mandag, november 25, 2024
Home Blog Page 284

Xildhibaan ka tirsan xisbiga FRP oo soo dhaweeyay heshiiska ku saabsan celinta soomaalida aan sharciga helin

Ulf Isak Leirstein. (Foto: Erik Hagen)

Ulf Isak Leirstein oo ah xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Norwey, kana tirsan xisbiga FRP ayaa soo dhaweeyay heshiiska aan wali la shaacin balse la rumaysanyahay inuu dhex-maray dowladaha Somaliya iyo Norwey ee ku saabsan in qasab lagu celiyo dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday wadankan Norwey. Ninka oo kasoo jeedo magaalada Sarsborg, kana soo galo baarlamaanka Norwey gobalka Østfold ayaa bartiisa Facebooga soo dhigay qoraal uu ugu hanbelyaynayo dowlada Norwey iney ugu danbeyn ku guulaysatay heshiiskan. Waxa uuna sheegay in qofka ay tahay in uu wadankiisii ku noqdo hadii dhibtii marka hore kasoo ceyrisay ay meesha ka baxdo, hadii uu diido in uu noqdana ay tahay in ay dowladu khasab ku celiso.

Ulf Isak Leirstein ayaa horey caan ugu ahaa inuu bartiisa facebooga soo dhigo qoraalo ku saabsan naceybka iyo kasoo horjeedka uu u qabo dadka soo galootiga ah, gaar ahaan kuwa ka yimid wadamada muslimka. Dhowr mar oo hore ayaa warbaahinta waaweyn ee wadanka ay ka qortay hadalo naceyb ah oo ku wajahan dadka asalkooda muslimka yahay. 2014 ayay ahayd markii uu si bareer ah u weeraray Hadia Tajik oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga shaqaalaha ee AP, ahna gabar asalkeeda uu yahay Pakistan muslim ah, asaga oo ku daraya asalkeeda. Arintaas oo ku qasabtay madaxda xisbiga FRP iney raali galin ka bixiyaan.

 

Heshiis mise wadahadal:

Warbaahinta NorSom News ayaa ilaa shalay dadaal ugu jirtay inay hesho warbixino dheeri ah oo ku saabsan natiijada wadahadaladii u dhaxeeyay dowlada soomaaliya iyo Norwey ee ku saabsanaa in heshiis laga gaaro celinta dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday oo ilaa 500 oo qof gaaraya. Waxaan xiriir la sameynay wasaarada cadaalada iyo dastuurka Norwey oo ahayd tii u qaabilsanayd dhanka dowlada Norwey wadahadalan. Waxay noo xaqiijiyeen in wadahadalka ku saabsan arintan ay socdeen mudo aad u badan, oo aysan aheyn kuwo hada bilowdey oo kaliya. kulankii dhexmaray wafdiga ka socday dowlada soomaaliya ee dhacay jimcihii lasoo dhaafeyna uu ahaa mid ku saabsan arintan, balse macluumaad dheeri ah idinkama siin karno hada. Waxay kaloo intaas ku dareen in ay dowlada soomaaliya iyo Norwey uu ka dhaxeeyo wada shaqeyn guud oo ku saabsan sidii loo xakameyn lahaa dadka kasoo haajirayo Soomaaliya.

Mas-uuliyad xumada wafdiga dowlada soomaaliya:

Bartamihii isbuucii hore ayuu wafdigan uu hogaaminayo Cabdisalaan Hadliye ee ka socdo dowlada Soomaaliya uu soo gaaray Norwey, iyaga oo sida la ogaa ka qaybgalayo kulankii sanadlaha ahaa ee u dhaxeeyay wasiirada arimaha dibada wamada afrika qaarkood iyo kuwa NORDIC. Jimcihii lasoo dhaafay ayuunbaa halmar laga war helay in ay wafdigan oo aan markaas wali la kulmin jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey iney wadahadal la galayaan dowlada Norwey, kaas oo ku saabsan in la celiyo dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday wadankan. Arintaas oo dhalisay buuq iyo cabsi soo wajahdey qaar kamid ah soomaalida dagan halkan. Markii ay soo dhamaysteen wadahadaladii ay la lahaayeen dowlada Norwey ayay hadana iyaga oo aan wali kulan la qaadan jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka ay mid mid wadanka uga safreen. Sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay ilo xog ogaal ah, waxaa ugu horeynba wadanka ka safray wafdiga qayb kamid ah oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, Cabdisalaam  Cumar Hadliye. Halkan qayb kale oo wafdiga kamid ah oo uu ku jiro Generaal Gaafow iyo wasiirka amniga qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ay wadanka sii joogeen maalmo kale. 

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey ayaa caro weyn ka muujiyay hab dhaqanka wafdiga soomaaliya. Baraha bulshada(sosial-media) iyo goobaha kale ee lagu kulmo ayaa ilaa jimcihii laga hadal hayay masuuliyad xumada uu ku kacay wafdiga dowlada Soomaaliya ee matalayay shacabka iyo qaranka soomaaliyeed. Maxay marka hore ula kulmi waayeen jaaliyada, oo ay ugu wareysan waayeen xaaladahooda, inta ay wadahadal ama heshiis la galayaan dowlada uu ku jiro xisbi aad uga soo horjeedo dadka soo galootiga ah. Hadiiba ay markii hore qaldameen, maxay markii danbe nooga warbixin waayeen waxa uu ku saabsanaa wadahadaladaas iyo kulamada ay la galeen dowlada Norwey.

Walaal Gabadhu waa qabiilkee?: ilinta Yaasmiin iyo arxan darada soomaalida Norwey

FOTO: MARI ALLGOT LIE / NRK

14. April sanadkii 2015 ayay ahayd markii ugu horeysay ee sheekada Yaasmiin iyo laba gabdhood oo kale laga soo daayay barnaamijka Brennpunkt ee tvga NRK. Inkasta oo barnaamijku si guud uga hadlayay xaalada sadexda gabdhood, hadana dadkii diyaariyay barnaamijka waxa ay xoogaa saareen sheekada Yaasmiin, oo ka calool xumo badnaa kuwa labada gabdhood ee kale. Maalmihii xigay waxaa si isdaba joog ah warbaahinta wadanka Norwey loogu soo daabacayay qoraalo iyo warbixino kala duwan oo looga hadlayay xaalkan gabadhan soomaaliyeed ee nolosha silica ah ku nooleyd mudo aad u dheer. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Norwey,  dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo waliba dad kale oo magac ku lehba wadanka ayaa waxay dowlada Norwey ku codsanayeen i xaalka Yaasmiin il gaar ah lagu eego oo aan lagu celin, wadankii ay markii horeba dhibanaha ku ahayd ee Hungry. Dadkaas u doodayay Yaasmiin waxay dhamaantood ahaayeen dad norwiiji iyo qowmiyado kale isugu jiro, oo aan yaasmiin ugu danqaneyn ilaa bini-aadinimo ma ahaane. Ma jirin warbaahin soomaaliyeed ama cid kale oo soomaali ah ka hadashay intii uu cusbaa barnaamijka laga diyaariyay gabadhan. Mudo kadibna waaba la iska ilaaway, oo cid danbe oo ka hadashay ma jirin ilaa laga soo gaaray bisha may 2016, oo ah sanad kadib markii uu soo shaac baxday sheekada Yaasmiin.

NorSom News ayaa noqotay warbaahintii ugu horeysay ee luuqada soomaaliga kusoo bandhigtay xaalka Yaasmiin, waxaana 2-may aan ka qorney kiiska yaasmiin oo markaa loo gudbiyay maxkamada sare ee wadankan. Wixii intaa ka danbeeyayna, sheekada gabadhan ayaa kusii fiday bulshada soomaaliyeed iyo warbaahintaba.

Halkan ka akhri  qaar kamid ah wararka aa ka qorney Yaasmiin:

Maxkamada sare oo go aan ka gaarayso in Yaasmiin in lagu celiyo Hungary iyo inkale

Maxkamada sare ee Norwey oo ogolaatay in gabar soomaali ah wadanka laga ceyriyo.

Wasiirka dastuurka iyo cadaalada Norwey oo laga codsaday inuu ka jawaabo arinta gabadha soomaaliyeed

 

Walaal gabadhu waa qabiilkee?:

Kadib markii aan qoraalka ka sameynay xaalka yaasmiin, waxaa xiriirka nala soo sameynayay dad soomaaliyeed oo kala duwan, ayga oo na waydiinayay su aalo ku saabsan wararka yaasmiin iyo sida uu xaalkeeda yahay. Dadka nasoo wacayay waxaa u badan dumar iyo rag dhalinyaro ah oo aad uga murugaysan xaalka gabadhan, rabana inay wax u qabtaan. Qof walbe waxaa dareenkiisa ka muuqdey shucuur iyo dareen kacsan oo ay qaadeen, kadib markii ay daawadeen, barnaamijka laga diyaariyay gabadha.

Balse waxaa mar walbe jirtay su aal uu qof walbe rabay inuu rabay inuu helo jawaabteeda, inkasta oo ay afka toos usoo marin karin, hadana waxbaa gubayay oo ku qasbayay, iney ogaadaan jawaabta su aashooda. Su aashaas waxay ay ku saabsanayd cida ay tahay Yaasmiin: Walaal gabadhu waa qabiilkee? codkeeda ayaa maqlaye ma reer qansax baa oo dega deegaan hebel?. Aaway dadkeedi, miyaysan ka dhalan qabiil ama cid kale oo qaraabo la ah majirto miyaa?. Odoyadii qabiilka ay ka dhalatay maxaad ula xiriiri waydeen, qaaraan ha usoo uruuriyaane?. Reer Hebel hadey ka dhalatay, waa dad aad isugu xiran ee walaalayaalow la xiriira ha usoo gurmadaane?. 

Ujeedada dadkaas su aalaha na waydiinayay ma garan karno, ma iney gabadha qabiil ahaan wax u taraan ayay rabaan, mise war jaceyl ayay ka ahaydoo, waxay rabeen inay qabiilkeeda ogaadaan. 

Waa sidee xaalka Yaasmiin hada: 

Wenche Hovland FOTO: INGER MARIE NORSTRØM / NRK

Warbaahinta NorSom News ayaa xiriir la sameysay Krisesenteret i Sogn og Fjordane qaybtiisa Fløro oo ah xarunta gacanta ku haysay Yaasmiin mudo todobo sano ah. Xaruntan oo ah mid ay dad norwiiji ah oo isku tagay ay sameeyeen si ay u gacan qabtaan haweenka ay soo gaaraan dhibaatooyinka jir iyo maskax ahaaneed. Wenche Hovland oo ah maamulaha xaruntan ayaa noo sheegay in kadib markii ay ku guul dareesteen inay maxkamada sare ee Norwey ay ka dhaadhiciyiin in Yaasmiin loo ogolaado inay kusii noolaato Norwey, ay hada kiiskeeda ay u gudbiyeen maxkamada xuquuqul insaanka yurub ee kutaala magaalada Strasbourg ee wadanka Faransiiska. Ayaga oo ugu danbeyn ka rajo qabo in ay dowlada Norwey ku cadaadiyaan in aan yaasmiin lagu celin Hungry oo ay faro ku leedahay balse, la siiyo sharciga Norwey si ay ugu noolaato halkan. Waxay intaas ku dartay in Yaasmiin ay tahay qof u xanuunsanaya maskixiyan iyo jir ahaan labadaba, isla markaana xaalkeeda caafimaad uusan saamaxeyn in wadan aysan caawinaad ka heleyn in lagu celiyo.Hungry qofna uma joogo, kaalmo caafimaadna kama helayso, Yaasmiina waxay u baahantahay daaweyn iyo la socosho joogto ah. Ma jiro qof ka socdo jaaliyada soomaaliyeed oo xiriir nala soo sameeyay idinka kahor, dhowr mar ayaan isku dayay inaan raadiyo dadka ka socdo bulshada soomaaliyeed, balse iima soo suurtagalin. Qarashka ku baxay yaasmiin dhamaantiis waxaa bixiyay dad norwiiji ah, oo kadib markii ay daawadeen  barnaamijkaas kusoo tabarucay lacag kaalmo ah iyo waliba hadiyado kala duwan. Sidoo kale qarashka ku baxay maxkamada iyo qareenadii yaasmiin waxaa bixiyay isla dadkaas. Waxaan u sameynay group facebooga ah, taas oo naga saaciday inaan usoo uruurino dhaqaalaha aan ku dabareynay howsha yaamsiin mudadaas dheer. Hadana wali waxaan ku xiranahay dhaqaalaha ay kusoo deeqaan bulshada daneynaya xaalka yaasmiin. Maxkamada xuquuqul insaanka yurub waxay naga rabtaa inaan qabano qareeno waaweyn oo qaali ah si aan uga adkaano qareenada dowlada Norwey oo rabta iney yaasmiin ku celiso Hungry. Dhaqaalaha ku baxayana waa uu ka badanyahay kuwii hore maadaama safar iyo howl jeer la galayo. Lacag ayaa naloo soo uruuriyay ilaa hada 30.000 gaarayso, laakiin wax badan ayaa ka dhiman qarashka ku baxaya howshan. Waxaana laga yaabaa iney maxkamadu socoto mudo sanad ilaa labo sano ah. Laakiin mar walbe waxaan diyaar u nahay inaan Yaasmiin caawino, wax walbe iyo qarash walbe oo nagu qaadataba.

Yaasmiin qabiilkeeda:

Dadkii nasoo wacayay ee na waydiinayay qabiilka Yaasmiin uma aanan heynin jawaab aan markaas siino, laakiin hada ayaan soo ogaaney qabiilka yaasmiin waana kan ee ogaada:

Waa qabiil weyn oo ukala baxa  beelo, kuwaas oo usii kala baxo jilibyo hoose, ayagu waxay sii kale leeyihiin lafo hoose iyo waliba bahooyin kala duwan. Waa qabiil aan mideysneen, majiro wax xiriir oo ka dhaxeeyo beelahaas kala duwan oo mid walbe goonidiisa ayuu ugaas, suldaan, nabadoon, culimo, siyaasiyiin, fanaano iyo waliba odoyaal  u gaar ah leeyahay. Iskuma kalsoono oo wax iskuma ogolo, xaasidnimada iyo nin jecleysiguna waaba u dhaqan iyo caado. Midkoodii dhiban kama war qabaan, hadey ka warqabaana wax uma taraan. Mar-marka qaarkood waaba ay ku digtaan, iney wax u qabtaan iska daaye. Hadii mid kamid ah uu rabo inuu si ilaahay dartiis ah uu wax u qabto, uma waayaan dhaliil iyo wax ey ku duraan. Hadii kooxi is bahaysato oo ay rabto iney bulshada wax u qabtaana, waxaana ka garab yaaca sagaal kooxood oo kale, oo kuwaas ximinaya. Markii uu qabiilkaas uu la joogo cid ajnabi ah, kuli waa wada masaakiin, laakiin markii dhexdooda isla joogaan ayuu mid walbe laoso baxayaa miciyo waaweyn iyo xoog aan horey loo arag. Hadii qof qabiilkaas kamid ah uu xanuunsado ama dhibi gaarto, waxa marka hore la waydiiyaa beesha uu yahay, jilibka uu kasii yahay, kadibna bahda uu ka yahay. Kadib ayaa wax loo taraa ama laga tagaa.

Hada ma wada garateen qabiilka yaasmiin?. Ma cidbuu shaki uga jiraa. waa qabiilka la yiraahdo Soomaali, gaar ahaan bah Norwey. Gabadh ayaga ka tirsan ayaa mudo todobo sano ah ku rafaadsan wadankan, dad aysan diin iyo dhalasho midna la wadaagin ayaa hiil iyo hooba la garab taagan. Kuwa oo kale oo aan aqoon, balse ka damqaday xanuunkeeda ayaa  taageero dhaqaale iyo mid mooraal ahba la garab taagan. Kuwii ayada oo 40.000(afartan kun) gaarayana wadanka ayay joogaan, mid waxtara iska daaye, waxaa marka hore u daran iney ogaadaan qabiilkeeda. 

Hadaba:

Yaasmiin waa gabadh soomaaliyeed ee inaga dhalatay, ceeb ayayna u tahay in mudo todobo sano ah ay gabadhu ku rafaadsanayd Norwey, in aan taageerno iska daaye, xitaa aan la sameyn wax xiriir. Aaway siyaasiyiinteeni, aaway culimadii, aaway nimankii markii ay arkaan wafdi ka socdo Soomaaliya iska daba ordi jirey oo kuraasta hore inay fariistaan isku dagaali jirey. Aaway dadkii heesaha wadaniga ah caloosha nooga soo ridi jirey maalmaha xoriyada, iyada oo uu mid walbaa iska dhigayo wadani dhaartay. NorSom News ahaan waxaan balan qaadeynaa inaan xaalka Yaasmiin si gaar ah ula socono, aana usoo gudbino dadka nagu xiran.

Qofkii ka socdo ama matala jaaliyad, urur, masaajid iyo warbaahin ee raba inuu wax ka ogaado xaalka yaasmiin fadlan la xiriir: Fløro krisesenter oo aad kala xiriiri karto tlf: 57 74 36 00.

Hadii aad rabto inaad lacag ama si kale u taageerto Yaasmiin halkana kala soco xaalkeeda, waa gruopka facebooga ah ee loo sameeyay yaasmiin: Støttegruppen for Yaasmiin. Ama konto nr: 3705.28.88019

 

 

UDI-da oo war rasmi ah kasoo saartay sharci kala noqoshada soomaalida aan degenaanshaha qaadan

Laanta socdaalka ee UDI-da ayaa ugu danbeyn xaqiijisay oo war rasmi kasoo saartay dib u qiimeynta magangalyada soomaalida sharciga kumeel gaarka ah qaadatay wixii ka horeeyay 1. oktober 2014. Arintaas oo ay warbaahinta NorSom News baartay ayna bulshada soomaaliyeed usoo bandhigtay 23-bishii April, markaas oo ay UDI-du amar u dirtay dhamaan xafiisyada booliska Norwey, kana codsatay in loo soo gudbiyo dhamaan codsiyada dadka soomaaliyeed ee ku saabsan sharciga degenaanshaha.

Halkan ka akhri warkii aan qorney 23-april-2016: Dowlada Norwey oo bilaabaysa inay sharciyada kala noqoto soomaalida aan degenaanshaha qaadan.

Bogeeda rasmiga ah ee UDI.no ayay kusoo daabacday fariin ay ku wargalinayso soomaalida codsaday sharciga degenaanshaha in sharcigooda magangalyada dib u qiimeyn lagu sameyn doono, maadaama uu isbadal ku yimid xaalada amni ee Soomaaliya. Waxayna cadeysay in qiimeyn lagu sameyn doono in uu qofka magangalyo wali u baahanyahay ama in ay baahidaas meesha ka baxday oo qofka dib loogu celinayo Soomaaliya. Waxay intaas ku dartay in uu go-aankan yahay mid ka yimid wasaarada dastuurka iyo cadaalada Norwey, ee uu wasiirka ka yahay Anders Anundsen oo ka tirsan xisbiga FRP. UDI-du waxay sheegtay in qiimeynta kadib uu qofka xaalkiisu noqon doono sadex mid:

  • In dib u eegis iyo qiimeyn kadib uu qofku sii haysto sharciga magangalyada(qoxootiga), isla markaana uu sii joogo Norwey

  • Ama in qiimeyn kadib  qofka lagala noqdo sharciga magangalyada(qoxootiga), laakiin la siiyo sharci nooc kale ah, oo uu kusii joogi karo Norwey.

  • Ama in qiimeyn kadib qofka lagala noqdo sharciga magangalyada qoxootiga, aana la siin sharci nooc kale ah, dibna loogu celiyo Soomaaliya.

UDI-da ayaa intaas ku dartay in markii la qiimeeyo baahida magangaylada qofka kadib, loona ogolaado in uu Norwey sii joogo, ayaa laga shaqeyn doonaa codsigiisa ku aadan degenaanshaha rasmiga ee wadanka. Inta qofla looga soo jawaabayo dib u eegista sharciga magangalyadiisa, waxa  uu wadan karaa nolol maalmeedkiisa caadiga ah, sida inuu iskuul aado ama shaqaysto. Hadii qofka ay u timaado jawaab ah in sharciga lakala noqdey, wuxuu xaq u leeyahay in qabsado qareen/abuu kaate(advokat), isaga ayaana la xiriiraya ee dowladu uma qabanayso.

Mar kale ayay UDI-du faah-faahin ka bixisay cida uusan qabaneyn go aanka cusub ee aanan sharcigiisa dib u eegis lagu sameyn doonin, waana dadkan hoos ku xusan:

  • Qofka sharciga magangalyada helay, wixii ka danbeeyay 1. oktober 2014.

  • Qofka haysto oo mar hore helay sharciga degenaanshaha ama dhalashada wadanka.

  • Qofka Norwey la keenay ee laga soo qaaday xeryaha qoxootiga ee kuyaal wadan kale( Aan Norwey iska soo dhiibin, balse la keenay)

  • Qofka sharciga magangalyada ku helay sababo la xiriira bini-aadanimo.

  • Qofka lagu keenay qaab famili ahaan, aana haysan sharciga qoxootiga(Qofka passportka buluuga ah haysto).

Halkan ka akhriso warka ay soo saartay UDI-da oo rasmi ah

Shalay ayay ahayd markii uu wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya uu wadahadalo la galay dowlada Norwey, iyada oo loo badinayo inay geleen heshiis ku aadan in si khasab ah wadankii loogu celiyo soomaalida aan sharciga wali qaadan. Sida ay warbaahinta NorSom News ka xaqiiqsatay ilo xog ogaal ah, waxaa wafdiga Soomaaliya ka socdey kamid ahaa wasiirka amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar oo ah qofka ugu sareeya ee dowlada Norwey u xaqiijin kara in amniga Soomaaliya uu isbadal ku yimid isla markaana soomaalida sharciga loo diidey wadanka dib loogu celin karo. Waxayna arinta xoojinaysa shakiga ah in qayb kamid ah wafdiga dowlada uu Soomaaliya ugu yimid wadahadalka dowlada Norwey ee ku saabsan celinta Soomaalida aan helin sharciga magangalyada Norwey.

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey ayaa waxaa soo wajahdey xaaladii ugu adkeyd ee soo marta mudadii ay jaaliyadani dagneed wadankan. Wali taariikhda soomaalida Norwey ma dhicin in dhib iyo daba dagal intaas le eg la kulanto mudo saas u kooban. Waxayna tani kusoo aaday xili ay dowlada talada haysa ee Norwey uu kamid yahay xisbi aad uga soo horjeedo soo galootiga kasoo jeedo wadamada muslimka ah oo ay soomaalidu kow ka tahay, waa xisbiga FRP. Soomaalida Norwey oo aan laheyn dalad mideysan, hogaan guud oo hoos tagaan iyo waliba xubno baarlamaan oo xaqooda uga dooda aqalka ugu sareeya ee looga arimiyo wadanka(Stortinget). Taas oo sahal ka dhigayso in sharci walba oo ajaanibta ku saabsan, kow lagu tijaabiyo Soomaalida inta aan lala aadin ajaanibta kale. Culeyska ugu weyn ee xaaladan adagi waxa uu fuuli doonaa dhamaan siyaasiyiinta soomaaliyeed ee kujiro xisbiyada kala duwan ee wadanka. 

Warbaahinta NorSom News oo loo aas-aasay tabinta iyo daba galida wararka kusoo kordha jaaliyadeena soomaaliyeed ee Norwey ayaa balan qaadayso in wax walbe iyo sharci walbe oo dowlada kasoo baxa aan usoo bandhigno bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka. Shalay ayay ahayd markii ay NorSom News noqotay warbaahintii ugu horeysay ee af soomaali ku qorta kulamadii u dhaxeeyay wafdiga dowlada soomaaliya iyo Norwey.

 

Dowlada Soomaaliya oo heshiis ku saabsan celinta soomaalida la galayso Norwey

FOTO: BENDIKSBY, TERJE / NTB SCANPIX

Waxaa kulamo saacadan aan joogno ay u socdaan wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada  Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo qaar kamid ah golaha wasiirada Norwey. Sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay wasaarada cadaalada iyo dastuurtka Norwey waxyaalaha ugu waaweyn ee kulankan looga hadlayo kamid ah in ay dowlada Soomaaliya ay saxiixdo heshiis ku saabsan in dadka soomaaliyeed ee loo diiday sharciga Norwey si khasab ah loogu celin lahaa wadankii. Waxa uuna intaa ku daray in ay wali socdaan kulamadan iyo prosseska heshiiska, iyaga oo  aan faah-faahin dheeri kama bixin karin hada.

Heshiiskan ayaa saameyn ku yeelanayo ilaa 500 oo qof oo soomaali ah oo sharciga magangalyada Norwey loo diiday. Waxa uu sidoo kale saameyn ku yeelaan dadka magangalyada codsaday, balse aan wali helin jawaabta. Dowlada Norwey ayaa sidoo kale dhawaan soo saartay go aan ah in soomaalida aan wali qaadanin sharciga degenaanshaha qiimeyn lagu sameyn doono magangalyadooda, maadaama xaalada amni ee Soomaaliya, gaar aahn caasimada, ay wax badan soo hagaagtay. 

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa safar shaqo ku yimid wadanka Norwey, maalintii shalay ahayd, iyaga oo ka qaybgalay  kulanka wasiirada arimaha dibada Afrika qaarkood iyo kuwa wadamada NORDICA oo maanta lasoo afmeeray. Arinta la yaabka ah ayaa ah in ay isla maantaba uu wafdiga dowlada kulan ula fariisto dowlada Norwey, iyaga oo an marka hore la kulmin, kana warqaadan jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey. Wafdiga dowlada ayaa waxaa sidoo kale kamid ah madaxa laanta socdaalka dowlada soomaaliya General Abdullahi Gaafow. Waxa ayna arinta e egtahay dhabar jabin ay dowlada Soomaaliya ula bareertay muwaadiniinta soomaaliyeed ee nolosha usoo raadsaday wadankan Norwey.

Arinta kale ee sidoo kale layaabka leh ayaa ah in laanta socdaalka dowlada Norwey ee UDI ay muwaadiniinta Norwey uga digtay inay u safraan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, xaalado amni owgeed. Dowlada Norwey ayaa xaga gala rabto inay soomaalida sharciga loo diidey ay ku celiso bartamaha iyo koonfurta soomaaliya, oo ah meelaha ay muwaadiniinteeda uga digtay inay u socdaalaan. 

2353300_hc4df906d16c6ba68171f_v1359573494_250x450Xildhibaan Baashe Muuse oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Oslo ayaa ka digay halista ka dhalan karta heshiiskan iyo inta dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diidey lagu celiyo wadankii. Baashe ayaa sheegay in dadka qaarkood ay yihiin kuwa wadanka joogay waxbadan, isla markaana kamid noqdey mujtamaca. Wuxuu intaa ku daray baashe in xaalada amni ee gobalada dalka qaarkood, gaar ahaan koonfurta uusan wali aheyn mid la isku haleyn karo, maadaama dhul badan oo kamid ah ay wali awood ku leeyihiin al shabaab. 

Dowlada Norwey ayaa horey heshiis lagu celinayo dadka ula gashay Ethopia, iyada oo wada hadalo kula jirta dowlada Ereteriya, iyada oo maantana u eg mid ku guulaysatay heshiis la galista dowlada Soomaaliya.

Dhalinyaro dhexda u xiratay badbaadinta ubadka soomaaliyeed ee gobalka Østfold.

Warbaahinta qaranka Norwey ee NRK-ga ayaa warbixin ka diyaariyay urur ay isku bahaysteen dhalinyaro soomaaliyeed oo ka dhisan gobalka Østfold, kaas oo ka shaqeeyo sidii ubadka soomaaliyeed ee kunool gobalkaas loogu badbaadin lahaa kooxaha kriminalka ah iyo in laga saacido inay iskuulka dhamaystaan. Mahad Abuukar Osman oo ah gudoomiyaha ururkan oo magaciisu yahay organisasjonen Horn of Africa’s Youth, ayaa sheegay in hamiga guud oo ay u aas-aaseen ururkan uu yahay in bulshada soomaaliyeed, ee ku dhaqan gobalkaas ay noqdaan kuwo isku duuban, waxna la qaybsado bulshoweynta kale ee ku dhaqan Østfold.

Mahad oo sharaxayay sababta ay caruurta soomaaliyeed uga dhacaan iskuulada, ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay tahay dhaqaalo yarida soo wajahda caruurtan marka ay iskuulka dhigtaan. Taas oo ku dhalisa hami ah in ay lacag si fudud ku helaan, ugu danbeyna sababi karto inay kamid noqdaan kooxo ka shaqeeyo howlo kriminalitet ah.  Dhalinyaradan isku xilqaamay howshaas weyn ee muhiimka ah ayaa siyaabaha ay u dhiirigaliyaan ubadka soomaaliyeed waxaa kamid ah: inay u qabtaan seminaaro ay ku casuumaan aqoonyaho soomaali ah oo wadanka wax ka bartay si ay u ugu dhiiragalayiin inay waxbartaan oo mustaqbalna samaystaan. Waxa ay sheegeen in ilaa hada ay 35 dhalinyaro ah ay iskuulka kusoo celiyeen, halka 12 kamid ahna ay jaamacad sii codsadeen. 

Stina Røyrvik oo ka tirsan maamulka degmada Fredrikstad, kana mid ah dadka sida dhow ula dhaqeeyo ururkan ayaa sheegtay in howsho ay hayaan ay tahay mid aad u muhiim, loona baahnaa.

Warkan oo dhamaystiran halkan ka akhri(les saken på norsk her)

 

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya iyo Gaafow oo safar shaqo ku joogo Norwey

Wasiirka arimaha dibada dowlada Soomaaliye Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa socdaal shaqo kujoogo Norwey, isaga uu ka qaybgalayo kulanka wasiirada arimaha dibada ee dalalka afrika qaarkood iyo dalalka la isku yiraacdo NORDIC. Kulankan oo ah mid sanad walbe dhaca ayaa sanadkan waxaa marti galiyay dowlada Norwey, waxaana kulan hogaamin doono wasiirka arimaha dibada dowlada Norwey ee Børge Brende. 

Sida ay warbaahinta NorSom News kasoo xigatay war rasmi ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee Norwey, waxa uu kulankan furmi doonaa maanta, waxaana lasoo gaba gabeen doonaa maalinta bari ah. Waxaana waxyaalaha looga hadlayo ee miiska saaran ugu waaweyn kobcinta shaqaalada wadamada Afrika, dadka soo usoo tahriibayo qaarada yurub iyo waliba arimaha xagjirnimada oo dhaawac dhaqaale iyo mid amniba ku hayo dowlada afrika qaarkood.

Sida aan ku helayno warar hoose, waxaa wafdiga wasiirka arimaha dibada kamid ah, madaxa laanta socdaalka ee dowlada soomaaliya General Abdullahi Gaafow. Waxa ayna tani kusoo aadaysaa mudo bil iyo bar ah kadib, markii ay dowlada Norwey soo saartay go aan ah inay wadankii dib ugu celinayso soomaalida aan wali qaadan sharciga degenaanshaha(permanent oppholdtillatelse). Sida aan ognahay Gaafow waxa uu laba mar oo hore yimid wadankan Norwey, mar uu la socday wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Soomaaliye Cabdisamad Macalin iyo mar uu kaligi ahaa, markana waxa ay noqon doontaa markii sadexaad.

Wixii kusoo kordha socdaalka wasiirka arimaha dibada ee Norwey iyo General gaafow kala soco warbaahinta NorSom News

Wasiirka dastuurka iyo cadaalada Norwey oo laga codsaday inuu ka jawaabo arinta gabadha soomaaliyeed

Karin Andersen oo ah xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Norwey, kana tirsan xisbiga SV ayaa ka codsatay wasiirka dastuurka iyo cadaalada Norwey ninka lagu magacaabo anders anundsen,   inuu ka jawaabo sababta yaasmiin oo ah gabadh soomaaliyeed oo dhibaato haysato, xanuunsana la rabo in wadanka looga ceyriyo.Karin ayaa sheegtay in qofka bini aadanimo loogu gargaaro ama la siiyo magangalyo aysan micno yeelan doonin, hadii gabadhan wadanka laga celiyo oo lagu celiyo wadanka Hungry oo ay faro ku leedahay.

Yaasmiin oo Norwey timid 2009 ayaa la ildaran xanuun iyo dhibaatooyin nafsiyan iyo jir ahaanba ah oo kasoo gaaray 15 sano oo ay dhibane u ahayd niman gabdhaha jirkooda ka ganacsado.  2010 ayay Norwey waydiisatay magangalyo, balse UDI-da ayaa diiday inay siiso magangalyo maadaama ay sharci iyo faro ku leedahay wadanka Hungry. Kadib racfaan ay yaasmiin qaadatay ayaa maxkamada sare ee Norwey ogolaatay in yaasmiin wadanka laga celin karo.

Halkan ka akhri warbixin aan horey uga qorney yaasmiin:

Maxkamada sare oo ogolaatay in wadanka laga celin karo

Halkana ka akhri warbixintan oo norsk ku qoran(les saken på norsk her)

 

 

Booliska Norwey oo lagu eedaynayo midab-takoor ka dhan ah ajnabiga

Foto: Henrik Kreilisheim

Waligaa adoo tareen kasoo dagay ama magaalada iska dhex maraya malagu istaajiyay, oo si kadis ah malaguu waydiiyay inaad sharcigaago keento?. Booliska Norwey ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday olole ay rabaan inay dadka aan sharciga ku joogin wadanka ama horey u galay danbi, ay wadooyinka ka qabtaan si ay u xiraan ama u celiyaan.  hadaba su aasha ayaa ah sidee ayay ku doortaan qofka ay istaajinayaan?. 

Dhalinyaro badan oo wadanka ku kortey oo wax badana daganaa, horeyna aan wax danbi ah u galin, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ka cabanayay in  boolisku ay wadada ku istaajiyeen dhowr mar iyaga oo sharci waydiinaya. Waxaana dadka  la istaajiniyo u badan dhalinyarada midabkoodu uu madowga yahay.  Arintaas oo dhalisay dood badan oo ah inay boolisku ay midab takooraan oo ay  si ka duwan dadka kale ula dhaqmaan ajaanibta aan midabkoogu cadaanka ahayn. 

Dhaqanka ah in ay boolisku ay si gaar ah u ugaarsadaan dadka midabkoodu madowga yahay ayaa ah mid aad uga dhaqan galay wadanka mareykanka. Hadii aad tahay qof madow ah, jaaniska ah in lagu baaro ama lagu xiro waxay wax badan ka sareysaa in qof cadaan la baaro ama la xiro. waa sababta keentay in sadex meelood meel(1/3) dadka ku jiro xabsiyada mareykanka ay yihiin dad midabkoodu madow yahay. dhibtaas waxaa sidoo kale qabo oo dadka madowga ah kusoo xigo, dadka ka yimid qaarada Latin America ee Hisbanica la yiraahdo.

Ex-Xildhibaan Ubah Abdullahi Aden oo kamid ah dadka uu journalka Utrop ka waraystay arintan ayaa xaqiijisay in arintaas jirto, oo ay ka warqabto dad dhalinyaro iyo dad waaweyn isugu jiro oo ay qabsatay arintaas. Waxaana kamid ah dhibaha ay la kulmaan in wadada lagu istaajiyo ama loo diido inay galaan meelaha qaarkood. Dadkan ayaa sheegay in lagu takoorayo sababtoo ah midabkooda ama labiskooda ayaa ka duwan kan dadka kale. Ubah ayaa intaas ku dartay in dareenka iyo xanuunka ka dhasho marka qofka si xaqdaro ah loola dhaqmo ama hoos loo eego uu yahay mid aad u adag.

Horey ayaa booliska Norwey loogu eedeeyay midabtakoor iyo faquuq ka dhan ah dadka afrika ka yimid iyo waliba dadka Romka loo yaqaano. Waxaana arintaas xili sii horeysey xaqiijiyay hay-ada xuquuqda aadanaha ee Norwey. Qaramada midoobey ayaana kamid ah dadka eedeeyay midabtakoorka iyo habdhaqanka booliska Norwey.

Mar wax laga waydiiyay xalka arintaas ayay ubah ku jawaabtay in ay kalsoonida ka dhaxayso booliska iyo shacabka ay tahay mid muhiim ah. Boolisku shaqadiisa ma ahan kaliya inuu dadka danbiga gala uu xiro, balse wuxuu howlo kala duwan u hayaa bulshada, ayna kamid tahay ka hor tagida iyo ilaalida kala danbeynta. Si taas u suurtagashana kalsoonida ka dhaxayso shacabka iyo boolisku ay tahay mid laga maarmaan. Waxayna intaas ku dartay in sidoo kale ay muhiim tahay in uu boolisku diiwaan galiyo  dhamaan waxa uu qabanayo, kvittering iyo cadeyna uu siiyo qofka la istaajiyay si loo ogaado dhibaatadu heerka ay gaarsiisan tahay.

 

Halkan ka akhriso warbixintan oo dhamaystiran(les saken på norsk her)

Halkana ka akhri eedeynta qaramada midoobey ee booliska Norwey( FN’s kritik mot norsk politi)

Ciise midnimo oo shalay guul muhiim ah ku hogaamiyay kooxda KFUM

0

Foto: Guttorm Lende/KFUM-kameratene Oslo

Captankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya Ciise Aden Abshir (Midnimo) ayaa mar kale kamid noqdey halbowlayaasha kooxda KFUM, kadib markii ay shalay shan iyo eber(5-0) ku xasuuqdeen kooxda Levanger. Ciise ayaa daqiiqadii 75-aad dhaliyay goolka afaraad, goolkaas oo ah kii ugu horeeyay ee uu dhaliyay tan intii uu usoo wareegay kooxda KFUM. Ciise oo shalay si weyn uga dhex muuqday garoonka ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa xidigii ciyaarta (man of the match). 

Ciise midnimo oo kadib ciyaarta waraysi gaaban siiyay wargayska Dagavisen ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu ugu danbeyn shabaqa soo taabtay. 

Waligey waxaan ka ciyaari jiray weerar, marka laga reebo xili ciyaareedkii ugu danbeeyay ee aan la joogay kooxda Eidsvold Turn. Si fiican ayaa la iiga soo dhaweeyay kooxda KFUM, sharafna beyna ii tahay inaan gool u dhaliyo. Maadaama aan ahay  weeraryahan hore, farxad gooni ah ayay leedahay, inaad aragto kubado oo shabaqa galayso.

Ciise midnimo oo saftay dhamaan sagaalkii kulan oo ay  xili ciyaareedkan ciyaartay kooxda KFUM. Isaga oo soo bandhigay xirfad ciyaareed heer sareeyo iyo dadaal aan joogsi laheyn. KFUM ayaa hada ku jirta kaalinta 9-aad, iyada oo 10 dhibcood ka danbeeya kooxda hogaaminayso horyaalka heerka labaad ee Sandefjord. 

Halkan ka akhriso warkan oo af norsk ku qoran(les saken på norsk her)

 

 

 

Maxkamada sare ee Norwey oo ogolaatay in gabar soomaali ah wadanka laga ceyriyo.

Maxkamada sare ee Norwey ayaa maalintii shalay ahayd soo gaba-gabaysey dhagaysiga dacwada racfaanka laga soo gudbiyay UDI-da ee ku saabsan in gabar soomaali ah oo wadanka soo gashay 2009, dib loogu celiyo wadanka Hungry oo ay faro ku leedahay. Gabadhan oo sida ay sheegeen dhakhaatiirta baartay in ay maskixiyan og jir ahaanba u xanuunsantahay, ayna la ildarantahay dhibaatadii kasoo gaartay sanado badan oo ay ku jirtay xaalal nolol adag. In dib loogu celiyo wadanka Hungry ay keeni karto in xaaladeeda caafimaad ay kasii darto, maadaama aysan caawin fiican ka heli doonin wadanka Hungry oo markii hore faro kasoo qaaday.

Halkan akhri warbaxinta aan ka qorney yaasmiin, bilowga maxkamada.

Maxkamada sare oo baareysey in dib u celinta yaasmiin jabinayso qodobta sadexaad ee xeerka ururka xuquuqul-insaanka yurub, ayaa sheegay inaysan celinta yaasmiin aysan jabineyn qodobkaas. Isla markaana ay dowlada Norwey oo markii go aanka celinta Yaasmiin gaartay aysan wax khalad ah gelin. Dowlada Norwey ayaa horey u sheegtay in celinta Yaasmiin ay tahay mid ay ku saleysay, xeerka ay dhigteen wadamada ku bohoobay Dublinka. Kaas oo dhigaya in qofka uu ku noolaado wadanka uu uu markii hore iska dhiibay oo faraha ku leeyahay.

Halkan ka akhriso go aanka maxkamada oo rasmi ah( officiel)

Halkana ka akhriso nrk oo wax ka qorey shalay

Prof. Jawaari oo ka baaqdey booqashadiisii Norwey.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya prof.  Mohamed Osman Jawari oo loo balansanaa inuu maanta kasoo dago Norwey si uu uga qaybgalo xuska sanadguurada 10-aad ee xarunta nabada Oslo-senter, ayaa ka baaqday safarkiisii Norwey sababo shaqo awgeed. Khilaaf cusub ayaa soo kala dhexgalay madaxda sare ee dowlada Soomaaliya iyo golaha baarlamaanka. Khilaafkaas oo salka ku hayo heshiis ay horey u wada saxiixeen beesha caalamka, dowlada soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada qaybta ah dowlada federaalka. Waxaana hada socdo kulamo joogto ah oo ay yeelanayaan madaxda dowlada iyo baarlamaanka.

 

 

Captan Ciise Midnimo oo markale kasoo dhex muuqday horyaalka labaad ee Norwey.

0

Kabtankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda Elman, Ciise Abshir Aden(Midnimo) oo sanadadii ugu danbeeyay ka ciyaariyay kooxo kala duwan oo Norwey ka tirsan hortaalka heerka labaad ee wadanka ayaa hada u muuqda inuu boos joogto ka helay kooxda KFUM. Midnimo ayaa tababar la qaadanayay kooxda intii la guda jiray vinterkii, waxaana uu cajabiyay bahda tababarka iyaga oo go aansaday inay ka ciyaarsiiyaan difaac, halka uu marka uu hore ahaa weerar, marna-marna weerar xigeen(doobi noome).

Macalinka Kooxda ayaa amaan kala duldhacay Ciise shalay markii ay kooxdiise ka badiyeen Bryne. Ciise waxaa yar khaladkiisa, waana uu dheereeyaa. Waxa uu aad ugu fiicanyahay kubada madaxa ah, waxa uuna kubada si dhaqso ah u gaarsiiya laacibada kale ee garoonka kujiro, taas oo keenayso inay kooxdu weerar abuurto.

Ciise ayaa kasoo ciyaaray wadamo kala duwan oo ay kamid tahay Soomaaliya, Tanzaniya iyo Malta iyo kooxo dhowr ah oo ka tirsan horyaalada kala duwan ee wadanka Norwey.

Warkan oo norsk ah  halkan ka akhri

 

Soomaali sharciga lagala noqday waxyaabo ay facebook ku qoreen dartiis: waraysi

Ilaa hada dhowr qof oo soomaali ah ayaa lasoo sheegayaa in sharciga lagala noqday ama la siiyay digniino ku saabsan in sharciga lagala noqon karo waxyaabo ay facebook kusoo qoreen darteed. Dadkan ayaa waxyaalaha lagu haysto waxaa kamid ah in ay facebooga kusoo galaan magac ka duwan kan wadanka uga diiwaan gashan ama ay isku dhiibeen markii hore. Waxaa kaloo lasoo sheegayaa in dadka qaar kamid ah oo isku dhiibay inaysan wax qorin ama wax akhrin la arkey iyaga oo barta facebooga wax ku qoraya.  Dadka qaar ayaa lagu haystaa inay barta facebooga soo galiyeen sawiro ku saabsan kulamo ay kala qaybgaleen odoyaal ama dad ka yimid deegaanka ay isku dhiibeen deegaan ka duwan. Halka uu qofka lacagta u diro iyo cida uu u diro ayaa kamid ah waxyaabaha lagu haysto dadka soomaaliyeed ee arintan yaabka badan ay qabsatay.

Arintan oo ah mid ugub ah oo aan horey nooceeda oo kale loo arag ayaa ah mid ka yaabisay dhamaan dadka maqlay, sidoo kalena abuuri karta in wel-wel ku abuurto soomaali badan oo aan information sax kusoo galin barta facebooga. Horey ayay Norwey u sheegtay in ay sharciyada kala noqonayso wadankiina dib ugu celinayso soomaalida laga shakiyo inaysan u baahneyn magangalyo maadaama ay xaalada amniga ee soomaaliya soo fiicnaatay?

Norwey waxaa ku dhaqan soomaali tiro ahaan gaarayso 40.100 00 31% ay yihiin dhalinyaro wadanka ku dhashay. Su aasha Iswaydiinta mudan ayaa ah maxay xildhibaanada soomaaliyeed ee sheegta inay matalaan soomaalida ku dhaqan wadanka ugu hadli la-yihiin go aanadan iska soo daba-noqonayo ee ku saabsan sidii dadka soomaaliyeed ee intooda badan magangalyada ku jooga wadanka loo hayi kicin lahaa. Xildhibaanada soomaaliyeed ee uu ugu horeeyaan Baashe muuse,Faadumo Cali Madar iyo Cabdulaahi Calason, maxay ilaa hada usoo istaagi la yihiin mediayaha wadanka si ay u gudbiyaan dareenka shacabka ay codkooda ku fadhiyaan goloyaasha deegaanka. Mise ayaga waxay haystaan dhalashada wadanka oo cidii la celin waxba kama quseyso, markii lagaar0 doorasho unbaa warkooda maqli doonaa, ayaga oo leh noo codeeya?.

Sidaan NorSom News horey u xaqiijinay waxaa Norwey kusoo wajahan Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaalia Maxamed Cismaan Jawaari oo lagu casuumay sanadguurada xuska xarunta nabada ee Oslo senter. Jawaari waxa uu haystaa dhalashada Norwey, waana qof sifiican u yaqaan dhaqanka iyo luuqada Norweyba labadaba, sidoo kale wuxuu afartii sano ee ugu danbeeyay ka shaqeynayay Soomaaliya. Hadaba Jawaari sawir sax ah maka bixin doonaa Soomaaliya oo dowlada ma kala hadli doonaa arintan ku saabsan cabsi galinta shacabka soomaaliyeed nabadgalyada iyo nolosha ku haysta wadankan. Mise soomaalida Norwey ayaa inta xaflado u dhigto ayuu asna dhuuman doonaa.

Halkan ka dhagayso waraysiga nin kamid ah dadka ay dhibtu qabsatay oo u waramayay mid kamid ah warbaahinta soomaalida.

 

https://www.youtube.com/watch?v=Fzw65olQ3qo

8 wiil oo qaar kamid ah ay soomaali yihiin oo lagu maxkamadeynayo Oslo.

Dhalinyaradan oo asal ahaan kasoo jeedo wadamada Somalia, Norge, Irak, Pakistan iyo Marokko ayaa da ahaan u dhaxeeyo 16 ilaa 17 sano. Waxaana lagu soo dacweeyay in ay xadgudub ku kala kaceen dhowr qof oo kala duwan inta u dhaxaysey bilihii April iyo July sanadkii hore. Dadka ay xadgudubka iyo cunfiga u geysteen waxaa kamid ah odey 82 jir ahaa oo hada geeriyoodey, balse sharaxaadii uu ka bixiyay sida wax u dhaceyn ayaa waxaa laga hor akhriyay maxkamada. Dhalinyaradan oo intooda badan dagan aaga xaafada Tøyen iyo Jordal ee Oslo ayaa ah kuwa saaxiib ah, qaar kamid ahna ay isku fasal dhigtaanba iskuulka. Waxaa kamid ah wiilashan lasoo dacweeyay, wiil dagan Sweden balse fasax ku joogay Norwey, lana socdey habeen kamid ah habeenada ay falalka gaysteen. 

Mid kamid ah dadka soo dacweeyay wiilashan oo sharaxaad siiyay wargayska Dagavisen ayaa sheegay in habeen uu khamri soo cabay kana yimid baar uu  dhalinyaradan ku yiri: Maxaad banaanka ka qabanaysaan saacadan, dhalinyaradiina soomaalida ah?. una usii gudbay dukaanka si uu sigaar uga soo gato. Balse marka uu soo noqdey ay dhalinyaradaas oo markaas ahaa afar ay noqdeen sideed ilaa sagaal. Mid kamid ah dhalinyarada ayaa waxaa dhex maray muran yar, intaas kadibna afar kale ayaa ninkii isugu tagay. Gaarsiiyeyna waxyeelo weyn, wuxuu sheegay in laga jabiyay daanka, uuna dhaawac kasoo gaaray dhabxanaga iyo isha. Dhacdadan ayaa waxaa mobil ku duubay qof dagan goobta wax ka dhaceen. 

Mid ah wiilashan ayaa xagiisa sheegay inuu ninkan ahaa mid khamreysan oo raba inuu dagaalamo. Wuxuu ku yiri ereyo cunsurinimo ah, markii uu isku dayay inuu dajiyana uu ku qabtay qoor sagaaro. Taas oo sababtay in wiilasha kale ay ku wareegtaan ninkan, ayna laad kala dhacaan dhabarka, wajiga iyo madaxa. Mid kamid ahna uu ku dhuftay dhagax.

Maadaama ay dhalinyaradan ay da ahaan yaryihiin waxay u badantahay inaan la xukumin, balse lagu ciqaabo siyaabo kale. Saxaafada Norwey ayaa caan ku ah in marka uu qof ajnabi ah uu fal danbi ah gaysto ay dhalashiida sheegeen, una qoraan dhacdada si dhamaystiran, sifiicana u buun-buuniyaan.

Halkan ka akhri warka maxkamada wiilashan

Halkana ka akhri sharaxaada uu bixiyay mid kamid ah dadka soo dacweeyay.

 

 

Soomaalida qaadanaysay dhalashada Norwey oo 60% hoos u dhacday sanadkii 2015

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa dhalashada Norwey helay dad dhan 12 400 qof oo ajnabi ah, waxaana ugu badan dadka helay dadka ka yimid wadamada Eritrea, Afghanistan iyo Ciraaq.Tirakoobkan ayaa waxaa maanta oo arbaco ah soo saaray wakaalada dhexe tirakoobka dalka Norwey ee SSB(statisk sentralbyrå).

Soomaalida oo kamid ahaan jirtay dadka ugu tiro badan ee hela dhalashada Norwey ayaa sanadkan waxaa ku yimid hoos u dhac balaaran. 450 qof soomaali ah ayaa helay dhalashad Norwey sanadkii 2015, tiradaas oo 60% kayar tirada dadka soomaalida ah ee helay dhalashada Norwey sanadkii 2014 oo ahayd 1150 qof. 

Lama garanayo sababta dhabta ee ka danbaysa hoos u dhacan, balse warbaahinta NorSom News oo xiriir la sameysay soomaali kala duwan oo codsaday dhalashada wadanka ayaa sheegay in ay qaarkood jawaabta sugayaan in ku dhow labo sano. Mar walbe ay wacaan UDI-da si ay ugu ogaadaana meesha war marayaana, loogu jawaabo inay sugaan, maadaama uu xiligii sugitaanka jawaabta codsiyada uu dheeraaday sababo la xiriir qoxootigii tirada badnaa ee Norwey yimid 2015. Waxaa kaloo intaas dheer in marka qofka soomaaliga uu codsado dhalashada wadanka ay qaadato waqti ka dheer, dadka intiisa kale, sababtoo ah waxaa adag in documentiyo iyo warqado sax ah laga helo soomaaliya. Taas oo uu u baahan baarid iyo waqti dheeri ah.

Halkan ka fiiri listaha dadka helay dhalashada Norwey iyo wadama ay ka yimaadeen

 

Shaqo la aanta soomaalida oo mar kale noqota mid warbaahinta wadanku ay ka hadlaan iyo rajo weyn oo muuqato

Wakaalada qaabilsan tirokoobka ee SSB(statisk sentralbyrå) ayaa maalintii shalay ahayd (9-5-2016) soo saartay warbixin ay uga hadlayso heerka shaqo ee dadka soo galootiga ah iyo caruurta ay dhaleen. Ayada oo guud ahaan xaqiijisay in heerka shaqo ee caruurta ajaanibtu dhaleen ee wadanka ku dhashay ay 50% ka sareyso waalidiinta dhalay. Waxay kaloo sheegtay in heerka shaqo ee qowmiyadaha qaarkood sida dadka ka yimid Poland, Vietnam , Hindiya iyo Srilanka ay la heer tahay ama ka sareysaba dadka u dhashay wadanka. 

Waxyaabaha ugu waaweyn ee saameyn ku leh heerka shaqada dadka soo galootiga ah ayay ku sheegtay inay kamid tahay heerka aqoontooda, goorta ay wadanka yimaadeen, qaabka ay wadanka ku yimaadeen, dhaqanka shaqo ee wadanka ay ka yimaadeen iyo waliba caruurta ay dhaleen tiradooda. 

Soomaalida ayaa mar kale noqotay groupka ama qowmiyada ugu hooseyso marka la eego heerka shaqada oo 36% ayaa ka shaqeeya raga soomaaliyeed, halka 22% ay ka shaqeeyaan dumarka soomaaliyeed. Taas oo naga dhigayso qowmiyada qarashka ugu yar soo galiso sanduuqa dowlada, qaab canshuur ahaaneed. Waxaa taas u sabab ah soomaalida ah oo ah dad intooda badan wadanka ku cusub, kuna yimid qaab qoxootinimo, caruurta ay dhalaan oo tiro ahaan ka badan tan dadka intooda kale( taas oo hoos u dhigayso jaaniska ay hooyada soomaaliyeed uga qaybqaadato suuqa shaqada maadaama ay marna ilmo uurka ku siday, marna ay xaafada la joogtay, marna ay mid kale uurkiisa lahayd). Iyo heerka aqoonta bulshada soomaaliyeed ee ahayn mid sare, maadaama ay wadankii ay ka yimaadeen uu bur-bursanaa rubuc qarni. 

Arinta rajada weyn leh ayaa ah in ubadka ay dhalaan dadka soo galootiga ah ay kaga jaanis fiicanyihiin waalidkii dhalay inay shaqo helaan ama waxbartaan, balse wali waxaa jirto khatar kale oo ah in ilmaha uusan waalidkiis shaqeyn ama uusan waxbaran uu asna khatar ugu jirto inuu noqdo mid aan shaqeysan ama  aan waxbaran. Tusaale ahaan caruurta ay dhaleen dadka ka yimid Srilanka, Veitnam iyo Hindiya waxay heerka aqoonta sare ay kaga sareeyaan ilmaha waalidkii wadanka u dhashay(norwiijiga ah). Waxaana taas saameyn weyn ku leh sida ay sheegtay heerka shaqada waalidoontood, Sida ay sheegtay SSB(hoos ka akhri maqaalka SSB oo dhamaystiran).

Waayadii ugu danbeysay waxaa aad usoo badanayay dhalinyarada soomaliyeed ee wada tagaasida iyo bussaska iyada oo marka aad dhexjoogto magalooyinka waaweyn ay markiiba indhahaagu qabanayaan qof soomaali ah wado taxi ama buss. Halka jaamacadaha wadanka intooda badan ay dhigtan ugu yaraan 30 qof oo soomaali midkiiba, Iyadoo meelaha qaarkood sida Høgskolen i Oslo iyo jaamacada Blindern ay dhigtaan ugu yaraan 150 soomaali ah midkiiba.(Xigasho ururka ardeysa soomaaliyeed ee Norwey, SSF).

Hadaba maxaad is leedahay sababta hoos u dhigtay heerka shaqo ee bulshadeena soomaaliyeed,

Ma waxaa adag in wadanka shaqo laga helo?

Ma soomaalida ayaa ah dad aa jecleyn dhibka iyo kalahaada oo ku qanacsan xoogaaga kasoo galo qolyahay ceyrta?

Ma waxaa nalagu takooraa suuqa shaqada oo waxaa adag in qof soomaali ah uu shaqo helo?

Fikirkaagu waa muhiim ee nala qaybso.

Halkan ka akhri Wargayska Aftenpostenka oo shalay soo daabacaday arinta

Halkana ka akhri warbixinta SSB oo dhamaystiran.

 

Ali Esbati: Hadeysan xilka ka dagin Listhaug, Norwey waxay tagaysaa xaalka Sweden

Intiinii la socotay warbaahinta wadanka , waxay isbuucyadii ugu danbeeyay warbixino, muuqaalo iyo qoraalo kala duwan ka diyaarinayeen xaalka wadanka Sweden, oo meelaha qaarkood faraha ka baxay sida ay sheegeen saraakiisha Booliska wadankas. Shalay ayaa wariye iyo sawir qaade ka socdo tvga NRK laga ceyriyay, loona diiday inay waraysi ku qaadaan maqaayad kutaal xaafada Husby , isla markaana loogu hanjabay inay indhaha wax ku arki doonaan hadii aagaas lagu arko mar danbe.  Arintaas oo noqotay mid aad looga hadalhayo warbaahinta wadanka iyo baraha bulshada ee sosial-mediayaha.

Booliska magaalada caasimada ah ee Stocklom ayaa sheegay inuu faraha ka baxay amaanka xaafadaha ay ku badanyihiin dadka ajaaniibta ah qaarkood. Halkaas oo ay ka dilaaceen kooxo dhalinyaro ah oo si agaasiman ugu shaqeeya howlo kriminalitet ah, aana rabin inay wax xiriir ah la sameeyaan bulshada Sweden inteeda kale. Dhalinyaradan ayaa badan kuwa ka haray iskuulka, aan helin shaqo, isla markaana lumiyay kalsoonidii ay ku qabeen systemka wadanka iyo dowladiisaba. Waxay dhagaxtuur ku bilaabaan marka ay arkaan gaari booliis ah oo kaligiis socdo, sidaas darteed booliska marka ay galayaan xaafadahaas waxay isku raacaan baabuuro badan. Qaar kamid ah culimada xaafadaas ayaa iyagana dhankooda eedeeyay booliska oona sheegay inaysan qaadin talaabo ku haboon dhibtaan,  ciyaalkaas yar-yarna aysan wax cabsi iyo ixtiraam ah midna u heyn  booliska.

 

Halkan ka akhri warbixintan oo dhamaystiran iyo muuqaalka uu diyaariyay NRK

Wasiirka isdhexgalka iyo soo galootiga Sylvi Listhaug oo  ka faa iideysaneysa warbixintan uu NRK diyaariyay ayaa isla markiiba bogeeda Facebooga soo dhigtay qoraal ay ku diganayso dowlada sweden oo ay sheegtay inay siyaasad masaakiinimo ah  kula dhaqmaysey qoxootiga sanadadii ugu danbeeyay, taas oo keentay in meel kamid ah dhulweynaha Sweden aanan nabad lagu mari karin maanta. Listhaug oo aad ugu taag-taagsaneysa Sweden ayaa intaas ku dartay:

Ayaga asaa fariin maldahan u diray caalamka, oo yiri qof walbaa wuxuu imaan karaa Sweden, waxa uuna sameyn karaa waxa uu rabo, una dhaqmi karaa sida uu rabo, taas oo sababtay in ay sanad gudihi ay ku dhowaad 15o 000 qof ay yimaadeen Sweden. Arintaas oo adkeyneysa in dadka intaas tiro le-eg guryo la siiyo, shaqo loo raadiyo, caruurtooda waxbarasho loo helo. Waana midaas sababta xisbiga FRP iyo dowlada Norwey ay usoo rogeen siyaasad ku dhisan in ay Norwey qaadato tiro qoxooti ah oo ku jaan go an awooda ay dowlada u leedahay in ay dadkaas dhex galiso bulshada inteeda kale. Isla markaana aan celino kuwa aan xaqa u laheyn inay wadanka joogaan, si ay wax u yeelin amaanka wadanka.  

Siyaasiga Ali Esbati oo asalkiisu yahay iiraani, kana tirsan xisbiga Vänsterpartiet oo ka jawaabayay su aalo ay waydiiyeen warbaahinta wadanka qaarkeed ayaa sheegay in hadii la rabo inaysan Norwey noqon Sweden cusub, ay xilka sida ugu dhaqsiyaha badan isaga dagto Sylvi, waayo siyaasadeeda ku saleysan qoxooti naceybka waxay aakhirka keenaysaa in ay Norwey ka dilaacdo dhibaatada maanta magaalooyinka Sweden qaarkood haysata, oo ah in xaafado dhan aan la gali karin, sababo amni owgood.

Esbati oo waqti ku noolaa Norwey ayaa sheegay in Norwey cunsuriyada iyo faquuqa ajnabiga ay wax badan kaga badantahay Sweden. Asaga oo tusaale usoo qaatay in aan warbaahinta wadanka ee waaweyn aan lagu arag qof midabkuusu madow yahay. marka la reebo marka laga hadlayo howlaha ajnabiga

Wuxuu kaloo intaa ku daray in dhibaatada Sweden ka taagan ay sababaha ugu waaweyn ee keenay ay kamid tahay shaqo la-aanta haysata dhalinyarida. Hadana ay isku soo aadeen shaqo la-aanta Norwey oo soo badanaysa, Norwey oo qaadatay qoxooti tiro badan iyo Listhaug oo dhankeeda la timid siyaasad adag. 

Halkan ka akhri warkan dhamaystiran (les saken på norsk her)

 

 

 

Prof. M.Osman Jawaari oo xili xasaasi ah Norwey kusoo wajahan.

Sida ay NorSom News kasoo xigatay ilo xog ogaal ah, waxaa bartamaha bishan aan ku jirno ee may kusoo wajahan wadankan Norwey, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mohamed Osman Jawaari. Asaga oo 20-mai ka qaybgali doona xuska 10-guuradii kasoo wareegtay aasaaska xarunta nabada iyo xuquuqul insaanka ee Oslo Center. Waxa uuna kala qaybgali doonaa xuskan shaqsiyaad caan ah oo uu kamid yahay xoghayihii hore ee qaramaada midoobey Mr Kofi Annan.

Sidoo kale 19-ka bishan mai ayay xaruntu soo qabanqaabisay kulan  uu jawaari la yeelan doono jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey, si uu ooga warbixiyo isbadalka siyaasadeed iyo kan horumareed ee ka dhacay soomaaliya xilayadii ugu danbeeyay. 

Booqashada Jawaari ayaa kusoo aadaysa xili bil kahor ay dowlada Norwey soo saartay go aan ah in ay soomaalida aan degenaanshaha qaadan kala noqon karto sharciga, maadaama xaalada amni ee Soomaaliya ,gaar ahaan caasimada Muqdisho uu waxbadan iska badalay xiliyadii ugu danbeeyay. Arintaas oo wel-wel galisay Soomaali dhowr kun gaaraya oo kunool Norwey, balse aan wali qaadan degenaanshaha rasmiga ah. 

Su aalaha dad badan is waydiin karaan ayaa ah: maadaama uu jawaari yahay mid aad uga warqaba xaalka Soomaaliya, waxbadana ku noolaa Norwey, Makala hadli doonaa dowlada Norwey arintan? ama soomaalida Norwey cadaadis maku saari doonaan Jawaari inuu arintaas kala hadlo dowlada Norwey?  Dabcan sawirka uu jawaari ka bixiyo xaalada amni ee Soomaaliya ayaa noqon kara mid saameyn ilaa xad ah ku yeesho go aankan ay gaartay dowlada Norwey ee ku saabsan celinta dadka aan degenaanshaha qaadan.

Shabakadan NorSom News oo ah shabakad loo aas-aasay soo tabinta dhamaan wararka iyo waxyaabaha ku cusub jaaliyadeena soomaaliyeed ee Norwey ayaa ahayd midii ugu horeysay ee baartay, soona bandhigtay go aankii dowlada Norwey ee ku saabsanaa celinta dadka soomaalida. Waxaan isku dayi doonaa inaan xiriir la sameyno Prof Jawaari inta uu ku gudo jiro booqadiisha Norwey

 

Laba gabdhood oo somali ah oo abaabulaya maalinta xijaabka

Foto:Rolf Øhman

Maryama iyo Samiro oo ah 17-jiro soomaali ah ayaa maalinimada sabtida ah ee ku aadan 7-bisha may abaabulaya maalinta xijaabka. Waxa ayna dhaheen  inay istaagi doonaan wadada dheer aa Karl Johan si ay u qaybiyaan buugaag ku saabsan haweenka iyo islaamka, kana jawaabaan cidii su aal ula timaada.  Waxay kaloo intaa ku dareen in qofkii raba inuu isku fiiriyo xijaabta uu tijaabin karo.

Gabdhahan aadka u da-da yar balse xambaarsan fikirka weyn ayaa sheegay inay fikirka ka keeneen World Hijab Day oo ah maalin la qabto bisha febraayo kowdeeda. Ayna ku fakareen inay fikir noocaas oo kale ah ay ka dhaqan galiyaan Norwey

Maryam oo ku dhalatay kuna kortay Norwey ayaa sheegtay inay bilowdey inay xijaabka xirato markii ay jirtay 12-sano, ayadoo markaa soomaaliya joogtay dhowr sano. Waxayna sheegtay inaysan dhibaato weyn kala kulmin xirashada xijaabka, marka laga reebo in xiliyada ay joogto garoomada diyaaradaha il gaar ah lag eego. Balse ay jiraan gabdho saaxiibadeed ah oo aflagaado iyo cay loogu dhexgaystay T-banaha xijaabka dartiis. Dad badan ayaa nagu qiimeeyo xijaabkeena, sidaas darteed ayaan  ubaabulaynaa arintan, si aan ugu sheegno dadka in xijaabka aan xiranahay uusan khatar cidna ku aheyn.

Journalka Osloby oo ah qayb kamid ah aftenpostenka ayaa gabdhahan waydiiyay: maadaama ay ayaga da-ahaan yaryihiin, miyaysan fiicneyn inay arintan u daayaan ururada muslimiinta ah ee waaweyn iyo masaajidada. Waxay ay ku jawaabeen in arintan ay khusayso ayaga(Gabdhana), isla markaana ay rabaan in soo bandhigaan.

Halkan ka akhri waraysiga laga qaaday gabdhahan oo norsk ah(les saken på norsk her).

Halkan ka fiiri abaabulka ay gabdhan ka wadaan facebooga

 

webka ay leeyihiin ururka xagjirka ah aadna uga soo horjeedo islaamka iyo muslimiinta ayna madax ka tahay habarta xagjirka ah Hege Storhaug  ee ayaa arinta saaka si jees-jees ah u soo daabacay. 

Halkan ka akhri 

Tirada Soomaalida iska soo dhiibaysay Norwey oo sanadkan 2016 wax badan hoos u dhacday.

Sida aan kasoo xiganay laanta agaasinka socdaalka iyo soo galootiga ee UDI, 78 qof oo ka yimid Soomaaliya ayaa sanadkan aan kujirno ee 2016 magangalyo waydiistay wadanka Norwey. Tiradaas oo ah mid wax badan ka hooseysa tirada dadka soomaalida ah ee Norwey iska soo dhiibi jiray sanadadii ugu danbeeyay. Sidoo kale waxaa hoos u dhacay guud ahaan tirada dadka magangalyada soo waydiistay Norwey sanadkan aan kujirno, oo ilaa hada 1185 qof oo magangalyo doon ah ayaa iska dhiibay Norwey. Dadka ugu badana waxa ay ka imaadeen dalalka Siiriya(200 qof), Afgaanistaan(186 qof), Eritrea(95 qof ) iyo Ciraaq(95). Waxaa muuqata in go-aanadii kala duwanaa ee kasoo baxayay dowlada Norwey ay tahay sababta ugu weyn ee keentay hoos udhacan. Halka dadka qaarkii ay leeyihiin in, ilaa hada lagu jiray xilayada qaboobaha(vinterka), oo marka la gaaro xilayada kuleylaha ay soo badan doonaan dadka kasoo talaabayo badaha, taas oo kor u qaadi karta tirada dadka magangalyo doonka ah ee Norwey iska soo dhiibaya.

Halkan ka akhri tiradan iyo inta qof ee imaanayay bilihii kala duwanaa

 

Xaga kale waxaa kaamamka Norwey ku jira 833 qof oo soomaali, kuwaas oo isugu jira kuwa sharci helay oo kommune sugaya, kuwa codsigooda jawaab ka sugaya iyo waliba kuwa sharciga loo diiday laguna amray inay wadanka isaga baxaan. waxa ayna ukala baxaan sidatan:

Tirada dadka soomaalida ee sharciga helay ee sugaya kommune qaata: 88

Tirada dadka soomaalida ee sharciga helay balse aan sugeyn kommune qaata: 52

Tirada dad soomaalida ee magangalyo codsaday, sugayana jawaab(diidmo ama ogolaansho): 260

Tirada dadka soomaalida ah ee helay diidmo balse klage bixiyay(ka dacwooday diidmada):  101 

Tirada dadka soomaalida ee ka noqday codsigooda ama wadanka isaga baxay, ama aan la aqoon xaalkooda: 17 

Tirada sharciga loo diiday laguna amray inay wadanka isaga baxaan: 315 

Soomaalida ayaa sidaas ku noqonaysa dadka ugu badan ee sharciga loo diiday, laguna amrey inay wadanka isaga baxaan, balse wali ku jira kaamamka.

Liiskan oo dhamaystiran halkan ka fiiri

Guud ahaan Waxaan Kaamamka Norwey kujiro 25.271 qof oo isuga jira oo isugu jiro dad sharci helay, kuwa waayay iyo kuwa kaleba. ka daalaco  liiska kore

Afeef:Dadka soomaalida ah waxaan ukala jeednaa dadka ka yimid wadanka soomaaliya(somali national), ee ma ahan dadka jinsiyadooda soomaalida tahay. waxaa dhici karta inay jiraan dad soomaali ah oo ka yimid ethopia, jabuti ama meelo kale inay jiraan, kuna diiwaan gashinyihiin tirada dowladahaas.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.