mandag, november 25, 2024
Home Blog Page 283

shirkad uu bilaabay wiil soomaali ah oo heshay 12 milyan oo maalgelin ah

Shirkada Zoopit oo uu aas-aaskeeda wax kulahaa Shafi Aden oo ah wiil dhalinyaro soomaali norwiiji ah ayaa heshay lacag dhan 12 milyan NOK oo maalgelin cusub ah. Lacagtaas oo ay ku maalgashteen shirkadaha kala ah Schibsted iyo  Norgesgruppen. Zoopit oo ay Shafi iyo wiil kale wada aas-aaseen sanadkii 2013 ayaa keentay qaab cusub oo isku xiri karta dukaamada raba in alaab loo qaado macaamiisha joogto guryaha iyo baabuurta banaan ee diyaar u ah inay alaabtaas qaadaan. Waxaana mar hore shirkadan saamigeeda ugu weyn gatay Schibsted oo ah shirkada leh milkiyada wargayska ugu waaweyn wadanka sida Aftenposten, VG, Bergens Tidende, Stavanger Aftenblad iyo waliba finn.no. Hadana waxaa saami kamid ah Zoopit gatay shirkada kale ee NorgesGruppen oo ah shirkada iska leh dukaamada cuntada iyo adeega ee ugu waaweyn wadanka, sida KIWI, Meny, Joker iyo Spar.

Shirkada NorgesGruppen ayaa sidoo kale kusoo biirtay macaamiisha Zoopit, maadaama uu dhawaan dukaanka Meny uu bilaabay qayb cusub oo online ah, oo adiga oo gurigaaga joogo aad dalban karto alaabtaada, isla markaana laguugu keeni doono isla gurigaaga. Waxayna Zoopit iyo Meny sidaas ugu soo biireen dagaalka ka dhex socdo shirkadaha cuntada ku iibiyo qaabka online-ka ah, iyada oo suuqan sanadkii walbe laga dhaliyo lacag dhan 1,5 bilyan NOK. lana rajeynayo in lacagta laga dhalino suuqan ay kor u kacdo oo gaarto afar ilaa 10 bilyan afarta sano ee soo socota.

Shafi Aden oo u waramayay wargayska ka hadla arimaha dhaqaalaha ee Dagens Næringsliv ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in ay shirkada Norgesgruppen kusoo biirtay macaamiisha shirkadiisa, isaga oo sheegay in tani ay cadeyn u tahay qiimaha(kvalitet)shirkada Zoopit. wuxuu kaloo inta ku daray in heshiiskan uu yahay guul weyn oo ay soo hoyiyeen, maadaama bilihii ugu danbeeyay oo dhan ay ka shaqaynayeen sidii heshiiskan loo soo xero galin lahaa. Wax badan ayaan ku fakari jirney inaan soo galno suuqa cuntada iyo adeega. Waa suuq si dhaqso ah u korayo, waxaana rabnaa inaan qayb ka noqono koritaankaas.

Inkasta oo Shafi ama milkiilayaasha kale ee shirkada Zoopit aysan rabin inaan macluumaad dheeri ah ka bixiyaan lacagta ay rajeynayaan inay dhaliyaan, hadana wargayska warbixinta ka diyaariyay ee Dagens Nærensliv ayaa qaba inay isla sanadkanba dhalin karaa lacag gaaraysa ilaa dhowr malyan.

Shafi Aden ayaa sidoo kale ah milkiilaha shirkada Golden Academy oo ah shirkada privet ah oo caruurta ka caawisa casharada iskuulka, sidoo kale bixisa maadooyin u gaar ah. Shafi wuxuu sanadkii 2009 ku guulaystay bilada qofka dhalinyarada ah ee sanadka.

Hadaad maqli jirtay soomaali la leeyahay ceyr bay qaataan oo ma shaqeystaan, hadana baro wiilkan dhalinyarada soomaaliga ee dadaalka ugu jiro inuu wax la qaybsado shirkadaha ugu awooda iyo magaca weyn wadanka.

Xigasho: Dagens Næringsliv

 

Baarlamaanka Norwey oo isku raacay qorshe dhaqaalaha looga jari karo goobaha cibaadada

Xildhibaanada baarlamaanka Norwey oo jimcihii lasoo dhaafay kalfadhi weyn ku lahaa xaruntiisa Oslo ayaa isku raacay qorshe cusub oo lacagta kaalmada ah ee la siiyo goobaha cibaadada looga joojin karo. Waxayna soo jeediyeen in lacagta laga jarto hadii ay dadka maamula goobahaas ay soo bandhigaan fikrado kahor imaanaya: xuquuqda bini aadamka ee asaasiga ah, tiirarka ay ku dhisantahay dimuqraadiyada ama fikrado kale oo horistaagid ama dib u dhac u keeni kara isdhexgalka bulshada, waa sida ay hadalka u dhigeene. Waxayna arinta khusaysaa bay dhaheen dhamaan goobaha cibaadada ee dhaqaalaha ka hela dowlada, diintey rabtaan ha haystaane.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka codsaday dowlada inay qiimayso in kaalmada dhaqaale laga jaro goobaha cibaadada ee dadka ku dhiiri galiya cunfi(awood adeegsi) iyo kuwa kaalmada lacageed ka hela dowladaha ku tunta xuquuqda aadanaha sida Sacuudi Carabiya. Waxaana Qorshan cusub codka loo qaadi doono maalinta khamiista ah ee 16ka bisha JUNI.

Soo jeedinta qorshan waxaa iska lahaa xisbiga SV, gudoomiyaha xisbigan Audun Lysbakken ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in xildhibaanada kale ee baarlamaanka ay ku raaceen arintan, isla markaana ay ogolaadeen in loo gudbiyo codbixin.

Inkastoo loo muujinayo qorshahan mid khuseeyo dadka oo dhan, hadana way cadahay in cida loola jeedo ay tahay masaajidada ay gacanta ku hayaan dadka muslimiinta ah, waayo Audun Lysbakken ayaa hadaladiisa waxaa kamid ah in hadii arintan ay meelmarto oo sharci noqoto ay kaga hortagi doonaan in dowlado ay kamid tahay Sacuudi Carabiya ay masaajido ka dhisto Norwey.

Waxayna tani kusoo aadaysaa iyada oo xisbiga SV uu ka lusho qar dheer, kadib markii sadex siyaasi oo kamid ahaa tiirarkii xisbiga ay diideen inay isku soo sharaxaan xubinimada baarlamaanka sanadka 2017. waxaana kamid ah heikki holmås oo horey u ahaan jiray wasiirka horumarinta Norwey. Codbixinadii ugu danbeeyay ee laga qaadayay dadweynaha ayaa sidoo kale sheegaya in xisbigan uu ka hoos mari doono tirada codadka ugu yar ee laga rabo xisbiyada si ay baarlamaanka uga mid noqdaan

 

Xigasho: dagbladet

 

 

Nav oo ayadna facebook isticmaasho si ay u hubiso macluumaadka qofka uu sheegay inay sax yihiin.

Hay-ada shaqada iyo taakuleynta dadka aan shaqeynin ama howlgabka ah ee NAV ayaa la sheegayaa inay ayadna isticmaasho baraha bulshada sida facebooka iyo twiterka, si ay u hubiyaan macluumaadka ay dadku siiyeen inay yihiin kuwo sax ah iyo inkale. Waxyaalaha ay hubiyaana waxaa kamid ah sawirada uu qofku soo dhigay iyo qoraalada uu la qaybsaday asxaabtiisa facebooka. Hadii ay is keeni waayaana macluumaadka uu qofku siiyay Nav iyo kuwa ay Facebooka kasoo helaan, waxay sheegeen inay qofka ka jaran karaan kaalmada dhaqaale ee uu helo. 

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da ayaa ayadu bilihii ugu danbeeyay ka dhigatay baraha bulshada meelo ay ka hubiyaan asalka qofka iyo macluumaadka uu siiyay inay sax yihiin. Waxaana jiro dad labaadateeyo gaarayo oo u badan soomaali oo sharciga magangalyada wadanka ku waayay waxyaalo ay ku qoreen baraha bulshada, gaar ahaan facebooga. Waxaana dadka dadkaas kamid Sadiq Farah Haibe oo nin dhalinyaro soomaali ah oo degan magaalada Drammen oo sababaha ugu waaweyn ee sharciga wadanka loogu diiday ay kamid yihiin waxyaabo uu ku qorey facebook darteed. Halkan ka daawo Sadiq oo arintaas cadeynaya

Sharci yaqaanada qaarkood ayaa ka deyriyay qaabkan cusub oo ay hay-adaha dowladu u adeegsanayaan baraha bulshada ee sosial-mediyaha. Iyaga oo sheegay in calaamad su aal xaga sharciga ah ay saarantahay in sawiro ama qoraalo laga soo helay facebooka loo isticmaali karo cadeymo ahaan. Sharci yaqaanada ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha ay dadka ku wadaagaan baraha bulshada loo fasiri karo qaabab badan, taas oo u fududeyn karta hay-adaha dowlada inay cadeyn u helaan shaki aan sax aheyn oo ay markii hore qofka ka qabeen. Intaas waxay ku dareen in arintan ay fududeyn karto in qofka laga been abuurto, isla markaana profil uusan laheyn inta la sameeyo lagu soo bandhigo sawiro iyo qoraalo uusan laheyn, taas oo keeni karta inay hay-adaha dowlada ay ku khaldamaan profilkaas. Iyaga oo tixraacaya magaca iyo sawirada qofka, balse aan xooga saareynin hubinta in profilka uu yahay mid sax ah.

 

Xigasho: Aftenposten

 

 

Wiil soomaali ah oo sharciga loogu diiday facebook dartiis

Sadiq Farah Haibe, wiil dhalinyaro soomaali ah oo sharciga Norwey loo diiday kadib markii information uu bixiyay iyo kan faceboogiisa ku qoran ay iskeeni waayeen.

Halkan ka daawo Sadiiq oo ka waramayo sida UDI-du u jabsatay faceboogiisa iyaga oo kasoo xigtay warbixinta ay u adeegsadeen inay sharciga magangalyada ugu diidaan: 

SADIQ FARAH HAIBE

Baarlamaanka Norwey oo diiday ansixinta qodobo kamid ah kuwii ay soo jeedisay Sylvi Listhaug

Baarlamaanka Norwey oo shalay oo jimce ah ka doodayay qodobo 40 ah oo lagu adkaynayso xeerka qoxootiga wadanka ayna soo bandhigtay wasiirka arimaha soo galootiga iyo is dhexgalka bulshada Sylvi Listhaug, ayaan isku raacin ansixinta qodobo kamid ah kuwii ugu cuslaa oo ay soo jeedisay. Laakiin ansixiyay qodobadii afartanka ahaa intoodii badneed. Qodobadii ay baarlamaanka diideena waxaa kamid ah:

  1. In magangalyo ku meel gaar ah la siiyo caruurta yar-yar ee iska soo dhiibta Norwey: Qodobkan oo ahaa midkii dhaliyay dooda ugu badneyd shalay iyo maalmihii ka horeeyayba, ayaa ugu danbeyn noqday mid aan meel-marin maadaama ay xisbiyadu dhamaantood kasoo horjeesteen, marka laga reebo Høyre iyo FRP. Ururuda u dooda xuquuqda ciyaalka ayaana lahaa sababta ugu badan ee keentay in qodobkan aan la ansixin, maadaama ay sheegeen in uu qodobkan xadgudub ku yahay xaqa caruurta magangalyo doonka ah ee caalamka u yaalo.

  2. In uu qofka sadex sano waxbarto ama shaqeeyo si uu qoyskiisa ugu dacwoodo: Qodobkan oo asna ahaa mid xili badan laga hadlayay, ayaa ugu danbeyn noqday mid aan meel-marin, aana helin codkii loo baahnaa si uu u meelmaro. Sidoo kale ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhankooda ka qaylo dhaaminayay in aan qodobkan la ansixin, maadaama uu asna dhinac marsanyahay xuquuqul-insaanka, sida ay sheegtay hay-ada qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga.

  3. In kor loo qaado shardiga lacagta laga rabo inuu qofku shaqeeyo si uu qof famili ah ugu dacwoodo: Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay in kor loo qaado lacagta laga rabo inuu qofku shaqeeyo sanadkii si uu qof famili ah ugu dacwaadi, oo laga dhigo 305.200, halka uu markii hore ahaa 252.000. Baarlamaanka ayaa diiday in lacagta kor loo qaado, sidaas darteedna lacagta laga rabo inuu qofku shaqeeyo sanadkii ayaa wali ah intii hore oo ahayd 252.000. Balse waxaa laga yaabaa in isbadal lagu sameeyo, mudada sanadka koowaad ah ee uu qofku haysto si uu ugu dacwoodo qoyskiisa, iyada oo aan lagu xirin shuruud lacag shaqo.

  4. In xiliga degenaanshaha laga dhigo shan sano: dowlada Norwey ayaa soo jeedisay in xiliga marka uu qofku codsan karo degenaanshaha rasmiga ah ee wadanka laga dhigo 5 sano, laakiin baarlamaanka ayaa diiday oo xiliga degenaanshaha waxa uu wali noqonayaa intii hore oo ah sadex sano.

Sidoo kale baarlamaanka Norwey ayaa shalay kalfadhigooda ku ansixiyay qodobo ay kamid yihiin: in qofka rabo inuu u dacwoodo qof kale oo xaas ah oo ugu yaraan ahaado 24 sano, sidoo kale qofka loo xaas ama nin ahaan loogu dacwoonayana uu ahaado 24 sano. 

Xisbiga FRP oo ahaa kii soo jeediyay qodobadan badankooda shalay la diiday in la ansixiyo ayaa sheegay inay ka xunyihiin inaan la meelmarin qodobadan ay ayagu u arkaan inay dan ugu jirto Norwey, si loo xakameeyo tirada dadka soo galootiga ah ee wadanka imanayo iyo dadka ay qaab qoys ahaan ugu dacwoonayaan. Sylvi Listhaug ayaa sheegtay inaysan wali isdhiibin oo qodobadan iyo kuwo kale oo ka adagba ay soo hordhigi doonto baarlamaanka Norwey. Hadafkoodu uu yahay in ay Norwey noqoto meesha ugu adag ee la isk dhiibo yurub, sharci ahaan

Waxaan usoo gudbin doonaa dadka nagu xiran dhamaan qodobadan shalay la ansixiyay marka loosoo bandhigo  qoraal ahaan saxaafada.

Xigasho: Aftenposten iyo FRP.no

Labo nin oo soomaali oo loo qabtay gacan ka hadal ka dhacay Tøyen oo la isku adeegsaday baangad iyo ul.

Labo nin oo soomaali ah ayaa booliska Oslo ay u qabteen gacan ka hadal saacado kahor ka dhacay xaafada Tøyen ee magaalada Oslo.  Sida uu wargayska dagbladet kasoo xigtay dad goob joog ahaa, waxaa gacan ka hadalkan ka qayb qaatay dad tiro ahaan gaarayo 10 qof, iyada oo la isku adeegsaday baangad iyo usha kubada laliska(cricket) lagu ciyaaro.

