tirsdag, april 23, 2024

Xildhibaan ka tirsan xisbiga FRP oo soo dhaweeyay heshiiska ku saabsan celinta soomaalida aan sharciga helin

Ulf Isak Leirstein. (Foto: Erik Hagen)

Ulf Isak Leirstein oo ah xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Norwey, kana tirsan xisbiga FRP ayaa soo dhaweeyay heshiiska aan wali la shaacin balse la rumaysanyahay inuu dhex-maray dowladaha Somaliya iyo Norwey ee ku saabsan in qasab lagu celiyo dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday wadankan Norwey. Ninka oo kasoo jeedo magaalada Sarsborg, kana soo galo baarlamaanka Norwey gobalka Østfold ayaa bartiisa Facebooga soo dhigay qoraal uu ugu hanbelyaynayo dowlada Norwey iney ugu danbeyn ku guulaysatay heshiiskan. Waxa uuna sheegay in qofka ay tahay in uu wadankiisii ku noqdo hadii dhibtii marka hore kasoo ceyrisay ay meesha ka baxdo, hadii uu diido in uu noqdana ay tahay in ay dowladu khasab ku celiso.

Ulf Isak Leirstein ayaa horey caan ugu ahaa inuu bartiisa facebooga soo dhigo qoraalo ku saabsan naceybka iyo kasoo horjeedka uu u qabo dadka soo galootiga ah, gaar ahaan kuwa ka yimid wadamada muslimka. Dhowr mar oo hore ayaa warbaahinta waaweyn ee wadanka ay ka qortay hadalo naceyb ah oo ku wajahan dadka asalkooda muslimka yahay. 2014 ayay ahayd markii uu si bareer ah u weeraray Hadia Tajik oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga shaqaalaha ee AP, ahna gabar asalkeeda uu yahay Pakistan muslim ah, asaga oo ku daraya asalkeeda. Arintaas oo ku qasabtay madaxda xisbiga FRP iney raali galin ka bixiyaan.

 

Heshiis mise wadahadal:

Warbaahinta NorSom News ayaa ilaa shalay dadaal ugu jirtay inay hesho warbixino dheeri ah oo ku saabsan natiijada wadahadaladii u dhaxeeyay dowlada soomaaliya iyo Norwey ee ku saabsanaa in heshiis laga gaaro celinta dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday oo ilaa 500 oo qof gaaraya. Waxaan xiriir la sameynay wasaarada cadaalada iyo dastuurka Norwey oo ahayd tii u qaabilsanayd dhanka dowlada Norwey wadahadalan. Waxay noo xaqiijiyeen in wadahadalka ku saabsan arintan ay socdeen mudo aad u badan, oo aysan aheyn kuwo hada bilowdey oo kaliya. kulankii dhexmaray wafdiga ka socday dowlada soomaaliya ee dhacay jimcihii lasoo dhaafeyna uu ahaa mid ku saabsan arintan, balse macluumaad dheeri ah idinkama siin karno hada. Waxay kaloo intaas ku dareen in ay dowlada soomaaliya iyo Norwey uu ka dhaxeeyo wada shaqeyn guud oo ku saabsan sidii loo xakameyn lahaa dadka kasoo haajirayo Soomaaliya.

Mas-uuliyad xumada wafdiga dowlada soomaaliya:

Bartamihii isbuucii hore ayuu wafdigan uu hogaaminayo Cabdisalaan Hadliye ee ka socdo dowlada Soomaaliya uu soo gaaray Norwey, iyaga oo sida la ogaa ka qaybgalayo kulankii sanadlaha ahaa ee u dhaxeeyay wasiirada arimaha dibada wamada afrika qaarkood iyo kuwa NORDIC. Jimcihii lasoo dhaafay ayuunbaa halmar laga war helay in ay wafdigan oo aan markaas wali la kulmin jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey iney wadahadal la galayaan dowlada Norwey, kaas oo ku saabsan in la celiyo dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday wadankan. Arintaas oo dhalisay buuq iyo cabsi soo wajahdey qaar kamid ah soomaalida dagan halkan. Markii ay soo dhamaysteen wadahadaladii ay la lahaayeen dowlada Norwey ayay hadana iyaga oo aan wali kulan la qaadan jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka ay mid mid wadanka uga safreen. Sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay ilo xog ogaal ah, waxaa ugu horeynba wadanka ka safray wafdiga qayb kamid ah oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, Cabdisalaam  Cumar Hadliye. Halkan qayb kale oo wafdiga kamid ah oo uu ku jiro Generaal Gaafow iyo wasiirka amniga qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ay wadanka sii joogeen maalmo kale. 

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey ayaa caro weyn ka muujiyay hab dhaqanka wafdiga soomaaliya. Baraha bulshada(sosial-media) iyo goobaha kale ee lagu kulmo ayaa ilaa jimcihii laga hadal hayay masuuliyad xumada uu ku kacay wafdiga dowlada Soomaaliya ee matalayay shacabka iyo qaranka soomaaliyeed. Maxay marka hore ula kulmi waayeen jaaliyada, oo ay ugu wareysan waayeen xaaladahooda, inta ay wadahadal ama heshiis la galayaan dowlada uu ku jiro xisbi aad uga soo horjeedo dadka soo galootiga ah. Hadiiba ay markii hore qaldameen, maxay markii danbe nooga warbixin waayeen waxa uu ku saabsanaa wadahadaladaas iyo kulamada ay la galeen dowlada Norwey.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x