torsdag, april 25, 2024

Fabian Stang iyo soomaalida oo markale kulan wada yeelan doono

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso ilo xog-ogaal ah, waxaa 26-ka bishan Janaury kulan wada yeelan doono xogyaha wasaarada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka dowlada Norway ee Fabian Stang, iyo ururka Annenrangsborgere iyo dad kale oo soomaali ah. 

Waxaana shirkaas looga hadli doonaa arimo ay kamid yihiin dib u qiimeynta sharciga magangalyada ee 1600 ee qoxootiga soomaalida ah, dadka soomaalida ah ee sharciyada waaweyn lagala noqday, shakiga xaga aqoonsiga-shaqsiga ah oo ay la kulmaan dad badan oo soomaali .

-Waa kulankii labaad 

Wuxuu shirka soomaalida iyo Fabian Stang noqon doonoo midkii labaad oo ay wada yeeshaan mudo kooban gudaheed. Bil kahor ayey aheyd markii labo group oo soomaali ah oo aan iska warqabin ay isku mar ay kuwada kulmeen xafiiska Fabian stang, mana jirin wax weyn oo muuqdo oo shirkaas hore kasoo baxay.

Labada group ee xogyaha Listhaug la kulmay, ayaa waxaa kala hogaaminayay siyaasiyiin ka kala socdo laba xisbi oo kala duwan, kana kala yimid magaalooyinka Oslo iyo Trondheim.

Su´aasha isweydiinta leh ayaa ah soomaalida markan la kulmi doonto Fabian Stang, ma isku abaabuli doonaan qaab ka fiican shirkii hore, maadaama xog aan helnay ay sheegeyso in shirkii hore ay soomaalida ka muuqatay isku dhex-yaac, abaabul la´aan, iska soo horjeed iyo qadiyad mideysan la´aan.

Dad xog ogaal ah oo shirkii hore goobjoog ka ahaa ayaa NorSom News u xaqiijiyay in labadii group ee shirkaas ka qeybgalay ay hadalka iska boobayeen, mararka qaarkoodna ay hadaladoodu iska soo horjeedeen ama isburinayeen. Waxaana taas sabab u ahaa iyaga oo aan hadal mideysan meesha la tagin, mid kasta uu rabay inuu markiisa si gaar ah isaga loo dhageysto.

Si dhibaatada ay tabanayaan bulshada soomaaliyeed loo gaarsiiyo dowlada wadankan, waxaa muhiim in la helo dad xulan oo mideysan, kuwaas oo dhibaatada sida ay tahay miiska u keeni kara. Si taas loo helana waxaa muhiim inaan odey, qof loo turjumayo ama siyaasi dan gaar ah leh aan la kaxeysan ee dhalinyaro aqoon u leh sharciga iyo luuqada wadanka meesha la geeyo.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x