Booliska ayaa dhankooda sheegay in markii ay goobta soo gaareen ay dadkii ka qayb ahaa gacan ka hadalkan ay ukala carareen afarta gees. ayagoo intaas ku daray inay wali baarayaan sababta dhalisay arintan. Labada nin oo ay qabteen ayay sheegeen inay kasoo dhex qabteen taxi, iyada oo mid kamid ahna uu dhaawac kasoo gaaray bowdada.

Labada nin ayay boolisku sheegeen inay asal ahaan Soomaali yihiin, da ahaan ay jiraan labaatameeyo. Waxayna intaas ku dareen inay wali baarayaan lugta ay ku lahaayeen gacan ka hadalkan ay qaybta ka ahaayeen.

Xigasho: dagbladet

 

Wasaarada dastuurka Norwey oo ka codsatay Politidirektoratet inay si deg-deg wax uga qabtaan arinta (ukjent)

Wasaarada dastuurka iyo amniga Norwey (Justis-og beredskapsdepartementet) ayaa bogeeda rasmiga oo ay ku leedahay internetka maanta kusoo daabacday warqad ay hay-ada maamusha booliska Norwey ee Politidirektoratet kaga codsonayso inay wax ka qabato arinta dhalisay muranka tirada badan ee ku saabsan in qofka aan xaqiijin karin meesha ku dhashay, loogu qoro (ukjent) meesha dhalashada. Wasaarada ayaa hay-adan u tilmaantay in arintan ay caqabado  u keentay dad badan oo wadanka u dhashay.

Wasaarada ayaa ka codsaday Politidirektoratet  in arintan sida ugu dhaqsiyaha wax looga qabto, inta ay socoto shaqadan wax ka qabashadana ay qiimayso inay dib usoo celiso sidii markii loo bixin jiray passportka.

xigasho: regjeringen.no

Ayaan Yaasiin: Looyarkii aan qabanay iyo booliskii markii ay wadahadal yeesheen ayay isku af garteen in arinta dib loogu noqdo

8BzYmG3ZxHrnLFUUIKJ0MAQIGbECcEhWzbxWd1HQtEhg
FOTO: LARS EIE / NRK

Gudiga xuquuq raadinta soomaalida Norwey waa gudi iskood isku xilqaamay, sheegayna  inay u dagaalamayaan xaqa dadka soomaaliyeed ee dhibtu kasoo gaartay Norwey, ayagoo sharciga iyo qaanuunka wadanka u yaalo adeegsanayo. Gudigan ayaa ka dhashay kulan ay qaybo kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey ku yeesheen Oslo, 3-dii bishan Juni. Waxaana go aan lagu gaaray kulankaas in la qabto looyar/qareen matala oo u dooda dadka soomaaliyeed.  Qareenka ay gudigan qabteena waxa uu noqday Arild Humlen oo ah looyarkii ay shalay saxaafada waaweyn ee Norwey soo xiganaysey, marka ay arinta in passportka qofka lagu qoro (ukjent) ku tilmaamayeen mid aan waafaqsaneyn sharciga wadanka. Taas oo kordhisay cadaadiska saarnaa hay-ada maamulka booliska iyo wasaarada cadaalada Norwey, maadaama qofka lasoo xiganayay uu ahaa sharci yaqaan.

Wargayska Klassekampen ayaa arbacadii warbixin dheer ka diyaariyay gudigan. Mahad Abiib Mahamud oo kamid ah gudigan isla markaana ah mid kamid ah dadka ay dhibtu soo gaartay ayaa sheegay in: in ay ka dagaalamayaan in bulshada soomaaliyeed ee Norwey ku dhaqan loo diidanyahay inay kamid noqdan mujtamac weynaha kale ee Norwey, iyada lala daba taaganyahay kontroll joogto ah. Hodan Guuleed oo ayadna kamid ah gudigan ayaa klassekampen u sheegtay in: maadaama lagu jiro xiliga fasaxyada ay dad badani rabaan inay passportka cusboonaysiiyaan, ayna ogtahay dad lagu celiyay garoonka Gardermoen, sababtoo ah waxaa passportkooda ku qornaa inaan la garaneyn meesha ku dhasheen. Ayaan Yaasiin ayaa ayadna dhankeeda sheegtay in ay bilaabeen inay lacag iska uruuriyaan sidii dadka dhibtu soo gaartay looga caawiyo xaga sharciga.

Warbaahinta NorSom News oo xiriir la sameysay Ayaan Yaasiin oo kamid ah gudiga ayaa noo sheegtay in kulankii weynaa ee dhacay 5-juni ay soo jeediyeen fikir ahaa in arinta jaaliyad sameynta dib loo dhigo, oo dhibta hada taagan toos loo abaaro, iyada la garabsanayo sharciga, lana qabto looyar u dooda dadka soomaaliyeed. Balse waxay sheegtay in fikirkoodii si bareer ah la isaga indho tiray, iyada oo lagu adkaysanayo in marka hore la sameeyo jaaliyad mideysan, inta aan looyar iyo sharciga la aadin. Intaas kadib ayay Ayaan Yaasiin sheegtay inay gudigan ay go aan ku gaareen inay howshii lagu balamay jimcihii horey usii wadaan, ayna qabteen looyarka lagu magacaabo Arild Humlen oo ah noqday mid kamid ah dadka warbaahinta Norwey ay shalay ka wareysaneysay arinta ku saabsan in passport qof lagu qoro (ukjent)

Ayaan Yaasiin ayaa sheegtay inay wali ku adkaysanayaan in wadada saxda ee wax looga qaban karo dhibta soo wajahday dadka soomaaliyeed ee Norwey ku dhaqan ay tahay xaga sharciga, iyada oo la adeegsanayo qareeno yaqaano sharciga. Waxayna sheegtay in ay ugu baaqayso bulshada soomaaliyeed inay soo taageeraan gudigan, ayna ka qayb qaataan bixinta qarasha la siinayo qareenkan, asaguna uu diyaar u yahay inuu u dagaalamo xaqa dadka soomaaliyeed oo dhan, kuwa dhibta haysato iyo kuwa kaleba. Uma taagno qof shaqsi ah oo kaliya, balse wuxuu diyaar u yahay inuu u dagaalamo xaqa umada soomaaliyeed oo dhan. Qofkii gaar u rabana si gaar ah ayuu ula xiriiri karaa.

Xubnaha ee ka tirsan gudidan waxaa kamid ah:

1- Ayaan Yaasiin

2- Jawaahir Qanyare

3- Khadra Nuur

4- Hodan Geedi Mohamed

5- Hani Mohamed

6- Ex. Xildhibaan Ubax C/lahi Adan

7- Hibaaq Mohamed

8- Faadumo Qaali

9- Mahad Abiib Mohamud

 

 

Halkan ka akhri qareenka ay qabteen gudigan oo sheegaya in arintan (ukjentiga) noqon karto sharci daro  

 

Gabar soomaali ah oo la gudoonsiiyay bilad-sharaf kadib markii ay macalinkeeda ka badbaadisay weerar lagu dili rabay

Safiirka Mareykanka u fadhiyo Norwey iyo Farhiyo Ahmed. Foto: Trond Lepperød/Nettavisen

Farhiya Ahmed oo ah gabar soomaaliyeed oo dhalinyaro ah ayaa shalay la gudoonsiiyay bilad-sharaf ay mutaysatay kadib markii ay macalinkeeda iskuulka ka badbaadisay weerar uu kusoo qaaday ardey dhigta fasal kale sanadkii 2014. waxaana biladan iyo shahaado sharaf kale gudoonsiiyay safiirka mareykanka u fadhiya Norwey Samuel Heins, isaga oo sheegay inay qabatay shaqo geesinimo leh, ayna badbaadisay nolosha macalinkeeda oo qarka uu saarnaa inay nafta looga jaro ceejis.

Farhiya ayaa sheegtay inay ayada iyo labo gabdhood oo ay saaxiibo yihiin arkeen macalinka oo dhuunta lagu dhaganyahay, wajigiisuna uu noqday guduud. Waxaan ku fakaray hadii aanan wax sameyn in ay naftu ka bixi doonto, sida adag ee dhuunta loo hayo darteed. Kadibna waxay qaadatay iskoobe/xaajin kuna tuurtay, isla markaana ku qaylisay wiilkii macalinka dhuunta hayay. Taas oo ugu danbeyn keentay in wiilku uu ka fuqo macalinka. Kadib intaas ayay Farhiyo iyo labadii gabdhood ee kale ay ku guulaysteen inay wiilkan iyo kuwo kale oo la socday ay banaanka uga saaraan qolkii macalinka uu ku jiray. 

Macalinka la badbaadiyay oo 43 jir ah ayaa sheegay inuu wali sii noolyahay uu uga mahadnaqayo Farhiyo oo badbaadisay, la aanteedna uu ahaan lahaa marxuum geeriyooday. Macalinkan ayaa ku jiro sykemelding, isaga oo rajeynayo inuu dhawaan dib u bilaabo shaqadiisii macalinimo. Wiilka macalinka dhibta u gaystay ayaa lagu xukumay labo bilood oo xarig ah.

Xigasho: Nettavisen

Politidirektoratet oo raali galin bixiyay dib u eegisna ku sameyn doona arinta (ukjent)

(Foto: Marius Jørgenrud)

Hay-ada maamusha booliska Norwey ee Politidirektoratet oo warsaxaafadeed kusoo daabacay bogooda rasmiga ee internetka ayaa raali galin ka bixiyay dhibta ay keentay arinta (ukjent) loogu qorayo meesha uu qofku ku dhashay, isla markaana sheegay inay dib u eegis ku sameyn doonaan, wadahadalna la yeelan doonaan ururada matalo dadka ay dhibtu soo gaartay ama arintu khusayso.

Sababta ay markii hore arintan usoo rogeen ayay ku micneeyeen in marka ay boolisku passport bixinayaan ay shardi tahay in dhamaan macluumaadka ku qoran passportku ay yihiin kuwa sax ah oo la xaqiijiyay. Sidaas darteedna ay usoo rogeen arintan (ukjent), maadaama dadka ka yimid wadamada qaarkood ay la cadeyn karin meesha ay ku dhasheen. 

Waxay kaloo intaas ku dareen in badalka ku yimid passportku uu dhib u keenay dadka qaarkii, sidaas darteedna ay dib uga fiirsan doonaa, isla markaana ay raadin doonaan qaab kale oo lagu xaliyo xaqiijinta meesha uu qofku ku dhashay. Inta laga keenayo xal kalena ay howshu kusii socon doonto sida ay hada tahay. Waxay kaloo sheegeen inay kulan iyo wadahadal ku casuumi doonaan ururada matala dadka ay khusayso si ay ayagana dhankooda uga dhiibtaan fikirkooda ku aadan arintan. 

Wadanka uu qofka ku dhashay waa lagu qori doonaa, laakiin magaalada uu ku dhashay ee aan la xaqiijin ayaa lagu qori doonaa (ukjent). Tusaale ahaan, hadaad ku dhalatay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, waxaa laguugu qorayaa : Wadanka uu ku dhashay : Soomaaliya. Meesha uu wadankaas kaga dhashay(ukjent/lama yaqaan).

Hay-ada booliska ayaa u eg mid ugu danbeyn aqbashay cadaadiska kaga imaanayay xaga mediayaha iyo baraha bulshada oo ilaa shalay si xoogan arintan looga hadal hayay. Waxayna arintan sidoo kale saameyn ku yeelan doontaa dad badan uu Norwiiji asal ah balse ku dhashay wadamo kale, sida dadka ay dhaleen safiirada wadamadaas la xusay, ciyaalka ay dhaleen dadka dibada ugu maqnaa wadanka iyo waliba ciyaalka ku dhashay wadamo kale bal ay soo korsadeen qoys norwiiji ah.

Dhanka kale  Karin Andersen (SV) oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Norwey ayaa su-aal hordhigtay wasiirka cadaalada Norwey Anders Anundsen, ayada oo waydiinayso sababta arin sidaas u weyn oo saameyn ku yeelanayso dad aad u badan aan marka hore baarlamaanka loo horkeenin, inta aan la dhaqan galin.

Halkan ka akhri war saxaafadeedka Politidirektoratet 

Halkana ka akhri su aasha ay xildhibaanadu hor dhigtay Anders Anundsen

 

In passportka qof wadanka dhalashadiisa haysto lagu qoro (ukjent) waxay noqon kartaa sharci daro

Advokat Arild Humlen. FOTO: LARS EIE / NRK

In qofka ka yimid 31 wadan ee passporka cusboonaysiisanayo loogu qoro (ukjent) meesha dhalashada ayaa noqon karta mid aan waafaqsaneyn sharciga iyo qanuunka Norwey, sida uu sheegay Arild Humlen oo ah qareenka(abuu-kaataha) dhowr qoys oo dhib kasoo gaartay in passportkooda lagu qoray (ukjent). Humlen ayaa sheegay in booliska Norwey aysan sharci difaacanaya arintaas haysan, sidaas darteedna ay noqon karto mid baal-marsan qanuunka wadanka.

Qareenkan ayaa sheegay inay lasoo xiriireen dhowr qoys oo loo diiday inay wadanka ka dhoofaan sababtoo ah waxaa passportkooda ku qoran in aan la garaneyn meesha ay ku dhasheen.wuxuu kaloo intaa ku daray inay jiraan dhowr qof oo macaamiishiisa kamid ah oo dhalashada wadankan haysto, laakiin ku dhashay wadan kale oo cabsi qaba cawaaqibta ka imaan karto arintan. 

Booliska Norwey ayaa dhankooda diiday inay arintan dhib ka imaan karto, marka uu qofka  galayo ama kasoo dhoofayo wadan kale. Hadii ay jiraan dad xuduud wadan kale lagu qabsadeyna ay si fudud ula soo xiriir karaan dowlada Norwey, si fududna lagu cadeyn karo in passporka qofkan uu yahay mid sax ah. Dhibta ugu weyn ee arintan ka imaan kartana ay tahay cabsida in wel-welka uu qofka isku abuurayo, niyad ahaan.

2353300_hc4df906d16c6ba68171f_v1359573494_250x450Xildhibaan Baashe Muuse oo kamid ah dadka uu tvga qaranka Norwey ee NRK uu arinta wax ka waydiiyay ayaa sheegay in ay dadku ka cabsi qabaan in uu passportkooda noqdo mid ka qiimo hooseeyo kan dadka kale, uuna noqdo (klasse 2 passport) maadaama ay (ukjent) ku qorantahay meesha dhalashada.  Wuxuu kaloo baashe ku daray intaas in wax laga dhakafaaro ay tahay in aan wax digniin ama warbixin ah laga siin arintan dadka ay khusayso, kadib markii sharciga la badalay.

Arintan ku saabsan in qofka (ukjent) loogu qoro meesha dhalashada oo ay warbaahinta NorSom News soo bandhigtay 5-juni ayaa shalay ilaa maanta noqotay mid aad ugu faaftay warbahinta waaweyn wadanka oo dhan, iyada oo abuurtay doodo aad u badan xaga sosial mediayaha. Maadaama ay arintu khusayso dadka ka yimid 31 wadan oo ay kamid yihiin jaaliyada wadanka aad ugu xoogan , siyaasadana si fiican ugu dhex muuqda, isla markaan leh dad mideysan oo u u hadla marka ay dhibi soo gaarto, ayaa hada u eg mid culeys weyn ku keentay wasaarada cadaalada iyo maamulka booliska Norwey. Jaaliyadahaas waxaa kamid ah Pakistan oo baarlamaanka Norwey ku leh ilaa 3 xildhibaan, Veitnam, Iran, Srilanka iyo Somalida oo dhankeeda dadaalayso. 

warbixinta NRK-ga halkan ka akhri(les saken på norsk her)

 

Fasax ayaan rabnay inaan Kenya u aadno, balse dadka dhan waxay u malaynayeen in la isoo gudi doono

Foto: Sara2/shutterstock

Afnan Ahmed oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah ayaa maqaal wax badan ka hadlaya kusoo daabacday wargayska Aftenpostenka oo ah kan wadanka ugu weyn. Gabadhan ayaa qoraal qurux badan kusoo bandhigtay dhibta iyo shakiga badan ee gabdhaha muslimiinta ah ee wadanka ku korey, gaar ahaan soomaalida  ay kala kulmaan wadanka. Waxay ay sheegtay in marar badan aan loola dhaqmin sida dad kale, ee wax walbe oo ay samayso la galiyo shaki ama laga keeno su aalo, loolana dhaqmo sidii iney tahay danbiile uu danbiga asal ka yahay.

2009 ayaa rabnay in anigu iyo qoyskayku aan fasax u aadno Kenya, si aan usoo barano habaryarteey hooyaday ka yar. Balse markaan u sheegay macalimiinta iyo ardeyda fasalka ila dhigato, kuli waxay u malaynayeen in la iisoo gudi doono. Aniga iyo hooyadeyba waxaa nalooga yeeray xafiiska macalinkeyga, aniga waxaa la iiga yeeray inaan kulan aan la yeesho kalkaalisada caafimaadka iskuulka. Hooyana waxaa looga yeeraya xafiiska talo-bixiyaha iskuulka, si uu hooyo looga warbixiyo ciqaabta ay leedahay in gabar la gudo.

Markaan dhiganayay klasska 8-aad ayaan bilaabnay aniga iyo labo gabdhood oo saaxiibaday ah inaan qaadano xijaab iyo dhar asturan, qof walbaa wuxuu i siinayay hab iyaga oo na tusaya naxariis sidii inaan nahay dad dhibanayaal oo dhib haysto. Mararka qaarkoodna waxaaba la i waydiin jirey in hooyo igu qasabtay xijaabka.

Waligey waxaan xiiseyn jirey siyaasada, waxaana ahaa qof aan la gaban fikirkiisa ee banaanka keena. Markaan yaraa wax walbe waxay iila muuqdeen xaqdaro, sida awoodaha iska soo horjeedo, Ciraaq, dhibka ka dhex taagan isreal iyo falastiin iyo waliba Afgaanistan. Nasiibdaro waxaan ka hadlay howlo qaldan, markaan cadeeyay fikirkeyga iyo waxa aan ka qabo arinkaas, waxay hooyadey heshay warqad ka socoto iskuulka iyo mid ka socoto barnevernet, iyada oo ay leeyihiin waxaan ka cabsi qabnaa fikirka xagjira ee  gabadhaada.

Afnaan ayaa ka codsatay qolyaha mediaha qora inay kala saaraan dhaqan iyo diin. Marar waxyaalo dhaqan ku saabsan ayay warbaahintu ka dhigtaa diin, sida in gabar lagu qasbo guur aysan rabin, ama ay dhibaato kala kulanto sababtoo ah waxay jeclaatay qof khaldan.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan

40 qodob oo ay Sylvi Listhaug rabto inay ku adkayso sharciga qoxootiga oo baarlamaanka looga doodaya: kuwee ugu muhiimsan

Baarlamaanka Norwey ayaa maalinta jimcaha ah ee nagu soo aadan ka doodayo 40 qodob ay soo gudbisay wasiirka arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi Listhaug. Qodobadaas oo ay rabto inay ku adkayso sharciga magangalyo siinta qoxootiga iyo qoysaska raba inay dib u midoobaan. Xisbiga ay ka tirsantahay ee FRP iyo xisbiga kale ee dowlada hogaankeeda haya ee Høyre ayaa ayagu horey u ansixiyay qodobadan afartanka ah, halka xisbiga kale ee baarlamaanka ku jiro ay qodobada qaarkood diidanyihiin, xisbiyada qaarna waaba kasoo horjeedaan dhamaan afartanka qodob oo ay soo jeedisay Sylvi Listhaug.

Waxaan halkan kusoo bandhigaynaa qodobada ugu muhiimsan ee looga doodayo baarlamaanka ee aan isleenahay waxay saameyn ku yeelaan doonaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan: 

  1. Shardi lacag oo lagu xirayo qofkii raba inuu u dacwoodo qof famili ah: Maanta hadii uu qof helo sharciga Norwey, waxa uu haystaa 12 bilood oo uu ugu dacwoon karo qof qoyskiisa, isaga oo aan lagu xirin wax shuruud ah. Hadii aadan dacwada bilaabin 12-kaa bilood gudahooda waxaa lagaa rabaa inaad shaqayso 305 200 kroner sanadkan iyo kii ka horeeyayba si aad u maarayso nolosha qofka aad keenayso wadanka. Dowlada Norwey ayaa hada rabto inay gabi ahaanba joojiso 12-kaa bilood ee uu qofka jaaniska loo siinayo dacwada, isla markaana qof walbe oo raba inuu u dacwoodo qof famili ah uu  305.200 sanadkii :Qodobkan wuxuu u egyahay mid aan meel mari doonin, maadaama xisbiyada intooda badan ay kasoo horjeedaan, marka laga reebo Høyre iyo FRP. Laakiin waxay u badantahay in 12-ka bilood lasoo yareeyo oo laga dhigo 3 bilood. Hadii uu qofka ka gaari waayo sadexdaas biloodna lagu xiro shuruud lacag oo dhan 252 472 kr inuu shaqeeyo sanadkii.

  2. Dib i qiimenyta sharciga magangaylada caruurta:  Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay in hadii qof ka yar 18 sano uu magangalyo waydiisto Norwey, la siiyo sharci magangalyo ku meel gaar ah inta uu ka qaangaarayo.  Markii uu 18 sano gaarana, dib u qiimeyn lagu sameeyo sharcigiisa, isla markaana loola tacuumulo sidii qof weyn oo markaa sharci magangalyo codsanayo.  Arintan ayaa si gaar ah u taabanayso caruurta ka timaado wadamada Afghanistan iyo Ereteriya.: Qodobkaana waxay u badantahay inuusan meel-marin maadaama xisbiyada Venstre, Ap iyo KRF ay dhaliilsanyihiin qodobkan.

  3. Kor u qaadida mudada sharciga degenaanshaha: Dowlada Norwey ayaa rabta inay kor u qaado mudada uu qofka wadanka joogayo si uu u codsado sharciga degenaanshaha rasmiga ah oo hada sadex sano ah, iyada oo rabta in laga dhigo shan sano,: Qodobkana uma eka mid meel mari doona maadaama ay xisbiga KRF, AP iyo Venstre ay kasoo horjeedaan.

  4. 4-Shaqo ama waxbarasho ah: Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay in uu qofka ugu yaraan shaqeeyo ama waxbarto afar sano si uu ugu dacwaado xaas cusub. Sharcigan waxa uu khuseeyaa qofka aan horey u guursan inta uusan Norwey imaanin, balse meel wadanka dibadiisa ah kusoo guursaday isaga oo Norwey joogo, isla markaana raba inuu qoyskiisa keeno Norwey. si aad qofkaas wadanka u keentid waa inaad ugu yaraan afar sano shaqaysid ama waxbaratid.  Qodobkan waa laga yaabaa(lama hubo) inuu meel-maro, maadaama xisbiyada qaarkood baarlamaanka ku xoogan ay dhaliilsanyihiin.                                                  

  5. In hoos loo dhigo xiliga klagaha: Hadii sharciga laguu diido maanta, waxaad haysataa sadex isbuuc oo aad kaga soo dacwoon karto, isla markaana aad klage ama dacwo soo gudbin kartid.    Dowlada Norwey ayaa rabta inay sadexdaas isbuuc ka dhigto hal isbuuc.    Qodobkan lama oga wuxuu noqon doono, maadaama xisbiyadu ay ra-yigooda ka-wada dhiiban

  6. Qodobka 24-saac:  Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay qodob kale oo ah in qofka ka yimaado wadan nabad ah sida kenya oo kale aan codsigiisa la qiimeyn ee laga soo hormariyo dadka ka yimid wadamada dhibaatadu ka jirto. Markii waqti loo helana codsigiisa lagu dhameeyo 24-saac, isla markaana la siiyo isbuuc uu kaga soo dacwoodo, hadii isbuucaas dhamaadana wadanka laga bixiyo: Qodobkana lama oga waxa uu ku dhamaan doono.

  7. Qodobka 24-ka sano: Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay, in hadii uu rabo inuu qof xaaskiisa ah u dacwoodo uu noqdo ugu yaraan 24 sano. Tusaale ahaan, hadii adiga oo 20 sano jiro aad Norwey iska soo dhiibtay ama lagu keenay, waa inaad 24 sano buuxisaa si aad qof xaaskaaga ama ninkaaga ah aad ugu keentid wadanka. Sidoo kale qofka aad xaas ahaan u dacwoonaysid asna waa inuu jiraa ugu yaraan 24 sano Qodobkana lama oga waxa uu ku dhamaan doono.      

  8. Wadan sadexaad oo nabad ah: Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay in hadii qoyskaagu uu joogo wadan sadexaad oo nabad, laguu diidi karo inaad keento Norwey. Tusaale ahaan; Hadii aabe soomaaliyeed oo Norwey joogo uu raba inuu u dacwoodo qofkiisa oo wax badan daganaa Ethopia ama Kenya, in loo diidi karo inuu qoyskiisa keeno halkan, maadaama ay daganyihiin wadan sadexaad oo nabadi ka jirto, aabuhuna uu aadi karo, inta uu qoyska halkan uu keeni lahaa. Qodobkana lama oga waxa uu ku dhamaan doono.      

  9. In xuduudka lagaa celin karo: Dowlada ayaa soo jeedisay in hadii uu qofka faro ku leeyahay wadan kale oo yurub lagu baari karo, isla markaana xuduudka laga celin karo, iyada oo lagu celinayo wadankii uu ka yimid ama uu soo maray markii hore. Qodobkana lama oga waxa uu ku dhamaan doono. 

Dooda Baarlamaanka ee ku saabsan afartankaas qodob ayaa bilaabanayso maalinta jimcaha ah ee fooda nagu soo hayso, iyada oo u eg mid aad u kala qaybin doonto xisbiyada ku jiro baarlamaanka ee xubnaha ku leh. Waxaa xusid mudan in xisbuga SV uu gabi ahaanba kahor yimdi qodobadan, isaga oo sheegay in afartankaas qodob uusan midna taageersaneyn. Baarlamanka Norwey oo ah tiro ahaan 169 xildhibaan ayaa waxa uu ka koobanyahay xisbiyada Høyre(48 xildhibaan), FRP(29), AP(55), KRF(10), Venstre(9), Sp(10), SV(7), MDG(1). Waxaa ayagana jiro wadahadalo gooni gooni ah xisbiyadu qaarkood wada leeyihiin, si ay isaga dhaadhiciyaan qodobada qaarkood inta aysan doodu bilaaban 

Natiijada dooda iyo sida ay ku dhamaandaanba kala soco NorSom News

Xigasho: Dagbladet

Passportka dadka ka yimid Soomaaliya iyo 29 wadan oo kale oo lagu qorayo (ukjent) meesha dhalashada

Wasaarada cadaalada iyo dastuurka Norwey ayaa bishii sedexaad ee sanadkan go aamisay in qofka codsanayo passport cusub ee ka yimid  30 wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay loogu qori doono (ukjent) meesha dhalashada(fødested), maadaama aan la xaqiijin karin meesha ay ku dhashay qofkaas. Sababo la xiriira nidaamka dowliga ee wadamadaas  oo ah mid tabar-daran, isla markaana aan lagu kalsoonaan karin . Arintan ma khusayso dadka wadanka ku cusub ee kaliya balse waxay khusaysaa dhamaan dadka ka yimid wadamadaas, xitaa hadii aad 30 sano degenayd Norwey oo aad codsanayso passport cusub oo norwiiji ah, waxaa meesha uu qofka ku dhashay laguugu qori doonaan (ukjent). Caruurta ku dhalatay Norwey, iyaga ma khusayso maadaamala folkeregisterka laga heli karo cadeymaha dhalashadooda ee Norwey.

Dadka qaar codsaday passportka ayaa sheegay in waraysi dheer lala yeeshay markii ay tageen xafiisyada police-ka si ay u cusbooneeyaan passporkooda. Arintaas oo keentay in dadka qaarkood oo dhalashada wadanka haystay waqti dheer ay dareemayaan in shaki iyo muran la galiyo shaqsiyadooda isla markaana lagu abuuro wel-wel aan horey u jirin.

Arintan ay go aamisay wasaarada cadaalada iyo dastuurka Norwey ee uu madaxda ka yahay Anders Anundsen oo ka tirsan xisbiga FRP ayaa keentay in cabsi iyo wal-wal ay lasoo gudboonaato dadka ka yimid wadamadaas ee codsanayo passportka Norwey. in (ukjent) lagu qoro meesha uu ku dhashay qofka, waxay keenaysaa in laga shakiyo asal ahaanta qofka, taas oo keeni karta in uu qofku dhib kala kulmo marka uu marayo garoomada diyaaradaha ee wadamada kale, ama uu codsanayo viso wadan kale. Go-aankan ayay wasaaradu ku dhaqaaqday iyada oo aan ogaysiin dadka ay khusayso ama aan lagala tashan dhibaatada iyo cawaaqibta ka imaan karto. 

Dadka ay khusayso arintan ayaa waxaa kamid dadka ka yimid wadamada: Burkina Faso, Burundi, Den Demokratiske Republikken Kongo, Ekvatorial Guinea, Elfenbenskysten, Eritrea, Etiopia, Gabon, Gambia, Ghana, Guinea, Kenya, Liberia, Mali, Nigeria, Republikken Kongo, Sierra Leone, Somalia, Uganda, Zimbabwe, Afghanistan, Filippinene, India, Irak, Jemen, Myanmar (Burma), Pakistan, Saudi-Arabia, Sri Lanka, Vietnam iyo Kosovo.

Ururka la dagaalanka cunsuriyada iyo faquuqa ee Antirasistisk Senter ayaa warqad ay ku codsanayso in arintaas wax laga qabto u dirtay wasiirka cadaalada iyo dastuurka Norwey, maadaama ay tahay in xadgudub iyo takoorba ku ah dadka ka yimid wadamadaas ee shaki la galinayo asalkooda.

 

Xigasho: Antirasistisk Senter iyo Politi.no

 

Qoys caruurtoodii dib u helay dagaal dheer kadib

Qoys kasoo jeedo wadanka Romania oo laga qaatay shan ciyaal ah oo ay dhaleen ayaa ugu danbeyn ku guulaystay inay ciyaalkoodii dib u helaan mudaharaado iyo dagaal dheer kadib. Inkasto oo aysan dacwada loo haysto waalidiinta ciyaalka aysan wali dhamaan, hadana barnevern-ka iyo qoyska ayaa galay heshiis ah in ciyaalka gurigooda lagu soo celiyo, ayna ka wada shaqeeyaan sidii ciyaalka gurigooda ugu heli lahaayeen xanaano. 

Qoyskan ayaa ilmaha laga qaatay, kadib markii lagu eedeeyay inay waalidku ilmaha u gaysteen dil ama garaac. Waalidka qoyska ayaa ka tirsan dariiqo kamid ah diinta krishtinka oo la yiraahdo PINSEVENNER oona aaminsan in ilmaha la yara-garaaci karo si loo baro waxa ay aaminsanyihiin. Halka taageerayaashii dariiqadan ay sheegeen in barnevernka ay ilmaha u qaateen ayaga oo ka baqayo in caruurtani ay dariiqadooda bartaan. 

Dowlada Romania oo ay waalidka ilmaha dhalay kasoo jeedaan iyo taageerayaasha dariiqada ay ka tirsansinyihiin ayaa cadaadis xoogan saarey barnevernka Norwey, iyaga oo mudaharaado waaweyn ka abaabulayay magaalooyin badan oo caalamka. Taas oo ugu danbeyn keentay in waalidka ilmahooda loo soo celiyo, iyada oo ay wali socoto maxkamadeynta waalidka dhalay ilmaha. Dowlada Romania ayaa dhankeeda wafdi weyn usoo dirtay Norwey, iyaga oo  sheegay in arintan qoyska ay wax u dhimi karto xiriirka ka dhaxeeyo labada wadan, hadii aan qoyskan ilmihiisa loo soo celin, oo loo awood sheegto.

Barnevernka ayaa horey ula wareegay caruur soomaali ah oo aad u badan, hadii la heli lahaa dowlada soomaaliyeed oo xoog badan ama jaaliyad soomaaliyeed oo isku xiran oo mudaharaad iyo dagaal sameeyo mar walbe oo qoys soomaali ah ilmaha xaq daro looga qaato, waxaa dhici kartay in qoysas badan ay ilmahooda dib u heli lahaayeen sida qoyskan Romania ka yimid oo kale.

xigasho: Dagbladet

195 qof oo 14 kamid ah ay soomaali tahay oo Norwey iska soo dhiibay bishii hore ee

Waxaa wali socda hoos u dhaca dadka magangalyada waydiisanaya wadanka Norwey, iyada oo bishii lasoo dhaafay dad tiro ahaan gaaraya 195 ay iska soo dhiibeen Norwey. Waxaana dadkaas kamid ah 14 qof oo soomaali, taas oo tirada guud ee soomaalida Norwey iska soo dhiibtay sanadkan ka dhigaysa 93 qof. Isku dar waxaa Norwey magangalyo waydiistay dad gaaraya 1407, tiradaas oo ah midii ugu yarayd tan iyo sanadkii 1991. Dadka ugu badan ee iska soo dhiibay waxay ka yimaadeen wadamada Siiriya, Afgaanistaan, Ciraaq, Ereteriya iyo Soomaaliya.

Tirada guud ee dadka soomaaliyeed ee kujiro kaamamka Norwey ayaa hada gaaraya 800 oo qof iyaga oo u qaybsama sidatan:

77 sharciga helay oo sugaya in uu kommune qaato, 51 sharciga helay balse aan sugayn in uu kommune qaato, 233 magangalyo codsaday(isdhiibay) oo wali jawaab sugaya, 114 sharciga loo diiday oo klage bixiyay(ka dacwooday), 17 codsigoodii magangalyo ka noqday, 308 sharciga loo diiday isla markaana lagu amrey inay wadanka isaga baxaan. 

Soomaalida ayaa ah dadka ugu badan ee sharciga loo diiday ee wali dagan kaamamka Norwey, waxaa la is dhihi waa sababta ku qasabtay dowlada Norwey inay heshiis ama wadahadal la furto dowlada Norwey, si dadka soomaaliyeed ee aan sharciga helin wadankii loogu celiyo.

Dowlada Norwey talada haysa oo uu kujiro xisbiga FRP ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay si ay u dhinto tirada dadka iska soo dhiibayo Norwey oo sanadkii hore kor u dhaaftay 31.000. Iyaga oo soo rogay sharciyo nolosha lagu ciriirinayo qofka magangalyo doonka, si uusan ugu soo dag-dagin inuu Norwey iska soo dhiibo. Waxaana moodaa inay ku guulaysteen ujeedadooda ilaa hada, maadaama uu wax badan hoos u dhacay tirada dadka iska soo dhiibayay Norwey sanadkan aan kujirno. Wadanka Sweden ayaa waxaa sanadkan iska soo dhiibay dad tiro ahaan gaaraya 13.350 sanadkan aan kujirno. 

 

Xigasho: UDI(Asylmottak) og UDI(Asylsøknader etter statsborgerskap)

 

Olole lagu doonayo inay xilka isaga dagto Sylvi Listhaug oo si weyn uga socda internetka

Olole looga soo horjeedo isla markaana lagu codsanayo in ay xilka isaga dagto wasiirka soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee Sylvi Listhaug ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ka socday internetka. Koox isku magacowday Nordic refugee rights acitivists oo sheegay inay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka qoxootiga ah ayaa ololahan ka bilaabay internetka ayaga oo uruurinaya internetka ka aruurinayo saxiixa dadka. Kooxdana ayaa sheegtay in ay Sylvi ay wado siyaasad ka dhan ah qoxootiga oo aan la jaanqaadi karin xiligan hada lagu jiro. Waxay intaas ku dareen in Syvlie aysan laheyn awood iyo rabitaan ay ku hesho xal maareyn kara howlaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada, ayna isku badashay wasiirka kala sooca dadka. Waxay kalee wadaa been abuur iyo cabsi galin ku saabsan qoxootiga si ay dadka Norwey ku dhaqan uga dhigto kuwa arxan-laawayaal ah , iyada oo garab mayso dhamaan xeerarka caalamiga ah ee qoxootiga.

Halkan ka akhriso warkan iyo aruurinta saxiixa kooxda:

Sylvi Listhaug må avsettes

Ilmo lix bilood jira oo soomaali ah oo maydkiisa laga helay bada Talyaaniga

Foto: Christian Buettner/Eikon Nord GmbH Germany/Handout via Reuters

Ururka Sea-Watch oo laga leeyahay wadanka Germalka kana shaqeeya bad-baadinta dadka ay doomuhu la dagaan iyo meydad kasoo saarida bada xeebaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Libiya ayaa jimcihii lasoo dhaafay bada ka helay meydka ilmo yar oo soomaali ah. Booliska Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in ilmahan yari ee bada ku saqiiray uu yahay soomaali,lana socday hooyadii oo bada ku dhimatay. Waxay sheegeen in sawirka maydka cunuga ay tuseen dadkii lasoo badbaadiyay, ayna heleen abtigii uu kamid ahaa dadka lasoo badbaadiyay. Meydka ilmahan yar oo markii hore la rabay in lagu aaso qubuuraha dadka aan la aqoonsan, ayaa hada waxaa lagu aasi doonaa qubuuraha caadiga ah, maadaama ay heleen ilmaha magaciisa.

Doonta waday ilmahan iyo hooyadii oo bada ku qalibantay ayaa waxaa  saarnaa 400 00 qof, waxaana laga badbaadiyay 135, halka maydkooda la helay 45 qof oo kale.

Hada oo kale xiliga kuleylaha waxaa aad usoo bato dadka doomaha kasoo raacayo wadamada Masar iyo Libya, iyaga oo raba inay soo gaaraan wadanka Talyaaniga ugana sii gudbaan wadamada kale ee Yurub. Soomaalida ayaa kujirto kaalinta sadexaad ee dadka ugu badan ee soo gaaray talyaaniga iyaga ku xigo dadka ka imaanayo wadamada Nigera iyo Gambia. 

Xigasho: Dagbladet

 

UDI: Xaalada amaan ee qaybo kamid ah Soomaaliya wax badan ayaa iska badalay

Shalay ayay ahayd markii ay qaraxyo waaweyn iyo weeraro gilgileen magaalada caasimada ah ee muqdisho, gaar ahaan hotelka Ambasador, laguna dilay tiro dad kor u dhaafaya 15 qof oo ay ku jiraan xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya. Warbaahint NorSom News ayaa saaka xiriir la samaysey laanta socdaalka ee Norwey anaga oo wax ka waydiinayno bal inay la socdaan xaaladihii amaan ee ugu danbeeyay Soomaaliya iyo bal waxa ay qiimaynayaan marka ay go aamiyeen in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo fiicnaatay, isla markaana ay dib u qiimeyn ka sumeyn doonaan sharciga magangalyada dadka soomaaliyeed ee haysta sharciga kumeel gaarka ah wadankan.

Pernille Schulerud Søland oo ah madax-waaxeed katirsan UDI-da ayaa noogu jawaabay:

Her kan vi presisere at vi mener at forholdene enkelte steder i Somalia, og ikke i hele Somalia, har endret seg i vesentlig grad til det bedre (sikkerhetsmessig og økonomisk), og at endringene fremstår som varige. Vi baserer disse endringene på oppdatert landinformasjon fra Landinfo og endringer vi har sett over tid. Landinfo kan eventuelt gi mer detaljer om dette.

Waxaan halkan ka qeexaynaa in xaaladaha meelo kamid ah soomaaliya, ma ahan soomaaliya guud ahaanteed, uu ku yimid isbadal fiicanoo  xag amaan iyo mid dhaqaalaba ah. Isbadaladaas oo u muuqda kuwa sii socon doono. Waxaana isbadaladaas ku qiimenaynaa warbixinada ugu danbeeyay ee aan ka helnay landinfo(Qaybta UDI u qaabilsan warbixinada wadamada dibada) iyo kuwa aan aragnay mudooyinkii ugu danbeeyay. Warbixin dheeri ah waxaa arintan ka bixin karo Landinfo.

NorSom News ayaa UDI-da waydiisay su aal kale oo ah in uu jiro heshiis ay ogyihiin oo dhex maray dowlada soomaaliya iyo Norwey oo ku saabsan dib u celinta dadka soomaaliyeed ee magangalyada ku haysto wadankan. Waxay noogu jawaabeen in aan su aashaas waydiino wasaarada dastuurta iyo cadaalada. Waxayna sheegeen in UDI-du ay tahay hay-ad hoos tagta wasaaradaas ayna ku shaqeeyaan amarada kasoo baxo halkaas. 

I likhet med spørsmål 3 bør spørsmål 2 også rettes til Justis- og beredskapsdepartementet, ettersom UDI har fått en instruks om dette fra departementet.

Horey ayaan u waydiinay wasaarada cadaalada iyo dastuurka Norwey, su aasha ku saabsan heshiiskaas, balse waxay noogu jawaabeen inuu jiro wadahadal iyo wada shaqeyn ka dhaxeeyo dowlada Soomaaliya ee Norwey oo ku saabsan arimaha qoxootiga, balse aysan faah-faahin naga siin karin inuu jiro heshiis rasmi ah oo qalinka lagu duugay.

Hay-ad qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga aduunka ee UNCHR ayaa ayadna dhankeeda soo saartay isbuucan aan kujirno warbixin dheer oo ay uga digayso in dowladaha caalamku ay xoog dib ugu celiyaan qoxootiga soomaaliyeed ee kunool wadamadooda maadaama xaaladaha amaan ee koonfurta iyo bartahama Soomaaliya aysan wali fadhiyin, jirina cid gacanta si toos ah ugu wada hayso. 

Halkan ka akhri warbixinta Landinfo ee ku saabsan Soomaalia ee lasoo saaray bishii April:

Landinfo Somalia : Landinfo ma ahan hay-ad madax-banaan, balse waxay hoos tagtaa UDI-da, oo ayadna sii hoos tagto wasaarada dastuurka iyo cadaalada Norwey.

Halkana ka akhri warbixinta UNCHR

 

Hadliye oo iska fogeeyay inuu heshiis la galay dowlada Norwey

FOTO: BENDIKSBY, TERJE / NTB SCANPIX

Wasiirka arimaha dibada dowlada Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye oo kamid ahaa wafdigii dowlada Soomaaliya ka socdey ee isbuucii lasoo dhaafay socdaalka shaqo ku joogay Norwey ayaa sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan celinta dadka soomaaliyeed ee sharciga loo diiday uu asaga shaqsiyan ula galay dowlada Norwey. Hadliye oo waraysi siinayay laanta af soomaaliga ee idaacada VOE ayaa sheegay inuu Norwey u tagay ka qaybgalka kulan ay ku weheliyeen 12 wasiir arimo-dibadeed oo ka socda wadamo african ah iyo wasiiraha arimaha dibada ee wadamada la isku yiraahdo NORDIC. Wax ku saabsan qoxooti iyo dad soomaali ah oo la celinaya aan looga hadlin kulankaas oo khamiistii iyo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Oslo.

Mar wax laga waydiiyay sababta ay safarkiisa ugu weheliyeen wasiirka arimaha amniga qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar  iyo madaxa laanta socdaal General Gaafow ayuu ku jawaabtay in aysan isaga iyo General gaafow aysan isla socan markii hore ayna isla soo noqon markii danbe, balse ay meesha uu isugu imaadeen. Hadliye ayaa sidoo kale sheegay in hadiiba ay jiraan dad soomaali oo lasoo celinayo ay tahay arin masuul ka tahay wasaarada arimaha gudaha, gaar ahaan laanta socdaalka iyo wasiirada amniga qaranka, bal asagu uusan wax kala socon shaqsiyan ka wasiir arimo dibadeed ahaan. Waxaan ka ogahay majirto, waxna aan saxiisay majiraan ayuu si cad u qeexay hadliye.

Wasiirka ayaa intaas kusii daray in ay adagtahay in ay caalamka ka dhaadhiciyaan in uu wadankii oo hagaagay isla markaana aad dowladu diido in dadkii wadanka u dhashay dib loogu soo celiyo. Balse siyaasad ayaan dajinay aan rabno in aan qofna qasab laguu soo celin, sidoo kalena dadka danbiyada galay ee loo haysto howlaha xagjirnimada ama danbiyo kale aan dalka lagu soo celin karin.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.