tirsdag, april 16, 2024

(Talo): Abdisamad Xirsi: Hooyooy waan ku baryayaa ee saaxiibadey hortooda ha igu bahdilin

Qoraalkan waxaa af norwiiji ahaan noogu soo gudbiyey Abdisamad Abdullahi Xirsi oo kamid macalimiinta soomaalida ah, ee iskuulada hoose dhexe ka dhigta magaalada Oslo.


Oslo, 18-ka october, maalin jimco ah, saacad 17:30.  Waxaa dabaqa 2-aad ee Oslo city taagan shan wiil oo dhalinyaro ah aan ku qiyaasey da´da 16 ilaa 17. labo kamid ah waa soomaali, halka sadexda kalena ay isugu jiraan Norwiiji iyo carab/kurdi. Kama qasno ay way sheekeysanayaan, waxeyna u muuqatay in mid labada wiil ee soomaalida  kamid ah la xifaalinayay. Asagu isdifaac ayuu kujiraa, kuwo kalena wey qos-qoslayaan. Xumaanse ma ahan oo waa xaal dhalinyaro, kaftantanka iyo foorjada waxey u joogaan xiligeed.

Sidii loo joogey, ayaa waxaa halmar dhinac kasoo muuqatay haweeney soomaali ah. Labada wiil ee soomaalida ah midkood, gaar ahaana kii la foorjeenayay ayay magaciisa ugu yeertay. Intuu xoogaa yara naxay ayuu dhankeedii soo aaday. Mudo ayey wada taagnaayeen, balse waxaa kor laga arki karey in qofkaas dumarka ah oo wiilka hooyadii ah, ay isaga canaananeysay. Canaan qeylo la socoto, codkeedana sifiican ayaa loo maqli karey.

[adsenseyu2]

Afartii wiil ee kale waxey taaganyihiin meel aan wax badan ka dheereyn iyaga. Markey hooyadu xoogaa canaanteeda kor u qaaday, ayuu intuu xijaabka jiidey, dhinac usoo yara dhaqaajiyey, si codka hooyadii aysan wiilasha kale dhagahooda u maqlin. Aniga waxaan taaganahey dukaanka Brilleland, oo waxaa isoo xigo wiilka iyo hooyadii, codkoodana si fiican ayaan u maqlaa. Intaas ay hooyadu canaanta iyo hadalka wado, wiilku wuxuu hadba fiirinayaa wiilashii kale ee saaxiibadiisa ah, bal iney soo fiirinayaan iyo inkale. Inkasta oo ay wax walbe arkaan, hadana wey ismashquulinayaan, oo waxey iska dhigayaan kuwo aan waxbo la socon.

Sida aan codkooda ka dareemayo, hooyadu waxey wiilka ku canaananeysaa lacag stipend ahaan iskuulka uga soo dhacdey, oo uu wax kusoo gatey. Waxeyna ku amreysaa inuu soo wareejiyo kaarka, si lacagta inta ka dhiman uusan u khasaarin. Wiilku wuxuu isku dayayaa inuu hooyadii ku qanciyo iney codkeeda hoos u dhigto, wuxuuna ka codsanayaa in caawa marka guriga uu imaado ay ka wada hadli doonaan.

Ugu danbeyn waxey hooyadu jeebka la gashay jaakada wiilka, iyada oo kasoo saartey boorso yar oo ay ku jiraan kaarar dhowr ah. Wiilku wuxuu isku dayey inuu gacanta hooyadii qabto, balse hadana wuu sii daayey. Cod yar oo niyad-jab ka muuqdo ayuu dhowr jeer ku cel-celiyay: Hooyooy waan ku baryayaa ee saaxiibadey hortooda ha igu ceebeyn, hooyooy waan ku baryayaa ee meesha publica ah ha igu bahdilin. 

Hooyadu dhag jalaq uma siin cabashada wiilka, balse kaararkii ayay kala soo baxdey kaarka bangiga, iyada oo boorsadiina u dhiibtey isaga. Waxeyna u raacisay amar ah, inuu guriga uusan caawa kasoo daahin 8-da fiidnimo, hadii kale uu banaanka seexdo.

Aniga oo arkaya ayaa waxaa wiilka indhahiisa kusoo istaagtey ilin ciileed. Gadaal ayuu fiiriyay, mise kuwii saaxiibadii ahaa wali wey soo fiirinayaan. Markuu soo fiiriyay ayay halmar is wada maahiyeen, iyaga oo dareensiinayo ineysan waxbo arkin.  Indhaha intuu tirtirtey ayuu dhankoodii soo aadey, oo qosol beenaadna ku bilaabey hadalkiisa. Sheekadadoodii ayayna halkii uu kasii wateen. Balse waxaan hubaa in wiilkaas yar uurkiisa uu dab ka kacayay. 

Waxaan aad uga yaabey sida ay wiilka seriøs iyo dhab uga tahay, iyo sida hooyadu aysan marna ahmiyad u siineyn dareenkiisa, balse ay rabto kaliya in kaarka uu gacanteeda kusoo noqdo. Wiilka in kaarka laga qaado ma diidana, balsa goobta iyo sida qaabdarada ah ee saaxiibadii horteeda loogu ceebeynayo, ayaa waran la galiyey uga daran.

Kasoo qaad iney jiraan koox ay xifaalo iyo kaftan idinka dhaxeeyo. Kawaran hadii idinka oo wada joogo kooxdaas uu qof saaxiibkaa ah hortooda kugu ceebeeyo ama kugu bahdilo?. Maxaad sameyn laheyd? Ugu yaraan hadaadan la dagaalin qofkaas, salaanta dib danbe ugama aadan qaadeen.

Dhacdadan wiilkan yar iyo hooyadii waxey isoo xasuusiyeen dhacdo kale oo tan lamid ah oo kula kulmey Busska 31-Oslo. 

Gabar soomaali ah iyo hooyadeed ayaa busska wada saaran. Gabar kale oo iyada ay isku da¨ yihiin ayaa busska soo kortay. Salaan iyo iswareysi kadib, waxay hooyadu gabadha kale ay waydiisay, maxaad iskuulka ka dhigataa hada. Waxeyna ku jawaabtay: Studio-spesialisering, waxaana rabaa inaan dhakhtarnimo barto 2 sano kadib. 

Hooyada oo codkeeda kor u qaadeyso ayaa dhahdey: Maasha allah habo, ilaahey haku daayo. Doqontan feeraha weyn ayaa ilaahey guriga ii dhex-dhigey, waxey barato iyo waxey tarto midna maleh. Adigu fariid baad tahay ee dadaal habaryar, hooyana igu salaan. 

Gabadhii ay Dhashay ayaa sidii in geeri loo sheegay ama aduunka uu kusoo dumay, ayuu wajigeedu halmar madow noqday. Si aysan u maqlin cayda kasoo baxeyso afka hooyadii dhashey, ayey dhagaha u gashatay sameecado ay wadatay.  

Ujeedo:

Muhiimada aan usoo qaatay labadaan sheeko, ayaa ah iney ii fududeyso biyo-dhaca iyo dulucda qoraalkan. Hooyo iyo aabe, hadaad ilmahaaga rabto inaad canaanato ama aad u wax u sheegto, guriga idinkoo joogo samee. Waligaa iyo alahaa ilmahaaga haku hor canaanan, isaga oo saaxiibadii ay la joogaan. 

In waalidku ay ilmaha ku hor caayaan ama canaantaan saaxiidiisa hortiisa, waxey ilmaha mararka qaarkood uga darantahay xabad lagu dhuftay. Waayo waxey waxyeelo gaarsiineysaa kalsoonida shaqsiyeed ee ilmaha, waxeyna sawir khaldan ka siineysaa saaxiibadaa. Sidoo kale waxey ku beeri kartaa cuqdad nafsi, maadaama laga dhigayo qof bahdilan ama doqon ah.

[adsenseyu2]

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x