Denmark: 20 kun oo dollar qaado oo wadankaagii ku noqo

0
172

Bilihii ugu danbeeyay waxaa dadka soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan gaarey, wararka ku saabsan dhibaatooyinka lasoo darsay qoxootiga soomaaliyeed ee dalkan Norway. Warbaahinta soomaalidana waxey aad u hadalhayeen arinta celiska iyo dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee Norway ee gaaraya 1600 qof.

Waxaa la ilaawey oo aan sida Norway oo kale loo hadalheynin, qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Denmark, kuwaas oo dowlada Denmark ay sheegtay iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyadooda magangalyada. Reer Denmark dhibta way kaga horeeyeen reer Norway, balse jaaliyada soomaaliyeed ee wadankaas ayaa u muuqdo iney yihiin kuwo xir-xiran, oo aan xiriir fiican la laheyn soomaalida kunool caalamka kale. Sidoo kale wadankaas Denmark kama jirto(inta aan ognahay) saxaafad soomaaliyeed oo ka waranta xaalka jaaliyada soomaaliyeed ee wadankaas ku dhaqan. 

NorSom News ayaa maanta xiriir la sameysay qaar kamid ah muwaadiniinta soomaaliyeed ee wadankaas kunool.

-From 1200 til 1450

Dhowr isbuuc kahor waxey dowlada Denmark soo saartey, war saxaafadeed ay ku sheegayso iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo gaaraya 1200. Balse waxaa soo baxayo warar sheegayo in isku dar dadka dib u qiimeynta lagu sameyn doono sharcigooda ay gaarayaan 1450, waxaana gadaal kasoo baxey 250 qof oo aan markii hore ku jirin tirada dadka dowlada wadankaas ay soo saartey. Waxaa intaas dheer tiro aan la ogeyn oo qoxooti soomaaliyeed ah, kuwaas oo wadankaas ku ah sharci la’aan.

[adsenseyu2]

Wadanka Denmark ayaa leh system-magangalyo oo xoogaa ka yara duwan kan Norway. Sida Norway oo kale Denmark malahan Degenaansho uu qofku qaadan karo, marka uu wadanka 3 sano joogo. Ilaa qofku uu ka qaadanayo dhalashada wadankaas, wuxuu heysanayaa sharciga koowaad ee magangalyada qoxootiga, kaas oo shantii sanaba mar la cusbooneysiiyo. Dadka sharciyadooda dib loo qiimeynayo ee kunool wadankaas, waxaa kujiro dadka 9 sano iyo ka badan wadanka degenaa. Qaarkood waxey wadanka ka shaqeynayeen 8 sano iyo ka badan, waxaa sidoo kale jiro qaar caruurtii ay Denmark ku dhaleen ay hada  9 sano jiro yihiin.

Dowlada wadankaas ayaa sheegtay iney si gaar ah u qiimeynayso sharciyada magangalyada dadka wax badan wadanka ka shaqeynayay ama caruur ku dhaley. Si gaar ah waxaa loo magacaabey dadka wax badan wadanka ka shaqeynayay oo canshuur badan qasnada dowladasoo galiyey. Waxaana sidaas noo xaqiijiyey qaar kamid ah soomaalida Denmark kunool oo aan la xiriirney.

-131 000 DKK + 40 000 DKK(Calaa ilmo).

Dadka aan la xiriirney ee Denmark ku dhaqan ayaa noo xaqiijiyey iyo hey-adaha qoxootiga wadankaas ay dhawaantan qabteen kulan ay ku casuumeen dadka loo sheegay in sharcigooda magangalyada dib loo qiimeynayo. Kulamadaas oo lagu siiyey warbixino kala duwan oo ku saabsan arinta dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga.

Waxey noo xaqiijiyeen in dowlada wadankaas ay ku wargelisay dadka dib loo qiimeynayo magangalyadooda, in hadii ay noqoto in loo cusbooneysiin waayo sharciga magangalyada wadankaas, ayna go-aansadaan iney Soomaaliya ku noqdaan ay dowladu siin doonto taageero dhaqaale oo ay dib u sameysteen nolol cusub.

Dadka aan Denmark kala xiriirney oo qaarkood joogey kulamadaas ayaa noo cadeeyay in dowladu ay sheegtay in qofkii la siin doono lacag dhan 131.000 oo lacagta wadankaas ah(DKK). Qofkii ilmo heystana, calaa ilmo la siin doono 40.000 DKK oo dheeri ah.  131.000 DKK ayaa qiyaas ahaan u dhiganta 20 kun oo dollar,  halka 40.000 DKK ay u dhiganto 5 kun oo dollar. 

Sida ay sheegayaan dadka aan wareysaney ee ku dhaqan Denmark, lacagtaas qofka hal lama wada siinayo. Qeybta koowaad(51.000 DKK) waxaa la siinayaa marka uu Airportka ka dhoofayo, halka inta kalena(80.00 DKK) la siin doono hal sano kadib, markuu Soomaaliya ku noolaado.  

Dowlada Soomaaliya:

Dadka aan la xiriirney ee Denmarku ku dhaqan ayaa dhamaantood isku raacsan in dowlada Soomaaliya, ay tahay mida bixisey cadeynta ah in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo hagaagtey, dadkana lagu soo celin karo. Waxey sheegeen inuusan jirin heshiis cad oo qoran oo la saxiixey, balse uu jiro is-afgarad ku saabsan celinta qoxootiga soomaalida ee ku dhaqan wadankaas.

 

Sidoo kale waxey sheegeen in dowlada Denmark ay lacag 20 milyan oo dollar ah ay sanadkii lasoo dhaafey ay siiyeen dowlada Federaalka ah iyo qeybo kamid ah maamul goboleedyada dalka, gaar ahaana maamulka Jubba-land State ee ka arimiyo degmooyin gooban oo katirsan gobalada jubbooyinka iyo gobalka Gedo. Waxaana lacagtaas loo sii mariyey hey-ado ay kamid tahay hey-ada Danish Refugee Council.

[adsenseyu2]

 

 

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments