NAV oo waraaq qalad loo fahmay u dirtay 100.000 qof: Si qalad ah ayay ku baxday.

0
194

Sida lagu sheegay warqad qoraal ah oo maanta kasoo baxday xafiiska shaqada ee NAV, hey’ adda ayaa maalintii axada ee shaley aheyd waraaq ku saabsan taageerada AAP-da qaab digital ahaan ugu dirtay ilaa 100.000 qof oo hey’ adda ku xiran. Waxaa dadka waraaqda loo diray lagu wargaliyay in mudo lix bilood ah loo dheereeyay mudada taageerada AAP-da.

AAP ayaa ah taagerada dhaqaale ee la siiyo dadka shaqada uga fariistay xanuun ama dhaawac awgeed, isla markaana ay u socoto daaweyn ama la socosho caafimaad oo kale.

Waraaqda shaley la diray ayaa abuurtay jahwareer badan, taas oo maanta qasab ka dhigay in hey’ adda NAV ay maanta soo saarto war saxaafadeed ay ku sheegayaan in warqadaas si qaldan oo aan la hubin ay ku baxday. Waxeyna sheegeen in mudada lixda bilood ah ee la kordhiyay ay khuseyso dad gaar ah oo shuruudo cayiman buuxiyay, dadka oo dhana aysan wada khuseynin.

Waxeyna sheegeen in mudada lixda bilood ee la kordhiyay ay khuseyso dadka xiligan qaata lacagta AAP, kuwaas oo

  • Loo diyaarinayo shaqo ama howlgab.
  • Ah ardey qaata lacagta AAP, kaas oo waxbarashadii u joojiyay xanuun dartiis.
  • Ah qof ku gudo jiro abuurista shirkad cusub oo isagu iskiis u leeyahay, ugana shaqeeyo.
  • Ku jiro tababar shaqo ama kordhin shaqo.
  • Iyo kuwo dirtay codsiga taageerada hawlgabka, jawaabna ka sugayo codsigiisa.

Xigasho/kilde: 100 000 personer kan se bort fra AAP-brev .

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments