torsdag, april 18, 2024

NTB: Soomaalida qaabka dacwada Norway ku imaan jiray oo wax badan hoos u dhacday

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, waxaa Norway qaab dacwo ah ku imaaday dad isku dar tiro ahaan gaaraya 15.580. Tiradaas oo ah mid 20% ka badan tiradii dadka dacwada lagu keenay Norway sanadkii kasii horeeyay ee 2015.

Sida ay NTB qoreyso waxaa kor ukaca tiradaas sababay, hey´ada laanta socdaalka oo sanadkii lasoo dhaafay dar-dar galisay ka shaqeynta codsiyada dadka isku dacwoonayay.

5569 qof oo kamid ah dadkaas, waxaa u dacwooday qof norwiiji ah ama wadamada Nordica kasoo jeedo. Waxeyna taas ka dhigantahay in groupka ugu badan ee dacwada lagu keenay ay u dacwoodeen dad norwiiji ah ama wadamada dariska la ah Norway kasoo jeedo.

4347 qof oo kamid ah dadkaas wuxuu la midoobay qof qoyskiisa ah oo magangalyo qoxootinimo ka helay Norway. Dadka ka yimid wadanka Siiriya ayaana ah kuwo ugu badan ee la midoobay dad qoyskooda ah, kadib markii ay magangalyo heleen.

2.100 kamid ah dadkaas waxaa u dacwooday dad sharci ogolaansho shaqo ku heysto Norway. Dadka kasoo jeedo wadamada bariga Yurub, ayeyna kasoo jeedaan dadka ugu badan ee katirsan groupkan.

Tirada dadka soomaaliya kasoo jeedo ee qaab dacwo ahaan ah ku yimid wadankan Norway, ayaa ku dhawaad 50% hoos u dhacday sida ay muujineyso tirokoobkan ay UDI-du soo saartay.

Tirokoobkan ay UDI-du soo saartay, faah-faahin kama bixinayo sababta keentay in tirada dadka soomaaliyeed ee dacwada lagu keenayay Norway ay hoos u dhaceen sanadkii 2016. Balse waxaa laga yaabaa iney arintaas xiriir la leedahay tirada dadka soomaalida ah ee magangalyo ka helayay Norway oo wax badan hoos u dhacday labadii sano ee ugu danbeeyay.

Soomaalida ayaa ah dadka ugu badan ee ajnabiga ah, ee qaab isku dacwood ah ku imaaday Norway, marka laga reebo dadka kasoo jeedo Ciraaq.

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x