fredag, april 19, 2024

Sylvi Listhaug: Ayaan Xirsi Ali waa qof aan ku daydo oo tusaale fiican ii ah

Foto(privat)

Wasiirka arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee dowlada Norwey Sylvi Listhaug ayaa maanta bogeeda ay ku leedahay facebooka soo dhigtay qoraal ay amaanayso Ayaan Xirsi Ali, oo ay soomaalida badankeeda wada yaqaanaan. Sylvi Listhaug ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in Ayaan Xirsi ay tahay mid kamid ah haweenka ugu geesisan ee hada nool, ayna tahay mid kamid ah dadka ay sida weyn u qiimayso, kuna dayato.

Shalay waxay ii ahayd sharaf weyn inaan la kulmo mid kamid ah haweenka ugu geesisan aduunka, ahna mid kamid ah dadka aan sida weyn ugu dayso. Waxay la kulantay gudniin, waxayna kasoo carartay qoyskooda. Wax badan oo ay u dagaalamaysay xuquuqda dumarka, hada waxaa ilaaliya boolis. Ururkeedu waxuu wali ka shaqeeyaa caawinta gabdhaha la kulmo gudniinka iyo kuwa guurka lagu qasbo. Dagaalka aan ugu jirno in haweenka soo galootiga ah ay noqdaan kuwo xor ah inay aayahooda, waa kan ugu muhiimsan ee ku saabsan sinaanta raga iyo dumarka ee xiligan aan kujirno.

Ayaan Xirsi Magan oo asalkeedu yahay soomali, balse haysata dhalashada wadamada Holand iyo Mareykanka ayaa ku caanbaxday cayda iyo wax ka sheega diinta islaamka. Mar hore ayay sheegtay inay isaga baxdey diinta islaamka oo ay qaadatay tan kristinka, balse markii danbe ayay hadana sheegtay inay ku biirtay qolyaha bilaa diinta ee sheegta inuusan ilaahay jirin. Waxay si weyn ugu soo caan baxday filmkii Submission oo ahaa film aflagaado iyo meel ka dhac ah oo aan loo meel dayin loogu gaystay diinta islaamka iyo haweenka muslimka ahba, iyada oo sheegtay in filmkaas uu ka turjumayo habdhaqanka diinta islaamka ee ku aadan dumarka. Ninkii filmkaas sameeyay ee Theo van Gogh waxaa sanadkii 2004 lagu dilay wadanka Holand. Sidoo kale Ayaan Xirsi  waxay qortay buugaag iyo qoraalo badan oo ay wax kaga sheegayso umada muslimka ah iyo diintoodaba.Waxay ku guulaystay bilado iyo abaal marin boqolaal gaaraya, waxayna marar badan kasoo muuqataa tv-yada ama doodaha kale ee looga hadlayo diinta islaamka. 

Sylvi Listhaug shaqada ay dowlada Norwey u xilsaaratay waxaa kamid ah in dadka wadanka ku cusub iyo umada inteeda kale la isku soo dhaweeyo .Waa su aale sidee ayay ugu guulaysan kartaa isku soo dhaweynta iyo isdhexgalinta dadka wadanka ku cusub iyo mujtamaca intiisa kale, hadiiba ay  Ayaan Xirsi oo dadka muslimiinta ah ay ku barteen aflagaado iyo wax ka sheeg bareer ah oo ku saabsan dhaqankooda ama diintooda, ayba tahay qof ay ku dayato?

Xigaso: pageka Sylvi Listhaug ee facebooga

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x