oo kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Asker, ayaa la hadlay wargayska Budstikka. Waxeyna sheegeen in soomaalidu ku nool deegaankaas ay isweydiinayaan su aalo ay kamid yihiin: Wiilka falka gaystay ee xanuunsanaa, caawintii uu u baahnaa maka helay hey´adaha caafimaadka?, kommunaha? iyo waliba hey´ada xanaanada caruurta?. Sidoo kale ma habooneyd in wiilka lagu hayo isbitaalka?, maxayse la xiriireen dhacdooyinka ay sheegeen in boolisku ay kala kulmeen wiilkan, inta uusan falka geysan.? Waxeyna codsadeen in dhamaan macluumaadka la xiriiro falkan, banaanka la keeno iyada oo la qurxineyn. 

Khadar Elmi oo ah gudoomiyaha ururka Sportiga Waryaa, ayaa sheegay inuu aabaha A.U.N uu la kulmay dhowr mar, markii ugu danbeysayna ay aheyd ku dhawaad sanad kahor. Wuxuuna markaas aabuhu ka wel-welsanaa caafimaadka maskaxeed ee wiilka, balse lama sheegi karin in wiilku  uu ahaa mid ku kici karay falal cunfi ah. 

Soomaalida kunool deegaanka Asker ayaa sheegay in aabaha iyo wiilkiisu ay ahaayeen kuwo aan xiriir fiican la laheyn jaaliyada soomaaliyeed ee Asker. Waxeyna wiika ku tilmaameen inuu ahaa mid aamusan oo aad u af-gaaban. 

Khadar iyo Dr Maxamed Macalin ayaa isku raacsan in dhacdadan ay ka weynaan karto wiilka iyo aabihii, loona baahanyahay in laga salgaaro. Iyaga oo cadeeyay in hadii ay jireen xanuuno maskaxeed, ay aheyd iney helaan gacantii caawineed oo ay u baahnaayeen.

Maxamed Macalin ayaa dhankiisa sheegay in hadii ay jirto cid howsheeda gabtay oo aan kasoo bixin, ay tahay in lala xisaabtamo.

Dhanka kale booliska ayaan wali soo saarin warbixinta buuxdo ee la xiriirta dhacdadan, iyaga oo sheegay iney wali wadaan baaritaano iyo wareysiyo ay la yeelanayaan dadka markhaatiga ahaa. Waxey sidoo kale sheegeen iney qiimeyn ku sameynayaan in wiilku uu xiskuusu taam ahaa, marka uu falka geysanayay. 

Xigasho/kilde: Budstikka

 

Somali Global Diaspora oo taageertay go-aanka dib u celinta soomaalida ee xisbiga FRP

0

Gudoomiyaha golaha Somali Global Diaspora, qeybtiisa Norway Luul Hassan Kulmiye ayaa sheegtay inay taargeensantahay go-aanka dib u celinta soomaalida ee kasoo baxey Sylvi Listhaug iyo xisbiga FRP. 

Luul kulmiye oo sabtidii lasoo dhaafey hadal ka jeedineysay xaflada dabaaldaga dhismaha maamulka cusub ee Hir-Shabeele oo ka dhacday magaalada Fredrikstad, ayaa sheegtay iney si aad ah u taageersantahay hadalkii madaxweyne Hassan Sh Mahamoud ee ku aadanaa dib u celinta soomaalida aan sharciga ku laheyn wadankan Norway.

Waxeyna sheegtay iney haboontahay in soomaalidaas ay dib ugu noqdaan wadankoodii, intii ay sharci ku la`aan ku rafaadi lahaayeen wadankan Norway oo aysan xuquuq ku laheyn. 

Gudoomiyaha ururka Somali Global Diaspora , qaybtiisa Norway ayaa sheegtay in dadka ka cabanaya iney dib ugu noqdaan Soomaaliya, ay ka fekeraan hadalada ay leeyihiin, maadaama Soomaaliya ay tahay wadankoodii, oo mar walbe ay mudanyihiin.

Waxaa nasiib daro aad u weyn lagu tilmaami karaa hadalka kasoo baxey GSD Norway, iyada oo jiraan ururo Norwiiji iyo ajaaniib isugu jiro, kuwaas oo har iyo habeen u dagaalamayo xuquuqda qoxootiga soomaaliyeed ee Norway ku dhibaateysan.  

Halkan ka daawo hadalka Gudoomiyaha GSD Norway.

[adsenseyu2]

 

Yuusuf garaad fariintan gaarsiiya.

0

Dhamaadkii bishii Maarso ee sanadkan 2016, ayey dowlada Norway soo saartey wareegto ku saabsan dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Norway. Gaar ahaan kuwii magangalyada helay wixii ka horeeyay 1.October 2014, walina aan qaadan sharciga degenaanshaha rasmiga ah. 

Go-aanka dib u qiimeynta sharciyada magangalyada, waxey dowlada Norway ku sababeysay in xaalada amaan ee Soomaaliya, gaar ahaan caasimada Muqdisho ay soo hagaagtay, sidaas darteed dadka lagu celin karo. 

Waxey noqotay markii ugu horeysay ee taariikhda dowlad Yurub kutaalo, ay gaarto go-aan dib loogu qiimeynayo sharciyada magangalyada qoxooti wadanka kunool, wax ka barta, ka shaqeysto, caruurna ku dhaley. 

Hay-adaha ka shaqeeyo xuquuqda aadanaha, kuwa caawiyo qoxootiga iyo hey-adaha madaxa banaanba, waxey dhamaantood isku raaceen in xaalada amaan ee Soomaaliya, aysan aheyn mid wali fadhido oo Stabile noqotay. Sidaas darteedna aan lagu celin karin qoxooti nolol ku heysto wadan kuyaalo qaaradan Yurub.

Inkasta oo dowlada Norway ay rabto iney qoxooti soomaaliyeed dib ugu celiso Soomaaliya, hadana waxey muwaadiniinteeda uga digeysaa iney u safraan Soomaaliya, sababa la xiriiro amaanka. Dowlada Norway waxey ku hadleysaa lab af oo kala duwan: 1) Soomaaliya waa nabad, qoxootina waa lagu celin karaa. 2) Soomaaliya nabad ma ahan, ee yaan loo safrin. 

Go-aanka dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Norway, wuxuu dhiilo iyo cabsi galiyay dad badan oo soomaali oo ku dhaqan wadankan Norway, gaar ahaan dadka uu saameynta ku yeelanayo go-aankan. Dadkan oo isku dar gaarayo ku dhawaad 2000 oo qof ayaa isugu jiro dhalinyaro wax ka barata iskuulada iyo jaamacadaha wadanka, dhalinyaro ka shaqeysto tagaasida iyo shaqooyinka kale ee yaryar, iyo waliba qoysas soomaaliyeed oo wadanka ku dhaley caruur, iskuulana ay u dhigtaan. 

 

7-dii bishan aan kujirno ee November, ayey hey-ada qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga aduunka warqad usoo dirtey dowlada Norway, gaar ahaan wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi Listhaug. Warqadaas oo ay ku codsanayaan inaan sharciyada magangalyada lagala noqon qoxootiga soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan, maadaama xaalada amaan ee Soomaaliya aysan wali gaarin heer qoxooti lagu celiyo. 

Qaramada midoobey ayaa sheegtay in dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Norway, ay xadgudub ku noqon karto qodobka C1 ee xeerka qoxootiga caalamiga ee qaramada midoobey u dagsan. Qodobkaas oo dhigayo in hadii dowlad ay rabto iney wadankoodii ku celiso qoxooti sababo la xiriira isbadal dhinaca nabadgalyada ah, ay muhiim tahay in la helo labo qodob. 1) In isbadalkaas nabadgalyo uu yahay mid dhameystiran, dhibaatana aan looga cabsi qabin iney soo gaarto dadka la celinayo 2) In isbadalkaas uu yahay mid waarayo oo aan laga cabsi qabin inuu isbadal kale ku yimaado dhawaanahan. 

UNCHR ayaa warqada codsiga ah ee dowlada Norway ay usoo dirtay ku cadeysay in isbadalka dhinaca amaanka ee Soomaaliya ka dhacay, uusan buuxin karin labadaas qodob. Waxeyna sheegeen in dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobalada koonfurta iyo Soomaaliya, ay wali dhibaatooyin kasoo gaaraan iska horimaadyada ka dhaca deegaamadaas.(Hoos ka akhri warqada qaramada midoobey ay usoo dirtay dowlada Norway)

Yuusuf Garaad fariintan gaarsiiya: 

Nasiib wanaag waxaa isku soo aadey codsiga qaramada midoobey ee dowlada Norway, iyo la wareegista uu Yuusuf Garaad Cumar la wareegay xilka safiirka qaramada midoobey u fadhiyo Soomaaliya. Yuusuf garaad soomaalida intooda badan, wey yaqaaniin oo warbixin ugama baahna.

 Hadaba  Bahda NorSom News, waxaan fariintan ku saabsan xaalada qoxootiga soomaaliyeed ee Norway u direynaa safiirka qaranka iyo shacabka soomaaliyeed u fadhiya Qaramada Midoobay. 

Yuusuf garaadow marka hore hambalyo, xilka qaran ee laguu dhiibeyna ilaahey hakugu garab galo. Marka labaad kusoo dhawoow xilka matalaada qaran dadkiisu ay ku kala daadsanyihiin dacalada aduunka. Intaas kadib: 

Anaga oo og in xilka laguu dhiibay uu yahay mid weyn oo wata culeyskiisa shaqo, hadana gafka laga galayo 1600 oo muwaadiniin soomaaliyeed ah, ma ahan wax qof muwaadin diirnaxayo uu indhaha ka fiirsan karo. 

Anaga oo og in shaqada aad ku cusubtahay, walina aadan salka dhulka la helin, hadana warqada codsiga ah ee kasoo baxdey qaramada midoobey, waa warqad saameyn balaaran leh, una baahan in sida ugu macquulsan looga faa´iideysto inta ay cusubtahay.

Mar horeba 200 oo qof oo soomaali ah, ayaa loo soo diray warqada loogu sheegayo in sharcigii magangalyada lagala noqday, boqolaal kalena wadnaha ayey farta ku hayaan. Maalin walbana waxey fiiriyaan Postada ay ugu soo dhacaan waraaqaha, iyaga oo ka cabsanayo iney helaan fariin lamid ah kuwa loo soo diray dadkii ka horeeyay. 

Shacabka soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan, waxey codsiyo iyo qeylo dhaan gaarsiiyaan dowlada Somaliya ee federalka ah. Marka laga reebo sarbeeb yo dhago-hadal, ilaa hada wax war ah dowlada Soomaaliya kama soo saarin go-aanka dowlada Norway. Waxaaba jiro tuhun ah in dowlada Soomaaliya ay tahay mida saxiixday heshiiska dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Norway. Sidaas darteed jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, waxey ka niyad jabeen dowladii oo ay ku haminayeen iney ka heli doonaan garab iyo maciin. 

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, waxey abaabuleen mudaaharaadyo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan go-aanka dowlada Norway. Balse go-aan dowladeed waxaa badali kara ama saameyn ku yeelan kara, go-aan kale oo kasoo baxa dowlad ama urur ay ku mideysanyihiin dowlado, sida qaramada midoobay oo kale.   

Warqada kasoo baxdey qaramada midoobey waxey u baahantahay inaan halkaas looga harin ee la qaado talaabo run ah oo saameyn ku yeelan karta go-aanka dowlada Norway ee dib u celinta qoxootiga. 

Waxaad fadhidaa xaruntii qaramada midoobey adiga oo matalayo qarankii iyo shacabkii soomaaliyeed. 2000 qof ee caawa Norway ku wel-welsan, waxey kamid yihiin dadka aad matashid oo xilka safiirnimo aad u heysid.

Waxaan kugu tuhmeynaa inaad leedahay awood iyo saameyn wax uun ka badali karta xaalka qoxootiga soomaaliyeed ee Norway. Sidaas darteed waxaan kaa codsaneysaa inaad awoodaada, kartidaada, saameyntaada, aqoontaada iyo xiriirkaaga diblimaasiyadeed aad ugu adeegto muwaadiniintan soomaaliyeed ee ku dhibaataysan wadankan Norway.

 

Waxaan ka codsaneynaa qof walba oo xiriir toos ah iyo mid dadban la leh Yuusuf Garaad Cumar in fariintan gaarsiiyo. 

Warqada codsiga qaramada midoobey:

 

15139327_10157895603110389_358547430_n

15128721_10157895603310389_1100365930_n

Booskii aan baneeyay Bushro halagu badalo, maadaama aan Norway anigu ka guuray

0

Dadka kunool deegaanka deegaanka Hadsel ayaa wali sii wada taageerada ay u muujinayaan, Bushro Jamac oo ah gabar soomaaliyeed oo laanta socdaalku ay kala noqotay sharciga magangalyada.

Waxyaabaha lagu qabsaday gabadhan ayaa waxaa kamid ah, macluumaad ay hay-ada laanta socdaalku kasoo heshay barta bulshada ee Facebooga. 

Haweenay norwiiji ah oo lagu magacaabo Tess Enge Bermond ayaa soo jeedisay fikrad cajiib ah. Waxeyna ka codsaday hey-ada laanta socdaalku, iney Bushro ku buuxiyaan booskii ay baneysay, maadaama ay ayadu hada ka guurtay Norway oo degantahay wadankanka Fransiiska.

Haweenaydan ayaa sheegtay iney iskeed u dooratay iney ka guurto wadankii ay ku dhalatay kuna kortay ee Norway, iyada iyo labo caruur ah oo ay dhashay. Sidoo kale waxey sheegtay ineysan wax caawimaad ka helin hey-adaha dowlada ee lacagta siiya waalidiinta caruurta dhaley. 

Tess Enge ayaa ka codsatay UDI-da, in Bushro iyo labadeeda ilmood lagu badalo booskii ay iyada iyo caruurteedu baneeyaan. Sidaasna hooyadan soomaaliyeed iyo caruurteeda loogu ogolaado iney wadanka sii joogaan, gaar ahaan deegaanka Hadsel oo labada caruur ah ay ku dhasheen. 

Anigu wadanka hada waan ka guuray oo wax canshuur ah ma soo galin karo sanduuqa dowlada, balse Bushro iyo Cabdinaasir labaduba way shaqeeyaan, canshuurna wey bixiyaan. Sidaas darteed guuritaankeygu khasaaro uma ahan wadanka, sababtoo ah waxaad hesheen labo qof oo canshuur bixiya, sidaasna sanduuqa canshuurta dowlada ayaaba faa iido ku qabo.

Sanado kadib markii caruurteedu ay weynaadaan, waxaad hesheen afar qof oo canshuur bixiyeyaal ah. afar qof ayaad ku hesheen booskii kaliga ahaa ee aan anigu baneeyay.

Haweenaydan ayaa sheegtay in deegaanka ay Bushro ku nooshahay uu yahay meel ay dadku aad isaga guuraan, sidaas darteed ay Bushro iyo qoyskeedu ay faa´iido u yihiin deegaanka, waxbadan ay kusoo kordhin karaan. 

Waxay sidoo kale sheegtay in Bushro ay tusaale muuqdo oo lagu daydo u tahay soomaalida ku dhaqan deegaankaas, maadaama ay si weyn u dhexgashay bulsho-weynta. Taasna ay tahay mid muhiima oo mudan in fiiro gaar ah loo yeesho.

Tess Ange ayaa bilowga qoraalka ay kusoo daabacday wargeyska Bladet Vesterålen ku bilowday hadal kaftan dhable ah. Kaas oo ay ku sheegtay in wixii hada ka danbeeyo, ay ka fiirsan doonto qofka ay Facebooga ugu yeerayso «walaal». Maadaama UDI-du ay baaritaan ku sameeyeen facebooga Bushro halkaasna ay ka heleen macluumaad ay u adeegsadeen iney sharciga magangalyada kala noqdaan.

Xigasho/kilde: Bladet Vesterålen.

[adsenseyu2]

Skremmende politikk: Det er mye redsel og frykt i det somaliske miljøet i Norge nå.

0

Abdullahi Elmi Ibrahim : Lærer i Bergen

Innvandrings- og integreringsminister Sylvi Listhaug (Frp) uttalte nylig at så mange som 1600 somaliere kan få revurdert deres oppholdstillatelse. Det gjelder somaliere som fikk opphold fra 2012 til 2014.

Nyheten skaper naturligvis mye usikkerhet for dem det gjelder, men det skaper også usikkerhet for andre somaliere. Det er derfor mye redsel og frykt i det somaliske miljøet i Norge nå.

Mange tror at dette bare er starten på en skremmende politikk som vil berøre mange andre somaliere i fremtiden, uansett om du kom for fire eller førti år siden.

Somaliere spør seg hvorfor dette skjer nå. Noen peker på at det snart er stortingsvalget, og at Frp ønsker å spille sine kort for å vinne så mange stemmer som mulig. Her vil de skape et bilde av at de vil kvitte seg med uønskede innvandrere, særlig somaliere som er den største ikke-vestlige gruppen med innvandrerbakgrunn.

En annen teori er at siden Norge er et populært land for mange flyktninger og asylsøkere, ønsker man skremme dem vekk. Norske myndigheter ønsker å vise at det ikke er så lett her, og at man må tenke seg om to ganger før man søker asyl i Norge. Derfor er målgruppen man retter dette mot, ikke dem som allerede er her, men dem som er på vei hit.

Det virker som om norske myndigheter taler med to tunger. Innvandrings- og integreringsministeren Sylvi Listhaug hevder at Somalia er et trygt land å reise til, derfor kan så mange somaliere returneres. Samtidig fraråder Utenriksdepartementet å reise til Somalia fordi det er så uoversiktlig og utrygt. Jeg tolker det slik at denne fraråding gjelder norske statsborgere. Men er det trygt nok for andre som allerede har flyktet fra landet?

En somalisk kvinne sa dette til meg: «Jeg har fått tilbud om å reise til Somalia frivillig, og jeg får økonomisk hjelp av norske myndigheter for å etablere meg i Somalia. Men jeg er redd for at jeg mister alt når jeg kommer til Somalia, fordi myndighetene vil kreve at jeg gir fra meg det jeg har fått med fra Norge. Hvis jeg nekter, kan jeg risikerer å bli arrestert uten grunn».

Det finnes mange lignende historier fra andre somaliere. Så spørsmålet er: Har norske myndigheter god oversikt over folk som blir returnert til Somalia? Har de kartlagt hvordan det går med dem?

Jeg er redd for at mange som blir tvangsreturnert slutter seg til ulike opprørsgrupper i Somalia, særlig er jeg veldig bekymret for ungdommer. Fordi dette er en sårbar gruppe, kan de lett ta valg som ikke er særlig godt gjennomtenkt. For det første tenker man at for å overleve, er eneste mulighet å slutte seg til slike opprørsgrupper. For det andre kan man bli tvunget inn. Dette kan sette mange i en håpløs situasjon med fare for livet hvis norske myndigheter ikke gjør et grundig arbeid på forhånd.

Jeg er ikke i mot at somaliere returnerer til Somalia, men jeg er imot tvangsbaserte returer. Jeg er overbevist om at mange somaliere kommer til å returnere til Somalia når situasjonen bedrer seg. Norge bør bruke sin påvirkningskraft og innflytelse i Somalia til å gjøre landet mer stabilt. Da vil mange somaliere reise tilbake frivillig.

Jeg blir trist når jeg hele tiden får høre at alle somaliere kom hit fordi de er lykkejegere. Forstår ikke folk at det ikke er lett å reise fra hjemlandet uten grunn? Jeg nekter ikke for at det kan være noen som er lykkejegere, men å si at det gjelder for alle, er svært langt fra sannheten.

Jeg vil sterkt utfordre norske myndigheter til å tenke seg om. Det er ikke galt i seg selv å returnere folk til hjemlandene sine, men jeg synes ikke at det er riktig tidspunkt nå for somaliere. Landet ser ut til å komme seg ut av elendigheten etter å ha vart i krig i mer enn 26 år, men jeg tror at det er for tidlig å sende folk tilbake nå.

NB!: Denne artikkelen var først publisert i Bergens tidende.

[adsenseyu2]

VOA-da oo warbixin ka diyaarisay codsiga qaramada midoobey ee dowlada Norway

0

Idaacada codka Mareykanka, qeybteeda af soomaaliga ayaa warbixin ka diyaariysay warqadii qoraalka aheyd ee hey-ada qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga, ay usoo dirtay dowlada Norway. Warqadaas oo ay ku codsadatay inaan sharciyada magangalyada lagala noqon qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway.

Sidoo kale dhamaan warbaahinta Norway qaybaheeda kala duwan, iyo waliba warbaahinta kale ee aduunka intiisa kale, ayaa shaley iyo maanta si weyn u hadalhayay codsiga qaramada midoobey ee dowlada Norway.

Warqada codsiga qaramada midoobey, ayaa leh culeys aad u balaaran, maadaama UNHCR ay waxbadan ka ogtahay xaalada guud ee soomaaliya. Waxa kaliya ee laga war-dhowrayo waa sida ay dowlada Norway uga jawaabto codsiga qaramada midoobey.

Si kastaba ha ahaatee qeylo-dhaanta qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway, ayaa gaartay dhamaan daafaha caalamka, iyada si weyn looga hadalhayo dhulalka ay soomaalidu degto. Iyo waliba baraha bulshada.

Halkan ka dhageyso warbixinta VOA-da.

[adsenseyu2]

 

Sh Maxamed Idriis oo socdaal dacwo ku joogo woqooyiga Norway.

0

Sheikh Mohamed Idriis oo kamid ah culimida soomaaliyeed ee caanka ah, ayaa socdaal shaqo ku joogo woqooyiga Norway, gaar ahaan magaalada Tromsø. 

Sheikh Idriis ayaa bartiisa facebooga soo dhigay muuqaal uu ka duubay isaga oo markaas ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Tromsø. Waxa uuna sheegay inuu sii joogayo gobaladaas woqooyi ee Norway in mudo ah, isaga soo mari doono magaalooyin dhowr ah oo gobalkaas kamid ah. 

Qaar kamid ah dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Harstad, ayaa sheegay in sheikh Idriis uu axada soo gaari doono magaalada Harstad, isaga oo halkaas muxaadaro ka jeedin doono. 

Mohamed Idriis ayaa marar badan socdaal dacwo u yimid Norway, gaar ahaan Oslo. Balse markan wey ka duwantahay mararkii hore, maadaama uu aaday woqooyiga wadankan Norway oo ah deegaamo inta badan ay culimada iyo dadka kale ee booqashada ku yimaado Norway aysan u gudbin.

 

Taliyaha laanta socdaalka: Norway dadka iyagaa kasoo noqdo ee qasab laguma soo celiyo

1

Taliyaha laanta socdaalka dowlada soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi oo wareysi siinayay mid kamid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka laga soo dajiyayay garoonka Muqdisho ee laga keenay Norway, ay ahaayeen dad iyagu iskood u goostay iney Soomaaliya dib u noqdaan.

Taliye Koofi ayaa sheegay in haba yaraatee aysan jirin dad si khasab ah looga soo celiyay Norway, oo laga soo dajiyay magaalada Muqdisho. Isla markaana ay laanta socdaalku kahor tagi laheyd hadii ay jiraan dad si khasab ah Soomaaliya loogu soo celiyay.

Halka ka daawo wareysiga Koofi oo dhameystiran

Maxaa run ah:

Ururka magangalyo doonayaasha Norway ee NOAS ayaa sheegay in sanadkan gudahiisa Soomaaliya ay dowlada Norway ku celisay dad gaarayo ilaa 8 qof. Sidoo kale bishii September ee sanadkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in Soomaaliya loo masaafuriyay dad soomaaliyeed soomaaliyeed oo gaarayo ilaa 10 qof.

Halkan ka daawo mid kamid ah dadka sida qasabka ah Soomaaliya looga dajiyay oo wareysi siinayo TVga universal.

Halkan ka dhageyso codka muwaadin kale oo soomaali oo Norway laga tarxiiley bishii September ee sanadkan.

Halkan ka dhageyso muwaadin 3-aad oo soomaali ah oo Norway laga tarxiilay

Dadkan ayaa badankooda u badan kuwa si khasab ah wadanka looga saarey, waxeyna intooda badan la sheegay iney ka koobanyihiin dad wax danbiyo ah aan wadanka ka galin, balse loo diiday sharciga magangalyada wadankan Norway.

Bishii October ayey dowlada Norway soo saartey go-aan ah iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada ilaa 1600 qof oo soomaali, waxaana kamid ah haween iyo caruur qaarkood ay wadankan ku dhasheen ama ku koreen. 

 

[adsenseyu2]

Wiilkii xanuunsanaa ee aabihii dilka u geystay oo xabsi-isbitaal loo wareejiyay.

0

Jaraaidyada Norway ayaa ugu danbeyn qorayo, in wiilkii soomaaliga ahaa ee shaley dilka u geystay aabihii, uu ahaa qof maskax ahaan u xanuunsanaa. Warkaas oo warbaahinta NorSom News ay shaley ka xaqiiqsatay, dadka soomaaliyeed ee degan kommunaha Asker. 

Wargeyska Aftenposten ayaa maanta qoray in wiilkan 20-jirka ah loo wareejiyay isbitaalka, halkaasna uu shaley kula kulmey dhakhtarka booliska oo baaritaan ku sameeyay.

Cecilie oo ah qareenka loo magacaabay wiilkan, ayaa Aftenposten u xaqiijisay in wiilkan uu ahaa mid horey maskax ahaan u jiranaa. Waxeyna sheegtay ineysan wali helin macluumaadka ku saabsan mudada uu wiilkan xanuunsanayay. 

Booliska ayaa sheegay iney shaley isku dayeen iney wareystaan wiilkan, balse waxey sheegeen iney ka suurto galiwayday xagiisa, sidaas darteedna ay go-aansadeen iney isbitaalka geeyaan, si dhakhtarka boolisku uu baaritaan ugu sameeyo. Dhakhtarka booliska ayaa badanaa ah, kan qiimeeyo dhameystirka maskax-ahaaneed ee qofka loo heysto danbiyada. 

Dhanka kale booliska ayaa diiday iney saxaafada warar dheeri ah ka siiyaan arinta ku saabsan geerida ku timid marxuumkan soomaaliyeed, iyaga oo sheegay iney warbixin dhameystiran soo saari doonaan, marka ay dhameeyaan baaritaanka ay ku hayaan dhacdadan. 

Xigasho/kilde: Aftenposten-Papiravis(Torsdag 17-11-2017-side 12)

[adsenseyu2]

 

War deg-deg ah: Qaramada midoobey oo dowlada Norway ka codsatey in sharciyada magangalyada aan lagala noqon qoxootiga soomaaliyeed

0

Les saken på norske helt nederst, der det står xigasho/kilde:


Hey-ada qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga aduunka ee UNHCR, ayaa warqad qoraal ah oo ay usoo dirtay wasiirada arimaha soo galootiga Norway, ku codsaday in qoxootiga soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan aan lagala noqon sharciga magangalyada qoxootinimo.

UNHCR ayaa warqadeeda ku cadeysay in xaalada nabadgalyo ee magaalada Muqdisho iyo waliba guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, aysan aheyn mid amaan ah. Isla markaana si khasab ah aan loogu celin karin dad qoxootinimo kujoogo wadamo kale. Waxeyna ka codsatay dowladaha xubnaha ka ah hey-adan, in qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulalkooda aysan kala noqon magangalyada qoxootinimo.  

Hey-adan qaramada u midoobey u qaabilsan ilaalinta xuquuqda qoxootiga ayaa sheegtay, in dagaalada iyo iska horimaadyada ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ay wali saameyn aad u balaaran ku leeyihiin dadka shicibka ah ee kunool deegaamadaas. Sidoo kale waxey sheegtay in caruurta iyo dhalinyarada kunool deegaamadaas, lagu khasbo iney qeyb ka noqdaan iska horimaadyada gudaha ah ee sida maalinlaha ah u dhaca. Waxeyna sheegtay in awooda ilaalinta shacabka ee laga fili karo ciidanka iyo boolisku deegamadaas, ay tahay mid aad yar.

[adsenseyu2]

UNHCR ayaa sheegtay iney taageersantahay dadka raba iney iskood ugu noqdaan Soomaaliya, balse ay si aad ah uga soo horjeedo in qoxooti soomaaliyeed si khasab ah loogu celiyo Soomaaliya xiligan hada la joogo. 

volker-turkVolker Türk oo ah caawiyaha gudigan difaaca qoxootiga u qaabilsan hey-adan, ayaa warqada uu usoo direy Sylvi Listhaug si cad oo mugdi kujirin ugu qeexay in dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee xiligan, aysan waafaqsaneyn xeerka qoxootiga aduunka, qodobka 1C.

Qodobka 1C ee xeerka qoxootiga qaramada midoobay, ayaa dhigayo in hadii qoxooti lagu celinayo dhulkii ay ka yimaadeen sababo ku yimid isbadalka amni owgood, ay muhiim tahay in isbadaladaas ay yihiin kuwa waarayo oo dhamaystiran. 

Waxeyna sheegeen in xaalada amaan ee Soomaaliya, gaar ahaan caasimada Muqdisho aysan buuxineyn shuruudahaas kor ku xusan, isla markaana ay tahay mid aan wali fadhiyin oo la isku haleyn karin. 

ann-magrit3Ann Magritt Austenå oo ah madaxa hey-ada magangalyo-doonayaasha Norway(NOAS), ayaa Dagbladet u sheegtay in warqada ay soo dirtay qaramada midoobey ay cadeyn u tahay in dowladu ay jabin rabto mid kamid ah xeerarka qoxootiga aduunka.

Waxey sidoo kale sheegtay in warqadan ay fariin cad u tahay in Norway ay si guracan u turjumatay xaalada amaan ee Soomaaliya. Iyo waliba sida qaabka daran ee dowladu ay arintan u dhigtay.

Ann Magritt ayaa sidoo kale ku boorisay xisbiyada KRF iyo Venstre iney ka fiirsadaan taageeradooda dowlada ee  ku aadan qodobkan dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed. 

Wasiirada arimaha soo galootiga Norway dowlada Norway, sylvie Listhaug ayaa sheegtay iney warqad ka heshay hey-ada qaramada u qaabilsan qoxootiga, taas looga codsaday iney ka fiirsadaan go-aankooda ku aadan dib u qiimeynta magangalyada qoxootiga. 

Listhaug ayaa sheegtay in dowladu Norway ay go-aankeeda ku saleyneyso qiimeynta ay sameysay Landinfo, oo ah waax madaxbanaan oo katirsan hey-adaha dowlada ee qaabilsan arimaha dibada. Waxeyna sheegtay iney Landinfo ay aheyd kuwii soo qiimeeyay xaalada amaan ee Soomaaliya, UDI-duna ay isticmaaleyso qiimeyntooda. 

Wasiiradan oo hadalkeeda sii wadato ayaa sheegtay in kiisaska dadka arintan ay khuseyso mid walba loo qiimeyn doono si gooni ah, isla markaana dib loogala noqon doono qofka sharciga magangalyada, hadii ay muuqato inuusan magangalyo u baahneyn. Listhaug ayaa sidoo kale sheegtay in dowlada Norway ay dhowri doonto qodobada xeerka qoxootiga aduunka. 

Sylvi ayaa sheegtay iney jawaab ka bixin doonto warqada qaramada midoobey inta aysan faah-faahin dheeraad ah ka bixin.

Siyaasiyiinta soomaaliyeedow fadhi idiinma yaalo ee kaca:

Dowlada Norway waxey bari kamid ahaan jirtay dowladaha loogu xurmad badan yahay, marka la eego ilaalinta xuquuqda qoxootiga. Inkasta oo sumcadaas ay hada hoos usii dhaceyso, hadana wali waxaa Norway lagu tiriyaa wadamada ilaaliya xuquuqda qoxootiga.

Siyaasiyiinta iyo xisbiyadu intooda badan waxey sheegaan iney dhowraan xeerarka iyo shuruucda u dagsan qoxootiga caalamka.  Sidaas darteed warqadan kasoco hey-ada ugu sareysa qaramada midoobey ee qaabilsan qoxootiga waxey noqon kartaa cadeynta ugu weyn ee sheegaysa in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan aheyn mid dhameystiran.

Siyaasiyinta soomaaliyeed ee kujiro golayaasha deegaanka ama xisbiyada, waxey warqadan ka dhigan karaan cadeynta ugu weyn ee yaalan karta saameynta ugu balaaran. Hadii UNCHR ay warqad kasoo dirtay New-York idinka siyaasiyiinta ah ee joogo Norway, maxaad sugaysaan? 

 

Xigasho/kilde: Dagbaldet

[adsenseyu2]

Agaasimaha wasaarada qorsheynta: Dowlada wax qorshe ah uma diyaarin qoxooti yurub laga soo celiyay.

0

Agaasimaha wasaarada qorsheyta iyo xiriirka caalamiga ee dowlada federaalka Somaliya, ayaa shaley warbaahinta NorSom News u sheegay in dowlada Soomaaliya, aysan wax qorshe ah u diyaarin qoxooti soomaaliyeed oo yurub laga soo celiyay.

Agaasimaha oo shaley ka qeybgaley kulan ka dhacay Oslo, ayaa ka warbixiyey qorshaha horumarinta qaranka ee dowlada federaalka ah Soomaaliya, isaga oo ku booriyey qurbo joogta soomaaliyeed, iney ka qeybqaataan dib u dhiska dalka. 

NorSom News ayaa shirka kadib agaasimaha waydiisay su´aal ku saabsaneyd dib u qiimeynta ay dowlada Norway sheegtay iney ku sameyn doonto sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway, maadaama xaalada dalka ay soo hagaagtay.

Agaasimaha ayaa sheegay in xaalada amaan ee Soomaaliya ay maanto wax badan dhaanto meeshii ay joogtay sanado kahor, balse aysan wali gaarin heer 100% amaan ah. Wuxuu sheegay inuu wararka saabsan dib u celinta uu maqlay inta uu Norway joogay, balse uusan heynin warbixin buuxdo oo dhab ah, marka laga reebo warar uu dadka ka maqlay. 

Sidoo kale wuxuu cadeeyay in hadii Soomaaliya ay amaan 100%  ahaan laheyd, aysan u baahneyn laheyn ciidamo shisheeye oo waardiyeeyo amaanka madaxda iyo shaqaalaha dowlada. 

Wixii siyaasad ah waa meesheede, balse anigu shaqsi ahaan ma aaminsani in Soomaaliya ay maanto joogto heer ay gaartay iney dib u qaabisho qoxooti soomaaliyeed oo dowladahan yurub magangalyo ka helay.

Waxaan weydiinay in dowlada Somaliya ay arintan qorshe u diyaarisay, hadii ay dhacdo in qoxooti soomaaliyeed oo yurub laga soo celiyay la keeno Somalia:

Agaasimaha ayaa sheegay in arinta dib u celinta qoxootiga aysan aheyn mid u fudud sida loo sheegayo, maadaama ay jiraan xeerar caalami ah, kuwaas oo dhowraya xuquuqda qofka magangalyo doonka ah. Isla markaana ay jiraan hey-ado badan oo qaramada midoobey arintaas dhowristeed ay u xilsaartey. 

Wuxuu dhanka kale sheegay inuusan jirin qorshe dagsan oo dowlada Soomaaliya ay u diyaarisay arintan, inta uu ka warqabo isaga iyo wasaaradiisa qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah.  

 

[adsenseyu2]

Asker: Wiil soomaali ah oo madaxa ka xanuunsan oo aabihii ku dilay Asker

0

Shaley fiidkii ayaa waxaa magaalada Asker ka dhacay fal naxdin leh. Wiil soomaali ah oo la sheegay inuu madaxa ka xanuunsanyahay, ayaa dil u geystay aabihii oo ay guri ku wada noolaayeen. Wiilkan oo 20-jir ah ayey boolisku ka qabteen afaafka guriga uu falkan ka dhacay.

Booliska ayaa sheegay inay telefon ka heleen dadka dariska  la ah guriga ay wax ka dhaceen. Markii ay soo goobta soo gaareene, ay heleen meydka qof, iyaga oo wiil labaatan jir ahna ka qabtay agagaarka guriga uu falkan ka dhacday. Waxaana hada wiilkan lagu eedeeyay inuu yahay qofka ka danbeeyo dilka. Booliska ayaa sidoo kale sheegay inaysan wax wareysi ah wali la yeelan wiilka, balse ay si kumeel gaar ah u xireen. 

NorSom News ayaa ka xaqiiqsatay dadka deegaanka Asker in aabahan dhintay iyo wiilka falka ka danbeeyeyba ay yihiin soomaali. Sidoo kale dadka aqoonta u leh qoyskan soomaaliyeed, ayaa noo sheegay in wiilkan uu ahaa mid madaxa ka yara xanuunsan, marar badana la geeyay goobaha dadka maskax ahaan u jiran lagu xanaaneeyo. 

Booliska ayaa sheegay iney meydka baaritaan ku sameyn doonaan maanta oo arbaco ah, ayna xaqiijin doonaan sababta kaliftay geeridiisa. 

Nin daris dhow la ah guriga ay wax ka dhaceen, ayaa sheegay inuu arkay wiilka  dilka ka danbeeyay oo guriga orod uga soo baxayo, isaga oo dhiig ku haleysanyahay. Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in wiilkan uu galey guri dariska ah, waxaana gacan lagu siiyey inuu wargeliyo booliska.  

Dadka dariska la ah guriga uu falku ka dhacay, ayaa wargeysyada lokalka ah u sheegay in wiilka hada la qabtay iyo aabihii ay guriga wada degenaayeen ilaa dhowr sano. Waxeyna sheegeen iney jireen dacwado ay horey u gudbiyeen qaar kamid ah dadka dariska, kuwaas oo ku saabsan qeylo iyo buuq gurigan ka dhex dhici jiray. 

Wargeyska lokalka ah ee Budstikka ayaa ilaa shaley warbixino isbadabo joog ah ka qorayay dhacdadan, kuwaas oo baqdin iyo cabsi galiyay dadka deegaanka. Dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Asker ayaa sheegay in wargayska Budstikka uusan si fiican u qeexin in wiilka falka geystay uu ahaa mid madaxa ka xanuunsan. 

Xigasho/kilde: Budstikka 1, Budstikka 2, Budstikka 3, TV2 MSN 

[adsenseyu2]

 

Aljazeera: Al shabaab oo la wareegtay deegaamo cusub oo koonfurta iyo bartamaha Somalia ah

0

Du kan lese saken på engelsk helt nederst, der det står kilde/xigasho.


Ururka al shabaab ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay la wareegay, gacan ku heynta ilaa 10 deegaan oo dhaca bartamaha iyo koonfurta Somalia. Tv-ga Al jazeera ayaa booqasho ku tagey xeryo ay ku tababartaan dagaalyahanada xarakada Al shabaab, kuwaas oo diyaar garow ugu jiro la wareegista deegaano cusub oo la filayo iney ka baxaan ciidamada dowlada Ethopia. 

Al shabaab ayaa bishii ugu danbeysay la wareegay hgacan ku heynta afar degmo iyo tuulooyin hoos taga. Waxeyna isku dar sanadkan gudahiisa dib ula wareegeen ilaa 10 degmo iyo tuulooyinka hoos taga.

Dadka indha-indheeyo xaalada Soomaaliya ayaa sheegayo in ururka al Shabaab ay kusoo xoogeysan karaan koonfurta iyo bartamaha Somalia, hadii ay ciidamada Ethopia ay ka baxaan deegaanada ay hada Joogaan. Waxayna taas u sababeeyeen dowlada dhexe ee Somalia oo aan laheyn awood ciidan, oo ay ku difaacdo deegaanada ay baneeyaan ciidamada Ethopia. Waxaana dhawaan dalka ka dhici doono doorashada madaxtinimada dalka. Al shabaab ayaa deegaanada ay qabsadaan ka qorto dagaalyahano cusub oo u badan caruurta iyo dhalinyarada deegaanka, kuwaas oo ay u adeegsadaan ka qeybqaadashada dagaalada iyo howlgalada ay ka fuliyaan deegaamada kale.

Soo xoogeysashada al shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa kusoo aadeyso xili dowlada Norway ay sheegtay iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Norway. Waxaana arintaas ay u sababeysay in xaalada amni ee qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ay soo hagaagtay kadib markii laga saarey deegaanadaas ururka al shabaab.

Kilde/xigasho: Aljazeera news

[adsenseyu1]

 

TV 2 oo warbixin ka diyaariyey Bushro Jama iyo qoyskeeda.

0

Warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Hadsel, ayaa maalmihii ugu danbeeyay si weyn u hadalhayay xaalada Bushro iyo qoyskeeda lasoo daristay. Hadalheynta wargeysyada lokalka ah ay hadalhayeen Bushro, waxey sababtay iney taageero weyn ka hesho dadka deegaanka, kuwaas oo u dhigey sadex mudaaharaad, si weyn u garab istaagay.

Muuqaal-baahiyaha weyn ee TV2, ayaa maanta warbixin ka diyaariyey Bushro Jama iyo qoyskeeda, waxaana warka durba kasii qaatey warbaahinta kale ee wadanka.

TV2 ayaa UDI-da ka weydiiyay su´aal ku saabsan sababta ay Bushro loo gala noqday sharciga magangalyada, waxeyna sheegeen ineysan wax kommenti ah ka bixin-karin, maadaama uu kiisku wali socdo. Balse waxey sheegeen in facebook iyo baraha kale ee bulshadu ay kamid yihiin, waxyaalaha ay ka hubiyaan aqoonsiga-shaqsiyadeed ee qofka.

Halkan ka daawo warbixinta TV 2  ee Bushro iyo qoyskeeda.

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.