Baasabooradii cusbaa oo ugu danbeyn bixintooda la bilaabay.

0
158
Nooca cusub ee baasaboorka Norway Foto: Politiet

Waxaa ugu danbeyn soo baxay oo bixintooda la bilaabay nooca cusub ee baasaboorka Norway, kaas oo marar badan uu ku yimid dib u dhac, xiliga uu soo bixi lahaa ah. Baasaboorka cusub ayay dowladu sheegtay inuu yahay mid ay adagtahay in la khaldo ama la faaliso-gareeyo, uuna qeyb ka yahay qorshaha dowlada ee sugitaanka macluumaadka qofka baasaboorka wato.

Wasiiradda cadaalada Norway oo maanta kamid aheyd dadkii baasaboorka qaadatay, ayaa sheegtay in qaabka cusub ee loo sameeyay baasaboorka cusub uu yahay mid ay adkaan doonto in loo adeegsado arrimo la xiriira fal danbiyeed. Ayna ka hortagi doonto inay adeegsadaan kooxaha ka ganacsada daroogada, tahriibinta dadka iyo kuwa argagaxisada ah.

Inkasta oo la bilaabay bixinta baasaboorada cusub, uuna qofku hadaba ka dalban karo xarumaha booliska ee deegaankiisa, hadana booliska ayaa sheegay in qofka heysta baasaboor shaqeynaya(aan wali dhicin) uusan u baahneyn inuu horey ka codsado baasaboorka cusub. Waxeyna sheegeen in qofku uu wadan karo baasaboorkiisa, ilaa uu ka dhaco.

Dowlada ayaa qarash badan ku bixisay sameynta nooca cusub ee baasaboorka Norway.

Xigasho/kilde: Nå kommer det nye passet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments