lørdag, juli 27, 2024

Booliska OSLO: Waxaan joogteynta ku badin doonaa xaafadda Grønland.

Madaxa qeybta booliska Oslo  Ida Melbo Øystese ayaa sheegtay in booliska magaaladdu ay joogteynta iyo la socoshada ku badin doonaan xaafadda Grønland, taas oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka dhaceen falal danbiyeedyo isugu jiro dhac iyo isxabadeyn.

Talaadadii isbuucan waxaa bartammaha suuqa xaafadda Grønland ka dhacay fal danbiyeed xabado loo adeegsaday, kaas oo sida goob-joogayaal ay xaqiijiyeen dhex-maray dhalinyaro soomaali ah. Cidna waxbo kuma noqon falkaas, balse wuxuu abuuray argagax iyo cabsi xoogan oo ay la kulmeen dadkii ka ag-dhawaa goobta uu falkaas ka dhacay. Waxeyna boolisku falkan ku eedeeyeen oo dacwad lagu oogay dhowr qof oo lala xiriirinayo dhacdadan.

Wargeyska Aftenposten ayaa warbixin uu dhawaan qoray ku sheegay in buundadda Grønland iyo wadooyinka ku hareereysan ay yihiin goobo ay ka taliyaan kooxaha ka shaqeeya iibinta daroogadda. Ayna adagntahay in qof caadi ah uu maro xiliyadda danbe ee fiidkii.

Booliska Oslo ayaa galabta la shiraya maamulka Oslo, waxeyna sheegeen inay joogteynta ku badin doonaan xaafadda Grønland, si ay si dhow ula socdaan xaaladda xaafadaas.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso xili booliska Oslo ay maalmo kahor sheegeen inay xafiis cusub oo roondo joogto ah ka hayo xaafaddan, ka furi doonaan Grønland. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Politimesteren i Oslo: − Kommer til å trappe opp tilstedeværelsen på Grønland

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x