Nooc cusub oo Corona ah oo Trondheim lagu arkay.

0
80
Foto: Visit Norway

Sida uu sheegay dhakhtarka guud ee degmada Trondheim, waxaa markii ugu horeysay magaalada Trondheim laga helay nooc cusub oo xanuunka Corona ah, kaas oo aan lamid aheyn noocyadii horey loogu arki jiray Norway.

Dhakhtarka guud ee Trondheim, Tove Røsstad ayaa sheegay in noocan cusub ee viruska Corona ee laga magaalada uu yahay nooc aad uga faafitaan badan noocii horey loo yaqaanay, uuna yahay nooc cusub oo horey aan xog badan looga heynin.

Magaalada Trondheim, waxaa karantiil la galiyay ilaa 800 qof oo looga shakinsanyahay inay qaadeen xanuunka Corona.

Xigasho/kilde: Ny variant påvist i Trondheim.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments