torsdag, mars 28, 2024

Oslo: Taksiile baabuurkiisii Taxi-ga laga xoogay.

Booliska Oslo ayaa baadigoobayo dhowr qof oo nin Taksiile ah ka dhacay baabuurkiisii Taxi-ga.

Taksiilaha baabuurka laga dhacay oo xiligan ku sugan dhakhtarka gargaarka deg-dega ah (legevakten) ayaa sheegay in dadka baabuurka ka xoogay ay ula soo baxeen mindi iyo hubka gacanta, ayna u hanjabeen. Sidoo kalena ay xoog uga qaateen baabuurkii uu waday ee Taxi-ga iyo Waliba mobilkiisa gacanta.

Booliska oo hada gacanta ku hayo baabuurkii la dhacay, ayaa sheegay inay raadiyaan afar ilaa shan dhalinyaro ah oo falkaas ka danbeeyay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninka taksiilaha ah loo geystay nabaro muuqdo oo jirdil ah, uuna argagax xoogan ka qaaday falka uu la kulmay.

Xigasho/kilde: RANET TIL SEG TAXI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x