Dowlada oo ugu danbeyn joojisay shardigii sawirka baasaboorka Norway.

0
103

Wasaaradda cadaalada Norway ayaa sanadkii ugu danbeeyay waday diyaarinta xeer cusub oo ku saabsan baasaboorka Norway iyo macluumaadka lagu qorayo ee sheegaya aqoonsiga qofka baasaboorka iska leh.

Qodob kamid ah kuwii dhaliyay doodii ugu badneyd ee ku saabsan diyaarinta xeerkan cusub ee ku saabsan baasaboorka, ayaa ah in sawirka qofka baasaboorka iska leh ee ku dhegan baasaboorka si fiican oo muuqata loo arko dhagahiisa, si loo adkeeyo sugnaanta lahaanshana qofka ee baasaboorka.

Xeerka cusub ee dowladu ay rabtay inay dhaqangaliso, ayaa waxaa ku xusnaa in si muuqato loo arko dhagaha qofka marka uu galayo sawirka lagu dhajinayo baasaboorka. Taas oo ka dhigneyd in tusaale ahaan dumarka muslimiinta ah ay furaan xijaabka, si dhagahooda loo arko, halka dadka heysta diinta hindida ee Siikha ay ku qasbanaayeen ay furaan turbaanka(Cigaalka) ugu duuban madaxa.

Ururo badan oo matala dadka heysta diimaha Islaamka iyo Siikha(Hindida) iyo qeybo kamid ah masiixiyada ayaa ka biyo diiday soo jeedinta ku saabsan in la muujiyo dhegaha qofka baasaboorka iska leh, maadaama ay sheegeen inay xadgudub ku tahay diintooda. Halkan kasii akhri.

Dowlada ayaa cadaadis iyo qeylodhaan badan kadib maanta sheegtay inay qodobkaas ka reebtay xeerka cusub ee baasaboorka, kaas oo lagu adkeynayo sugnaanta macluumaadka qofka iska leh baasaboorka. Waxeyna dowladu sheegtay in dib loga noqday qodobkii dhigayay in qofka qasab looga dhigo inuu dhagahiisa muujiyo, marka uu galayo sawirka ku dhegan baasaboorka.

Xisbiga Frp ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan inay dowladu ka noqotay qodobkaas, iyaga oo sheegay in dowladu ay dooratay inay taxgaliyo diin, intii ay mudnaanta koowaad siin laheyd arrinta amniga ee ka dhalan karto in baasaboorka sifo qaldan loo adeegsado.

Xigasho/kilde; Regjeringen mener de nye passene blir sikre nok, også med foto hvor ørene ikke synes.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments