onsdag, mars 12, 2025
Home Blog Page 20

Bergen: Labo(2) Taksiile oo isku gacan-qaaday, kadib isqabsi ka dhashay safka tagaasida.

Sida ay soo wariyeen booliska magaaladda Bergen, labo(2) tagsiile oo kamid ah tagaasileyda magaaladda Bergen, ayaa xaley isku gacanqaaday xili ay ku jireen shaqada, kadib markii ay isku qabsadeen in midkood uu si khiyaano ah ku dhex galay safka tagaasida, uuna ka hormaray kan kale oo ka horeeyay.

Macaamiilka tagaasidan ayaa booliska la xiriiray xalay saqdii dhexe, waxa ayna ku wargaliyeen labo tagaasiley ah oo murmaya, murankaas oo meel dheer laga maqlayay, waxeyna kadib intaas bilaabeen inay isku gacan-qaadaan( is-riix-riixaan). Midkood ayaa lasoo wariyay in kan kale oo ku qabtay qoor-sagaaro( ceejin gacmeed).

Booliska ayaa xaqiijiyay in labadda tagaasileyda ah oo ku dhaxeeyay tartan adag oo suuqa shaqada ah. Waxaana xanaaq uu ka dhashay in midkood uu si xowli ah kusoo galay safka tagaasida, uuna qaab khiyaano ah uga hormaray tagsiilihii kale ee tartanka uu kala dhaxeeyay.

Booliska oo goobta soo gaaray ayaa ceyriyay mid kamid ah tagaasileyda, halka kan kalena uu si iskiis ah goobta uga tagay.

Xigasho/kilde: Taxisjåfører i basketak i Bergen: – To arge konkurrenter

Xuquuqda ilmaha ee la xiriira guuritaanka ama rarka dibadda ah.

Mas’uuliyadda waalidku waa xaq iyo waajib waalidiintu inay go’aan ka gaaraan ilmaha arrimaha gaarka ah. Waxaa jira sharciyo gaar ah oo ku jira sharciga carruurta xaaladaha ay waalidiinta iyo carruurtu qorsheynayaan inay ka guuraan ama u dhoofaan waddanka. Xeerka carruurta ee u guurista iyo u safrida dibadda ee carruurta waxa lagu dejiyey §§ 40 iyo 41.

Waalidka leh mas’uuliyadda waalidnimo oo keliya ayaa go’aansan kara inuu ka guuro waddanka. Waalidkan ayaa sidoo kale go’aamin kara marka ay timaado safarrada dibadda. Marka laga hadlayo mas’uuliyadda wadajirka ah ee waalidka, labaduba waa inay ogolaadaan, xaaladahan oo kale waalid kastaa wuxuu u qaadi karaa oo kaliya ubadka safar gaaban oo dibadda ah ogolaansho la’aan. Xeerka Carruurta waxa wax laga beddelay 1 Luulyo 2018, si hadda loo cayimay in oggolaanshaha sidoo kale la heli karo marka la kordhiyo ama la beddelo joogida lagu heshiiyey, oo ay ku jirto meesha ilmaha looga tagey. Isbeddelkani waxa uu ka hortagi karaa isku dhacyada iyo khilaafka waalidka ee dalalka oo dhan, waxana uu gacan ka geysan karaa ka hortagga afduubka carruurta.

Sida ku cad qodobka 40-aad ee sharciga carruurta, farqadiisa labaad, waa inaan ilmaha laga rarin dalka marka waalidku isku khilaafaan mas’uuliyadda waalidnimo, ka guurista ubadka dalka ka baxsan ama degenaanshaha rasmiga ah. Sida uu qabo sharciga carruurta, waxaa sidoo kale jira shuruudo ogolaansho laga helayo carruurta ka weyn 12 sano si ay awood ugu yeeshaan inay dalka ka guuraan, u degaan meel ka baxsan waddanka ama u safraan dibadda – marka ay taasi dhacdo iyada oo aan la helin waalid leh mas’uuliyadda waalidnimo.

Carruurta ay da’doodu ka weyn tahay 12 sano ma loo diri karo dibadda keligood, ama iyaga iyo qof aan mas’uul ka ahayn waalidnimo dibadda loo diri karaa. Waalidiintu waxay xaq u leeyihiin inay maxkamadda horkeenaan dacwooyinka ku saabsan sidii ay ilmaha ugala guuri lahaayeen waddanka. Tani waxay daba socotaa qaybta 56 ee sharciga carruurta.

Xigasho/kilde: Barn som flytter eller reiser utenlands

Dowlada oo rabtay guurka dhexmara lamaaha isku ah ilma adeerka ah.

Wasaaradda caruurta iyo qoyska Norway ayaa kowdii(1) bishan Luulyo gudbisay hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerka guurka ee dalkan Norway, laguna mamnuucayo guurka dhexmara labadda lamaane ee ilmo adeerka koowaad ah. Diristan ayaa jawaab u ah dalab uu baarlamaanka Norway horey ugu soo gudbiyay dowlada, kuna saabsanaa in wax kabadal lagu sameeyo sharciga guurka ee Norway.

Dowlada ayaa sheegtay in ujeedka ama hadafka loo soo bandhigay hindise sharciyeedkan cusub uu yahay in laga hortago halista caafimaad ee ku imaan karto ilmaha ay iska dhaleen labo(2) qof oo ilmo adeer koowaad ah.

Wasaaradda qoyska iyo dhalaanka ayaa sidoo kale rabta in sharciga lagu mamnuucayo guurka lamaanaha ilmo adeerka ah, uu sidoo kalena khuseeyo guurka dhexmara gabar iyo adeerkeed, ama wiil iyo eedadiis oo saameyn ahaan dhanka caafimaadka ilmaha uu halistiisu le egtahay guurka dhex mara dadka lamaanaha ilmo adeerka ah.

Waxyaabaha ay dowladu soo jeedisay ee sharcigan cusub qeybta ka ah, ayaa waxaa kujiro qodob mamnuucayo in la sharciyeeyo(aqoonsado) guurka dalka dibadiisa ka dhaca ee dhexmara labadda qof ee ilma adeerka ah ee midkood ama labadooduba(2) ay Norway xiriir la leeyihiin. Tusaale ahaan hadii qof Norway kunool uu dalka dibadiisa aado, soona guursado ina adeertii/adeerkeed, in qofkaas loo diido sharciyeynta guurkaas ee Norway.

Sharcigan ayaa waxaa hada loo direy dhageysi iyo ra´yi uruurin socon doonto ilaa 27-ka bisha September.

Xigasho/kilde: Høring: forslag til forbud mot søskenbarnekteskap mv..

Stavanger: Ilmo hal(1) sano jir ah oo daaqad ka dhacay & aabaha oo la dacweeyay.

Sida uu qoray wargeyska Stavanger Aftenblad, ilmo hal sano(1) jir ah ayaa kasoo dhacay daaqada guri kuyaalo mid kamid ah xaafaddaha magaaladda Stavanger. Aabaha ilmahan dhalay ayaana ku eedeysan inuu jabiyay qodobka waajibka caawinta ee Hjelpeplikten, kadib markii uu booliska ama hey addaha caafimaadka kusoo wargalin waayay dhacdadan.

Dhacdadan ayaa dhacday Talaadadii isbuucan, sida uu qoray wargeyska SAF. Ilmaha ayaa kasoo dhacay dabaq afar mitir ka sareeyo dhulka, waxa uuna ku dul dhacay daaqada baabuur jidka yaalay.

Sida uu wargeysku qoray, ilmaha yar ee daaqada kasoo dhacay, ayaa ka badbaaday dhaawacyo waaweyn, marka laga reebo calaamado kooban. Balse booliska ayaa sheegay ineysan wali helin warbixinta caafimaad ee dhameystiran ee kiiskan, sidaas darteed aysan xaqiijin karin dhaawaca ilmaha gaaray iyo xajmigiisa.

Waxaan kuu xaqiijin karaa in boolisku ay ka shaqeynayaan kiis ku saabsan ilmo yar oo daaqad guri kasoo dhacay. Waxaa nala la soo xiriiriray oo arrinta nala soo gaarsiiyay saacado dhowr ah kadib markii ay dhacdadan dhacday. Waxaa sidaas wargeyska Stavanger Aftenblad u sheegay Tørkel Tjørhom oo kamid ah xeer ilaalinta booliska, kiiskana masuul ka ah.

Aabaha dhalay ilmahan ayay boolisku sheegeen inuusan kiiskan kusoo wargalin laamaha caafimaadka, sidaas darteed waxaa laga gudbiyay dacwad ah inuu jabiyay qodobka caawinta waajibka ah ee Hjelpeplikten.

Xigasho/kilde: Ett år gammelt barn falt fire meter fra vindu i Stavanger

Daraasad: Norway meelaha ugu adag aduunka ee qof ajnabi ah ka shaqeeyo.

Norway ayaa daraasad iyo cilmibaaris la sameeyay lagu sheegay inay tahay mid kamid ah meelaha ugu adag aduunka ee qof ajnabi ah uu ka shaqeeyo. Cilmibaarista oo lagu saleeyay xog-uruurin laga sameeyay 12.000 qof oo qurbo-joog ah ah oo ka shaqeeyo 53 dal oo caalamka ah, ayay Norway waxa ay noqotay meel maciishadu iyo noloshu qaali tahay, ayna adag tahay in saaxiibo laga sameysto, dhaqanka Norway la dhexgalo oo la fahmo.

Norway ayaa oo horey ugu jirtay booska 34.aad ayaa sanadkan gashay booska 52.aad ee 53-da dal ee cilmibaarista laga sameeyay. Dalka booska ugu danbeeyo ee 53.aad galay ee loo codeeyay inuu yahay dalka ugu adag ee qof ajnabi ah uu ka shaqeeyo, ayaa ah dalka Kuweit.

Waxyaaba ugu badan ee dadka ajaaniibta ah ee Norway ka shaqeeyo ay ka dhib-sheegteen ayaa waxaa kamid ah, in dhaqaalaha soo galo qofka Norway ka shaqeeyo uu yahay mid aan wanaagsaneyn, marka lagu jaangooyo heerka sicirka nolosha iyo maciishada. Waxa ay ajaaniibta la wareystay sheegeen in xitaa haduu uu dhaqaale fiican kusoo galo, ay adag inaad nolol qurxoon ku noolaato.

Waxyaabaha kale ajaaniibtu ay ka cowdeen ayaa waxaa kamid ah inay adag tahay in qofka ajnabiga ah ee ka shaqeeyo Norway, ay ku adag tahay inuu saaxiibo yeesho, in Norwiijiyaanku aysan soo dhaweyn, una furfurneyn ajaaniibta, iyo dhaqanka Norway oo adagtahay in qof dibadda ka yimid uu si fudud ku dhexgalo.

Xigasho/kilde: https://cms.in-cdn.net/cdn/file/cms-media/public/2023-07/Expat-Insider-2023-Survey.pdf.

Finland: Wasiirad xilkeeda ku waayi karto qoraal ay ka qortay dhalinyaro soomaali ah.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa dalka Finland ka taagnaa muran siyaasadeed xoogan oo ku saabsan xil ka qaadista ama iscasilaada wasiiradda Maaliyada dalka Finland, Riikka Purra( sawirka kore). Wasiiraddan ayaa lagu heystaa kommentiyo(fikrado) qoraal ah oo ay ka dhiibatay bog lagu sheekeysto oo internetka ah, mudo hada laga joogo 15 sano.

Wasiiradda oo markii hore inkirtay inay iyadu aheyd qofka qoraaladda ku qori jiray bogaas internetka ah, ayaa cadaadis xoogan kadib qiratay in ay aheyd qofkii adeegsan jiray magaca iyo saxiixa «Riikka».

Qoraaladda muranka badan dhaliyay ee haweeneydan hada wasiiradda noqotay dhiibatay 15 sano kahor, waxaa kamid ah inay sheegtay inay tareen la raacday dhalinyaro soomaali ah. Waxeyna qortay in maalintaas meyd( qof dhintay) lagu dhex arki lahaa tareenka, hadii ay hub wadan laheyd.

Wasiiradda ayaa sidoo kale maalin kale qortay iyada oo dadka kale ee ku xiran bogga weydiineyso, ma jiraa qof banaanka u baxayo si uu usoo garaaco kuwa tuugsadda iyo caruurta adoomadda(N)»

Xubnaha mucaaradka ah ee baarlamaanka Finland iyo xisbiyadda mucaaradka ah, ayaa dalbanayo in wasiiraddan ay sida ugu deg-dega badan xilka uga degto.

Xigasho/kilde: Oppositionstoppar kräver förtroendeomröstning: ”Vi kan inte vänta till hösten”.

Markhaati: Isaga oo musqusha kasoo baxay, ayaa xabadda lagu dhuftay.

Habeenkii axada aheyd, waxaa askari katirsan qeybta gurmadka booliska Oslo uu xabad ku dhaawacay wiil 22-sano jir soomaali ah, xili ay boolisku sheegeen inay ku gudo-jireen howlgal lagu soo qabanayay dad ka shaqeeya iibinta daroogadda. Falkan ayaa ka dhacay goob hotell ah oo guryo ah ahaan loo kireeyo, kuna taala bartammaha xaafadda Grønland ee Oslo.

Dhaawaca 22-jirkan ayaa lagu daaweynayaa isbitaalka Oslo, waxa ayna xabadu uga dhacday qeybta kore ee garabka.

Booliska Oslo ayaa markii danbe sheegay in xabadda ku dhacday wiilka soomaaliga ah oo ku eedeysan danbi la xiriira iibinta daroogadda, ay aheyd mid si aan kutalagal aheyn ku dhacday, waxeyna shaqada ka fariisiyeen askarigii xabadda riday. Qeybta booliska u qaabilsan danbiyada ka dhaca askarta booliska, ayaa dhanka kale dacwad eedeyn ah ku furtay askarigaas oo dhankiisa iska fogeeyay inuu sameeyay wax danbi ah.

Markhaati: Isaga oo musqul kasoo baxay ayaa xabadda lagu dhuftay.

Mid saaxiibadda wiilka la dhaawacay, kana agdhawaa goobta uu falkan ka dhacay, ayaa sheegay in wiilka la dhaawacay uu ka yimid magaaladda, waxa uuna galay goobta hotellka ah, si uu musqul uga galo. Sidaas waxaa soo wariyay qareenkiisa Arild Humlen.

Qareen Humlen ayaa sheegay in wiilka la dhaawacay iyo saaxiibkiisa oo isna goobta lagu qabtay ay la socdeen saaxiibadood kale oo koox ah, kadibna uu 22-jirka la dhaawacay galay hotell-ka si uu musqul u galo, iyaga oo ku balansanaa inay meelo kale sii aadaan.

Markiiba waxaa guriga kusoo xoomay askarta booliska ah, waana marka ay xabadu dhaceyso. Wuxuu kasoo baxay musqusha, markiina waxaa ku dhacday xabadda, waxaa sudaas wariyay qareen Arild Humlen.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in macluumaadka ilaa hada la hayo ay muujinayaan inaysan jirin wax xaalad haliseed ah oo keeni jiray in boolisku ay xabad adeegsadaan, balse waxey dhanka kale sheegeen inay wadaan baaritaanka dhacdadan. Iyaga oo dhanka kalena shaqada ka fariisiyay askariga falkan geystay oo hada eedeysane ah.

Xigasho/kilde: Politiskuddet på Grønland: − Han kom ut av toalettet og ble skutt.

Gabar 21 jir ah oo loo xukumay kufsiga wiil 13 sano jir ah: 4 sano oo xabsi ah.

Maxkamadda magaaladda Tromsø ayaa haweenay 21 sano jir ah ku xukuntay afar(4) sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi la xiriira kufsiga ama la-galmoodka wiil aan qaangaar sharciyeed aheyn.

Haweeneyda ayaa lagu eedeeyay in mudo afar bilood ah ay galmo la sameyneysay wiilka dhibanaha ah oo xiligaas jiray 13 sano, halka gabadhuna ay xiligaas jirtay 19 sano. Waxa uu falkan ka dhici jiray gurigeeda oo kuyaal magaaladda Tromsø.

Xeerka ciqaabta Norway ayaa dhigayo in galmadda lala sameeyo ilmaha ka yar 13-ka sano loo xisaabinayo sidii fal kufsi ah oo kale, xitaa hadi uusan falkaas qasab aheyn.

Wiilka dhibanaha ah ayaa sanadkii hore la xiriiray booliska, isaga oo ku wargaliyay dhacdadan. Balse haweeneyda eedeysanaha ah ee loo xukumay falkan, ayaa shegtay in wiilka uu u sheegtay da´ ka weyn mida uu jiro, muuqaal ahaana uu u ekaa 17-18 sano. Balse maxkamadda ayaan rumeyn sharaxaadda haweeneydan, waxa ayna maxkamaddu go aankeeda ku xustay in gabadhan ay aheyd inay fahanto da´da wiilka oo meelo badan laga fahmi karay, sida tusaale ahaan fasalka uu dhigto oo kale.

Haweeneydan eedeysanaha ah ayaa dhanka kale sheegtay in iyadu ay tahay qofka dhibanaha ah ee la kufsaday, balse sharaxadaas waxaa aqbalin maxkamadda. Waxaana tusaale loo soo qaatay in haweeneydu aysan arrintaas sheegin markii sanadkii hore ay boolisku xabsiga dhigayeen.

Marka laga tago xukunka xabsiga ah ee afarta sano ah, haweeneydan ayaa sidoo kale lagu xukumay inay bixiso 250.000 kr oo magdhow ah, lacagtaasi oo la siin doono wiilka dhibanaha ah oo hada 15 sano jir ah.

Xigasho/kilde: Kvinne dømt for voldtekt av 13-åring.

Warbixin: CARUURTA QOYSASKA LUUQADAHA BADAN KU HADLA

Buug yarahani wxuu diiradda saari doonaa 10 suáalood oo waalidiintu iska waydiiyaan habka barashada luuqadah badan ee caruurtooda. Waxa kale oo buugyarahan loogu talagalay shaqaalaha xanaanooyinka,dugsiyada iyo shaqaalaha xarumaha caafimaadka si ay ugu noqoto fure ay ugaga faaiidaystaan wada hadalka iyaga iyo waalidiinta marka laga hadlayo horumarinta barashada afafka ee caruurta.

Buugyarahan waxaa laga soo minguuriyay buugyare iswiidhish ah oo la yidhaahdo (Två språk eller flera – Råd till flerspråkiga familje) taas oo uu qoray amma diyaariyey macahadka cilmi baadhista luuqadaha ee magaalada Rinkeby (http://modersmal. skolverket.se).

Buugyarahani wuxuu faaiido iyo waxtar uleeyahay caruurta luuqadaha badan ku hadasha ee dhigta xanaanooyinka iyo dugsiyada Noorweey. KU HADALKA LUUQADAHA BADAN Bulshada aduunku intooda badani waxay ku hadlaan dhawr luuqadood.

Ku hadalka luuqadaha badani waa aqoon weyn oo waxtar u ah qofka iyo bulshadaba. Luuqaddu waxa ay astaan u tahay qofka asal ahaantiisa, dhaqankiisa iyo xidhiidhka bulshadiisa taas oo lagama maarmaan u ah koritaanka caruurta iyo nolosha dadka waaweynba.

Qoysaska ku hadla laba luuqadood amma in ka badan waxay u leedahay faa’iido badan taas oo xoojisa waxtarna u leh xanaanooyinka,dugsiyada iyo bulshaweyntaba. Kala duwanaanshaha qoysaska laba-luuqadoodlaha ah Qoysasku waxay u kala qaybsamaan qayb laba- luuqadoodle ah iyo qaybo in ka badan lab-luuqadood ku hadla.

 • Mid amma labada waalidba waxay ku hadlaan luuqadood hooyo oo aan ahayn noorwiiji.

• Labada waalid oo midba luuqad gooniya ku hadlo taas oo ay caruurtu bilowga koritaankaba ay bartaan laba luuqadood.

• Mid amma labada waalidba iyaga oo ku koray qurbaha oo ku hadla luuqado badan.

Waxa kale oo iyana qayb ka qaata koriinka caruurta ehel iyo qaraabo kale oo luuqado kala duwan ku hadla.

Halkan kasii akhri: https://nafo.oslomet.no/wp-content/uploads/2013/10/Nafo_BarnFlersprFam_A4_web_somali.pdf

Erdogan oo ugu danbeyn jawaab farxad leh siiyay Sweden.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg ayaa sheegay Isniintii in madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ogoladay inuu «sida ugu dhakhsaha badan» ugu gudbiyo golaha baarlamaanka ee dalkiisa xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqayn doono, in golaha baarlamaanku meelmariyo codsigaas.

Xoghayaha NATO ayaa hadalkan sheegay, ka dib kulan uu la qaatay madaxweyne Erdogan iyo ra’iisal wasaaraha Sweden, ka hor kulanka isbahaysiga NATO uu ku yeelanayo Lithuania.

Dalka Turkiga ayaa tan iyo sannadkii hore hortaagnaa xubinimada Sweden ee NATO.

«Tani waa maalin taariikhi ah, sababtoo ah waxaa helnay ballan-qaadka Turkiga ee ah, inuu ka shaqeeyo ansixinta xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqaynayo sidii golaha baarlamaanku u ansixin lahaa arrintan» ayuu yidhi Stoltenberg.

Go’aankan lama filaanka ah ee uu ku dhawaaqay xoghayaha NATO ayaa jidka u xaadhaya in Sweden ay noqoto dalka 32aad ee ku biira isbahaysiga NATO.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

Oslo: Askarigii xabadda ku dhaawacay wiilka soomaaliga ah oo dacwad lagu furay.

Sida aan horey u qornay, booliska magaaladda Oslo, ayaa habeenkii axada waxa ay dhaawaceen wiil dhalinyaro 22-jir soomaali ah, kaas oo dhaawaciisa lagu daaweynayo isbitaalka Oslo. Falkan ayaa yimid xili ay boolisku ku jireen howlgal ay sheegeen inay kusoo qabanayeen dad ka howlan iibinta daroogadda, balse waxa uu isku badalay howlgal uu dhaawac halis ah ka dhashay. Halkan kasii akhri

Laanta booliska Norway u qaabilsan dabagalka danbiyadda ka dhaca askarta booliska( Spesialenheten), xili ay shaqada ku jiraan, ayaa baaritaan ku furtay askarigii ka danbeeyay toogashada uu ku dhaawacay 22-jirka soomaaliga ah.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saareen laantan, dhamaan macluumaadka la hayo ayaa tilmaamayo in falka toogashada ah uu ku dhacay qaab ku talagal aheyn. Waxa ayna raaciyeen inaysan jirin xaalad haliseed uu sababi kartay toogashada.

Askariga falka geystay oo katirsan qeybta gurmadka booliska Oslo, ayaa hada waxaa lagu furay dacwad eedeysane. Ilaa hada waxaa cad in askarigu uu riday hal xabo(1)/baalooto.

Boolisku wali wax warbixin ah kama sheegin xaaladda caafimaad ee wiilka 22-jirka ah ee la dhaawacay, inkasta oo shaley ay sheegeen in xaalada dhaawiciisu ay tahay mid daran, xabaduna ay ka haleeshay qeybta kore ee garabka.

Dhanka kale booliska ayaa xabsiga kasii daayay labo wiil oo lagu eedeeyay dacwad la xiriirta iibinta daroogadda, kuwaas oo lagu qabtay goobta lagu dhaawacay 22-sano jirka.

Xigasho/kilde: 22-åring skutt ved uhell av politiet på Grønland.

Oslo: Booliska oo habeen hore xabad ku dhaawacay wiil dhalinyaro soomaali ah

Booliska Oslo ayaa habeenimadii axada aheyd aheyd, waxa ay toogasho ku dhaawaceen wiil dhalinyaro ah oo da´diida lagu sheegay 22 sano. Falka toogashada ah oo ka dhacay bartammaha xaafadda ay ajaaniibtu ku badantahay ee Grønland, ayaa waxa uu imaaday xili ay boolisku howlgal ay rabeen inay dad kusoo xiraan ay ka wadeen goobta uu falkaas ka dhacay oo ah guri hotell ahaan loo kireeyo.

Dhaawacyadda soo gaaray 22-jirka la dhaawacay, ayaa ah kuwo halis ah, sida uu warbaahinta u sheegay Jan Eirik Thomassen oo ah madaxa booliska Oslo. Xabadda ayaa uga dhacday qeybta kore ee garabka, waxaana xiligan lagu daaweynayaa isbitaalka Oslo.

Marka laga tago wiilka la dhaawacay, waxa ay boolisku goobtaas ka wateen wiil kale oo dhalinyaro ah oo kale, kaas oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta iibinta daroogadda. Wiilkan ayayse boolisku maanta xabsiga kasoo daayeen, inkasta oo ay wali eedeysanayaal yihiin, sida ay boolisku sheegeen.

Sida ay NorSom News xaqiiqsatay, 22-jirka ay boolisku dhaawaceen ayaa ah wiil soomaali ah oo laga yaqaano deegaanka.

Falka habeen hore ka dhacay xaafadda Grønland, ayaa ku biirayo silsilad dhacdooyin amni daro ah, kuwaas oo bilihii ugu danbeeyay ku xoogeysanayay magaaladda Oslo, gaar ahaan xaafadda Grønland.

Wargalin: Shirkadda tigidadda ee Iqra Travel Ekspress oo adeegyo cusub u heyso macaamiisha.

Shirkadda tigidhada diyaaradaha ee Iqra Travel Express, waxa ay dhammaan dadweynaha soomaaliyeed ee kunool Norway, ku wargalineysaa in shirkaddu ay soo kordhisay adeegyo cusub oo tigidadda diyaaraddaha dalka gudahiisa iyo dibadiisa ah.

Shirkadda oo xubin buuxdo ka ah, leysina ka heysata hey´adda caalamiga ah ee IATA, xiriir toos ahna la leh shirkadaha diyaaradaha ayaa adeegyadan u heysa macaamiishheda:

  • Tigidho qiimahoodu jaban yahay.
  • Tigido la badali karo, ama qofku uu lacagtiisa dib u heli karo, hadii uu safarkii ka baaqday ama uu isbadal xaga socdaalka ah ku yimid.
  • Qofka tigidh ka goosta shirkadda Iqra Travel Express waxa uu heli karaa hal mar oo beddel lacag la aan ah, haddii ay shirkaddu ogoshahay. Gaar ahaana tigidadda dalalka Afrika iyo Aasiya.
  • Qofka tigidh ka goosta Iqra Travel Express, waxa uu heli doonaa kiilooyin dheeraad ah, oo ka badan kuwa uu qofka internetka ka goosta heli karo.
  • Macaamiisha shirkadda waxa ay heli doonaan warbixin iyo la talin guud oo ku saabsan socdaalka, sharuudaha dal kugalka ee Visaha iyo caafimaadka, hotelaada iyo sida ugu macquulsan ee safarkiisa ku noqon karo mid dhibaato la aan ah.
  • Macaamiisha shirkadda Iqra Travel Express, Waxa ay lasoo xiriiri karaan shirkadda xili walba oo kamid ah xiliyada shaqada, waxa ayna shirkaddu fulinaysaa adeega iyaga oo jooga goobahooda shaqada ama guryahooda.
  • Iqra Travel Ekspress waxa ay dhawaan bilaabi doontaa bixinta koorsooyin iyo waxbarasho la xiriirta adeega socdaalka, dalxiiska, tigidadda iyo nidaamka ay u shaqeeyaan shirkaddaha diyaaraddaha caalamka. Qofkii xiiseynaya inuu aqoontaas barto ama ka qeybgalo koorsooyinka shirkadda, waa uu la xiriiri karaa.
  • Haddii aad tahay travel agent aan lahayn IATA, waxad Iqra Travel Express aad ka helaysaa fursad aad adigu toos jaranayso tidhidhadaada, wixii faah faahin dheeriya fadlan la xiriir Iqra Travel Express.

Waxaa shirkadda Iqra Travel Ekspress lagala xiriiri karaa:

Tlf: 96990875
E-MAIL: Iqra Travel Ekspress@outlook.com
Adresse: motzfeldts gate 7
, 0187 Oslo

Ama booqo bogga internetka ee shirkada: https://iqratravelexpress.com/

Booliska oo xaqiijiyay dhimashada qof uu jiiray T-bane-ka Oslo.

Sida ay boolisu xaqiijiyeen, waxaa habeenkii xaley ahaa geeriyooday qof fiidnimadii khamiista aheyd shil ku galay godka tareenka senterka magaaladda Oslo ee jernbanetorget. Waxa uuna qofkaasi u geeriyooday dhaawacyo kasoo gaaray, tareenka oo jiiray( dulmaray).

Da´da qofka geeriyooday ayay boolisku ku tilmaamen sodomeeyo jir. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in arrinta ay u badantahay shil, inkasta oo ay wali dhacdadan ku wadaan baaritaan.

Xigasho/kilde: Person i 30-årene døde etter T-baneulykke på Jernbanetorget.

Dowlada oo rabta inay isbadalo waaweyn ku sameyso xeerka ururadda diimaha.

Dowlada Norway ayaa soo jeedisay in isbadalo waaweyn lagu sameeyo xeerka ururadda diimaha iyo goobaha cibaadadda, isbadalaas oo sida muuqdo hadii ay hirgalaan saameyn xoogan yeelan doono.

Isbadaladda ay dowladu soo jeedisay waxaa kamid ah:

In gudiyadda maamuladda masaajidu iyo ururadda diimuihu ay ka koobnaadaan labadda jinsi ah ee lab iyo dhedig, ugu yaraana 40% ay noqdaan dumar.

In la kordhiyo tiradda ugu yar ee xubin ka noqon karto urur diimeed, si uu dowlada uga helo kaalmo dhaqaale. Dowlada ayaana soo jeedisay in urur kasta oo diimeed oo dowlada lacag ka helo ay xubno ka noqdaan ugu yaraan 100, 300 ama 500 qof, tiradaas oo aan wali la go aamin. Xiligan hada la joogo xarun diimeed walba oo ay xubno ka yihiin 50 qof ayaa dowlada lacag ka codsan kar.

Wasiiradda qoyska iyo caruurta, oo sidoo kale masuul ka ah siyaasadda dowlada ee diimaha ayaa sheegtay in dowladu ay u furantahay inay maqasho aragtida ururadda diimaha Norway, ayna muhiim tahay in la ogaado in dowladu ay furantahay aragtiyaha ururadda diimaha, kahor inta aan soo jeedintan loo badalin hindise sharciyeed.

Xigasho/kilde: Regjeringen foreslår at trossamfunn må ha flere medlemmer for å få støtte

Reysulwasaaraha Norway: Gubitaanka quraanka waa danbi-naceyb ku dhisan.

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Jonas Gahr Støre ayaa gubitaanka kitaabka quraanka ah ku tilmaamay danbi naceyb ah, xili uu qabanayay khudbadiisa ku aadan waxqabadka dowlada ee bartamaha sanadka.

Reysulwasaaraha ayaa gubitaanka kitaabka quraanka ah ee muqadaska u ah boqolaal milyan ee muslimiinta caalamka ah ku tilmaamay mid sharci ah, marka la fiiriyo dastuurka Norway, balse uu hadana dhanka kalena yahay fal danbiyeed naceyb ah. Jonas oo qodobkan si ugu margaday, su aalo badana laga weydiiyay, ayaa war qoraal ah ku sheegay sidan:

Aan si cad u qeexo in aniga iyo dowladu aan difaaceyno xoriyada cabiritaanka ra´yiga. Waa qodob aas-aasi ah oo lama taabtaan ah. Laakiin taasi oo jirta, sharciguna uu yahay, waxaan qabaa in gubitaanka kitaabka quraanku uu yahay fal naceyb ah, oo anigu shaqsi ahaan aan rabo inaan ka fogaado.

Reysulwasaaraha oo arrintan kasii hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado oo nasiib daro ah ay tahay, in gubitaanka quraanku uu sabab u noqday codsiga kamid noqoshada Sweden ee ururka Nato, wuxuuna sheegay in ay aheyd in xiligan ay Sweden xubin buuxdo ka noqoto ururka Nato.

Xigasho/kilde: Støre: – Ser på koranbrenning som en hatefull handling

Hakan Fidan: Turkiga laguma cadaadin karo qaabilaada codsiga Sweden.

Turkey ayaa Talaadadii ka digtay inaan lagu cadaadin karin inay taageerto isku dayga ay Sweden ku dooneyso inay ugu biirto NATO, waxayna sheegtay inay weli qiimeyneyso in soo-gelitaanka dalka Nordic-ga ay caawin doonto ama dhaawici doonto isbaheysiga.

Hadallada Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa yimid laba maalin kahor inta aanu dhiggiisa Sweden kula kulmin Brussels si ay uga wada hadlaan damaca Stockholm ay ku noqoneyso xubinta 32-aad ee NATO.

NATO ayaa rajeyneysa inay Sweden kusoo dhoweyso xulufada kahor kulan madaxeedka ka dhacaya Lithuania 11-ka illaa 12-ka July.

Hase yeeshee, Turkey iyo dalka kale ee xubinta ka ah NATO ee Hungary ayaa diidan inay ogoladaan Sweden, sababo la xiriira murano kala gaar gaar ah oo kala dhaxeeya.

Dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa qasab ah inay wada ogolaadaan si dal cusub uu xubin uga noqdo isbaheysiga.

«Marnaba ma ogolaaneyno isticmaalka cadaadiska waqtiga,” Fidan ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id.

Ankara ayaa waxaa ka careysiiyey go’aanada ay Sweden ku fasaxday dibad-baxyo ay dad Islaamka neceb ay bogag ka mid ah qur’aanka ku hor gubeen safaaradda Turkey ee Ankara iyo Masaajiddo.

Dibad-bixii ugu dambeeyey ayaa maalintii koowaad ee Ciidul Adxa ka dhacay magaalada Stockholm.

Fidan ayaa dhacdooyinkaas ku sheegay inay tusaale u yihiin in Sweden ay ku guuldarreysatay inay ka dhabeyso ballan-qaadyadii ay sameysay markii hore ee ay ku guuleysatay taageerada Turkey sanad kahor markii ay codsiga NATO ku gudbisay Madird.

“Hannaanka amni ee Sweden awood uma lahan inuu joojiyo kicinta, tani macnaheedu ma ahan inay awood dheeri ah keenayaan NATO balse dhibaato dheeri ah,” ayuu yiri.

“Marka ay noqoto xeeladda iyo amniga, marka aan ka wada-hadleyno xubinnimada Sweden ee NATO, waa su’aal la xiriirta haddii ay noqon doonto faa’iido ama culeys.”

Gudi suuqa taxi-ga oo dowlada usoo jeediyay in lasii adkeeyo shuruuca suuqa tagaasida.

Gudi ay wasaaradda gaadiidku u xilsaartay kasoo talo-bixinta suuqa tagaasuda ayaa dowlada usoo jeediyay inay wax ka badasho, siina adkeyso shuruucda suuqa tagaasida oo ay dabcisay dowladii reysulwasaare Erna Solberg.

Gudigan oo ay dowladu magacowday sanad kahor, ayaa soo gudbiyay qodobo talo soo jeedin ah, kuwaas oo ay dowladu usoo bandhigeen inay dhaqan-galiso, si loo nidaamiyo suuqa tagaasida magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan Oslo.

Qodobadda ay gudigan soo jeediyeen waxaa kamid ah:

  • In dhamaan tagaasida ka shaqeyso suuqa shaqada ay ka tirsanaadaan(iska diiwaangaliyaan) xarun dhexe oo sentral ah.
  • In dhamaan lacagaha soo galo taxi-ga laga diiwaangaliyo Taksameter-ka oo ku xiran xarunta sentralka ah ee uu Taxi-gu ka diiwaan-gashanyahay.
  • Xarumaha sentralaaladu inay lahaadaan Leysin(Løyve) u gaar ah iyo maamule shaqo(daglig leder).
  • In dhamaan dadka iska leh Leysinka(Løyve) tagaasida ay macluumaadka la wadaagaan senterka(xarunta), ay buuxiyaan shuruudaha uu senterku ku xiray.
  • In xarumaha sentralaadu ay uruuriyaan xogta tagaasida iyo darawalada ka diiwaanshan, hey addaha dowladana ay la wadaagaan marka ay codaan, sida tusaale ahaan waaxda canshuuraha iyo booliska oo kale. Xogta la uruurinayo waxaa kamid ah lacagta soo gashay darawalka, meesha uu ku suganyahay xiligaas, dalabyada uu helay iwm.

Muhiimadda ugu culus ee gudigan ay soo saareen ayaa ah in dowladu ay adkeyso shuruudaha iyo shuruucda suuqa tagaasida, si loo yareeyo nidaam-daro ama sharci daro kale oo ka imaan karto, loogana hortago tagaasida ku shaqeeyo suuqa madow.

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri warbixinta ay gudigu soo saareen oo dhameystiran:- ( Samferdselsministeren mottok første del av Drosjeutvalgets utredning)

Safaaradda Norway ee Kenya oo fariintan la wadaageyso dadka.

Bisha September ee sanadkan waxaa dalkan Norway ka qabsoomi doonto doorashada golayaasha deegaanka iyo goboladda, taas oo sanadkan qabsoomi doonto 11-ka bisha September.

Laakiin qofkii aan awoodin inuu maalintaas codeeyo, ama dalka ka maqan maalinta doorashada, ayaa xaq u leh inuu codkiisa sii dhiibto kahor maalinta doorashada, isaga oo ka dhiibanayo safaaraddaha iyo qunsuliyaddaha ay Norway ku leedahay dalalka dibadda ah.

Safaaradda Norway ee dalka Kenya, oo sidoo kale qaabilsan Soomaaliya, ayaa dadka xaqa u leh codbixinta, xiiseynayana inay codkooda dhiibtaan ku wargalineyso in safaaraddu ay laga bilaabo maalinta beri ah u furantahay qabashada dadka codka dhiibanayo.

War qoraal ah ah oo lagu soo qoray bogga internetka ee safaaradda ayaa lagu sheegay in safaaradu ay u furantahay qabashada codadka dadka raba inay ka qeybqaataan codbixinta doorashada goloyaasha deegaanka Norway. Waxeyna safaaradu furantahay codeynta u furantahay maalmaha Khamiista iyo jimcaha.

Safaaradda Nairobi, waxa uu qofku codkiisa dhiiban karaa 14:00 ilaa 15:00 duhurnimo, halka jimcaha uu qofku codkiisa dhiiban karo 09:00-10:00 aroornimo. Waxaa sidoo kale suurtogal ah in qofku uu codkiisa ka dhiibto qunsuliyadda Norway ee Mombasa, balse waxaa muhiim in qofku uu xiriir la sameeyo qunsuliyada, kahor inta uusan tagin, si uu codkiisa u dhiibto

Waxaa muhiim ah in qofku uu soo qaato baasaboor ama waraaq kale oo aqoonsi, si uu codkiisa uga dhiibto safaaradda. Halkan kasii akhri.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.