Yuusuf garaad fariintan gaarsiiya.

0
62

Dhamaadkii bishii Maarso ee sanadkan 2016, ayey dowlada Norway soo saartey wareegto ku saabsan dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Norway. Gaar ahaan kuwii magangalyada helay wixii ka horeeyay 1.October 2014, walina aan qaadan sharciga degenaanshaha rasmiga ah. 

Go-aanka dib u qiimeynta sharciyada magangalyada, waxey dowlada Norway ku sababeysay in xaalada amaan ee Soomaaliya, gaar ahaan caasimada Muqdisho ay soo hagaagtay, sidaas darteed dadka lagu celin karo. 

Waxey noqotay markii ugu horeysay ee taariikhda dowlad Yurub kutaalo, ay gaarto go-aan dib loogu qiimeynayo sharciyada magangalyada qoxooti wadanka kunool, wax ka barta, ka shaqeysto, caruurna ku dhaley. 

Hay-adaha ka shaqeeyo xuquuqda aadanaha, kuwa caawiyo qoxootiga iyo hey-adaha madaxa banaanba, waxey dhamaantood isku raaceen in xaalada amaan ee Soomaaliya, aysan aheyn mid wali fadhido oo Stabile noqotay. Sidaas darteedna aan lagu celin karin qoxooti nolol ku heysto wadan kuyaalo qaaradan Yurub.

Inkasta oo dowlada Norway ay rabto iney qoxooti soomaaliyeed dib ugu celiso Soomaaliya, hadana waxey muwaadiniinteeda uga digeysaa iney u safraan Soomaaliya, sababa la xiriiro amaanka. Dowlada Norway waxey ku hadleysaa lab af oo kala duwan: 1) Soomaaliya waa nabad, qoxootina waa lagu celin karaa. 2) Soomaaliya nabad ma ahan, ee yaan loo safrin. 

Go-aanka dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Norway, wuxuu dhiilo iyo cabsi galiyay dad badan oo soomaali oo ku dhaqan wadankan Norway, gaar ahaan dadka uu saameynta ku yeelanayo go-aankan. Dadkan oo isku dar gaarayo ku dhawaad 2000 oo qof ayaa isugu jiro dhalinyaro wax ka barata iskuulada iyo jaamacadaha wadanka, dhalinyaro ka shaqeysto tagaasida iyo shaqooyinka kale ee yaryar, iyo waliba qoysas soomaaliyeed oo wadanka ku dhaley caruur, iskuulana ay u dhigtaan. 

 

7-dii bishan aan kujirno ee November, ayey hey-ada qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga aduunka warqad usoo dirtey dowlada Norway, gaar ahaan wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi Listhaug. Warqadaas oo ay ku codsanayaan inaan sharciyada magangalyada lagala noqon qoxootiga soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan, maadaama xaalada amaan ee Soomaaliya aysan wali gaarin heer qoxooti lagu celiyo. 

Qaramada midoobey ayaa sheegtay in dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Norway, ay xadgudub ku noqon karto qodobka C1 ee xeerka qoxootiga caalamiga ee qaramada midoobey u dagsan. Qodobkaas oo dhigayo in hadii dowlad ay rabto iney wadankoodii ku celiso qoxooti sababo la xiriira isbadal dhinaca nabadgalyada ah, ay muhiim tahay in la helo labo qodob. 1) In isbadalkaas nabadgalyo uu yahay mid dhameystiran, dhibaatana aan looga cabsi qabin iney soo gaarto dadka la celinayo 2) In isbadalkaas uu yahay mid waarayo oo aan laga cabsi qabin inuu isbadal kale ku yimaado dhawaanahan. 

UNCHR ayaa warqada codsiga ah ee dowlada Norway ay usoo dirtay ku cadeysay in isbadalka dhinaca amaanka ee Soomaaliya ka dhacay, uusan buuxin karin labadaas qodob. Waxeyna sheegeen in dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobalada koonfurta iyo Soomaaliya, ay wali dhibaatooyin kasoo gaaraan iska horimaadyada ka dhaca deegaamadaas.(Hoos ka akhri warqada qaramada midoobey ay usoo dirtay dowlada Norway)

Yuusuf Garaad fariintan gaarsiiya: 

Nasiib wanaag waxaa isku soo aadey codsiga qaramada midoobey ee dowlada Norway, iyo la wareegista uu Yuusuf Garaad Cumar la wareegay xilka safiirka qaramada midoobey u fadhiyo Soomaaliya. Yuusuf garaad soomaalida intooda badan, wey yaqaaniin oo warbixin ugama baahna.

 Hadaba  Bahda NorSom News, waxaan fariintan ku saabsan xaalada qoxootiga soomaaliyeed ee Norway u direynaa safiirka qaranka iyo shacabka soomaaliyeed u fadhiya Qaramada Midoobay. 

Yuusuf garaadow marka hore hambalyo, xilka qaran ee laguu dhiibeyna ilaahey hakugu garab galo. Marka labaad kusoo dhawoow xilka matalaada qaran dadkiisu ay ku kala daadsanyihiin dacalada aduunka. Intaas kadib: 

Anaga oo og in xilka laguu dhiibay uu yahay mid weyn oo wata culeyskiisa shaqo, hadana gafka laga galayo 1600 oo muwaadiniin soomaaliyeed ah, ma ahan wax qof muwaadin diirnaxayo uu indhaha ka fiirsan karo. 

Anaga oo og in shaqada aad ku cusubtahay, walina aadan salka dhulka la helin, hadana warqada codsiga ah ee kasoo baxdey qaramada midoobey, waa warqad saameyn balaaran leh, una baahan in sida ugu macquulsan looga faa´iideysto inta ay cusubtahay.

Mar horeba 200 oo qof oo soomaali ah, ayaa loo soo diray warqada loogu sheegayo in sharcigii magangalyada lagala noqday, boqolaal kalena wadnaha ayey farta ku hayaan. Maalin walbana waxey fiiriyaan Postada ay ugu soo dhacaan waraaqaha, iyaga oo ka cabsanayo iney helaan fariin lamid ah kuwa loo soo diray dadkii ka horeeyay. 

Shacabka soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan, waxey codsiyo iyo qeylo dhaan gaarsiiyaan dowlada Somaliya ee federalka ah. Marka laga reebo sarbeeb yo dhago-hadal, ilaa hada wax war ah dowlada Soomaaliya kama soo saarin go-aanka dowlada Norway. Waxaaba jiro tuhun ah in dowlada Soomaaliya ay tahay mida saxiixday heshiiska dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Norway. Sidaas darteed jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, waxey ka niyad jabeen dowladii oo ay ku haminayeen iney ka heli doonaan garab iyo maciin. 

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, waxey abaabuleen mudaaharaadyo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan go-aanka dowlada Norway. Balse go-aan dowladeed waxaa badali kara ama saameyn ku yeelan kara, go-aan kale oo kasoo baxa dowlad ama urur ay ku mideysanyihiin dowlado, sida qaramada midoobay oo kale.   

Warqada kasoo baxdey qaramada midoobey waxey u baahantahay inaan halkaas looga harin ee la qaado talaabo run ah oo saameyn ku yeelan karta go-aanka dowlada Norway ee dib u celinta qoxootiga. 

Waxaad fadhidaa xaruntii qaramada midoobey adiga oo matalayo qarankii iyo shacabkii soomaaliyeed. 2000 qof ee caawa Norway ku wel-welsan, waxey kamid yihiin dadka aad matashid oo xilka safiirnimo aad u heysid.

Waxaan kugu tuhmeynaa inaad leedahay awood iyo saameyn wax uun ka badali karta xaalka qoxootiga soomaaliyeed ee Norway. Sidaas darteed waxaan kaa codsaneysaa inaad awoodaada, kartidaada, saameyntaada, aqoontaada iyo xiriirkaaga diblimaasiyadeed aad ugu adeegto muwaadiniintan soomaaliyeed ee ku dhibaataysan wadankan Norway.

 

Waxaan ka codsaneynaa qof walba oo xiriir toos ah iyo mid dadban la leh Yuusuf Garaad Cumar in fariintan gaarsiiyo. 

Warqada codsiga qaramada midoobey:

 

15139327_10157895603110389_358547430_n

15128721_10157895603310389_1100365930_n

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments