Baraf Foto: Vegvesenet.

Habeenki xalay waxaa gobolada Bariga iyo koonfurta dalkan Norway ka da´ay baraf bilow ah, kaas ahaa mid horey loo sii saadaalinayay. Magaalooyinka Kongsberg iyo Netodden ayaa kamid ah meelaha uu xalay ka da´ay barafka uu weheliyo roobka.

Xarumaha booliska ayaa baabuurleyda uga digaya inay ku socdaan taayirka(shaaga) sommerka, waxeyna dadka degan meelaha uu barafka ka da´ay kula taliyeen inay baabuurka ka tagaan, hadii aysan wali aadan badalin taayarka xagaaga, aadana baabuurka ku xirin taayarada xiliga winterka.

Hey´adda saadaasha hawada ayaa saadaalineyso in deegaamada qaarkood uu ka da´i karo baraf gaarayo ilaa 20 cm.

Xigasho/kilde: SNØ FLERE STEDER PÅ ØSTLANDET.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments