Kulanka golaha wasiirada Norway. Foto: Torgeir Haugaard/Forsvaret

18,2 % bulshada ku dhaqan Norway, waa dad ajaaniib ah oo iyaga oo waaweyn Norway yimid ama caruur ay wadanka ku dhaleen. Saas oo ay tahayna, 185-ka agaasime guud iyo agaasime waaxeed ee wasaaraddaha iyo hey´addaha dowlada, waxaa kujiro hal qof oo magac ajnabi wato. Waxaana arintan soo bandhigay wargeyska Aftenposten oo baaritaan qoto dheer ku sameeyay madaxda hey´addaha dowlada iyo agaasimaha wasaaradaha dowlada Norway.

Cinwaanka ay Aftenposten u dooratay warbixinta arintan ayaa ah, dowlada waxaa maamula dad cadaan ah(Staten styres av hvite), inkasta oo ku dhawaad shan meelood meel kamid ah(1/5=20%) ay yihiin dad ajaaniib ah oo dhaqamo iyo afaf kala wato.

Xitaa hal agaasime waaxeed ee wata magaca ajnabiga, waa Omar Dajan oo ah nin aabihiis uu Falastiini yahay, hooyadiina Norwiiji. Wuxuuna agaasime waaxeed ka yahay wasaaradda maaliyada.

Wasiirka dhaqanka Abid Raja oo asal ahaan ajnabi ah, ayaa dowlada ku canaantay arintan, wuxuuna sheegay in dowladu aysan sidii la rabay uga faa´iideysan awood iyo aqoonta dadka ajnabiga ah ee shaqada dowlada kusoo kordhin karo aqoon dheeri ah iyo aragti shaqo-nololeed ka duwan tan caadiga ka ah Norway.

Halkan kasii akhri: Staten styres av hvite.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments