Kommune lagu canaantay dacwo ay masaajid ka gudbiyeen.

0
71
Duqa magaalada Sarsborg:Sindre Martinsen-Evje. Foto: Skjermdump/tv2

Duqa magaalada Sarpsborg Sindre Martinsen-Evje ayaa shir jaraa´id oo uu shaley qabtay ku sheegay inay dacwo ka gudbiyeen masaajid kuyaal magaaladaas, kadib markii xaflad diimeed ka dhacday masaajidka ay sabab u aheyd in dad ka badan 200 qof laga helo xanuunka Corona, 2500 kalena la galiyo karantiil. Arintaas oo saameyn ku yeelatay degmada iyo howlaheeda. Halkan kasii akhri.

Madaxa hey´adda caafimaadka dadweynaha, Espen Rostrup Nakstad ayaa shaley degmada Sarpsborg ku canaantay dacwada ay ka gudbiyeen masaajidka, maadaama dacwada booliska loo gudbiyay ay keeni karto dhaawac soo gaaro kalsoonida wada shaqeyn ee xarumaha bulshada iyo hey´addaha dowlada, ee la xiriirta xakameynta xanuunka Covid-19. Ayna arintaas keeni karto in dad badan ay qarsadaan inay soo wargaliyaan hey´addaha dowlada, iyaga oo ka cabsi qabo in dacwad lagu soo oogo. Balse wuxuu gadaal ka sheegay in degmooyinka ay xor u yihiin gudbinta dacwada, halka booliskuna ay xor yihiin inay dacwadaas baaraan iyo inay iska laalaan.

Xigasho: Nakstad presiserer: Opp til kommunene selv å vurdere politianmeldelse.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments