torsdag, april 25, 2024

VG: Ugu yaraan 70 «bekymrings-melding» ayaa ka baxay systemka barnevernka.

Sida uu qoray wargeyska VG, ugu yaraan 70 waraaq wel-wel ama «bekymrings-melding» oo ku socday hey addaha ilaalinta ilmaha ee barnevern-ka, ayaa ka baxay systemka hey´addaas. Waxaana arrintan sabab u ah cilado farsamo oo ku yimid systemka hey´adda barnevern´ka.

Ciladan farsamo ayaa keentay inay hawada ku lumaan( aysan meeshii loo waday gaarin) waraaqaha wel-welka ee hey addaas loo diro, marka ay jirto xaalad shaqaalaha dowliga ah ama dadka kale ee ay khuseyso ay ay u diraan hey addaha ilaalinta caruurta ee barnever-ka.

Waxeyna ciladdan farsamo saameysay laamaha hey´adda barnevern-ka ee 244 degmo oo Norway kuyaal.

Degmadda Bergen ayaa aheyd degmadii ugu horeysay ee ogaatay qaladkan farsamo oo soo jiray tan iyo sanadkii 2020. Waxaana degmadda Bergen oo kali ah ka lumay 21 waraaqadood oo ku socday hey addaha barnevern-ka magaaladaas. Sidoo kale degmooyinka Tromsø, Kristiansand, Oslo iyo Asker ayaa kamid ah meelaha ay ciladdan saameysay.

Madaxa hey adda ilaalinta xuquuqda caruurta( Barneombud) ayaa arrintan ku tilmaamtay mid wel-wel leh, iyada oo sheegtay inay dhici karto in caruur xaaladdo adag ku jiray, aysan helin caawintii ay u baahnaayeen.

Xigasho/kilde: Bekymrings­meldingene som forsvant: Disse kommunene er rammet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x