Makuu qorsheysantahay inaad banaanka u baxdo labada maalmood ee soo socdo ee sabtida iyo axada, hadaba horey usii qaado dalada roobka, maadaam hey´adda Saadaasha hawada ay sheegtay in la filayo in gobolada Bariga iyo koonfurta wadanka ay ka da´aan roobab badan oo dabeylo wadan kara.
Qoraal ay hey´adda soo dhigtay barteeda Twitterk-ka ayaa lagu sheegay inay da´i roob uu biya-dhigiisu gaari karo 50-60 mm(Habka lagu qiyaaso biyaha roobka), ayna socon karaan ilaa 12 saacadood oo xiriir ah.