torsdag, mars 28, 2024

Norway oo nin muslim ah oo dhalashadeeda heysta u gacangalisay Talyaaniga.

Sida uu qoray TV2, dowlada Norway ayaa dalka Talyaaniga u gacangalisay 43-jir heysta dhalashada Norway, balse asal ahaan ah ajnabi muslim ah, asal ahaan kasoo jeedo Kurdida Ciraaq. Ninkan ayaa horey waxey maxkamad kutaal Dalka Talyaaniga ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi la xiriira argagaxiso.

Laanta sirdoonka iyo nabadsugidda Norway ayaa TV2 u sheegtay in shaley oo sabti aheyd ninkan laga dhoofiyay dalka Norway, waxaana loo gacangaliyay laamaha amaanka dalka Talyaaniga.

Ninkan ayaa loo xukumay kiis la xiriira shabakad ay dowlada Talyaaniga sheegtay inuu madax ka ahaa wadaadkii horey Norway looga tarxiilay ee Mulla Krekar. Wadaadkan ayaa hada ku xiran dalka Talyaaniga, kadib markii lagu helay, loona xukumay danbi la xiriira argagaxiso. Halkan kasii akhri.

Waxaana 43-sano jirka maanta la tarxiilay la sheegay inuu hogaamiye ku xigeen ka ahaa shabakada uu abuuray Mulle krekar. Gaar ahaan uu qaabilsanaa qeybta tashkiilinta dhalinyaro loo diyaarinayay inay howlgalo falal argagaxiso ka fuliyaan gudaha dalalka Yurub.

Maxkamada Oslo ayaa horey u diiday in ninkan oo heysta dhalashada Norway loo gacangaliyo dowlada Talyaaniga, balse maxkamada racfaanka ayaa ogolaatay in ninkan loo dhiibi karo dowlada Talyaaniga oo codsaday in loo soo gacangaliyo.

Xigasho/kilde: En medarbeider av Mulla Krekar, som er dømt til ni års fengsel, er utlevert til Italia.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x