tirsdag, oktober 22, 2024

Xeer cusub: Uma baahnid inaad dhakhtarka tagto, si aad «Sykemelding» u hesho.

Laga bilaabo kowda(1) bisha Luulyo, waxaa dhaqan-gali doono xeer cusub kaas oo suurtogalinayo in dhakhtaradu ay si online ah( fogaan arag ah) qofka u qori karaan waraaqda ogolaanshaha fasaxa xanuunka (Sykemelding).

Dhakhaatiirta ayaa hada loo ogolaaday inay waraaqda fasaxa qori karaan iyaga oo aan qofka si waji ka waji ah ula kulmin. Waxaana adeegan cusub loo yaqan E-konsultasjon, Waxaase shardi ah in dhakhtarku uu aqoon hore u leeyahay jiridaada iyo xaaladaada caafimaad.

Dowlada ayaa xeerkan meelmarisay bilowgii sanadkan, balse wuxuu dhaqangalkiisu bilaabanayaa maalinta beri ah. Waxaana dhakhtarada waxaa waajib ku ah inay qiimeeyaan xaalada qofka, kahor inta aysan go aansan inay qaab online ah waraaqda fasaxa shaqada ee xanuunka u qoraan qofka bukaanka ah.

Xeerkan cusub ayaa sidoo kale dhakhaatiirta u ogolaanayo inay qofka qaab online ah ula kulmaan, hadii ay jirto cabsi laga qabo xanuun faafa oo dhibaato u keeni karo dadka kale.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x