Wasiirka caafimaadka: Trump arintaas kuma raacsani.

0
173
Wasiirka caafimaadka Norway. Foto: Wikipedia

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo maalmihii lasoo dhaafay jiifay isbitaal lagu daaweynayay, kadib markii laga helay xanuunka Covid-19, ayaa xalay fiidkii dib loogu celiyay aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareykanka, isaga oo halkaas kusii heli doono daaweyn iyo la socosho.

Trump ayaa markii laga saaray isbitaalka bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal uu dadka ugu sheegayo inaysan ka cabsan xanuunka Covid-19 ama aysan isku dhiibin oo aysan isku jilcin. Isaga oo sheegay in xaaladiisu ay fiicantahay, uuna dhawaan ka guuleysan doono xanuunka Corona.

Wasiirka caafimaada dalkan Norway, Bent Høie oo saaka shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuusan Trump hadalkaas ku raacsaneyn, isaga oo ka digay halista ay leedahay in xanuunka dadka loo sahlo ama looga dhigo wax aan sidaas usii weyneyn.

Bent Høie ayaa sheegay in xanuunkaas uu yahay mid halis ah oo si fudud ku faafo, una baahan in taxadar laga sameeyo. Isaga oo xusay in ujeedada aysan aheyn in laga cabsado, balse ay muhiim tahay in laga feejignaado.

Xigasho/kilde: Høie: Ikke enig med Trump i at man ikke skal være redd for covid-19.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments