17.4 C
Oslo
torsdag, august 18, 2022

Gabar soomaali ah oo kamid noqotay gudiga maamulka ururka ururada shaqaalaha Oslo

Waxaa jimcihii lasoo dhaafay magaalada Oslo shir kulahaa ururka mideeya qaar badan oo kamid ururada shaqaalaha ee ka dhisan magaalada Oslo(Fagforbundet). Ururkaas oo ay xubno ka yihiin dad gaarayo 38 500 qof.

Gudiga cusub ee ururkaas ayaa waxaa kamid noqday gabar soomaali ah oo lagu magacaabo Fathiya Khaliif Muuse. Fathiya ayaa sidoo kale ah gudoomiye ku xigeenka ururka shaqaalaha ay ku mideysanyihiin dadka ka shaqeeyo caafimaadka, arimaha bulshada iyo daryeelka ee magaalada Oslo.

Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa kor u kacayay dadka soomaalida ah ee kasoo muuqanayo dhinacyada kala duwan ee mujtamac-weynaha wadankan Norway. Taas oo muujineyso in soomaalidu ay kasii gudbeyso xiligii lagu tilaami jiray inay tahay marti iyo soo galooti lagu maadeysto, ayna muuqanayo inay yihiin dad wax ku leh wadankan, xuquuq, xilal iyo waajibaadna yeelanayo.

Xigasho/kilde: Oslo.Fagforbundet.no

[adsenseyu2]

 

- Advertisement -
Latest news
- Advertisement -
Related news
- Advertisement -spot_img

1 COMMENT

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
hassan
5 years ago

asc waxa aan ka soo hor jeedaa erayga ah in ay wax ku leeyihiin wadankan somaida adeer marti ayaan nahay weligeena waan ahaan doona ee aan noqono marti wax qabsata oo la qabsato nolosha kajirto norwey norwey wey nasoo dhaweeyeen si fiican anagana aan noqono dad fiican lakin somali ma noqon karo norwiji calaashaan basaboor lagu siiyay. ciyaalka ku dhasho norwey yaan la qaldin ee runta haloo sheego si ay u noqdaan dad wanaagsan oo wax qabsada hadii kale marki aay 30 sodon jir noqdaan ayay ogaan doodaan ayagoon waxba ka gaarin.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x