FOTO: MARI ALLGOT LIE / NRK

14. April sanadkii 2015 ayay ahayd markii ugu horeysay ee sheekada Yaasmiin iyo laba gabdhood oo kale laga soo daayay barnaamijka Brennpunkt ee tvga NRK. Inkasta oo barnaamijku si guud uga hadlayay xaalada sadexda gabdhood, hadana dadkii diyaariyay barnaamijka waxa ay xoogaa saareen sheekada Yaasmiin, oo ka calool xumo badnaa kuwa labada gabdhood ee kale. Maalmihii xigay waxaa si isdaba joog ah warbaahinta wadanka Norwey loogu soo daabacayay qoraalo iyo warbixino kala duwan oo looga hadlayay xaalkan gabadhan soomaaliyeed ee nolosha silica ah ku nooleyd mudo aad u dheer. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Norwey,  dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo waliba dad kale oo magac ku lehba wadanka ayaa waxay dowlada Norwey ku codsanayeen i xaalka Yaasmiin il gaar ah lagu eego oo aan lagu celin, wadankii ay markii horeba dhibanaha ku ahayd ee Hungry. Dadkaas u doodayay Yaasmiin waxay dhamaantood ahaayeen dad norwiiji iyo qowmiyado kale isugu jiro, oo aan yaasmiin ugu danqaneyn ilaa bini-aadinimo ma ahaane. Ma jirin warbaahin soomaaliyeed ama cid kale oo soomaali ah ka hadashay intii uu cusbaa barnaamijka laga diyaariyay gabadhan. Mudo kadibna waaba la iska ilaaway, oo cid danbe oo ka hadashay ma jirin ilaa laga soo gaaray bisha may 2016, oo ah sanad kadib markii uu soo shaac baxday sheekada Yaasmiin.

NorSom News ayaa noqotay warbaahintii ugu horeysay ee luuqada soomaaliga kusoo bandhigtay xaalka Yaasmiin, waxaana 2-may aan ka qorney kiiska yaasmiin oo markaa loo gudbiyay maxkamada sare ee wadankan. Wixii intaa ka danbeeyayna, sheekada gabadhan ayaa kusii fiday bulshada soomaaliyeed iyo warbaahintaba.

Halkan ka akhri  qaar kamid ah wararka aa ka qorney Yaasmiin:

Maxkamada sare oo go aan ka gaarayso in Yaasmiin in lagu celiyo Hungary iyo inkale

Maxkamada sare ee Norwey oo ogolaatay in gabar soomaali ah wadanka laga ceyriyo.

Wasiirka dastuurka iyo cadaalada Norwey oo laga codsaday inuu ka jawaabo arinta gabadha soomaaliyeed

 

Walaal gabadhu waa qabiilkee?:

Kadib markii aan qoraalka ka sameynay xaalka yaasmiin, waxaa xiriirka nala soo sameynayay dad soomaaliyeed oo kala duwan, ayga oo na waydiinayay su aalo ku saabsan wararka yaasmiin iyo sida uu xaalkeeda yahay. Dadka nasoo wacayay waxaa u badan dumar iyo rag dhalinyaro ah oo aad uga murugaysan xaalka gabadhan, rabana inay wax u qabtaan. Qof walbe waxaa dareenkiisa ka muuqdey shucuur iyo dareen kacsan oo ay qaadeen, kadib markii ay daawadeen, barnaamijka laga diyaariyay gabadha.

Balse waxaa mar walbe jirtay su aal uu qof walbe rabay inuu rabay inuu helo jawaabteeda, inkasta oo ay afka toos usoo marin karin, hadana waxbaa gubayay oo ku qasbayay, iney ogaadaan jawaabta su aashooda. Su aashaas waxay ay ku saabsanayd cida ay tahay Yaasmiin: Walaal gabadhu waa qabiilkee? codkeeda ayaa maqlaye ma reer qansax baa oo dega deegaan hebel?. Aaway dadkeedi, miyaysan ka dhalan qabiil ama cid kale oo qaraabo la ah majirto miyaa?. Odoyadii qabiilka ay ka dhalatay maxaad ula xiriiri waydeen, qaaraan ha usoo uruuriyaane?. Reer Hebel hadey ka dhalatay, waa dad aad isugu xiran ee walaalayaalow la xiriira ha usoo gurmadaane?. 

Ujeedada dadkaas su aalaha na waydiinayay ma garan karno, ma iney gabadha qabiil ahaan wax u taraan ayay rabaan, mise war jaceyl ayay ka ahaydoo, waxay rabeen inay qabiilkeeda ogaadaan. 

Waa sidee xaalka Yaasmiin hada: 

Wenche Hovland FOTO: INGER MARIE NORSTRØM / NRK

Warbaahinta NorSom News ayaa xiriir la sameysay Krisesenteret i Sogn og Fjordane qaybtiisa Fløro oo ah xarunta gacanta ku haysay Yaasmiin mudo todobo sano ah. Xaruntan oo ah mid ay dad norwiiji ah oo isku tagay ay sameeyeen si ay u gacan qabtaan haweenka ay soo gaaraan dhibaatooyinka jir iyo maskax ahaaneed. Wenche Hovland oo ah maamulaha xaruntan ayaa noo sheegay in kadib markii ay ku guul dareesteen inay maxkamada sare ee Norwey ay ka dhaadhiciyiin in Yaasmiin loo ogolaado inay kusii noolaato Norwey, ay hada kiiskeeda ay u gudbiyeen maxkamada xuquuqul insaanka yurub ee kutaala magaalada Strasbourg ee wadanka Faransiiska. Ayaga oo ugu danbeyn ka rajo qabo in ay dowlada Norwey ku cadaadiyaan in aan yaasmiin lagu celin Hungry oo ay faro ku leedahay balse, la siiyo sharciga Norwey si ay ugu noolaato halkan. Waxay intaas ku dartay in Yaasmiin ay tahay qof u xanuunsanaya maskixiyan iyo jir ahaan labadaba, isla markaana xaalkeeda caafimaad uusan saamaxeyn in wadan aysan caawinaad ka heleyn in lagu celiyo.Hungry qofna uma joogo, kaalmo caafimaadna kama helayso, Yaasmiina waxay u baahantahay daaweyn iyo la socosho joogto ah. Ma jiro qof ka socdo jaaliyada soomaaliyeed oo xiriir nala soo sameeyay idinka kahor, dhowr mar ayaan isku dayay inaan raadiyo dadka ka socdo bulshada soomaaliyeed, balse iima soo suurtagalin. Qarashka ku baxay yaasmiin dhamaantiis waxaa bixiyay dad norwiiji ah, oo kadib markii ay daawadeen  barnaamijkaas kusoo tabarucay lacag kaalmo ah iyo waliba hadiyado kala duwan. Sidoo kale qarashka ku baxay maxkamada iyo qareenadii yaasmiin waxaa bixiyay isla dadkaas. Waxaan u sameynay group facebooga ah, taas oo naga saaciday inaan usoo uruurino dhaqaalaha aan ku dabareynay howsha yaamsiin mudadaas dheer. Hadana wali waxaan ku xiranahay dhaqaalaha ay kusoo deeqaan bulshada daneynaya xaalka yaasmiin. Maxkamada xuquuqul insaanka yurub waxay naga rabtaa inaan qabano qareeno waaweyn oo qaali ah si aan uga adkaano qareenada dowlada Norwey oo rabta iney yaasmiin ku celiso Hungry. Dhaqaalaha ku baxayana waa uu ka badanyahay kuwii hore maadaama safar iyo howl jeer la galayo. Lacag ayaa naloo soo uruuriyay ilaa hada 30.000 gaarayso, laakiin wax badan ayaa ka dhiman qarashka ku baxaya howshan. Waxaana laga yaabaa iney maxkamadu socoto mudo sanad ilaa labo sano ah. Laakiin mar walbe waxaan diyaar u nahay inaan Yaasmiin caawino, wax walbe iyo qarash walbe oo nagu qaadataba.

Yaasmiin qabiilkeeda:

Dadkii nasoo wacayay ee na waydiinayay qabiilka Yaasmiin uma aanan heynin jawaab aan markaas siino, laakiin hada ayaan soo ogaaney qabiilka yaasmiin waana kan ee ogaada:

Waa qabiil weyn oo ukala baxa  beelo, kuwaas oo usii kala baxo jilibyo hoose, ayagu waxay sii kale leeyihiin lafo hoose iyo waliba bahooyin kala duwan. Waa qabiil aan mideysneen, majiro wax xiriir oo ka dhaxeeyo beelahaas kala duwan oo mid walbe goonidiisa ayuu ugaas, suldaan, nabadoon, culimo, siyaasiyiin, fanaano iyo waliba odoyaal  u gaar ah leeyahay. Iskuma kalsoono oo wax iskuma ogolo, xaasidnimada iyo nin jecleysiguna waaba u dhaqan iyo caado. Midkoodii dhiban kama war qabaan, hadey ka warqabaana wax uma taraan. Mar-marka qaarkood waaba ay ku digtaan, iney wax u qabtaan iska daaye. Hadii mid kamid ah uu rabo inuu si ilaahay dartiis ah uu wax u qabto, uma waayaan dhaliil iyo wax ey ku duraan. Hadii kooxi is bahaysato oo ay rabto iney bulshada wax u qabtaana, waxaana ka garab yaaca sagaal kooxood oo kale, oo kuwaas ximinaya. Markii uu qabiilkaas uu la joogo cid ajnabi ah, kuli waa wada masaakiin, laakiin markii dhexdooda isla joogaan ayuu mid walbe laoso baxayaa miciyo waaweyn iyo xoog aan horey loo arag. Hadii qof qabiilkaas kamid ah uu xanuunsado ama dhibi gaarto, waxa marka hore la waydiiyaa beesha uu yahay, jilibka uu kasii yahay, kadibna bahda uu ka yahay. Kadib ayaa wax loo taraa ama laga tagaa.

Hada ma wada garateen qabiilka yaasmiin?. Ma cidbuu shaki uga jiraa. waa qabiilka la yiraahdo Soomaali, gaar ahaan bah Norwey. Gabadh ayaga ka tirsan ayaa mudo todobo sano ah ku rafaadsan wadankan, dad aysan diin iyo dhalasho midna la wadaagin ayaa hiil iyo hooba la garab taagan. Kuwa oo kale oo aan aqoon, balse ka damqaday xanuunkeeda ayaa  taageero dhaqaale iyo mid mooraal ahba la garab taagan. Kuwii ayada oo 40.000(afartan kun) gaarayana wadanka ayay joogaan, mid waxtara iska daaye, waxaa marka hore u daran iney ogaadaan qabiilkeeda. 

Hadaba:

Yaasmiin waa gabadh soomaaliyeed ee inaga dhalatay, ceeb ayayna u tahay in mudo todobo sano ah ay gabadhu ku rafaadsanayd Norwey, in aan taageerno iska daaye, xitaa aan la sameyn wax xiriir. Aaway siyaasiyiinteeni, aaway culimadii, aaway nimankii markii ay arkaan wafdi ka socdo Soomaaliya iska daba ordi jirey oo kuraasta hore inay fariistaan isku dagaali jirey. Aaway dadkii heesaha wadaniga ah caloosha nooga soo ridi jirey maalmaha xoriyada, iyada oo uu mid walbaa iska dhigayo wadani dhaartay. NorSom News ahaan waxaan balan qaadeynaa inaan xaalka Yaasmiin si gaar ah ula socono, aana usoo gudbino dadka nagu xiran.

Qofkii ka socdo ama matala jaaliyad, urur, masaajid iyo warbaahin ee raba inuu wax ka ogaado xaalka yaasmiin fadlan la xiriir: Fløro krisesenter oo aad kala xiriiri karto tlf: 57 74 36 00.

Hadii aad rabto inaad lacag ama si kale u taageerto Yaasmiin halkana kala soco xaalkeeda, waa gruopka facebooga ah ee loo sameeyay yaasmiin: Støttegruppen for Yaasmiin. Ama konto nr: 3705.28.88019

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments