lørdag, april 20, 2024

Booliska London oo 7 qof u qabtay dilkan wiilkan soomaaliga ah.

Booliska Magaalada Leicester ee dalka UK ayaa qofkii todobaad usoo xiray dilkii loo geystay Cabdiraxiim Maxamed oo dhalasho ahaan kasoo jeedo Soomaaliya oo u dhintay dhaawacyo badan oo kasoo gaaray toorey lagu dhuftay

Cabdiraxiim Maxamed ayaa 8-dii bishaan September waxaa laga soo qaaday isagoo dhaawac ah wadada Melbourne ee magaalada Leicester, waxaana la geeyey Isbitaal halkaas oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

Qofka cusub ee loo xiray kiiska dilka wiilkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Zakir Brant oo ah 25 jir ku nool Magaalada Leicester.

Booliska ayaa sheegay in Ninkaan la qabtay Maalintii Jimcaha aheyd uu kasoo muuqan doono maxkamad Isniinta soo socoto isagoo qeyb ka ah dadka lagu tuhunsan yahay dilkaan loo adeegsaday Toorey.

Sidoo kale, nin kale oo magaciisa la helin oo noqonayo kii sideedaad ayaa loo soo xiray kiiskaan.

Tirada eedeysanayaasha kiiskaan ee la shaaciyey inay maxkamadda kasoo muuqaan doonaan ayaa illaa hadda kala ah:-

1- Mohammed Israfeel Gul oo  27 isla markaasna dagan  of New Way Road
2- Daniel Pollard oo 29, dagan Calder Road
3- Mohammed Hansrod oo 29, degan Dulverton Road
4- Abdul Hemid Suleman oo 58, dagan Jupiter Close
5- Bhavic Parmar oo 25, Dagan  Bowling Green Street

Horraantii toddobaadkan, Fahad Ali Saleem, oo ah 25 jir deggan waddada Frederick Street ee magaalada Leicester, ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu caawiyey mid ka mid ah ragga weerarka geystay.

Sidoo kale, Muhamad Firoz Khan, oo 32 jir, iyo Khatib Gul oo 57 jir ah, islamarkaana degan Apollo Court, Leicester, ayaa wajahaya eedeymo kuwaas la mid ah, waxaana la filayaa inay maxkamada kasoo muuqdaan bisha dambe.

Xigasho/kilde: Caasimada

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x