Dowlada Norway: 3000 Qoxooti ah ayaan dalkeena keeni doonaa.

0
135
Foto: KRF

Sida lagu soo bandhigay soo jeedinta miisaaniyada sanadka 2021 ee dowlada Norway, dowlada Norway ayaa rabta in sanadka danbe ay dalkeeda keeni doonto dad qoxooti ah oo tiro ahaan gaaraya 3000 qof.

Qoxootiga ay Norway rabto inay soo qaadato ayaa laga soo qaadi doonaa xeryaha qoxootiga ee caalamka, iyada oo la raacayo xeerka qaramada midoobay ee saami-qeybsiga qoxootiga caalamka ee u baahan dib u dajinta u baahan.

Xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg, ayaa taageero uga baahan xisbigaFrp si miisaaniyada sanadka danbe ay u meelmarto. Balse Frp ayaa horey shardi uga dhigay inaan Norway la keenin hal qof oo qoxooti ah, hadii ay taageero siinayan miisaaniyada dowlada.

Xukuumada Solberg oo ka kooban xisbiyada Høyre, Venstre iyo Krf ayaan dhag jalaq u siin soo jeedinta Frp, waxeyna taas badalkeeda soo jeediyeen in Norway soo qaadato tiro qoxooti oo ka badan tirada ay Norway qorsheysay inay soo qaadato sanadkan 2020.

Waxaa isbuucan bilaaban doono dooda baarlamaanka ee ansixinta miisaaniyada, taas oo sanad walba leh xiiso gooni ah, marka xiliyada oo kale la gaaro.

Xigasho/kilde: Regjeringen foreslår 3.000 kvoteflyktninger i statsbudsjettet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments