RW UK: Waxaan albaabada u fureynaa darawaliinta reer Yurub ee shaqo doonka ah.

0
197
Foto: Rueters

Dalka Ingiriiska waxaa baryihii ugu danbeeyay ka taagnaa dhibaato iyo baahi xoogan oo loo qabo darawaliinta baabuura qaada xamuulka culus, kadib markii ay darawaliinta reer UK ku filnaan waayeen inay buuxiyaan booskii ay baneeyeen darawaliintii reer Yurub ee horey sida xorta ah uga shaqeysan jiray suuqyada Ingiriiska.

Reysulwasaaraha Ingiriiska Boris Johansen ayaa hada ay dantu ku qasabtay inuu ka laabto qeyb kamid ah sharcigii kabixitaanka EU ee Brexit, si uu dalkiisa ugu helo darawaliin kufilan.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Ingiriiska, mas’uuliyiinta Ingiriiska ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay qaadaan tillaabooyin adag si ay ula tacaalaan dhibaatada gaadiidka ee curyaamisay dalkaas maalmahan. Ra’isal wasaare Boris Johnson ayaa jimcadii saxiixay, xal degdega oo darawaliinta reer Yurub loogu ogolaanyao inay helaan viso-yaal( dal ku gal) degdega, si xal loogu helo dhibaatada xoogan ee dalkiisa soo wajahday.

Dhibaatada darawaliin yaraanshaha ayaa sababtay inay martaan dukaamadii laga adeegan jiray, sidoo kalana waxaaa gabaabsi galay shidaalkii dalkaas lagu iibin jiray. Maalmo ka hor ayuu ra’isal wasaaruhu warbaahinta Daily Mirror ka sheegay inay dhici karto in bilaha fooda inagu soo haya inay gabaabsi noqon doonaan alaabaha dugaanada laga helo qaarkood, inkastoo sida uu sheegay ay taasi tahay mid wakhti yar socon karta.

Dalka Ingiriiska ayaa qiyaastii xiligan u baahan 90.000 oo ah darawalada wada baabuurta xamuulka qaada. Yaraanshaha darawaliinta ayaa waxay kadhalatay kabixitaankii EU ee Ingiriiska, taas oo sababtay inay kumanaan darawaliin ahi iska xaadiriyaan wadamadoodi kadib markii ay ku adkaatay helitaanka waraaqaha shaqada iyo visada dal kujooga.

Waxaaa kaloo iyana xaalada uga sii daray cudurkii caalamiga ahaa ee COVID-19 oo sababay in wadamudu ay xuduudaha kala xirtaan isu socodkiina yaraado. Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in darawaliinta wada baabuurta xamuulka qaada ee reer Yurub ay kusoo qulqulaan boqortooyada ingiriiska, iyada oo loo fududayn doono Visayaasha dalku galka iyo waraaqaha shaqada si degdeg ah.

Arrintaas oo kadhigan xalka keliya ee dhibaatadan soo wajahday boqortooyada ingiriiska lagaga bixi karo, sida ay sheegeen khuburada iyo ururada ganacsiga ee dalkaas.

Xigasho/kilde:Boris Johnson vil hente sjåfører fra EU

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments