onsdag, november 27, 2024
Home Blog Page 262

Falanqeyn:Farqiga u dhaxeeyo xukuumadaha wadamada Denmark iyo Norway iyo fal-celintooda codsiga qaramada midoobay

Dowlada Denmark ayaa isbuuc kahor soo saartey war saxaafadeed ay ku sheegeyso iney dib uga noqotay go´aankii ku saabsanaa dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee wadankaas kunool. 

Waxaana sida muuqato ay arintaas timid kadib markii hey´ada qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda qoxootiga ee UNCHR, ay canbaareysay go´aanka dib u qiimeynta iyo dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee wadankaas magangalyada weydiistay. Iyada codsatay inaan qoxooti soomaaliyeed dib loogu celin wadankoodii, maadaama xaalada amni ee Soomaaliya aysan wali noqon mid si buuxdo u caga-dhigatay. Halkan ka akhri canbaareynta qaramada midoobay. 

Isla qaramada midoobay ayaa bishii November ee sanadkii hore ee 2016, warqad noocaas oo kale ah usoo dirtay dowlada dalkan Norway, oo iyadana dhankeeda soo saartay go´aan ku saabsan dib u qiimeynta magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo 1600 gaaraya. Dowlada Norway ayaa u muuqata mid aan ilaa hada dhag jalaq u siin codsigaas qaramada midoobay, ama aan wali kasoo saarin jawaab ay ku cadeynayaan mowqifkooda rasmiga ah ee ku aadan arintaas. Marka laga reebo hadalo duul-duul ah oo ay sheegayso wasiirada arimaha soo galootiga Sylvi Listhaug.

Su´aasha la isweydiin karo ayaa ah, maxaa sababi kara in Denmark ay durba ka fal-celiso codsiga qaramada midoobay, Norweyna ay dhagaha fureysaneyso ilaa hada. Jawaabta su´aashaas waxaa laga heli karaa qaab dhismeedka xukuumadaha labada wadan xiligan ka taliya oo kala duwan. 

FRP VS Dansk-Folkeparti: Midna xukuumadu ayuu kujiraa, kan kalena xukuumada ayuu taageeraa. 

Booska FRP ee Denmark ama SD(sweden), waxaa kujiro xisbi midigta fog ah oo lagu magacaabo Dansk Folkeparti. Waana xisbi siyaasadiisu ay FRP kasii xagjirto mararka qaarkood, marka la eego qaabka ay siyaasiyiintuusu u hadlaan. Inkastaa ay doorashadii ugu danbeysay noqdeen mid kamid ah xisbiyada Denmark ugu waaweyn kadib markii ay heleen codad aad u badan, hadana Dansk Folkeparti kama mid aha xukuumada wadankaas hada ka taliso ee ka kooban xisbiyada Venstre, De Konservative iyo Liberal Allianse. Taas badalkeeda, waxey doorteen iney xukuumada sadexdaas xisbi ay taageero siiyaan si ay aqbaliyad u helaan. DF waxey joogaan booska KRF iyo Venstre ee Norway.

Inkastoo sadexdaas xisbi ee hada Denmark ka taliya ay wataan siyaasad adag oo ku wajahan qoxootiga, hadana inuusan Dansk Folkeparti kamid aheyn xukuumada wadankaas, waxey sababtay ineysan saameyn balaaran ku laheyn fulinta go´aamada dowlada marka laga reebo taageero siin ama taageero kala noqosho. 

Si ka duwan DF iyo Denmark, FRP wuxuu kamid yahay xukuumada hada Norway ka taliso oo ay ku bahoobeen Høyre iyo iyaga(FRP). Waxeyna gacanta ku hayaan oo ay maamulaan wasaaradaha ugu muhiimsan ee saameynta ugu balaaran ku leh siyaasada soo galootiga iyo noloshoodaba. FRP waxey ka taliyaan wasaaradaha Cadaalada iyo dastuurka, iyo waliba wasaarada soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada. Wasaarada cadaalada waxaa hoostaga oo ay shaqadooda jaan-gooyaan hey´adaha UDI iyo UNE. Taas oo u sahleyso iney fuliyaan go´aamada ay rabaan ama ay sida iyaga la quman u fasirtaan sharciyada iyo xeerarka dowlada. Waxaana dhabarka danbe ugu ganban oo difaacaya Høyre oo dowladu ku bahoobeen, iyaga Venstre iyo KRF oo taageero siiyo. 

FRP waxey sida muuqato ku fashilmeen fulinta inta badan balan-qaadyadii ay sameeyeen doorashadii 2013. Sidaas darteed waxey rabaan iney sida ugu fiican uga faa´iideystaan cabsida sii kordheysa ee dadka norwiijigu ay ka qabaan soo galootiga, gaar ahaan kuwa ka imaanaya wadamada islaamka. 

[adsenseyu2]

 

(Dhageyso) Wareysi Aisha Ali Mohamed iyo Radio Maqal(Oslo)

0

Aisha Ali Mohamed oo ah gabadhii soomaalida aheyd oo ay Erna Solberg kusoo qaadatay khudbadeeda sanadka ee 2017, ayaa wareysi siisay idaacada Radio Maqal. Waxeya Aisha wareysigaas ugua hadashay taariikhdeeda nololeed iyo sida ay u aragto hadalheynta iyo amaanta ay usoo jeedisay reysulwasaaraha wadankan Norway ee Erna Solberg. 

Halkan ka dhageyso wareysiga Aisha iyo Jamal Ahmed(Radio Maqal)

[adsenseyu2]

KRF oo joker ka ah mooshinka baarlamaanka ee ku saabsan maxkadeynta dadka dhalashada lagala noqonayo

Sadex isbuuc kahor ah ayey aheyd markii sadexda xisbi ee SV, Ap, iyo Sp ay isku raaceen soo jeedinta mooshin uu baarlamaanka Norway u qaado, in awooda buuxdo ee kala noqoshada sharciyada dhalashada laga qaado laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da.

Prosseska la noqoshada sharciyada dhalashada dadka laga shakisanyahay iney ka been-sheegeen asalkoodana, lagu soo daro maxkamad gaarta go´aanka kama dambeysta ah, qofkuna uu u dacwoon karo hadii uusan ku qanacsaneyn go´aamada laamaha UDI iyo UNE. Halkan ka akhriso warka ku saabsan arintaas. 

Waxaa mooshinkaas taageeray dhamaan xisbiyada kujiro baarlamaanka, marka laga reebo Høyre, FRP iyo KRF. Taas oo ka dhigan in hadii la horkeeyo baarlamaanka uusan meel-mari doonin, maadaama uusan wlai helin kuraas ku filan. 

Xisbiga KRF ayaa kulan gaar ah ka leh mooshinkaas arbacadan inagu soo aadan ee 11-january, hadii ay taageeran mooshinkaas wuxuu helayaa taageero buuxdo oo ku meelmaro hadii la horkeeno baarlamaanka. 

Soo jeedinta mooshinkaas ku saabsan awood ka qaadista UDI-da, ayaa waxaa markiisii hore soo jeediyay xisbiga SV, iyada oo ku raaceen Sp, Ap, iyo Venstre oo gadaal uga soo biirey. 

Kari Andersen oo katirsan xildhibaanada baarlamaanka Norway ee xisbiga SV, ayaa sheegtay iney cadahay in xukuumada hada jirto aysan ku mashquulsaneyn dhowrista xuquuq-sharciyeedka ajaaniibta. Ay tahay in in baarlamaanku uu qabto howshaas.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

Karin Andersen(SV): Yaasmiin waa in sharci magangalyo rasmi ah la siiyo

Hey’ada UNE ayaa labo maalmood kahor soo saartey go’ aan  ah in sharci magangalyo kumeel gaar hal sano ah, ay siisay Yaasmiin oo ah gabar soomaali ah oo Norway sharci la’ aan ku aheyd mudo 8 sano ku dhow.  Halkan ka akhri warkaas.

Karin Andersen oo kamid xildhibaanada baarlamaanka Norway ee xisbiga SV, masuulna ka ah siyaasada arimaha qoxootiga iyo magangalyada ee xisbigaas, ayaa sheegtay iney ku faraxsantahay go’ aankaas ay UNE gaartay, balse raacisay in go’ aankaas uusan wali aheyn mid dhameystiran. Yaasmiina ay mudantahay iney hesho magangalyo rasmi ah, maadaama ay soo martay dhibaato nololeed oo badan, caawina aysan ka heli doonin wadankii ay faraha ku laheyd ee Bulgaria, hadii lagu celiyo.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale sheegtay iney isku dayi doonto iney baarlamaanka ka dhaadhiciso in si gaar ah loo fiiriyo kiisaska dadka Yaasmiin oo kale ah, isla markaana aan mar walbe lala tiigsan heshiiska Dublin.

FRP: UNE howsheeda waan ku qanacsanahay. 

Lars-Svein Drablø oo ah gudoomiyaha xisbiga FRP ee gobalka Sogn og Fjordane ayaa NRK u sheegay in wax lala yaabo aysan aheyn in soo jeedin noocaas ah ay ka timaado Karin Andersen. Isaga oo raaciyay inuu ku kalsoonyahay go’ aanka ay UNE gaarto. Hadii ay go’ aamiyaan in Yaasmiin Bulgaria loo celiyana ay tahay go’ aan UNE gaartay oo lagu kalsoonaan karo.

Siyaasigan FRP katirsan ayaa dhanka kale in hadii isbadal lagu sameeyo qaabka ay UNE uga shaqeyso kiiska Dublinka ah ay Norway imaan doonaan dad badan oo xaalada Yaasmiin oo kale ku sugan, si ay uga faa’ iideystaan isbadalkaas xaga sharciga ah. 

-Karin: Waan kasii shaqeyn doonaa

Kari Andersen ayaa dhankeeda sheegtay iney sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto in dadka Yaasmiin oo kale ah, ay magangalyo ka helaan Norway iyaga oo aan loo fiirineyn heshiiska Dublin. Waxeyna sheegtay in hadii Yaasmiin Bulgaria lagu celiyo ay ka micno tahay in Norway ay dhinac isaga tuurtay masuuliyadii bini aadanimo ee saarneyd. 

XIGASHO/KILDE: NRK

 

 

 

 

Ka qeybgal bandhigyada jaanisyada waxbarashada dugsiyada sare iyo jaamacadaha (Utdanningsmesse) 2017

Sanad walba waxaa dhowr magaalo oo wadanka ah, lagu qabtaa bandhigyada waxbarashadaha dugsiyada sare iyo jaamacadaha(utdanningsmesse). Bandhigyadaas oo ay kasoo qeybgalaan inta badan jaamacadaha waaweyn, dugsiyada sare, iskuulada iyo jaamacadaha gaarka loo leeyahay, iskuulada farsamooyinka kala duwan iyo waliba jaamacado wadanka dibadiisa ka socdo. 

Ujeedada bandhigyadan waxbarashada, ayaa ah in ardeyda aan wali go’aansan iskuulada ay sanadkan codsanayaan, iney helaan fursad ay ku ogaadaan jaanisyada waxbarasho oo ay hayaan jaamacadaha iyo dugsiyada sare. Isla markaana ay wixii su’ aalo ah oo ay qabaan. ay si toos ah u weydiiyaan dad ka socdo goobahaas waxbarasho oo bandhigyadaas kasoo qeybgala. 

Tusaale ahaan, hadii aad dagantahay Oslo, aadna rabto iney wax ka ogaato jaamacada kutaalo Trondheim, Stavanger ama Trømso, waxaad bandhigyadan waxbarasho aad kula kulmi kartaa dad ka socdo jaamacahadaas, kaagana jawaabi karo su’ aalaha aad rabtid inaad weydiiso. Intii aad adiga jaamacada u safri laheyd, jaamacadii ayaa adiga kuu soo safartay. 

Bandhigyadan ayaa ah kuwo ay aad ugu faa’ iideysan karaan ardeyda soomaaliyeed ee aan wali go’ aan doorasho waxbarasho qaadan. Ama dadka kale ee waxbarashada xiiseeya, rabana iney macluumaad dheeri ah ka ogaadaan. 

Sidoo kale waalidka soomaaliyeed ee raba iney ilmahooda kala taliyaan doorashada waxbarasho, waxaan kula talineynaa iney ilmahooda gacanta qabtan oo ay u raacaan bandhigyadaas si ay macluumaad usoo kororsadaan, ilmahoodan ay talo ay waxbarasho oo hufan u siin karaan. 

Sanadkan ayaa waxaa bandhigyadaas lagu qaban doonaa magaalooyinkan soo socdo:

Lillestrøm 9. – 10. januar
Halden 12. – 13. januar
Kristiansand 16. – 17. januar
Sandefjord 19. – 20. januar
Stavanger 23. – 24. januar
Bergen 26. – 27. januar
Ålesund 30. – 31. januar
Trondheim 2. – 3. februar
Bodø 6. – 7. februar
Tromsø 9. – 10. februar
Oslo Spektrum 15. – 16. februar

FG!: si aad uga qeybgasho bandhiyadan waxaad u baahantahay tigid(billet). Halkan ayaad ka heli kartaa tigidkaas oo lacag la’ aan ah: Riix halkan

Xigasho/kilde: Tautdanning.no

[adsenseyu2]

 

Arild Humlen: Soomaalidu waxey dareensantahay in si gaar ah oo siyaasadeysan loo beegsanayo

Arild Humlen oo ah qareenka u doodayay soomali badan oo sharciyada lagala noqday, ayaa maqaal dheer oo ku saabsan habka cadaalad darada ah ee loola dhaqmo Soomaalida magangalyo doonka ah, kusoo daabacay wargeyska Dagbladet. Humlen ayaa ah qareenkii ay qabteen gudiga xaq raadinta soomaalida Norway.

 Soomalida Norway degan waa qowmiyada ay dhibaatada ugu badan ee xaga sharciyada ah la kulma, marka la barbardhigo qowmiyadaha kale ee soo galootiga ah. Sidaas darteed wuxuu maqaalkan uu qorey Humlen oo matalaya gudigaas soomaaliyeed, ahaa mid kusoo aaday xili aad loogu baahnaa in banaanka la keeno, warbaahinta wadankana la gaarsiiyo dhibaatada soomaalida ee xaga sharciyada.

Waxyaabaha uu qareenkan maqaalkiisa ugu hadlay oo kooban waxaa kamid ah:

-Dhinaca dowlada Norway iyo sharci kala noqoshada.

Dowlada Norway ayaa bilowday dib u qiimayn sharciyada magangalyada qoxootiga, taas oo saameyn ku yeelatay ku dhawaad 2000 qof ee qaxooti Soomaaliyeed ah. Waxaana sabab looga dhigay in xaalada amni wadankoodii Soomaaliya uu soo hagaagaay. Waxaana sidoo kale iyagana walwal soo foodsaaray Soomaali oo iyagana baasaboorka dhalashada Norwajiga ah dib looga noqonayo. Arintaasna waxey jahwareer iyo cabsi ku riday soomaali wadankan degan… 

Waxayna u muuqataa in siyaasad ahaan dowladu ay rabitaankooda ay sameynayaan, si ay u fuliyaan kala noqashada sharciyada. Cadaymaha ay u adeegsanayaan go’aankooda, ayaan ahayn kuwo qaanuun ahaan ansax noqon karo mararka qaarkood. Sida muuqatana cadaymaha loo adeegsadey dadka sharciga lagala noqday, waxaa ka muuqdo  xadgubyo badan iyo sidoo kale inaan loo marin wado sharciga waafaqsan.

[adsenseyu2]

Arintaan ayaa saamayn xoogan oo dhinac walbe leh ku yeelan karta soomaalida degan Norway, gaar ahaan jiilka labaad iyo kan sadexaad oo ay saameyn kasoo gaari karto hadii waalidkood ay dhibaato xaga sharciga ah soo gaarto. Waxeyna soomaalidu  siyaasiyiinta Norway ugu digeysaa, cawaaqib xumada ay keeni karto arintan oo xadgudub ku ah xuquuqul insaanka. 

Waxaana intaas sii dheer in ay dowlada Norway aysan aqoonsanayn waraaqaha cadaymaha ah ee kasoo baxa dowlada Soomaaliya. Waxayna taas sii dheeraynayaa in xal laga gaaro dhibaatooyinka haysato. Maadaama aysan soomaalidu heysan wax ay isku difaacaan.

-Sababta qulqulka qaxootiga Soomaalida iyo saamaynteeda

Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ay ladageen dagaalada sokeeye 20kii sano ee u danbaysay, waxaana taas laga dhaxlay qulqulka qaxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku kala nool daafaha caalamka. Dhibaatadii ka soo gaartay dagaaladii iyo iyagoo sanado yar wadankan Norway joogay, ayaa waxay keentay in soomaali badan dhibaato ay kala kulmeen inay bulshada Norway si fiican uga soo dhexmuuqdan.

Taasina waxay keentay sida laga soo xigtay waaxda tirakoobka ee SSB keentay. inay Soomaalidu ay ku jiraan dadka ugu tiro yar dhinaca suuqada shaqada. Waxay arintaan ka dhigaysaa inay Soomaalida Norway  yahiin qowmiyad aad ugu nugul dhibaatada, sidaas darteedna u baahan eegmo gaar ah, balse hada ay dhinaca kale wax u socdaan oo nugeylkooda lagu beegsanayo.

Dagaalka iyo colaada sii daba dheeratay ee Sooomaaliya, ayaa waxay sababeen in qaxootiga Soomaaliyeed ay u qaxeen gudaha iyo dibada wadanka , taasna ay sababtay inay qoysas badan oo wada noolaa ay ku kala firxadaan degaano kala duwan oo wadanka gudahiisa ah iyo dibadiisa ah.  Waxayna arintaas keeni kartaa inay lahjado kala duwan ku kala hadlaan labo qof oo isku qoys. Sidaas dardeed waa in lagu tixgaliyo qoysaskaas lahjadooda laguna bartilmaamaysan. 

 

-Facebook, lacagta xawalada laga diro iyo warbaxinta qarsoodida ah

Waxaa iyadana  jiro dad  go’aanka kala noqoshada sharciga loo adeegsadey warbaxin laga  soo ururiyaan barta Facebook, lacag xawaalado ay ku direen, telefoonka iyo waxbaxin qarsoodi ah oo ay helaan. Arintaan cadeyn buuxda ma noqon karto qaanuun ahaan marka la fiiriyo sharciga.

Qaxootiga Soomaaliyeedna gudaha iyo dibada wadankaba waa ay u qaxeen, waana suurtagal inuu qofku uu lacag udiro degaano kale duwan kii uu asal ahaan kasoo jeeday.

Waxaa sidoo kale iyadana aan cadayn noqon karin Warbaxinta qarsoodiga ah, maadaama  ay soomaalida dagaalo qabiileed hoose uu ka dhaxeeyay, lagana yaabo in ay salka ku hayso qilaaf qabiil oo soo jireen ahaan ah.

Cadaymaha sidan oo kale u hooseeyo oo ay UDI isticmaalayso waxay ceeb ku tahay xuquuqda bini aadamka iyo waliba sharciga.

Xigasho/kilde: Dagbladet(Halkan ka akhriso maqaalka Humler oo dhameystiran)

[adsenseyu2]

 

 

Sp: Hala istaajiyo lacagta lagu taageero goobaha cibaadada dadka aan dhalashada wadanka heysan

Ola Borten Moe oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga Senterpartiet, ayaa sheegay in xisbigiisu uu soo jeedinayo in lacagta taageerada ah ee la siiyo goobaha cibaadada, lagu qiimeeyo xubnaha medlemka ka ah goobtaas cibaadada, ee heysta dhalashada wadankan Norway(Norsk-statsborgere). Isla markaana la joojiyo lacagta lagu taageero goobaha cibaadada dadka aan wadanka dhalashadiisa heysan.  

Ole ayaa sheegay in qof walba oo Norway ku sugan uu cibaadadiisa diineed u fushan karo si caadi ah, balse aysan qasab aheyn in dadka kale shaqo looga dhigo iney cibaadadiisa lacag ku bixiyaan. 

Waxey ka dhigantahay soo jeedinta Sp in hadii goob cibaado, tusaale ahaan masaajid ay xubno(medlem) ka yihiin 1000 qof, oo ay 150 kamid ah dhalashada wadanka heystaan, in masaajidkaas la siiyo taageero dhaqaale oo ku jaan go´an 150-kaas qof ee wadanka dhalashadiisa heysta. 850-ka kalena aan la xisaabin. 

Sida ay qorayaan qaar kamid ah warbaahinta, waxaa dhici karta in xisbiga Sp, barnaamijkiisa doorashada ay kusoo darsadaan qodobkan, marka ay yeeshaan shirweynahooda guud ee sanadkan 2017. 

Sp ayaa sidoo kale soo jeediyay qodob kale oo muran badan dhaliyay, kaas oo ah  in saami-qeybsiga kuraasta baarlamaanka Norway, lagu qeybiyo tirada dadka dhalashada wadanka heysto ee gobalada Norway dagan, inta tirada ee dadka deegaanka kunool la isku xisaabin lahaa. 

Waxeyna ku andacoonayaan in dadka dhalashada wadanka heysto ay yihiin, kuwa kaliga ee codka bixin kara xiliyada doorashada madaxtinimada. 

SV: waan kasoo horjeednaa.

Xisbiga SV ayaa sheegay in labadaas qodob oo ay soo jeediyeen  Sp ay ay kasoo horjeedaan. Waxeyna sheegeen in shaqada xubnaha baarlamaanka ay tahay iney metelaan dadka deegaanka kunool oo dhan. Kuwaas oo ka kooban kuwo codka dhiiban kara iyo kuwii aan codadkooda xilayada doorashada dhiiban karin. Waxaana kamid ah caruurta aan qaangaarin ee aan dhiiban karin codka, dadka aan loo ogoleyn iney cod dhiibtaan, dadka dhalashada wadanka heysta iyo waliba kuwa aan heysan.

Kari Elisabeth Kaski oo ah xogyaha xisbigaas SV ayaa sheegtay in ujeedada laga leeyahay taageerada goobaha cibaadadu ay tahay in si isku mid ah loo taageero meelaha ay dadku ku cibaadeystaan. Soo jeedinta Sp ay god ku rideyso dhex-siyaasada dhexaadnimada dowlada ee la xiriirta waxa ay dadku rumeysanyihiin. Waxeyna sii raacisay qofkii degan Norway, aktivna ka ah goob cibaado, ay wax lala yaabo ay tahay inaan la taageerin. 

Xisbiga kale ee KRF ayaa si iyagana si uyara diidan soo jeedintaas. Olaug Bollestad oo katirsan xisbiga KRF ayaa sheegay in soo jeedinta Sp ay la micno tahay in qofkii aan cod dhiiban karin, uusan u baahneyn qof ku matalo baarlamaanka, baahiyadoodana gudbiyo. 

Xigasho/kilde: VG

[adsenseyu2]

Yaasmiin(Gabadhii Brennpunkt, NRK) oo sharci kumeel gaar hal sano ah la siiyay

Yaasmiin oo ah gabadhii soomaalida aheyd ee tvga qaranka ee NRK, barnaamijkiisa Brennpunkt uu ka diyaariyay warbixinta calool xumada ah, ayaa la siiyay sharci kumeel gaar hal sano ah oo Norway kusii joogi karto. 

Sharciga la siiyay Yaasmiin ayaan aheyn mid rasmi ah o, laakiin waa mid ay hal sano oo kale kaga bad-baadi karto in loo celiyo wadankii ay faraha ku laheyd ee Bulgaria. Waxaana sidaas qorayo TV-ga qaranka Norway ee NRK. 

Hey´ada UNE ayaa ah mida gaartay go´aanka sharciga kumeel gaarka ah lagu siiyay Yaasmiin, kadib markii ay UDI-da soo xirtay kiiskeeda labo sano kahor. UNE ayaa sheegtay in Yaasmiin ay labo taariikh oo kala duwan ay siisay hey´adaha socdaalka ee wadamada Bulgaria iyo Norway, taasna ay keentay dhibaato ah shaki laga qabo aqoonsigeeda shaqsiyeed. Sidaas darteedna ay u siiyeen sharciga magangalyada ku meel gaarka ah. 

 Maxkamada sare  ee dalkan Norway ayaa diiday iney aqbasho racfaan ay Yaasmiin ka qaadatay go´aanka hey´ada laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga bishii May ee sanadkii 2016. Waxeyna maxkamadu sheegtay in go´aanka hey´ada laanta socdaalku uusan aheyn mid kahor imaanaya xeerka xuquuqda bini-aadamka ee midowga Yurub. ilsa bishaas May ee sanadkii 2016, ayaa waxaa kiiska Yaasmiin loo gudbiyay maxkamada sare ee xuquuqul-insaanka ee kutaalo wadanka Faransiiska. 

Yaasmiin ayaa Norway iska soo dhiibtay sanadkii 2009, iyada oo markaas horey magangalyo uga codsatay, farana ku laheyd dalka Bulgaria. Norway ayey diidmo ka heshay, iyada oo lagu amrey iney wadankan isaga baxdo. Tvga qaranka Norway ee NRK, barnaamijkiisa Brennpunkt ayaa sanadkii 2014 muuqaal argagax leh ka diyaariyay xaalada gabadhan soomaaliyeed, waxeyna wixii markaas ka danbeeyay taageero weyn ka heshay shacabweynaha Norway. 

Wenche Hovland oo ah madaxa xarunta Florø Krise-senter oo ah meesha ay Yaasmiin ku nooleyd, caawina ka heli jirtay dhowrkii sano oo ay wadanka sharci la´aanta ku aheyd, ayaa NRK u sheegtay in Yaasmiin aysan wali heli nabad-galyadii iyo caawintii ay u baahneyd. 

Waxeyna raacisay in waxa kaliya ee hada isbadalay, ay tahay in Yaasmiin ay sanad kale kusii nagaan karto Norway. Taas oo ka dhigan in Boolis iyada raadinayo aysan albaabka kusoo garaaci doonin mudo hal sano ah. 

Terje Einarsen: Qareenka Yaasmiin

Terje Einarsen oo ah qareenka Yaasmiin ayaa sheegay iney ka tashan doonaan wixii ay yeeli lahaayeen arintan cusub ee soo korortay, iyaga oo isku dayayo iney wadooyin kala duwan u maraan sidii ay Yaasmiin magangalyo rasmi ah Norway uga heli laheyd. 

Wuxuuna raaciyay in howl-wadeenada caafimaadka ee baaritaanka ku sameeyay Yaasmiin ay cadeeyeen, iney u baahantahay gar-gaar iyo caawin caafimaad oo joogto. Midaasna aysan Yaasmiin wali helin. 

Xarunta ay Yaasmiin joogto ayaa sameeyay group facebooga ah, kaas oo lacagto loogu aruuriyay gabadhan soomaaliyeed. Waxaana lacagahaas lagu bixiyay qareemada u dooday Yaasmiin iyo waliba caafimeedkeeda. 

Xigasho/kilde: NRK.no

[adsenseyu2]

Halden: 405 qof oo Soomaali ayaa Halden dagan

Sida uu qorayo wargeyska lokalka ah ee Halden Arbeiderblad oo xiganayo SSB, waxaa magaalada Halden ee gobalka Østfold kunool ilaa 405 oo asalkoodu uu soomaali yahay. Waxeyna soomaalidu noqotay qowmiyada afaraad ee ajnabiga ah ee ugu badan magaaladaas.

Isku dar Halden waxaa dagan 4184 qof oo ajnabi ah, kana soo kala jeedo 96 wadan oo caalamka ah. Waxaana tiro ahaan ajaaniibta degan magaaladaas ugu badan dadka kasoo jeedo wadanka Kosovo(559), Poland(448), Sweden(421) iyo Somalia( 405). 

Tirada ay SSB sheegayso waa tirada rasmiga ee diiwaan-gashan(magaalada adress kuleh), waxaana dhici karta in soomaalida degan deegaankaas ay ka badanyihiin intaas tiro ahaan.

Xigasho/kilde: Halden Arbeidsblad.

[adsenseyu2]

 

 

 

Gabar soomaali ah oo qabow ugu dhimatay xuduudka u dhaxeeyo Turkiga iyo Bulgaria

Wakaalada wararka ee NTB oo soo xiganeyso wargeys kasoo baxa dalka Bulgaria, ayaa qoreyso in isniintii aan soo dhaafney meydka gabar soomaali ah oo qabow u dhimatay laga helay dhulka buuraleyda xuduudka ah ee u dhaxeeyo wadamada Turkiga iyo Bulgaria.

Waxaana meydka gabadhan soomaaliyeed laga helay tuulada Ravadinovo oo dhacda dhinaca Koonfurta-Bari ee dalkaas Bulgaria. Sida ay sheegeen booliska tuuladaas, waxaa sidoo kale isbitaal kuyaal deegaankas lagu hayaa nin soomaali ah oo isna qabow daran uu haleelay, balse nool oo la helay isaga oo naftu ay kujirto. 

Sidoo kale meydka labo nin oo Ciraaq u dhashay ayaa shaley Jimcihii laga helay isla aagaas laga soo qaaday meydka gabadha soomaalida ah. Labadan nin oo da´dooda ay kala aheyd 28 iyo 35 ayaa iyagana u dhintay qabow daran oo dhulkaas buuraleyda kajiro xiligan.

Booliska Bulgaria ayaa sheegay in meydka labadan nin ay soo heleen dadka deegaanka, iyaga oo booliska ku wargaliyay. 

Dhulka buuraleyda ah ee laga helay meydka sadexdaan qof, ayaa ah qeybta kaliya ee aan laga ilaalin xuduudka 200 kilometer gaaraya ee u dhaxeeyo wadamada Bulgaria iyo Turkiga. Waxaana sadexdaan qofba ay ahaayeen dad qoxooti ah oo raba iney kasoo gudbaan xuduudkaas, si ay usoo galaan qeybaha kale ee wadamada Yurub.

 

Xigasho/kilde: NTB, SOMALISCHE.COM 

Mohamed Diinooz: Soomaali Yurub joogto ayaa Soomaaliya hanjabaado iigu soo diray, kadib markii aan diinta Christianka qaatay

Jariirada Nyatider.Nu oo laga leeyahay dalka Sweden ayaa warbixin ka diyaarisay Maxamed Diinooz(Sawirka kore) oo ah qoraa soomaali ah, kaas oo sheegay inuu magaalada Muqdisho uu uga soo cararay sababo la xiriira fariimo hanjabaad ah. oo ay usoo direen dad soomaali ah oo kunool wadamada Yurub, kadib markii ay soo shaac-baxday in Diinooz uu qaatay diinta Christianka. 

Waxaan mudo bil kahor ah kasoo cararay magaalada Muqdisho, sababo la xiriiro hanjabaado aan kala kulmay soomaali muslimiin ah oo degan wadamada Yurub. Waxeyna muslimiinta kale ee aduunka ku dhiirigalinayaan iney i dilaan.

Diinooz ayaa sheegay in isaga iyo walaalkiis ka weyn, ay 7-sano kahor qaateen diintaas, ayna ku dayan jireen markaas Mona Walter oo ah gabar soomaali-Christian ah oo dalka Sweden degan. Wuxuuna raaciyay in walaalkiis oo Nuur lagu magacaabo uu Kenya u guuray isla markaasba, kadib markii loo hanjabay. Laakiin uusan isagu soo shaac bixin badalashada diintiisa, sidaasna uu mudo uga sii noolaa Soomaaliya, laakiin dhawaan lagu qasbay inuu wadanka isaga tago, hadana uu ku suganyahay magaalada Nairobi.

Nytider ayaa sidoo kale qoray in Diinooz uu hada si dhuumaaleysi ah ugu noolyahay magaalada Nairobi, isaga oo ka cabsi qaba in dadka cadowgiisa ah ay ogaadaan meesha uu suganyahay.

Jariiradan Sweden laga leeyahay ayaa sidoo kale sheegtay in Diinooz uu tusay sadex muuqaal oo telefoonka lagu qaaday, kuwaas oo muujinaya dhalinyaro Germanka joogto oo dil ugu hanjabayo Diinoos. Dhalinyaradan ayay Nytider qoreysaa iney yihiin group aktiv ah oo lagu magacaabo Mujaahidiin.

Ninka sida gaarka ah ugu hanjabay Diinooz ayay ku sheegeen inuu yahay wiil 18-jir sheegtay oo kunool dalka Germanka, laakiin facebooga ay ugu qorantahay inuu jiro 25 sano.

 Maxamed Diinooz ayaa sidoo kale raaciyay inuu u cabsi qabo xaaskiisa iyo wiilkiisa 10-jirka ah ee uu dhalay. Wuxuuna sheegay in dhawaan ay kooxo u hanjabeen wiilkiisa, ayna ugu goodiyeen iney dili doonaan hadii uusan u sheegin meesha uu aabihii ku suganyahay.

Qoyskeygu waxey heystaan diinta islaamka:

Diinooz ayaa sheegay inuu isagu doorbidayo diinta Christianka, maadaama uu u arko iney tahay diin qulqaad leh, (waa sida uu hadalka u dhigee). Wuxuuna sidoo kale ku tilmaamey iney tahay diin iscafis iyo nabadeed.

Dhanka kale wuxuu sheegay in qoyskiisu ay heystaan diinta Islaamka, aysana ku qanacsaneyn inuu isagu diinta Christianka qaato, ayna ku xireen xabsi loogu talo-galay dadka aan raacsaneyn fakarka islaamiga xagjirka ee wahaabinimada!.

Wuxuuna sheegay in halkaas lagu garaacay, laguna waxyeeleynayay maalmo dhowr ah. Laakiin la soo daayay kadib markii saaxiibadii olole weyn oo dhanka facebooga ah ay u galeen soo deyntiisa.  Diinoos ayaa sheegay in isaga loo dhibaateynayay, si dadka kale wax loogu tuso. 

Diinoos ayaa sheegay in inta uusan soomaaliya kasoo cararin uu u shaqeyn jiray xisaabiyana u ahaa shirkada coco-cola. 

Kilde/xigasho: Nyatider.se(Halkan ka akhri warkan oo af-Swedish ku qoran)

[adsenseyu2]

 

UDI: 12.700 qof ayaa sharci magangalyo helay sanadkii 2016

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2916, waxaa aad hoos ugu dhacay tirada dadka magangalyo-doonayaasha ah ee iska soo dhiibay Norway. Dhanka kalena waxaa sharci magangalyo helay 12.700 qof, kuwaas oo badankooda ahaa dadkii Norway magangalyada soo weydiistay sanadkii 2015. 

Waana tiradii ugu badneyd abid ee dad magangalyo doon ah, kuwaas oo hal sano gudahood magangalyo ka helo Norway. 

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da, ayaa dhanka kale sheegayso in sanadkii 2016, ay ka shaqeeyaan codsiyada magangalyada dad gaarayo 23.300 oo codsiyood. Badankoodanu waxey ahaayeen codsiyada dadkii magangalyada Norway soo weydiistay sanadkii 2016. 

60% Siiriya:

7400 oo qof oo u dhiganta 60% dadka helay magangalyada, waxey kasoo jeedaa wadanka ay colaadaha sokeeye dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay burburiyeen ee Siiriya. 

Sidoo kale wadamada Ereteriya iyo Afgaanistan ayaa soo weheliyo oo booska 2-aad iyo sadexaad soo galaya. 1600 qof oo Ereteriya ka yimid iyo 1200 oo Afgaanistaan kasoo jeedo, ayaa kamid ah dadka helay sharciga magangalyada. 

Xigasho/kilde: Wakaalada wararka ee NTB

[adsenseyu2]

 

3460 qof oo magangalyo doon ah ayaa Norway iska soo dhiibay 2016

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, Norway magangalyo soo weydiistay 3460 qof. Waxeyna aheyd tiradii ugu yareyd ee dad magangalyo doon ah ee Norway imaaday mudo 20-kii sano ahaa ee ugu danbeeyay. 

Dadka magangalyada soo weydiistay Norway ayaa guud ahaan ka yimid ilaa 100 wadan oo caalamka ah, balse wadamada Ereteriya(586 qof), Siiriya(529) iyo Afgaanistaan(373) ayaa ah sadexda wadanka oo ay magangalyo-doonayaasha ugu badan kasoo jeedaan.

Giriiga iyo Talyaaniga: 

256 qof oo tirada magangalyo-doonayaasha ah, waxaa laga soo qaaday xeryaha qoxootiga ee wadamada Talyaaniga iyo Giriiga. Waxeyna kamid ahaayeen saamiga ay Norway ka heshay heshiishkii qoxooti qeybsiga wadamada midowga Yurub. 

Dhalinyarada aan qaangaarin:

320 kamid ah dadkaas Norway magangalyada soo weydiistay waxey ahaayeen caruur aan wali qaan-gaarin(kayar 18-sano). 40% caruurta aan qaangaarine ee isa soo dhiibtay, waxey kasoo jeedaan wadanka Afgaanistaan. Sidoo kale 47 kamid ah, waxey kasoo jeedaan Ereteriya, halka 25 kamid ahna ay kasoo jeedaan Siiriya. 

Tirada guud ee dadka magangalyo doonayaasha ah waxaa sidoo kale kamid ah, 427 oo ah caruur Norway ku dhalatay. 

Xigasho/kilde: Wakaalada wararka Norway ee NTB. 

[adsenseyu2]

 

75% dadka norwiijiga ah waxey rabaan in niqaabka la mamnuuco

Baaritaan cusub oo ay sameysay IPSOS, ayaa lagu sheegay in 75% dadka norwiijiga ah ay rabaan in niqaabka ama indho-shareerka laga mamnuuco iskuulada iyo jaamacadaha.

Waxeyna taas ka dhigantahay in afartii qof ee Norway kunoolba, sadex kamid ah ay rabaan in niqaabka la mamcuuno. Waxaa sidaas qoraya wargeyska Dagbladet oo soo xiganayo shirkada xog uruurinta ee IPSOS. 

Waxaa la joogaa xili cusub: 

Njål Høstmælingen
Foto: Wikepedia.com

Njål Høstmælingen oo ah khabiir ku xeel-dheer arimaha bini aadanimada, kana howlgalo machadka qaanuunka iyo siyaasada caalamiga ah (ILPI), ayaa sheegay in tirokoobkaas cusub uusan aheyn mid lala yaabo, maadaama shucuubka kunool qaarada Yurub ay hada kujiraan xili ay dib ugu noqonayaan waayadii ay dhaqankooda, hidahooda iyo diintooda ay kahormarin jireen waxyaalaha kale. Isla markaana dadka laga tiro badanyahay dhinac laga eegi jiray. 

Kari Volgt oo ah haweeney cilmibaar dhinaca diimaha ah, ayaa ayadna sheegtay in arintaas aysan aheyn wax laga indho-taago, maadaama inta badan dadka muslimiinta ay ay qabaan in indho-shareerka ay xirtaan dad yar oo gooban oo dhinac xigo. Waxeyna tusaale usoo qaadatay in wadamo badan oo muslim ah, sida Turkiga, Masar iyo wadamo kuyaalo Aasiyada bari, aan la ogoleyn in dumarku ay niqaab ku xirtaan goobaha waxbarashada iyo goobaha dadweynaha ka dhaxeyso. 

Kari ayaa qabta in dooda niqaabka aysan aheyn mid u baahan in laga badbadiyo, maadaama mamnuucidiisu ay keeni karto in dad badan oo aan awal horey i xiran jirin ay bilaabaan iney xirtaan si ay u muujiyaan inaan loo awood sheegan karin, taasna ay keeni karto dhibaato kale oo aan hada jirin. 

Waxeyna raacisay in cabsida ka dhalatay weerarada ay geestaan kooxaha ku dagaalamo magaca diinta sida Daacish, ay saameyn weyn ku yeesheen fikradaha shucuubka wadamada galbeedka kunool ay ka qabaan Islaamka guud ahaan. Waxeyna taas fududeysay waxyaabo ay kamidyihiin in Donald Trump uu ku guuleysto doorashada mareykanka, ka bixitaankii U.K ee midowga yurub, sidoo kalena xisbiyo badan oo dhinaca midigta fog ah ka saaciday iney helaan codadka dad badan oo aan horey u taageeri jirin. 

-Dhibaato aan jirin yaan la abuurin:

Lin Nikkerud oo ah gabar ardayada muslimad ah oo sharciga barato in dumarka muslimiinta ah ee niqaabka isticmaalo Norway aysan ka badneyn 50 qof. Sidaas darteedna dhibaato laga abuureyno, meel aysan dhibaato kajirin. 

Xigasho/kilde: Dagbladet-papiravis( 04-1-2017, side 10).

[adsenseyu2]

 

Dowlada dalka Poland oo meel-marineyso sharci cusub oo caruurta u dhalatay wadankaas ka difaaca Barnevernka

Wasaarada cadaalada dalka Poland ayaa qarka u saaran iney dhawaan baarlamaanka wadankaas ka meel-mariso sharci cusub oo taageero siinaya waalidiinta wadankaas u dhashay ee ilmaha looga qaato wadamada dibada ah. Waxeyna sheegeen in sharcigaas uu dowlada wadankaas u sahlayo iney si toos ah usoo faragashato, kiisaska la xiriira caruurta Poolishka ah oo ay qaataan hey´adaha xanaada caruuraha ee wadamada ajaaniibta ah. 

Saxaafada wadankaas ayaa sidoo kale qorayso in sharcigan cusub uu ku wajahanyahay dhibaatooyinka caruuraha u dhalatay wadankaas ay kala kulmaan hey´adaha xanaanada caruurta ee wadama Norway, Germany iyo UK. 

[adsenseyu2]

Xoghayaha wasaarada cadaalada dalka Poland ayaa sheegay in tan iyo markii uu wadankaas kamid noqday midowga Yurub, ay dad badan oo Poland u dhashay ay u shaqo doonteen wadamada Yurubta galbeed. Taasna ay keentay in caruur badan wadankaas u dhalatay ay xadgudub kala kulmaan dowladaha wadamada ay waalidkood ka shaqeeyaan. Wuxuuna sheegay in sharcigan cusub uu saamaxayo in waalidka dhibaatoyinka la kulmo iyo qareenadooduba, ay helaan wax walba oo taageero ah oo ay u baahanyihiin, si arintooda loo xaliyo. 

Sidoo kale wuxuu raali-galin ka bixiyay in dowlada wadankaas ay waqti badan ka aamusneyd arintaas, Wuxuuna balan-qaaday ineysan taas dib danbe u dhici doonin. Isaga oo raaciyay in wixii hada ka danbeeyo wasaarada dastuurta dalkaas, wasaarada arimaha dibada iyo safaaradaha dibaduba ay si toos ah arimahaas usoo faro-gashan doonaan. 

Dowlad ayaa dowlad kaa celiso(Garba garbaa latusaa):

Dad badan ayaa isweydiin kara sababta aan u daabaceyno warka ku saabsan dowlad dadkeedii sidii ay u difaaci laheyd u tashaneyso. Waa su´aal sax ah oo mudan inaan ka jawaabno.

Maalin walba waxaan maqalnaa oohinta hooyo iyo aabe soomaaliyeed, kuwaas oo hey´ada xanaanada caruurtu ay ilmahoodii ka qaadatay, iyagiina ay baday gablan iyo guri cidlo. Qaadashada waxaa ka xanuunbadan in ilmahaagii aan sagaal bilood uurka kusoo waday qasab lagaaga qaado, laguna dhajiyo islaan aan habeyn xanuunkiisa dareemin, lacagna lagu siiyo heyntiisa iyo korsashadiisa. .

Waxbadan ayaan dhagaha ka fureysanay ilinta hooyo soomaaliyeed oo ciil iyo caloolyow la baday, waxaadna moodaa inaan is dhiibnay oo dhibaatada barnevernka sidey tahay aan ku aqbalnay. Waxaana nagu jirto cabsi iyo kalsooni daro, qof walbaana wuxuu isleeyahay yaan adiga laguu imaanin ee albaabka xiro. Ogow, hadii aad maanta ka aamusto dulmiga lagula kaco qof soomaali ah, adiguna inaad barito ku xigi doonto, markaadana lagaa aamusi doono, hadii aanba lagugu wiirsan.  

Waxaan hadaba warkan usoo daabaceynaa si aan dadka soomaaliyeed u tusno sida ay umaduhu iyo dowladuhu isugu gurmadaan, bal iney wax uun halkaas nooga bidhaamaan. Waa sax Soomaaliya maanta ma joogto heer ay is barbardhigto dowladaha horumaray sida Poland, Ruushka iyo India. Laakiin waxey taas noo noqon kartaa tusaale iyo yididiilo ku aadan kahor tagista xadgudubka lagula kaco waalidka soomaaliyeed ee nabada iyo nolosha usoo raadsaday wadamada qurbaha.

Waxaa intaas oo dhan ka horeeyo inaan isbadal weyn ku sameyno haqamadeena korinta ciyaalka, oo dabcan ah gundhiga dhibaatada barneverkna iyo soomaalida. Aana la jaanqaadno nolosha korinta caruurta ee wadamada aan kusoo qaxney. 

Xigasho/kilde: Frie-ytringer.no , Nialezna.po

[adsenseyu2]

 

 

 

 

Haweeney qoraa ah oo 5 milyan lacag ku dhow ka sameysay buug ay ka qortay labo gabdhood oo soomaali ah

Åsne Seierstad oo ah haweeneydii qoraaga aheyd ee buuga ka qortay labada gabdhood ee soomaalida ah ee u baxsaday dalka Siiriya, ayaa dhowr bilood gudahooda shan milyan(Nok) lacag kudhow ka heshay buugaas ay qortay. 

Wuxuuna buugaas soo baxey dhamaadkii bishii Oktober ee sanadkii 2016, isaga suuqa kujiraa bilo yar oo kooban. Taas oo ka dhigan in haweeneydan in lacag wax badan ka badan intaas, ay kasii ka heli doonto qoraalka buugaas.  Waxaa sidaas qorayo wargeyska ka faalooda arimaha dhaqaalaha ee Finansavisen. 

Halkan ka akhriso warkii ay NorSom News ka qortay buugaas, markii uu soo baxay.

«To Søstre» oo ah magaca buuga ay qoraagan ka qortay sheekada labadan gabdhood ee soomaalida ah oo sanadkii 2013 u baxsaday dalka Siiriya, ayaa sanadkii lasoo dhaafey ee 2016 galey kaalinta koowaad ee buuga ugu fiicnaa ee soo baxay sanadkaas. Waxaana ilaa hada la iibsaday ku dhawaad 100.000 oo xabo. 

Sida ay sheegtay madbacadii buuga daabacday, wuxuu buugan ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah, kaas oo si qoto-dheer oo faah-faahsan uga hadlo arinta ku saabsan dagaal tagista ay dhalinyarada wadanka ku kortay u dagaal tagaan wadamada ay ka socdaan colaadaha, kadib markii la xagjireeyo. Taas ayaana sabab u ah in buugaas uu si fiican u gadbo, maadaama ay dad badan xiiseynayaan mowduucaas. 

Jens Stoltenberg VS Labo Gabdhood oo soomaali

Sanadkii hore ee 2016, waxaa soo baxay buug uu qoray reysulwasaarihii hore ee dalkan Norway Jens Stoltenberg oo wadanka reysulwasaare ka ahaa mudo sagaal sano ah. Sidoo kalena hada ah xogyaha gaashaanbuurta Nato. 

Buuga Jens iyo buuga laga qoray gabdhaha soomaalida ah ayaa isku mar suuqa soo galay, waxaana muuqato in buuga gabdhaha laga qoray sheekada gabdhaha soomaalida ah uu ku dhawaad labo jibaar ka iibsi badnaa kan Jens. 

To Søstre ayaa laga gatay 100.000, Halka Jens buugiisana laga gatay 60.000 xabo. 

Xigasho/kilde: Finansavisen-papiravis( 4-1-2017, side 6)

[adsenseyu2]

Xisbiga Rødt: Waxaan dalbaneynaa in xukuumadu ay ka laabato go´aanka dib u celinta qoxootiga soomaalida ah

Xisbiga Rødt oo kamid ah xisbiyada siyaasada dalkan Norway ee u janjeero dhinaca bidixda fog, ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay iney dalbanayaan in baarlamaanka Norway uu dood ka furo, isla markaana xukuumadu ka noqoto, arinta dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600 qof. 

Rødt ayaa sidoo kale qoraalkooda si cad ugu sheegay ineysan xisbiyada kale, gaar ahaan AP, SP, KRF iyo venstre la qabin heshiiskii ku saabsanaa adkeynta sharciyada qoxootiga, kaas oo gundhig u ahaa arinta dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed. 

Waxey sidoo kale sheegeen in go´aanka dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed uu yahay mid xadgudub ku ah xuquuqda aas-aasiga ee qoxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah.

Xukuumadu labo carab ayay ku kala hadleysaa. 

Xogyaha xisbigaas Rødt Mari Eifring(sawirka hore) ayaa qoraalka uu xisbigeedu soo saarey ku sheegtay in xukuumadu ay dadaal ugu jirto iney sharciyada magangalyada kala noqoto qoxooti soomaaliyeed, ayna dib ugu celiso wadankoodii. Dhanka kalena waxey muwaadiniinta norwiijiga uga digeysaa iney u safraan Soomaaliya, sababtoo ah amaankeeda ayaan aheyn mid la isku haleyn karo. 

Eifring ayaa sidoo kale sheegtay sheegtay in go´aankaas uu  wel-wel badan galisay dad magangalyo iyo nolol ku heysto wadanka, maadaama ay saameyn balaaran ku yeelan karto dad badan oo Norway dagan. 

[adsenseyu2]

Dhanka kale waxaa qoraalka kasoo baxay xisbigaas, lagu sheegay in dowladu ay ka madax adeegeyso digniinta qaramada midoobay ee ku aadan dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed xiligan hada la joogo. 

Hadii la rabo in qof qoxooti ah wadankiisii dib loogu celiyo waa in la xaqiijiyaa in amaanka dalka qofka lagu celinayo uu yahay mid amaan waaraya ah, kaas oo la isku haleyn karo. Arintaas oo aan hada muuqan Soomaaliya, ayay sheegeen Rødt. 

Rødt: Mucaarad iyo muxaafid waa heshiis markan:

Qoraalka ay Rødt soo saareen ayay ku iftiimiyeen sida xisbiyada siyaasada wadanka Norway oo aragti ahaan kala duwan waxyaabo badan aan isku waafaqin, ay markan heshiis ugu yihiin arinta ku saabsan dib u celinta qoxootiga magangalyo doonka ah. Waxeyna sheegeen in siyaasada cusub ee qoxootigu aysan jirin mucaaridkii iyo muxaafidkii horey loo yiqiinay. 

Soomaali ayay ku qoreen: 

Qoraalka ay Rødt soo saareen waxaa la socday qoraal kale oo af soomaali ku turjuman, kaas oo isna lagu soo daabacay webka ay Rødt ku leeyihiin intnetka.

Inkasta oo qoraalkaas uu yahay mid aan sifiican u tifaftirneyn(Google translate?), hadana wuxuu muujinayaa in Rødt ay ugu talo-galeen iney xiriir toos ah la sameeyaan soomaalida, qoraalkoodana uu gaaro.  Halkan ka akhriso qoraalkaas: Rødt.no 

Rødt Baarlamaanka Norway hal xildhibaana kuma lahan: 

Waa arin aad loogu riyaaqo in xisbi kamid ah xisbiyada siyaasada ee dalkan uu sidaas qayaxan u muujiyo dareenkiisa ku aadan arinta dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga soomaaliyeed, walibana ay Af soomaali kusii qoraan.

Laakiin xaqiiqada ayaa ah in Rødt uu yahay mid aad u yar, oo aan saameyn balaaran ku laheyn masraxa siyaasada marka la joogo heer qaran. Hal xildhibaana Rødt kuma lahan 169 xildhibaan ee golaha shacabka Norway, lagumana soo daro doodaha siyaasada waaweyn ee la qabto xiliyada doorashada.

Saas oo ay tahay hadana waxey fahmeen arin aysan fahansaneyn(sida muuqata) xisbiyada waaweyn, gaar ahaan Ap oo asagu lihi iyo raasamaal ahaan u qaatay codadka ajaaniibta, soomaalidu haba ugu darnaatee. Waana in xiriir toos ah lala sameeyo jaaliyadaha ajaaniibta tiro ahaan wadanka ku badan, lana garab istaago xiliyada dhibaatada, sida tan soomaalida heysata oo kale. Si markaas hadhow loo kasbado kalsoonidooda.

Waxaa Rødt kamid ah siyaasiyiin soomaali ah, oo qaarkood tartamo usoo galey doorashada golayaasha deegaanka, gaar ahaan Oslo.

Xigasho/kilde: Rødt.no 

[adsenseyu2]

War Deg-deg: Dowlada Denmark oo ka noqotay go´aankii dib u qiimeyna sharciyada qoxootiga soomaaliyeed

Dowlada  dalka Denmark ayaa war safaaxadeed ay saacado kahor soo saartey ku sheegtay in ay dib ugu noqotay go´aankii ku saabsanaa dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga soomaaliyeed ee 1200 gaaraya. 

Denmark ayaa bishii Septemter ee sanadkii 2016, soo saartey go´aan ay ku sheegeyso iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo tiradoodu ay gaareyso 1200. Iyada oo markaas ay dowlada Dalkaas ku andacooneyso in xaalada amni ee meelihii ay kasoo qaxeen ay hada noqdeen meelo nabad ah. 

Go´aankan cusub ee maanta kasoo baxay dowlada Denmark, ayaa lagu cadeeyay in la joojiyay dib u eegistii lagu sameynayay sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas sharcigada magangalyada kumeel-gaarka ah ku heysto. 

400 oo wareysi lala yeeshay:

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark, waxaa wareysi ku saabsan dib u qiimeynta lala yeeshay dad gaarayo ilaa 400. Halkas 800 oo kalena loo diray warqado loogu sheegayo arinta dib u qiimeynta sharciyada. 

Go´aanka cusub ee maanta soo baxay ayaa lagu sheegay in dadkii wareysiga lala yeeshay ay sharciyadoodii magangalyada sii heysan doonaan, halka 800 boqol ee kalana halkaas lagu joojiyay prossoskoodii dib u qiimeynta. 

Wixii warar ah ee kusoo kordha warkan aadka u muhiimka ah, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Poltikk.dk, Nyheder.tv.dk

[adsenseyu2]

Spain: Haweeney boorso ku tahriibineyso wiil 19 sano jir ah oo la qabtay

Booliska magaalo xeebeedka Ceuta ee dalka Spain, ayaa 30-kii bishii aan soo dhaafneye ee Desember qabtay haweeney boorso ku wada nin 19 sano jir ah oo ay rabtey iney soo galiso xuduudka Spain. 

Booliska ayaa sheegay iney istaajiyeen haweeneydan oo ay arkeen iney aheyd mid wel-welsan, waxeyna ka codsadeen iney furto boorso weyn oo ay waday. Waxaana halkaas loogu tagay 19-jirkan kasoo jeeda galbeedka Afrika. 

Magaalada Ceuta ayaa kutaalo cirifka wadanka Morooko, waxaana maamulkeedu uu hoostagaa dalka Spain. Waxeyna marin u tahay kumanaan qoxooti afrikaan ah oo sanad walba isku daya iney qaab sharci daro ah kusoo galaan xuduudka wadankaas Spain. Ceuta waxaa gabi ahaanteedba ku wareegsan dhulka ay ka taliso dowlada Morooko.(Xigasho: Wikipedia, Ceuta)

Isniintii hore ayey aheyd markii 1100 qof oo qoxooti ah, ay soo jiireen darbi silig ka sameysan oo ku wareegsan magaaladaas, waxaana halkaas uu dhaawac kasoo gaarey boqolaal magangalyo doon ah iyo 55 boolis ah oo isugu jiro Marookaan iyo Spanish.

Xigasho/kilde: VG

[adsenseyu2]

Asad Qasim: Muhiimada ay wadashaqeynta guriga iyo iskuulka u leedahay waalidiinta soo galootiga ah

Wax shaki ah kuma jiro in xiriirka fiican iyo wadashaqeynta ka dhaxeyso guriga iyo iskuulku, ay furo u tahay dhiiragalinta ardeyga ee iskuulka iyo jeclaantiisaba. Si gaar ah waxey taas muhiim ugu tahay caruurta iyo waalidiinta wadanka imaaday mudo aan dheereyn kahor, aqoon fiicana aan u laheyn luuqada iyo dhaqanka norwiijiga. 

 Gogolxaarista wada-shaqeyn dhex-marta guriga iyo iskuulka, si waalidiinta soo galootiga ah ay saameyn wanaagsan ugu yeeshaan arintaas, waxey faa´iido u tahay mujtaca guud ahaan, iyo waliba dadka soo galootiga ah iyo qoxootiga. 

Waxaa jiro waalidiin badan oo ajaaniin ah kuwaas aqoon iyo khibrad fiican leh, hubaashiina haya soo jeedimo dhaxalgal ah, kuwaas oo ilmahooda ku caawin kara iskuulka iyo mujtamaca guud ahaanba. Waalidiintaas waa iney helaan jaanis lagu dhageysyto, waana iney helaan fursad ay banaanka ku keenaan soo jeedimahooda mudan in la dhaqangaliyo. 

Waalidiin badan waxey sheegaan in ka qeybqaadashadooda howlaha iskuulada, ay tahay mid aad u yar. Waxaana taas kor istaagan luuqada iyo dhaqanka. Howlwadeenada iskuulada guud ahaan, waa iney fududeyaan caqabadaha ka horistaagan waalidiinta ajaaniibta ah iney la qaataan kulamo iyo wada hadalo iskuulka ku saabsan. 

Ardeyda dhigato iskuulada caruurta ilaa laga gaaro dugsiga dhexe, waa kuwo ugu muhiimsan ee laga hadlo, marka lasoo hadalqaado muhiimaa wadashaqeynta guriga iyo iskuulka. 

Waxaa haboon in waalidiinta ajaaniibta ah ee heysto ilmo dhigto iskuulada caruurta iyo kuwa hoose-dhexe, ay helaan fursado ay ku kororsan karaan aqoontooda xaga dhaqanka iyo isdhexgalka. Sidoo kale howl-wadeenada ka shaqeeyo iskuuladaas, waa in la siiyo aqoon dheeri ah oo ku saabsan dhaqamada kala duwan ee caruurta iskuulka dhigato iyo wax wada lahaanshaha. 

Sidoo kale waxaa haboon in la sameeyo masrax ay waalidiinta ajaaniibta ah ku kulmaan, si ay dhexdooda isku weydaarsadaan aqoonta iyo khibradaha kala duwan. Si markaas waalidiinta ajaaniibta ah ay usii caawiyaan kuwa wadanka ku cusub, kalana taliyaan qaabka úgu fiican ee ilmaha iskuulada loola dhaqmo. Sidoo kale waxa looga baahanyahay si u dhiirigaliyaan, si caruurtooda  ay guul ugu gaaraan iskuulka ay dhigtaan.

Wax badan oo wanaagsan ayaa la sameyn karaa, hadii la helo masraxyo aqooneed ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan iskuulada iyo kommunayaasha.

Xigasho/kilde: Asad Qaasim-Blogg

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.