Oslo: Darawal taxi oo furaha baabuurka laga xaday.

0
169

Booliska Oslo ayaa dacwad ka gudbiyay labo qof oo degan xaafada Bjølsen ee magaaladan Oslo, kuwaas oo muran dhexmaray dartiis furaha baabuurka kala tagay darawal TAXI, kadib markii ay ku kurmeen lacagta ujuurada(Kirada) Taxi-ga. Labadan qof ayaa furaha baabuurka ay darawalka ka xadeen la aaday guriga ay ku noolaayeen, wuxuuna darawalka ku qasbanaaday inuu xiriir la sameeyo booliska.

Booliska ayaa soo helay guriga ay labadaas qof degenaayeen, waxeyna darawalka usoo celiyeen furihiisii, isaga oo sii watay shaqadiisa darawalnimo ee TAXI-ga.

Bartooda Twitterka waxey boolisku kusoo qoreen inay dacwad ka gudbiyeen labadan qof ee falkaas sameeyay.

Arrintan xalay dhacday ayaa kusoo aadeyso xili habeenkii jimcada ay afar nin baabuurkii Taxi-ga ka xoogeen nin darawal taxi ah, iyaga oo adeegsaday mindi iyo hubka fudud ee gacanta. halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: STJAL BILNØKLER FRA TAXISJÅFØR.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments