Kommune-ha Sarsborg oo dacweeyay masaajid, kadib markii 200 qof laga helay xanuunka Corona-virus.

0
111
Duqa magaalada Sarsborg:Sindre Martinsen-Evje. Foto: Skjermdump/tv2

Duqa magaalada Sarsborg ee gobolka Viken ee dalkan Norway, ayaa shir saxaafadeed maanta ku sheegay in maamulka magaalada Sarsborg ay dacwad ka gudbiyeen masaajidka Al-Ghadir islamsk senter ee magaalada Sarsborg, kadib markii xaflad diimeed masaajidkaas lagu qabtay ay sababtay inuu deegaankaas ka dilaaco xanuunka Corona.

Xaflad diimeedka masaajidka lagu qabtay ayaa sabab u aheyd in ilaa hada dad gaarayo 200 qof laga helay xanuunka Covid-19, waxaana karantiil la galiyay ilaa 2500 qof oo looga shakiyay inay xanuunka qabi karaan. Dhamaan dadka xanuunka laga helay iyo kuwa karantiilka la galiyay ayaa ah dad degan magaalooyinka Sarsborg iyo Fredrikstad, kuwaas oo ka qeybqaatay xaflad-diimeedka ka dhacday masaajidka, xubnaha qoysaska dadkaas iyo dadka kale oo iyaga xiriir la leh.

Duqa magaalada Sarsborg, Sindre Martinsen-Evje ayaa sheegay inay booliska u gudbiyeen dacwad ay ku dalbanayaan in boolisku ay baaritaan ku sameeyaan in masaajidku uu jabiyay xeerarka loo dajiyay ka hortaga xanuunka Corona-virus.

Faafitaanka xanuunka Coronavirus ee deegaankaas ayaa sababay in shaqaalaha xarumaha dowlada iyo iskuulada kuyaal deegaankaas la galiyo karantiil, maadaama ay xiriir la lahaayeen dad xanuunka laga helay. Iyada oo hey´addaha caafimaada ay soo jeediyeen in la xiro dhamaan iskuulada magaalada Sarsborg, si looga hortago faafitaanka xanuunka.

Xaflad diimeedka sababtay in xanuunka uu ka dilaaco deegaankaas ayaa dhacday dhamaadka bishii August, waxaana loogu dabaaldagayay 10-ka maalmood ee caashuuraa(Dabaaldega maalmaha Caashuura ee shiicada).

Xigasho/kilde: Sarpsborg går til anmeldelse etter coronasmitte.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments