Golaha islaamka oo iska fogeeyay falkii lagu gawracay macalinka.

0
108
Gudoomiyaha dalada ururada muslimiinta Norway: Cabdiraxmaan Diiriye.

Golaha ay ku mideysanyihiin masaajidada iyo ururada muslimiinta ah ee Norway(Islamisk råd), ayaa war ay soo saareen ku sheegay inay iska fogeynayaan, ayna canbaareynayaan falkii lagu gawracay macalinka , kadib markii uu ardeydiisa usoo bandhigay sawiro aflagaado loogu geystay nabi Muxamed NNKH. Falkan ayaa ka dhacay dalka Faransiiska.

Samuel Paty oo ahaa macalinka 47-sano jirka ee la gawracay ayaa ahaa macalin dhiga maadada taariikhda, wuxuuna maalmo kahor inta aan la dilin uu ardeyda fasalkiisa tusiyay sawiro farshaxan ah oo loo ekeysiiyay Nabiga. Waxaana qoorta ka jaray ardey asal ahaan reer Jeejniya ah, kaas oo markii danbe ay boolisku toogasho ku dileen.

Cabdiraxmaan Diiriye oo ah gudoomiyaha golaha islaamka Norway ayaa sheegay in falkaas lagu gawracay macalinka uu yahay mid aan shaqo ku laheyn diinta islaamka. Wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inaan loo nisbeyn bulshada muslimiinta ah ee Norway ama caalamka kunool. Isaga oo sheegay inay muhiim tahay inaan lagu deg-degin magac u yeelista dhacdadaas, ilaa boolisku ay baariteenkeeda dhameyanyaan.

Diiriye oo asal ahaan soomaali ah ayaa raaciyay inay muhiim tahay in lala wada dagaalamo waxa uu ugu yeeray xagjirnimada, nooc walba oo ay taheyba, iyo dhinac walba oo ay ka timaado.

Xigasho/kilde; Islamsk Råd Norge: – En slik handling er ikke tråd med islam, faktisk er den anti-islamsk.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments