torsdag, april 18, 2024

182 dhalinyaro magangalyo doon ah ayaa kaamamka ka baxsaday 2016

Sida uu qorayo wargeysks Adressavisen oo soo xiganayo tirokoob ay sameysay laanta socdaalka ee UDI-da, waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 kaamamka caruurta 18-ka sano kayar, ka baxsaday 182 qof oo dhalinyaro magangalyo-doonayaal ah.

Dhalinyaradan oo badankooda kasoo jeedo wadanka Afgaanistaan ayaan la garaneyn meesha ay u baxsadeen ama iney wadanka ka baxeen iyo inkale sida uu qorayo wargeyskaas. 

Tirada guud ee dadka magangalyo-doonayaasha ah ee  ka baxsaday kaamamka Norway sanadkii hore, ayaa isku dar gaareyso 2.965. Ku dhawaad 40% kamid ah dadka baxsaday waxey kasoo jeedaan wadanka Afgaanistaan.

Dadkan ayaa u badan kuwo helay diidmo, balse waxaa kujiro dad aan wali looga soo jawaabin codsiga magangalyada ama aanba wali marin wareysiga. 

Dowlada Norway ayaa sheegtay in dadka ka weyn 18-ka sano ee Afgaanistaan ka yimid si toos ah loogu celin doono wadankoodii, hadii ay helaan diidmada magangalyada. Waana sababta keentay in magangalyo-doonayaasha reer Afgaanistaan ay noqdaan kuwa ugu badan ee ka baxsaday kaamamka. 

Xigasho/kilde: Adressa.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x