fredag, april 19, 2024

Sadiq Haibe: Booliska Norwey waxay i waydiiyeen inaan aqoon dad ka yimid Jabuuti, Kenya iyo Ethopia oo soomaalinimo isku dhiibay

Intiinii daawatay muuqaalkii aan soo dhignay sabtidii lasoo dhaafay, waxaan u malaynayaa inaad wada garaneysiin magaca iyo muuqaalka Sadiq Farah Haybe. Waa wiil dhalinyaro soomaali ah oo mudo 13 sano ah ku noolaa Norwey, isaga oo aan ku laheyn sharci magangalyo rasmi ah.6 sano oo mudadaas ka mid ahna uu ka shaqeynayay shaqo fulltid ah . Sababaha sharciga loodu diideyna ayuu ku sheegay Sadiq inay ahayd in: UDI-du sheegtay inaysan cadeyn karin meesha uu Sadiq ka yimid asal ahaan. Waxaana taas ugu sii darsantay in ay UDI-du ay gashay sadiiq faceboogiisa shaqsiga ah, iyada oo kasoo xigatay macluumaad ay u adeegsatay inay sharciga magangalyada Norwey ugu diido.  Halkan ka daawo muuqaalka Sadiq Farah Haybe oo dhamaystiran

Sadiq Farah Haybe ayaa mar labaad lasoo xiriiray warbaahinta NorSom News, isaga raba oo inuu bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey la qaybsado warbixin kale oo ku saabsan in ay booliska Norwey, gaar ahaan kuwa magaalada Drammen ay waydiiyeen su aal ah inuu garanayo dad ka yimid wadamada Ethopia, Kenya iyo Jabuuti oo isku dhiibay, wadankana ku jooga inay Soomaaliya ka yimaadeen.  Sadiiq ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidatan:

Waxaa jiray nin ka tirsan booliska Drammen oo aniga howshayda si gaar ah u qaabilsanaa. UDI-da ayaa gashay acountiga aan ku lahaa facebooga, iyaga oo sheegay inay facebooga kasoo xigteen inaan kasoo jeedo magaalada Jig-jiga ee ismaamulka soomaalida Ethopia, halkaasna aan ka dhigtay jaamacad. Waxaan u sheegay in macluumaadkaas facebooga ku qornaa aysan ahayn kuwii saxda ahaa, balse ay iga ahayd faan iyo wax aanan ka fiirsan markii hore, balse aan anigu ahay muwaadin ka yimid Soomaaliya asal ahaan. Booliska Drammen ayaa iigu yeeray inay wax iga waydiiyaan arinta ku saabsan facebooga iyo inaan ka imid asal ahaan ismaamulka soomaalida Ethopia.  

Kadib markii uu ii dhamaaday waraysiga iyo su aalaha aniga ii gaarka ah, ayuu ninkii aniga kiiskeyga qaabilsanaa i waydiiyay su aal ah: Inaan garanayo dad ka yimid wadamada Ethopia, Kenya iyo jabuuti oo isku dhiibay inay Soomaaliya ka yimaadeen. Waxaan ugu jawaabay haa, waan aqaan. Wuxuuna intaas kadib i su aalay inaan u sheegi karo dadka ay yihiin iyo meesha ay daganyihiin. Sadiq ayaa sheegay inuu isaga oo yaaban ninkii booliska ahaa ugu jawaabay inuusan u sheegeyn, una sheegi doonin abidkiis.  Intaas kadib ayuu si beerlaxawsi ah ii waydiistay inaan arintan ka caawiyo maadaama uu isagaba wax badan howsheyda faraha kula jiray oo uu iga caawin jiray. Waxaan ugu jawaabay: inaad i caawiso waa shaqadaada, balse inaan adiga ku caawiyo shaqadeyda ma ahan. 

NorSom News ayaa sadiq waydiiyay su aal ah sababta uu u malaynayo in isaga sadiiq ahaan su aashan loo waydiiyay: Wuxuuna noogu jawaabay in: Maadaama dhalashadiisa inuu muwaadin soomaali ah yahay shaki la galiyay, isla markaana lagu eedaynayo inuu ka yimid Ethopia, uuna ku suganyahay xaalad adag, ay boolisku is dhaheen bal ka faa iideysta bal inuu cid kale oo soo qalaafo. Wuxuuna sheegay in marka aad ku sugantahay xaalad noocaas oo adag ah, ay ku gali karto xaasidnimo iyo xiqdi ah inaad cid kale oo aad meel ku ogtahay ayadna soo galaafato. Sadiiq ayaa sidoo kale aaminsan in hadii uu dhihi lahaa haa, si toos ah shaqo loogu soo bandhigii oo loogu shaqaalaysiin lahaa inuu howshaas qaabilsanaado.

Hadii uu sadiiq maya yiri imisa qof ayaa haa tiri:

Waxaa isbuucyadii ugu danbeeyay aan wax ka qoreynay Eng. Mahad Abiib Mahamoud oo ah muwaadiin soomaaliyeed oo wadankan degenaa mudo 16 sano oo sharciga dhalashada wadanka  loogala noqday sababo la xiriira in ay dad kale soo jaajuuseen, oo ku UDI-da u sheegeen inuu jabuuti ka yimid. Sidoo kale Sadiq Farah Haybe ayaa sheegay in uu garanayo wiil sharciga magangalyada wadanka loogala noqdey, kadib markii dad ay asxaab yihiin ay soo jaajuuseen.  Maalmihii ugu danbeeyay waxaa sidoo kale suuqa ku jiray sheeko ku saabsan labo gabdhood oo soomaali ah oo dagaal gacan hadal ah dhexmara. kadib markii uu boolisku midba si gaar ah u waraysanayay ay waydiiyeen su aal ah inay bal informasjon xaga sharciga ah oo ku saabsan gabadha kale ay u sheegto, maadaama ay isdagaalsanyiniin(Arintan ma hubno, maadaama aysan NorSom News kasoo xigan karin qof xog agaal u ah, balse sheekada gabdhahan suuqa ayay aad ugu jirtaa maalmahan).

Isku soo wada duuboo, dhacdooyinkii markii la isku dar-daro waxay xoojinayaan shakiga weyn ee dad badan oo soomaali ay qabaan oo ku saabsan inay jiraan dad soomaali ah oo booliska Norwey la shaqeeyo, isla markaana usoo tabiya xogta dad kale ee soomaaliyeed ee boolisku ama UDI-du ay dabagal ku hayso.

Odhaahda NorSom News: Xildhibaan xil ma idin dhibaa?

 Soomaalida Norwey degan oo tiro ahaan gaaraya, wali ma aysan ku guulaysan in ay yeeshaan xildhibaan soomaaliyeed oo ku matala golaha baarlamaanka Norwey, balse taa badalkeeda waxaa jiro siyaasiyiin soomaaliyeed oo ilaa 30 gaaraya oo kujiro golaha deegaanada magaalooyinka waaweyn ee wadanka. Marka laga reebo Baashe Muuse oo hadla mar walbe oo dhib dhacdo, ma jiro ilaa hada xildhibaan kale oo soomaaliyeed oo inta warbaahinta Norwey tagay gudbiyay tareenka shacabka soomaaliyeed ee ku saabsan howlahan sharciyada. Xildhibaanow, waxay dadku idiin doorteen ma ahan inaa sidii sawiro aad golaha deegaanada surnaataan, ee waa inaad noqotan wajiga iyo afka dadka soomaaliyeed ee codkooda idinku geeyay meesha aad maanta fadhidaan.Waxa hada booliska iyo UDI-du ay usoo dhigteen dabagalka iyo argagixinta shacabkii aad matalayseen, hadii aydaan maanta kicin oo ka dhiidhyin, goormeed kacaysaan. Ma markii la gaaro doorashada oo nin walbaa uu reerkiisa hoosta ka galo, si ay codka reer hebel ahaan iyo faan u siiyaan.   Hadii aad maanta dadka aad ka dhuumataan,  bari maxaad u sheegi doontaan, markii aad isa soo sharaxaysaan.  Ururo iyo dad aaan soomaali aheyn ayaa mar walbe difaacayo danaha dadka soomaaliyeed, idinka difaac daayee, hadalkiinaba lama hayo. Waa su aale, xildhibaanow xilka aad wadataan ma idin dhibaa, mise waxaad u wadataan magac guud ahaan? 

Sadiq Farah Haybe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la tago warbaahinta wadanka hadii ay jiraan xildhibaano ama dad kale oo raba inay arintan ka hadlaan oo gudbiyaan warbaahinta. Hadii aysan arintan sii xoogaysato, waxaa hubaal in ay lumi doonto kalsoonida ka dhaxaysa booliska iyo soomaalida Norwey.

 

HADII AAD OGTAHAY MACLUUMAAD DHEERI AH OO KU SAABSAN ARIMAHA, FADLAN NALA SOO XIRIIR SI AAN UGU GUDBINO SHACABKA SOOMAALIYEED EE KALE.

Nagala soo xiriir: NorSom News@Gmail.com ama telefonka: 455 76  226

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x