Selma Abdulahi waa gabar dhalinyaro 18-sano jir soomaali ah oo ku nool magaalada Oslo. Selmo waxay ka mid tahay koox dhalinyaro ardey ah oo dhigata iskuulka sare ee Lambartseter , kuwaas oo isla aas-aasay shirkada MIC ungdomsbedrift.
Shirkadan ay aas-aaseen dhalinyaradan ay kamid tahay Selma, ayaa ikhtiraacday aalad lagu qaboojiyo biyaha ama cabitaanada, taas oo badal u noqon karto barafka ama talaajada/firinjeerka xiliyada kuleelka.
Ikhtiraacida kadib waxey dhalinyaradan aaladan u direen wadanka China, halkaas oo lagu soo sameeyey farsameeyay sanco ahaan. Waxayna hada bilaabeen in lagu iibiyo qaar kamid ah dukaamada Oslo.
Inkasta oo Selma ay hada uu buuxsantay 18-sano, hadana mar hore ayey lugaha la gashay suuqa hal-abuurnimada iyo ganacsiga. Arintana waxay dhiirigelin u tahay dhalinyarada soomaaliyeed ee Norway ku nool.
Hadii aad rabto inaad iibsato oo dhiiri geliso dhalinyarada wax alifay,ama aad su´aal ka qabto aaladan cusub oo ay Selma iyo saaxiibadeed ay ikhtiraaceen, waxaad la xiriiri kartaa Telefon Numberka 40062209
Halkan ka daawo muuqaalka Selma oo sharaxeysa sida ay aaladan u shaqeyso.