Khuburo: Waalidiin ayaa sababtan darteed si qaldan loo xukumay.

0
134

Baaritaan ay sameeyeen khuburo ka kooban dhakhatiir iyo sharci yaqaano ayay ku sheegeen in waalidiin badan si qaldan loogu xukumay danbi aysan galin, kadib markii lagu eedeeyay inay caruurtooda ruxeen/gilgileen, taas oo keentay dhaawacyo dhanka maskaxda ama madaxa ah.

Khuburadan oo baaritaan ku sameeyay 17 kiis oo danbigaas ku saabsan, ayaa sheegay in ugu yaraan shan kamid ah kiisaskaas ay baareen uu xukunkooda ahaa mid aan sharci aheyn. Iyada oo ay hada dhici karto in kiisaskaas dib mar kale loo furo.

Danbiga waalidiinta lagu eedeeyay ayaa ah in caruurtooda uu soo gaaray dhaawac dhanka madaxa ama maskaxda ah, kaas oo keeni karo in madaxa ilmaha uu kala dheeraado. Waxaana dhaawacyada ilmaha ee ka dhasha arintan loo yaqaana Shaken baby syndrome(Fiiri sawirka kore).

Mid kamid ah sababa keenay dhaawacyada madaxa ilmaha ayaa ah in madaxa ilmaha la ruxo ama la gilgilo, iyada oo waalidiin badan lagu eedeeyay inay iyagu ruxitaanka ama gilgilista sabab u ahaayeen.

Khuburada baartay kiisaska waalidka arinta loo xukumay ayaa shaki xoogan ka muujiyay cadeymaha loo adeegsaday waalidka, iyo sharci ahaan xukunka danbiga ah ee waalidla lagu soo oogay. Waxeyna cadeeyeen in sawirada raajada ee laga qaado madaxa ilmaha ay muujinayaa oo kali ah daawaca ilmaha soo gaaray, balse aysan wax cadeyn ah u noqon in dhaawacaas uu waalidku sabab u ahaa.

Khuburadan ayaa natiijada baaritaankooda u diray xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Norway, kuwaas oo balanqaaday inay si gooni ah u fiirin doonaa.

Xigasho/kilde: Mener foreldre kan være feilaktig dømt for barnemishandling.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments