mandag, november 25, 2024
Home Blog Page 285

Amal Adan oo markale eedeysay waalidiinta soomaalida iyo ajnabiga ah

Amal Aden oo ah qoraa caan ka ah saxaafada wadanka, ayaa mar kale eedeyn dusha u saarisay waalidiinta ajnabiga ah, kuna eedaysay inaysan ilmaha u ogoleyn iney u noolaadaan si xor ah. Amal oo khudbad ka jeedinaysay maktabada Vestnes ayaa sheegtay inay waxbadan la socotay dhibaatooyinka ka dhex abuurma dhaqamada norskaha iyo kuwa dadka ajnabiga ah.

Waxay sheegtay in dhibta ugu weyn uu ka timaado xaga waalidiinta oo ilmaha ku qasba inuu raaco dhaqanka wadankii uu waalidkii ka yimid, inkasta oo uu ilmaha wadankaas waligiis arag. Sidaas darteedna ay dhici karto in ilmo Norwey ku dhashay kuna barbaaray uusan saaxiib ka dhigan karin ciyaal norwiiji ah, waalidka dartood

Amal oo horey ugu caanbaxday ceeb u yeelida iyo wax ka sheega dadka ajnabiga ah, gaar ahaan soomaalida ayaa intaas ku dartay in: hadii ilmo norske ah uu waalidkiis ka amardiido, waxaa laga yaabo i dhaxalka loo diido, laakiin aanan mindi iyo waxkale loo qaadan, balse  bulshada soomaalida sidaas waa ka duwantahay. Hadii gabar soomaali ah ay saaxiib ka dhigato wiil norwiiji waxaa ay khatar ugu jirtaa in magaalada wax taxi joogo laga dabo diro. 

Dhowr bilood kahor ayay ahayd markii Amal ay saxaafada wadanka oo dhan ay ku sheegtay in ay dhibaato kala kulanto soomaalida tagaasida wado, oo aysan qaadin hadii ay u gartaan inay ayada tahay. Ama mararka qaarkood inay inta qaadaan wax ka sheegaan. Soomaalida ayaa arintaas ku tilmaantay in ay Amal rabto inay magaca ka disho soomaalida oo aad uga shaqeeyo tagaasida, sida ay horey magaca uga dishay sumcada bulshada soomaaliyeed guud ahaan ee ku dhexleeyihiin.

Amal oo u waramaysay journalka localka ah ee Vestnesavis ayaa intaas ku dartay in ay adagtahay badanaa haweenka la in integrering gareeyo(bulshada la dhexgaliyo), laakiin ay muhiim tahay, maadaama ay hooyadu tahay furaha qoyska. uguna baaqday ururada frivilliga ay guryaha ku booqdaan haweenka caruurta badan guryahay ku heesta, kana dhaadhiciyaan arintaas.

warkan oo norske ah halkan ka akhri( Les saken på norske her)

Sarifka lacagta doolarka oo hoos u dhacay

Sarifka lacagta dollarka ayaa maanta hoos u dhac ku yimid, oo sarifka 100-kii dollar ayaa maanta markii ugu horey mudo sanad iyo bar ah gaartay wax yar 800 oo krone. Lama oga sababta dhabta ah ee ka danbeysay hoos u dhacan saaka ku yimid sarifka lacagta dollarka oo ah mid saameyn aad u weyn kuleh dhaqaalaha aduunka guud ahaan, kan wadankeenii Soomaaliya iyo jaaliyada soomaaliyeed ee dagan Norwey. Sarifka lacagta dollarka ayaa ilaa bartamihii sanadkii 2014 ahaa mid sare u kacayay ayada oo uu xiriir la leeyahay qiimaha shidaalka oo ah lafdhabarta dhaqaalaha wadankan aan kunoolnahay.

Xawaaladleyda soomaalida ee lacagta  dira soomaaliya ayaa 100-kii dollar saarta lacag dhan ilaa shan dollar oo khidmo ah, sidaas darteed hadii aad rabtid inaad maanta soomaaliya lacag u dirtid qiimuhu waxa uu noqonayaa sidatan:

DOLLAR 100+5=105                            NOK: 877 kr

Hadii aad rabto inaad xisaabiso lacagta aad u dirayso soomaaliya adoo gurigaada joogo, waxaad ka xisaabin kartaa DNB valutakalkulator:

riix halkan

 

 

 

Maxkamada sare oo go aan ka gaarayso in Yaasmiin in lagu celiyo Hungary iyo inkale.

Maxkamada sare ee Norwey ayaa isbuucan go aan ka gaarayso in Yaasmiin oo ah gabar soomaali ah oo sanadkii 2009 timid wadanka lagu celiyo Hungary oo ay faro ku leedahay iyo in codsigeeda-magangalyo looga shaqeeyo Norwey.  Yaasmiin ayaa sanadkii 2010 la siiyay diidmo, maadaama ay sharci ku leedahay wadanka Hungary, laakiin waxaa la siiyay ogolaansho ah inay Norwey deganaato lix bilood maadaama ay dacweysey ninkii Yurub soo galiyay kuna qasbay inay noqoto haweenka jirkooda ka ganacsada!!.

Tv-ga NRK , barnaamijkiisa Brennpunkt ayaa documentary calool xumo ah ka diyaariyay nolosha yaasmiin iyo sida ay Norwey kusoo gashay kadib 15 sano oo ay niman ku qasbeen inay jirkeeda ka ganacsato. inta uu documentryga uu socda waxaa hadba la arkayaa Yaasmiin oo dhacayso marka ay soo xasuusato dhibaatada lasoo mariyay iyo silicii ay ku nooleyd mudada dheer. Waxaa kaloo jirkeeda ka muuqdo nabaro iyo dhaawacyo kasoo gaaray noloshaas ay ku jirtay. Yaasmiin ayaa dacweysay nimankii ku ciyaaray nolosheeda, laakiin booliska ayaa laalay dacwadeeda.

Halkan ka daawo documentariga laga diyaariyay sadex gabdhood oo ay yaasmiin kamid tahay( Brennpunkt: fortell eller forsvinn)

Yaasmiin ayaa dhaawac maskaxiyan ah wuxuu kasoo gaaray sanadadii badnaa ee ku noolayd noloshaas, ilaa afar dhaktar oo kala duwan ayaana cadeeyay inay tahay qof maskixiyan xanuunsanaya, una baahan daryeel bini-aadanimo. laakiin UDI ayaa ku adkeysatay in ay kiiska yaasmiin qaabili karin, maadaama ay faro iyo sharci ku leedahay wadan kale. Yaasmiin ayaa racfaan ka qaadatay go-aankaas, ugu danbeytiina kiiska ayaa hada gacanta ugu jiro maxkamada sare, go aana ka gaarayso isbuucan.

Dowlada Hungary oo markii hore faro ka qaaday Yaasmiin ayaa cadeeyay in ay waxba u qabin karin, hadii lagu soo celiyo wadankooda.

Wenche Hovland oo ah gudoomiyaha xarunta dadka dhibaataysan(krise-senter) oo kutaal Fløro ayaa sheegtay inay tahay wax aan lala yaabo oo aan la aqbali karin in Yaasmiin oo ah qof maskaxiyan iyo jir ahaanba xanuunsan in wadanka laga bixiyo.

Hadaan nahay bahda Norsomnews, markaan daawanay programka caloolxumada ah, waxaan gabadhan u rajeyneynaa in loo ogolaado inay ku noolaato Norwey. Wixii xaaladeeda kusoo kordhana kala soco halkan

warkan oo norske ah halkan ka akhri(les saken på norsk her)

Mani Hussaini: Sylvi Listhaug halaga ceyriyo dowlada

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha(AP) Mani Hussaini oo maanta khudbad ka jeedinayay banaanbaxa maalinta shaqaalaha ee kowda may, ayaa cod dheer ku yiri in wasiirka soo galootiga iyo isdhexgalka wadanka Sylvi Listhaug, aysan u qalmin inay xafiiska sii fadhiso, mudantahayna in madax-madax xafiiska looga tuuro.

Waxay noo sheegtay inay hadii dadka soo galootiga uu bato ay u cabsanayso mustaqbalka caruurteeda iyo kuwa ay ayeeyada u tahay, balse anigu waxaan u cabsanayaa caruurteyda iyo kuwa aan awoowga u noqon doono, ayada darteed. Mani ayaa intaas ku daray in qoxootiga laga dhigayo inay dhibaato weyn ku yihiin yurub, laakiin dhibaatada rasmiga ah waa mida haysata dadka qaxootiga ah ee lagu qasbay inay guryahoodii kasoo qaxaan. Waa sax Norwey qof walbe oo qoxooti ah ma caawin karo, balse taas gabaad uma noqonayso in aan qofna la caawin.

Dhankooda ururka dhalinyarada FRP ayaa sheegay in ay fiicnaan lahayd in uu maalinta kowda may uu ka hadlo xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha, balse uusan wax badan ku mashquulin howsha fiican ee wasiirka iyo dowladu wado.

Mani Hussaini oo asalkiisu yahay muslim, ahna kurdish siiriya kasoo jeeda ayaa qabtay xilka gudoomiye ee ururka dhalinyarada AUF sanadkii 2014. Asaga iyo qoyskiisaba qaab qoxooti ahaan ah ayay ku imaadeen Norwey 1998, waxa uuna  kamid ahaa dadkii u dagaalamayay fikirkii dooda weyn dhaliyay 2015, ee ahaa in ay Norwey xeryaha qoxootiga kasoo qaadato 10 000 oo qoxooti siiriyaan ah, taas oo ugu danbeeyay lagu heshiiyay 8000.

Warkan saaka kasoo yeeray Mani ayaa durba dood weyn ka dhaliyay baraha bulshada, waxa ayna dad badan bilaabeen in ku duraan diintiisa ama asalkiisa, taas oo ay codsadeen in uu wadanka isaga baxo oo uu ku noqdo meeshii uu ka yimid hadii uusan ku qanacsaneyn qaabka ay dowlada Norwey u shaqayso. Mani ayaa horey u sheegay mar walbe oo uu keeno fikir aysan ku qancin dadka kasoo horjeedo, ay bilaabaan inay asaga shaqsiyadiisa iyo asalkiisa duraan si ay isaga dhiciyaan maadaama ay fikir ka fiican aysa meesha ku haynin, taasna uu la qabsaday.

WARKAN OO NORSKE KU QORAN HALKAN KA AKHRISO(les mer på norske her)

 

Norwey oo darbi ka dhiseysa xuduudka ay la wadaagto Ruushka

Wasiirka cadaalada Norwey Anders Anundsen oo ka tirsan xisbiga FRP ayaa maanta soo bandhigay qorshahan cusub oo ay ku adkeynayaan xuduudka ay Norwey iyo wadamada ku midoobay Schengen ay la wadaagaan Ruushka. Kaas oo ah in ay dabri dhererkiisu yahay 200 oo mitir ay ka dhisayaan albaabka laga soo galo xuduudka ay Norwey la leedahay wadankaas. Arintan ayaa jawaab u ah qoxooti 5.400  gaaraya  oo sanadkii lasoo dhaafay Norwey kasoo galayay dhanka Ruusha, ayaga oo marka hore Viso usoo qaatay ruusha, kadibna baaskiilo kusoo galay Norwey.  Arintan ayuu sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelin doonin isu socodka dadka iyo gaadiidka caadiga ah ee ukala gudba labada wadan.

Dowlada Ruushka ayaa horey u diiday in wadankeeda dib loogu soo celiyo dadka visaha kusoo galay markii hore ee usoo gudbay Norwey. Taas oo dhabarjab ku noqotay Norwey oo rabtay inay Rusia u celiso dhamaan dadka usoo gudbay Norwey ee  visaha kuleh ama wax badan daganaa wadankaas.

Norwey ayaa ku biirtay wadamo kuyaal qaarada Yurub oo darbiyo ka dhisay xuduudka ay la wadaagaan wadamo ay  daris layihiin, ayaga oo ka cabsi qaba in ay usoo galaan qoxooti badan oo magangalyo doon ah. Horey ayay Norwey usoo saartay in kontorool joogto ah la saaro xuduuda, isla markaana qofka aan sharci u laheyn inuu qoxootinimo waydiisto laga celiyo xuduuda.

Les saken på norsk her(warkan oo af-norske ah halkan ka akhri)

 

 

Niman soomaali iyo ajnabi kale ah oo dadka u akhriya teoriga oo la fashilay

Tvga Nrk ayaa dabagal ku sameeyay koox dadka ka caawisa inay si aan sax aheyn ku qaataan leysinka baabuurta caadiga ah, taxi-ga iyo waliba busaska waaweyn. Arintan ayaa waxaa ka danbeeya shabakad isku xiran oo rag soomaali ah ay madax ka yihiin, balse ay la shaqeeyaan ajaaniib kale oo carab, pakistaan iyo iiraani isugu jira. 

Ragan ayaa sida ay xaqiijiyeen wariyeyaal ka socda NRK oo dabagal weyn ku hayay xili dheer, xarun weyn ku leh meel aan sidaas uga fogeyn saldhiga booliiska Grønland oo ah kan ugu weyn ee wadanka. Waxa ayna qofkii ka qaataan lacag u dhaxaysa 3000 ilaa 6000. 

Hay-ada qaabilsan wadooyinka ee vegvesen ayaa xaqiijisay imtixaanada ay ragan iibiyaan ay yihiin kuwii saxda ahaa, balse aysan garaneyn sida ay ku heleen iyo waliba cida ka caawisay inay helaan. Booliska ayaa ilaa hada wax howlgal ah aan ku qaadin gurigan ay shalay soo bandhigtay NRK in  lagu akhriyo imtixaanada.

Arintan ayaa ilaa xalay la isla dhex marayay baraha bulshada , ayaga oo dad badan sheegeen inay dhibaato kala kulmaan raga ajnabiga ah ee wada gaadiidka dadweynaha. Marar badan ayay sheegeen inay arkaan rag wata leesinka taxi, laakiin aanan qofka geyn karin meeshii uu u baahnaa.  

Xawaaladaha oo ah ilaha dhaqaalaha ugu waaweyn ee soomaalida kunool wadanka ayaa sidoo kale la sheegay inay arinta lug kuleeyihiin. Sida ay sheegtay NRK lacago badan oo nimankan ka shaqeystaan howshan inay u diraan meelo ay soomaaliya kamid tahay, ayaga oo sii marsiinaya xawaaladaha.

les mer på norske her (Warkan oo dhamaystiran halkan ka akhri)

 

 

Lysbakken: Sylvi Listhaug waxay dayacday howshii loo xilsaaray

0

Audun Lysbakken  oo ah gudoomiyaha xisbiga SV ahna xubin katirsan baarlamaanka ayaa eedeyn u jeediyay wasiirka arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka wadanka Norwey ee Sylvi Listhaug. Waxa uuna ku eedeeyay inay xooga saartay kaliya qayb kamid ah shaqadeeda, ayada oo aan waxbadan ka qaban qaybtii kale ee wasaaradeeda. Ilaa intii loo magacaabay xilkan wasiirnimo wax muuqda kama qaban ama masoo bandhigin qorshe ku aadan qaabka dadka qoxootiga ah ee cusub loo dhaxgelin lahaa mujtamaca intiisa kale, ayuu yiri Audun oo maqaal maanta kusoo daabacay wargayska Dagbladet.

Shaqada wasaarada loo xilsaaray waxay ka koobantahay laba qaybood, qaybta soo galootiga iyo qaybta isdhexgelka bulshada. Ilaa hada waxaan aragnaa Listhaug oo maalinba maalinta ka danbaysa keenaysa ama soo jeedinayso sharci ku saabsan sida loo adkeyn lahaa sharciga qaxootiga, balse ma aysan soo bandhigin wax soo jeedin ah oo ku aadan sida dadka intii wadanka soo galay ama sharciga ku helay looga caawin lahaa in ay qayb ka noqdaan bulshada inteeda kale. Arintaas oo hadhow dhibaato u keeni karta dadkan wadanka kucusub iyo waliba mujtamaca guud ahaan. Waxa ayna arintan kusoo aadaysaa xili 31.000 oo qoxooti ah iska soo dhiibeen Norwey sanadkii 2015. Dadkaas oo badankood u badantahay inay sharci helaan.

Lysbakken ayaa mar sii horeysay sheegay in siyaasada xisbiga FRP ee ku aadan dadka soo galootiga ah ay keeni karto inay dadka ka dhex-baxaan oo isku soo koobaan xaafado aan xiriir la laheyn dadka intiisa kale. Waa hadii aysan dowlada iska xilsaarin oo la imaan qorshayaal cad-cad oo ku aadan sida dadkaas loo soo dhexgelin lahaa dadka intiisa kale.

Dhankiisa ayuu soo bandhigay siyaada xisbigiisa ee ku aadan arinta.

Les hele kronikken her(Halkan ka akhri maqaalka uu qoray oo dhamaystiran)

 

Ardey soomaali ah oo dhigata iskuulka Os oo qayb weyn ka qaatay xaflad dhaqan iyo is dhexgal.

Ardey dhigata iskuulka Os ayaa xaflad dhaqan iyo isdhex gal ah kaga yaabsaday dhamaan dadkii kasoo qaybgalay. Xafladan oo ay ka qaybgaleen caruur ardey ah ayaa soo bandhigay heesaha iyo dhaqamada ku dhawaad 20 wadan oo ay asal ahaan ka kala yimaadeen.

Waxaana qayb ka ahaa ardey soomaali ah oo iskuulka dhigato iyo Safio Abdi Haase oo kamid ahayd dadka gacanta ka gaystay.

Les mer på norske her

UDI oo 10.000 dheeri ah siinayso qofkii raba inuu iskiis wadankiisa ugu noqdo

Laga bilaabo maanta ilaa lixda isbuuc ee soo socoto hay-ada UDI-da ayaa sheegtay inay 10.000  oo dheeri ah siinayso qofkii sharciga loo diiday ee raba inuu si iskiis ah(frivillig ah)  ugu noqdo wadankiisa. Lacagtan ayaa la siinayaa 500 boqol ee ugu horeysa ee isa soo diiwaan galisa. Isku dar lacagta lasiinayo qofka raba inuu wadankiisa ku noqdo ayaa sidaas ku noqonaysa 30.000 oo lacagta norwiijiga ah, una dhiganta ilaa 3000 oo dollarka mareykanka ah.

Wasiirada maalmahan qof walbe afka ku hayo ee Sylvi Listhaug ayaa sheegtay inay dowladu  rabto in qofka sharciga loo diiday lagu dhiirigaliyo inuu wadankiisii ku noqdo, sidaasna ay dowlada ugu baaqato lacagaha tirada badan ee qofka aan sharciga laheyn ku baxa marka uu ku jiro kaamka(mottak). Sidoo kale UDI-da ayaa sheegtay inay lacagtan qofka ka caawinayso inuu nolol ka sameysto markii uu ku noqdo wadankiisa, oo uusan asaga oo gacan-maran lagu celin wadankiisii

si uu qofka u helo lacagtan waxaa ku xiran shuruud:

  1. Waa inuu Norwey iska soo dhiibay wixii ka horeeyay kowda bishan April
  2. Waa inuu uusan wadan kale oo yurub ah uusan iska soo dhiibin(faro ka yaalin)

 

Les mer på norsk her:

Dowlada Norwey oo bilaabaysa inay sharciyada kala noqoto soomaalida aan degenaanshaha qaadan.

Fiiro gaar: waxaan ka codsaneynaa dhamaan dadka akhrinaya warbixintan inay si degan u akhriyaan marka hore, kadibna ay booqdaan dhamaan link-yada ama page-ka ku lifaaqsan si ay arinta sawir buuxa uga qaataan.

Kowdii bishan aan ku guda jirno ee April sanadkan 2016 ayaa wasiirada arimaha soo galootiga wadanka Norwey naagta lagu magaacabo Sylvi Listhaug soo rogtay go aan cusub oo ah in dadka qaxootiga ah ee magangalyada ku joogo Norwey lagala noqon karo sharciga dal-kujooga, dibna loogu celin karo wadankii ay ka yimaadeen. Hadii ay nabad ka dhalato wadankii ay ka yimaadeen, meeshana ay ka baxdo baahidii qofka ku qasabtay inuu wadankiisi uu kasoo qaxo marii hore. Sidoo kale waxay sheegtay inay dowlada Norwey ay rabto in dadkan ay ka qayb qaataan dib u dhiska iyo nabad kusoo dabaalida wadankii ay ka yimaadeen. Go aankan cusub ayaa daba socdo heshiis ay xisbiyada Ap, Høyre, Frp, KrF, Sp iyo Venstre ay galeen 19. november 2015, kuna saabsanaa xiisada ka dhalatay qoxootiga kusoo fatahay yurub sanadkii 2015.

Wasiiradan oo ka tirsan xisbiga mayalka adag ee FRP ayaa intaas ku dartay in sharciga caalamiga ah ee qoxootiga(Geneva convention) iyo sharciga qoxootiga ee Norwey uu ogolyahay in qofka haysta magalgalyo ku meel-gaar ah lagu celin karo wadankii uu asal ahaa ka yimid hadii ay nabad ka dhalato. Taas oo micnaheedu in qofkii haystay sharci magangalyo ku meelgaar ah(Midlertidig oppholdtillatelse)lagala noqon karo sharciga, loona diidi karo sharciga degenaanshaha abidka ah(permanent oppholdtillatelse).

Norwey ayaa noqotay wadankii ugu horeeyay ee katirsan qaarada Yurub ee qaata go aan noocan oo kale ah. Waxa ayna dowladu sheegtay in sanadkii 2015 ay Norwey yimaadeen dad qoxooti ah oo tiro ahaan gaarayo 31.000 00 qof, oo badankooda ka yimid wadanka Siiriya. Sanadkan 2016  ayaa laga yaabaa in tirada intaas wax badan ka badato. Arintaas oo culeys dhaqaale iyo mid dhaqan labadaba keeni karta. Waxayna sheegeen in ay dib u-dajinta iyo howsha dadkan tirada badan ay keeni karto in uu culeys fuulo maamulada magaalooyinka, isla markaana ay buuxin waayaan shaqadii ay uga baahnaayeen dadka deegaanka ah.

Link 1) Akhri warkan oo lagu daabacay mid kamid ah wargaysyada yar-yar ee Norwey:

 

  1. Arintan qofkee ayay saameynaysaa?

Sida NORSOMNEWS.COM ka soo xiganay webka dowlada norwey(regjeringen.no) ee arinta lagu shaaciyay, go aankan waxa uusan saameyn ku yeelan doonin:

  • Qofkii heysta sharciga degenaanshaha(Permanent oppholdtillatelse): arintan saameyn kuma yeelanayso, maadaama uu haysto sharci uu abid ku deganaan karo Norwey.
  • Qofka laga soo qaaday xeryaha qoxootiga ee aan Norwey iskiis u imaan: arintan sidoo kale saameyn kuma yeelanayso.
  • Qofkii ku yimid qof qoys ahaan ah ama loo dacwooday: sidoo kale saameyn kuma yeelanayso.
  • Qofkii sharci ku helay arimo bini aadanimo, sidoo kale saameyn kuma yeelanays.
  • Sida ku qoran webka dowlada arinta waxay saameyn ku yeelan doontaa dadka sharciga magangalyada ku helay qaanuunka magangalyada qodobkiisa 28-aad, xarfaha a iyo b: dadka norwey iska soo dhiibay ee qaab qoxootinimo ku helay sharciga

Link 2: (Halkan ka aqriso qaanuunka 28-aad ee qofka uu ku heli karo sharciga magangalyada)

Hadii aad rabto in aad wax kadan ka ogooto go aankan iyo waliba cida uu saameyn ku yeelan karo, ka daalaco halkan:

LINK 3: Go aan dowlada ee ku qoran Norwiiji iyo English labadana: 

  • Go aanka u gaarka ah dadka ka yimid Somalia:

1-april go aanka kasoo baxay dowlada waxaa ku qornaa inuu  dhaqangalayo isla maalintaasba.

8-april-2016 ayay waaxda agaasinka soo galootiga iyo ajnabiga ee Norwey(Utlendingsdirektoratet, UDI) ay amar u dirtay dhamaan xafiisyada police-ka, taas oo ay ku dalbanayso in loo soo gudbiyo dhamaan kaysaska la xiriira dadka la qiimaynayo in sharciga lagala noqonayo iyo in kale. Si gaar waxay u magacaabeen dadka ka yimid soomaaliya in loo soo gudbiyo kiisaskooda oo waxaa ku qoran:

Codsiyada degenaanshaha dadka ka yimid soomaaliya ee helay sharci-magangalyo kumeel gaarka ah wixii ka horeeyay kowdii oktober 2014.  UDI waxay ogolaatay in dadka lagu celin karo soomaaliya desember 2012. Wixii ka danbeeyayna xiligaas ilaa oktober 2014 waxay waday sidii howshaas loo suurto galin lahaa. Taas oo keentay  in dib loo eego  baahidii magangalyo ee qofka in ay meesha ka baxayso iyo inkale.

Waxaa kaloo ku qoran in aan qofka loo cusboonaysiin karin sharciga kumeel gaarka ah ama passporka yarka ah ee lagu safro.

LINK 4: Halkan Akhriso dalabka UDI ee ah loo gudbiyo kiisaska dadka dib u eegista lagu sameyn doonto, gaar ahaana soomaalida.

NorSom News iyo UDI.

Mid kamid ah akhristayaasha NORSOMNEWS ayaa markii hore nagu wargaliyay arintan, nagana codsaday in aan daba gal ku samayno. Waxa aana isku daynay in aan xiriir telefon ah la samayno UDI, balse waxay naga codsadeen in aan E-mail kula soo xiriirno. Intaas kadib Ayaan u dirnay todobo su aalood oo aan rabnay in ay nooga jawaabaan si ay dadka soomaaliyeed ee arintan sida gaarka ah u khusayso aan u siino war sugan, Si kastaba waxay kasoo jawaabeen sadex su aalood, ayaga oo ka gaabsaday afartii kale. Su aalaha ay kasoo jawaabeene waa kuwan:

NorSomNews: Kan UDI forklare litt nærmere hvordan den nye instruksen skal påvirke borgere fra Somalia som har fått beskyttelse før den angitte datoen?

UDI-du faah-faahin dheeri ah managa siin kartaa sida go aankan cusub uu saameyn ugu yeelanayo, dadka ka yimid soomaaliya ee sharciga helay  kahor intaan aan lagaarin taariikhda meesha ku xusan(1-dii oktober 2014).

 

UDI: Hvordan vil det påvirke?  I saker der det «foreligger indikasjoner på at utlendingens behov for beskyttelse ikke lenger er til stede» (se pkt 3) vil UDI vurdere om tillatelsen skal tilbakekalles eller om personen fremdeles har et beskyttelsesbehov.

UDI: sida ay saameyn ugu yeelanayso: kiiska dadka laga shakisanyahay ama loo meelaynayo in baahidii magangalyo ee qofka ee meesha ka baxday, waxay UDI qiimeyn ku samayn doontaa in qofkaas sharciga lagala noqon karo ama in qofka uu wali u baahanyahay magangalyo.

 

NorSom News: Hvilke saker anser UDI som tvilsome saker? : waa kuwee kiisaska laga shakisanyahay?

 

UDI:   Tvilssaker er nettopp saker der det er indikasjoner på at utlendingens behov for beskyttelse ikke lenger er tilstede. Se forklaring under punkt 3.

– kiisaska laga shakisanyahay waxa weeye: kuwa loo malaynayo in baahidii magangalyo ee qofka ay meesha ka baxday. Fiiri qodobta 3-aad ee go aanka dowlada.

 

NorSom News: Mener UDI at Somalia er blitt tryggere sted nå, og borgere fra Somalia som har fått innvilget oppholdstillatelse før den datoen kan returneres tilbake til Somalia?

-UDI-du ma waxay leedahay soomaaliya hada waxa ay noqotay meel nabad ah, oo dadka ka yimid soomaaliya ee helay magangalyo kumeel gaar ah wixii ka horeeyay taariikhda meesha ku xusan in dib loogu celin karo wadankoodii.

UDI: Her er det viktig å presisere at det gjelder forholdene i Mogadishu og ikke Somalia generelt: UDI mener at forholdene i Mogadishu har bedret seg betydelig de siste årene. I desember 2012 endret UDI vår praksis om generelt vern mot Mogadishu, dvs at vi ikke lenger mener at «enhver står i reell fare for overgrep i Mogadishu». Etter 2012 har forholdene i Mogadishu blitt stadig bedre, og vi mener derfor at det er indikasjoner på at det er utlendinger fra Somalia som ikke lenger har et behov for beskyttelse mot retur til Mogadishu

-Waa muhiim in lagala saaro xaalka soomaaliya guud ahaan iyo kan magaalada Muqdisho. UDI-du waxay qabtaa in xaalka magaalada muqdisho uu wax badan iska badalay sanadyadii ugu danbeeyay. Desember 2012 ayaan badalney in aan dadka ku celin muqdisho. Micnaheeduna uu yahay in qof walbe uusan dhibaato kala kulmeen muqdisho. Maadaama uu xaalka muqdisho waxbadan soo fiicnaaday waxaan qabnaa in ay jiraan shakiyo ku aadan in dadka ajnabiga ee soomaaliya ka yimid aysan u baahneen magangalyo, sidaas darteed lagu celin karo wadankoodi.

 

UDI-du warkoodu waa cadyahay, waxa ayna rabaan in dadka somaliya ka yimid gaar ahaan caasimada ay kala noqdaan sharciga hadii laga shakiyo in qofku uusan u baahneyn magangalyo. 

  • Waraysiga xildhibaan Baashe Muuse

Intaas kadib ayaan waxaan waraysi la yeelanay xildhibaan baashe muuse oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee olso kana mid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ugu caansan dalka, bal si uu nooga xog waramo warkan naxdinta leh ee kusoo cusboonaaday jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey. Halkan ka daawo NorSom News oo shalay waraysi la yeelatay xildhibaan Baashe.

Baashe ayaa ka codsaday in madaxda soomaalida gaar ahaan madaxweyne Xasan Shiikh uu arinta soo faragaliyo, maadaama weedhiisu ay saameyn yeelan karto

https://www.youtube.com/watch?v=1bMIv7O8Wvw

 

  • La soco qaybta labaad ee baaritaankeena.

Qaybta labaad ee warbixintan waxaan ku wajihi doonaa kaalinta ay dowlada soomaaliya iyo wufuudii kala duwanayd ee imanaysay wadanka. Iyo sida ay suurtagal ku tahay praktili in qof soomaaliya dhibaato ugu soo cararey nolol iyo nabadna halkaan ku haysto in la celiyo. Nala socdo ayaamahan fooda nagu soo hayo.

  1. JUNI-2012 waxaa yimid wadanka Norwey wasiirkii hore ee arimaha gudaha dowladii Sheikh Shariif : Cabdisamad Macalin, iyo madaxa laanta socdaalka ee Somaliya General Cabdulaahi Gaafow..Shan bilood kadib waxaa soo baxday ee dadka soomaalida ah ee aan sharciga laheyn dib loogu celin karo wadankoodii.
  2. September 2014: waxaa Norwey yimid wafti uu hogaaminayo Reysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali sheikh Ahmed iyo wasiiro ka tirsan dowladiisii: Bil kadib waxaa soo baxay go aanka ah in ay UDI-du ay dhamaysey waxyaalihii u sahlayay inay dadka soomaaliyeed toos u celin karaan, gaar ahaana muqdisho.
  3. April 2015: Waxaa mar kale soo noqday: General Gaafow oo markan kaligiis ahTilbakekall

Qaybta labaad ee warbixintan waxaan ku eegi doonaa, waxa weedha iyo waranka kulmiyay. ama waxa isku beegay imaanshaha madaxda dowlada iyo go-aanada dowlada Norwey.

 

 

 

Hadii aad tahay qof ay ku dhacday arintan, ama garanaya cid kale oo ay ku dhacday, fadlan nala soo xiriir, oo e-mail noogu soo dir : Norsomnews gmail.com, noona soo raaci telefoonkaaga si aan xiriir kuula soo yeelanayo.

Waraysi ay NorsomNews la yeelatay xildhibaan Baashe Muuse

0

https://www.youtube.com/watch?v=1bMIv7O8Wvw

Si aad ugu dacwaato qof famili ah waa inaad shaqaysaa 305.200 sanadkii

Dowlada Norwey ayaa kor u qaaday lacagta looga baahanyahay inuu qofku shaqeeyo sanadkii si uu ugu dacwoodo qof qoyskiisa ah. Sylvi Listaug oo ah wasiirka arimaha soo galootiga, kana tirsan xisbiga mayalka adag ee FRP ayaa lacagtan kor u qaaday 20%, kuna kordhisay 50.000  oo dheeri ah. Awal hore waxaa qofka laga rabay inuu shaqeeyo  252.200 sanadkii si uu qof ugu dacwoodo.

Listaug ayaa sheegtay in sababta lacagta ay u kordhisay ay tahay in qofka wax u dacwoonayo uu yahay qof isku filan dhaqaale ahaan, isla markaana kafaalo qaadi kara nolosho qofka uu wadanka keenayo. 

Xisbiga FRP oo talada wadanka la haya xisbiga kale ee Høyre ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayo si uu u adkeeyo soo galootiga dadka ajnabiga ee ka imaanaya wadamada aan reer galbeedka ahayn. Horey ayay usoo jeediyeen 40 qodob oo ay rabaan inay ku adkeeyaan sharciga magangalyo doonka wadanka, waxaase wali ka taagan dood kala dhaxaysa xisbiga ay bahwadaagta yihiin ee KRF iyo Venstre.

les saken på norsk her:

Abdisalaan Cadaay oo shalay dhaawac uga maqnaa kulankii Viking gurigeeda looga badiyay

Kooxda Viking ee ka dhisan magaalada Stavanger ayaa shalay guuldaro kala kulantay Brann oo sanadkan kasoo laabatay horyaalka labaad ee wadanka. Brann ayaa goolka kali ah ee ciyaarta lakala dhaliyay la timid daqiiqadii 90-aad.Viking oo martii loo ahaa ayaa awoodi weyday in ay soo gudo goolkaas laga dhaliyay xiliga dhimashada.

Abdisalaam Ibrahim Cadaay oo ka tirsan kooxda koowaad ee Viking ayaa ciyaarta uga maqnaa dhaawac kasoo gaaray kulankii hore. Cadaay oo sanadkan bilowgiisa kusoo noqday Norwey, kadib sanado dhowr ah oo isku badalayay naadiyo kala duwan oo ka ciyaara qaarada yurub, ayaa hada heshiis sadex sano ah kula jooga kooxda viking.  Kana mid ah laacibada muhiimka ee kooxda. Kooxda Viking ayaa ku jirta kaalinta 7-aad, waxa ayna 4 dhibcood ka hooseysaa kooxda haysa hogaanka ee Odds ballklubb

 

 

Wasiirkii shaqada Norwey oo shaqo la,aan weyn haysato.

Robert Eriksson oo ahaa wasiirkii shaqada inta u dhaxaysay october 2013 ilaa december 2015 ayaa waxaa intii laga badalay shaqada wasiirnimada ku dhacday shaqo la aan .Erikson oo ka tirsan xisbiga FRP ayaa wuxuu soo rogay go aano tiro badan oo nolosha ciriiri looga dhigo qofka aan shaqeyn, si loogu cadaadiyo inuu shaqo helo.

  1. Wuxuu soo jeediyay go aan ah in qofka aan shaqeyn uu aroortii hore uu soo kaco uu is keeno xafiiska Nav, si uu dhibka iyo jarmaadada ula dareemo dadka shaqada u kalaho.
  2. wuxuu kalo oo uu soo jeediyay in dadka shaqada aan ka helin kommunaha ay daganyihiin ay u guuraan meel kale oo shaqo ka helayaan. oo aysan ku eed-sheegan inay shaqo waayeen.
  3. Inta uu wasiirka ahaa waxaa kor u kacday canshuurta laga qaado lacagta lasiiyo dadka aan shaqeyn ama kuwa ceyrta qaata.
  4. Lacagta ay qaataan dadka howlgabka ah ayaa la dhimay, isla markaana wuxuu soo jeediyay go aan ah in dadka ajnabiga ee aan ka shaqeyn wadanka waqti dheer lagu adkeeyo in ay helaan lacagta howlgabka
  5. Robbert ayaa soo jeediyay in dadka ajnabiga ah ee aan hela jaanis ay ku shaqeeyaan, balse diida ama ka cudur-daarta loo diido lacagta shaqada ama ceyrta

Si kadis ah ayaa shaqada looga badalay desember 2015, waxa uuna isla markiiba noqday shaqo-laawe. inkastoo uu wali qaadanayay lacagta lasiiyo wasiirada marka shaqada laga ceyriyo, wuxuu ku jiray liiska nav ee shaqo-laawayaasha. Isla markiiba journaalada localka ayaa daba dhigtay, si ay wax uga waydiiyaan xaaladiisa maadaama uu kamid noqday dadkii uu rabay inuu nolosha ku adkeeyo, waxaana laga hayaa sidan oo uu journaalka Dagbladaha uu siiyay:

Sida dadka intiisa kale magaranayo sida wax noqon doonaan iyo waxa aan ku noolaan waqtiga soo socdo iyo waliba inta ay qaadanayso inta aan shaqo kale oo cusub ka helayo. Kama duwani dadka intiisa kale ee shaqada waayay, oo waxaana dareemayaa sidooda oo kale.

Eriksson ayaa hada sameystay shirkada talo bixin ah, balse journaalada wadanka qaarkood ayaa sheegay inuu u samaynayo si ay wali ugu socoto lacagta kaalmada ah ee dowlada ay siiso.

Les saken på Norsk 

Soomaalida oo kamid ah dadka midabtakoor(faquuqa) ugu badan kula kulma Norwey

Warbixin ay soo saartay hay-ada qaabilsan tirokoobka iyo iyo ixsaa-iyaadka ee SSB( statisk sentralbyrå) ayaa sheegtay in soomaalida, Ciraaqiyiinta iyo Iiraaniyiinta ay yihiin sadexda qowmiyadood ee ajnabiga ah ee cunsuriyada ugu badan kala kulma Norwey. Inkastoo ay arintan la wadaagaan dhamaan dadka ajnabiga ah, hadana sadexdan guruub ayaa si gooni ah ula kulma faquuq iyo loola dhaqmo si ka gadisan sida dadka kale loola dhaqmo.

Meelaha ugu badan ay kala kulmaana ay kamid tahay suuqa shaqada, guryaha, meelaha lagu kulmo, goobaha waxbarashada iyo caafimaadka. Baaritaan ay sameysay SSB ayay sheegtay in ajaanibta ka timid Afrika iyo Aasiya ay bixiyaan lacag ka badan tan ay bixiyaan dadka intiisa kale, marka ay guri kireysanayaan.

Horey ayaa waxaa dhowr jeer oo kala duwan la cadeeyay in hadii uu magacaagu yahay Henrikson aad laba jibaar ka jaanis fiicantahay inaad shaqo hesho, hadii uu magacaagu yahay Cabdi ama Mohamed.

les saken på norske her:

http://www.vl.no/innvandrere-vi-blir-diskriminert-i-norge-1.49124

 

Banaanbax looga soo horjeedo barnevern-ka oo ka dhacay 20 wadan

Banaanbaxan oo si abaabulan isku mar uga dhacay 20 wadan oo caalamka ah ayaa looga soo horjeeday hab-dhaqanka hay-ada xanaanada caruurta ee barnevern-ka. waxaana arinta ka danbaysey markii ay shan caruur ka qaateen qoys kasoo jeeda Romania. Ilaa 50 000 qof oo kale ayaa saxiixday olole internetka ka socdo oo lagu codsanayo in caruurta loo celiyo qoyskii dhalay. Koox maafiyo oo u dhalatay wadanka Romania ayaa iyadna sheegtay inay gubi doonaan safaarada Norwey ee wadankaas, ama ay sameyn doonaan wax kasta oo ku aargudan karaan hadii aan loo soo celin caruurta waalidkooda

Sumcada hay-adan ay ku leedahay caalamka ayaa hoos u dhacday, sababtuna ay tahay hab dhaqankooda ku aadan qoysaska dhalay caruurta ay qaataan. Hay-adan oo asal ahaan loo aas-aasay inay caruurta waalidkooda dayacay xanaanayso ayaa markii danbe isku badashay hay-ad kala jabiso qoysas badan. Waxaa marar badan adag in la fahmo qiimayntooda iyo xeerka ay cuskanayaan marka ay qoys caruurta kala wareegayaan. Waxa oo kale oo lagu eedayaa in aysan tixgalin dadka aan u dhalan Norwey, kana dhaqan gadisan dadka u dhashay wadanka. 

Ma ahan markii ugu horeysay oo banaanbax sidan oo kale oo looga soo horjeedo barne-vernka oo ka dhaco meel ka baxsan wadanka. sanado kahor ayay ahayd markii ay banaanbax looga soo horjeedo barne-verka uu gilgilay Hindiya, Markii qoys u dhashay Hindiya oo shaqo u joogay Norwey lagala wareegay cunug ay dhaleen. Ugu danbeyn  wasaarada arimaha dibada Norwey iyo safaarada Norwey ee wadankaas ayaa ku qasbanaatay inay arinta soo faro-galiyaan si loo ilaaliyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada wadan. Shirkada Telenor ayaa suuq fiican waagaas ku haysatay Hindiya. ugu danbeyn ilmihii waxaa loo soo celiyay qoyskiisii, waxaana masuuliyadiisa loo dhiibay adeerkii.

 

23-jir soomaali ah oo qirtay inuu ku biiray una soo dagaalamay Daacish

Wiilkan oo ay sirdoonka Norwey qabteen July 2015 asagoo kasoo noqday siiriya ayaa qirtay inuu usoo dagaalamay uunana ka tirsanaa ururka la baxay khilaafada islaamiga ah ee Daacish. Waxa uuna sheegay inuu rabay inuu ku hoos noolaado dowlad iyo xukun islaami ah. Waxa uuna Norwey ka tagay oktober 2014

Hay-ada Sirdoonka Norwey ee PST ayaa ka shikasan inuu wiilkan maskixayan dheelitaranyahay, sidaas darteed codsatay baaritaan-maskaxeed. Sidoo kale maxkamadeyntiisa ayaa dib loo dhigayaa ilaa laga ogaanayo jawaabta baaritaanka oo saameyn ku yeelan doonto qaabka loo maxkamadeyn doono. Hadii ay cadaato inuu maskaxiyan dhimanyahay, waxaa dhici karta in lagu qasbo in la dhigo meelaha loogu talagalay dadka danbigu ku cadaaday, balse aanay xukun xabsi caadi ah uusan qabin karin.

Wiilkan ayaa xirnaa ilaa markii lasoo qabtay, waxuuna sii xirnaan doonaa inta go aan laga gaarayo qaabka maxkadeyntiisa. 

Les saken på norske her:

http://www.vg.no/nyheter/innenriks/krim/pst-kan-vaere-psykisk-syk/a/23660058/

 

Soomaalida oo turjumaan ka dhigato caruurta yar-yar.

In turjumaan laga dhigto caruurta yar-yar waa arin ay ka wada simanyihiin ajaaniibta wadanka oo dhan, balse waxaa si gaar ay arintan ugu baahsantahay soomaalida. Luuqada norwiijiga oo ay waaliduunta aysan sifiican ugu hadli karin iyo in ay ku kalsoonyihiin caruurtooda ayaana kamid ah sababaha ugu waaweyn ee sababta arintan. Waxa ay waaliduunta caruurta u wadaan xafiisyada nav, iskuulada, dhakhtarada iwm.

In caruurta ay u turjumaan waa arin aan habooneyn, ilmuhu waxay helayaan macluumaad aysan habooneyn inay ogaadaan, waxayna wax u dhimi kartaa xiriirka ka dhexeeya ilmaha iyo waalidka. 

Ka waran hadii macalinka iskuulka uu rabo inuu fariin u gudbiyo waalidka ilmaha, fariintaas oo uusan jecleysan ilmaha. ma u maleenaysaa inuu ilmahaas fariinta iyo hadalka macalinka sida ay tahay u gudbinayo, mise wax ayuu ka badalayaa si uu u qanciyo waalidka?

Les mer om saken på norsk her:

http://www.nrk.no/vestfold/bruker-barn-som-tolk-1.12898353

 

 

 

Malik Yusuf(wiil soomaali ah) oo loo xiray dil uu gaystay 14 sano kahor

14-kii November 2001 laba wiil oo soomaali ah(Malik Yusuf iyo Ali Ahmed Addi) ay ka codsadeen dadkii kale ee kula jiray klasska inay qolka u baneeyaan si ay gooni ugu wada hadlaan. Waxyar kadib ayaa Malik uu sadex toori galiyay Ali Ahmed, taas oo keentay inuu u nafbaxo ugu danbeyntii. Arintan ayaana ka dhacday dugsiga sare ee Nordreisa ee deegaanka Storlett oo ka tirsan gobalka Troms.

Malik oo markaa da’diise ahayd 16 sano ayaa sheegay inuu arimo qabiil darteed noloshiisa uga cabsanayay wiilka uu dilay oo da’ ahaan ka weynaa ku dhawaad labo sano. sidaas darteedna uu ku qasbanaa inuu is difaaco. Sanadkii 2002 dhexdiisa ayay maxkamada aqbashay is difaacii Malik, isla markaana ay ka fasaxday xabsiga. Laakiin dacwad oogayaasha dowlada ayaa arintaas ka biyo diiday, isla markaana qaatay rafcaan, codsanayna in la siiyo fursad ay si dhamaystiran ugu baaraan dhacdadan.

November 2002, Maalmo ka kahor inta ay maxkamadu guda galin racfaanka dacwad oogayaasha dowlada, ayuu Malik ka baxsaday meel ay barnevernku dajiyeen asaga oo markaas da,diisu ahayd 17 sano, wadankana ka baxay. ilaa markaasna booliska ayaa ku raad-joogay.

Isbuucyo kahor ayaa lagu xiray England, loona soo gudbiyay Norwey. Isla markaana la xiray, laguna soo oogay dacwadii uu ka fakaday 14 sano kahor.

Les saken på norske her:

http://www.nrk.no/troms/drapstiltalt-tilbake-i-norge-etter-14-ar-pa-rommen-1.12898898

http://www.nordlys.no/nyheter/han-er-ettersokt-for-drap/s/1-79-6267974

(Foto: Politiet)
                                                    (Foto: Politiet)

Dowlada Norwey oo 345.8 milyan NOK ugu deeqday Somalia sanadkii 2015.

Soomaaliya oo kamid ah 109-ka wadan ee mucaawinada joogtada ka hela wadanka Norwey ayaa sanadkii lasoo dhaafay deeq mucaawino ahaan ah u heshay lacag dhan 345.8 milyan oo gaaraysa ilaa ilaa 40 milyan oo dollar. wax ayna 18 milyan ka yartahay lacagtii ay soomaaliya heshay sanadkii 2014 oo dhameyd 364 oo milyan NOK.

92 % Lacagtan waxaa Soomaaliya loo soo marsiiyaa heyadaha aan dowliga aheyn NGO -yada ka howlgala Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah. NGO-yadan oo isugu jira kuwa laga leeyahay Norwey, kuwa hoostaga qaramada midoobey, kuwa wadamo laga leeyahay iyo waliba kuwa maxali ah oo wadanka gudahiisa laga leeyahay.Lacagta u badana waxaa soomaaliya loo sii mariyay NGO-yada laga leeyahay Norwey ee ka howlgala Soomaalia sida Flyktninghjelpen, Kirkens Nødhjelp, Norges Røde Kors, ADRA, Redd Barna iyo Digni.

Sida aan kasoo xiganay hayada Norwey u qaabilsan mucaawinada ee Norad, lacagtan ayaa loogu talagalay howlahan hoos ku qoran:

  1. Wax ka qabashada Maamulwanaaga =( 132 milyan)
  2. Gar-gaarka bini aadinimo( 87 milyan)
  3. Waxbarashada iyo tacliinta=( 65 milyan)’
  4. Horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga=( 44 milyan)
  5. Caafimaadka iyo arimaha bulshada=( 9 milyan)
  6. Deegaanka iyo tamarta/energi =3 milyan
  7. howlaha soo haray=5 milyan

Su aasha meesha ku jirta ayaa ah in lacagtan oo aad u badan marka laga eego xaalada uu wadanku ku suganyahay,  loo soo isticmaalay sidoo loogu talagalay. Ama la marsiiyay wadadii saxda ahayd. Marar badan ayay hay-adaha soomaaliya ka howlgala ee dowliga ahayd ey ka cowdeen in lacagta ay soo dhaafin xafiisyada NGO-yada ee Nairobi, in badan oo kamid ah lagu isticmaalo safar iyo dulmeer ay madaxda NGO-yada ku meeraan  gudaha iyo dibada Soomaalia.

se hele oversikten her:

https://www.norad.no/landsider/afrika/somalia/

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.