lørdag, april 20, 2024

Frp oo Trump u sharaxay bilada Nabadda aduunka (Nobel Peace Prize)

Christian Tybring-Gjedde oo ah ku xigeenka gudiga difaaca iyo arrimaha ee golaha baarlamaanka Norway, ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump lagu daray liiska dadka sanadkan ku guuleysan kara biladda nabadda aduunka ee Nobel Peace Prize. Wuxuuna sheegay in Trump uu biladaas ku muteysan karo doorka uu ka ciyaaray heshiiska isku soo dhaweynta carabta iyo Israel, gaar ahaan heshiiska labada dal ee Imaaraadka iyo Israel, halka ay wadamo kale oo carab ah saf ugu jiraan heshiis rasmi ah oo ay la galaan Israel.

Tybring Gjedde oo wareysi siiyay Tv-ga Fox News ayaa sheegay in heshiiskaas oo uu Trump sababteeda lahaa, uu wax weyn ka badali karo xaalada barriga dhexe, uuna abuuri karo xaalad isku dhawaansho oo saameyn toggan ku lahaan karto nabadda aduunka.

Trump ayaa ilaa xalay dhowr Twitter iska soo daba ridayay, isaga oo la ashqaraarsan bilada loo sharaxay, wuxuuna horey u sheegay inuu horey u mudnaa in biladaas isaga la siiyo.

Xigasho/kilde: Tybring-Gjedde i Fox News-intervju: – Jeg har nominert Donald Trump til Nobels fredspris.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x