Ninkii soomaaliga ahaa ee gabadha dhaawaca u geystay oo 4 isbuuc oo cusub la xiray

0
103
Boolis baaritaan ku haya, meesha gabadha lagu weeraray Foto: (Torbjørn Olsen)

Maxkamada gobalka Hedmark, ayaa jimcihii aan soo dhaafney go´aamisay in ninkii soomaaliga ahaa ee weerarka iyo dhaawacyada u geystay gabadha soomaalida deegaanka Moelv, xabsiga lagu sii hayo mudo afar isbuuc ah oo cusub. Waxeyna tani timid kadib ay dhamaatay mudadii afarta isbuuc ahaa ee kumeel gaarka ahaa, ee lagu xukumay bil kahor.

 

Xiriir-haasaawe: 

Ninkan ayay boolisku ku eedeeyeen inuu geystay fal isku day dil ah, kadib markii uu weerar ku qaaday, dhaawacyo halis ahna uu gaarsiiyay gabadha soomaalida ah oo sida ay boolisku sheegeen uu ka dhaxeeyay xiriir haasaawe ama wada-sheekeysi.  

Waxey sidoo kale raaciyaan in mindida weerarka lagu geystay uu ninkan isla maalintaas uu weerarka dhacay uu kasoo iibsaday deegaanka Moelv. Iyaga oo raaciyay in arintaas ay u baahantahay in si gaar ah loo baaro, maadaama uu falkan noqon karo mid horey u agaasinaa ama qorsheysnaa.

Waxaan ka cabsi qabnaa inuu wadanka ka baxsado: 

Booliska ayaan wali sheegin goorta ay ninkan soomaaliga ah maxkamada horkeeni doonaan, waxeyse cadeeyeen iney rabaan iney xabsiga kusii hayaan inta maxkamada laga horkeeni doono.

Iyaga oo hadalkooda raaciyay in ninkan aanan loo cusbooneysiin sharciga uu dalka ku joogay, sidaas darteedna ay ka cabsi qabaan inuu wadanka ka baxsado hadii ay xabsiga kasii daayaan. 

Gabadhii oo wali kujirto isbitaal:

Frode Aabak oo ah garyaqaanka booliska ee deegaankaas, ayaa isaga oo la hadlayay wargeyska lokalka ah ee Hamar Arbeidsblad sheegay in gabadhii soomaalida aheyd oo uu dhaawaca soo gaaray ay wali kujirto isbitaalka, iyada oo laga dabiibayo dhaawacyadii darnaa ee kasoo gaaray weerarkaas. Wuxuuna raaciyay in dhaawacyada mindida ah ee soo gaarey ay ahaayeen kuwo halis ah. 

Frode ayaa tibaaxay in gabadhan ay mudo bil kadib ah ay wali kusii jirto isbitaalka, ay tilmaami karto halista ay lahaayeen dhaawacyada soo gaaray. Isaga oo raaciyay in xili aan dheereyn laga saari doono isbitaalka, hadii ay suurtagal noqoto. 

Xigasho/kilde: Hamar arbeidsblad, GD.NO, Ring-saker Blad

[adsenseyu2]

 

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments