Booliska magaalada Kristiansand ayaa sabtidii lasoo dhaafay helay meydka Dan-Eivind Lid oo ahaa mid kamid ah madaxda ururka la baxay SIAN( Joojinta islaamiyeynta Norway), waxeyna boolisku sheegeen inay tuhunsanyihiin in la dilay.
Booliska ayaa wali wada baaritaanka dhacdadan, iyada oo ilaa hada aan lagu guuleysan in lasoo qabto qof falkan lagu tuhunsanyahay inuu ka danbeeyo.
Dan-Eivind Lid oo 48 sano jir ahaa ayaa kamid ahaa madaxda sar-sare ee ururka SIAN, oo lagu tiriyo inuu yahay urur xagjir ah oo kasoo horjeedo ajaaniibta, gaar ahaan kuwa muslimiinta ah.
NRK ayaa shaley qoray in jirkiisa ninka la dilay ay ka muuqdeen dhaawacyo xoogan, kuwaas oo muujinayay in loo geystay nabaro xoogan oo sababi karay inuu dhinto. Booliska ayaan dhankooda sheegay inay tuhunsanyihiin in falka dilka ah ay geysteen dhowr qof, inkasta oo ilaa hada aan lagu guuleysan soo qabashada dadkaas.
Xigasho/kilde: Jakter en eller flere gjerningspersoner etter drap.