Maxey tahay ceebta uu dhex-fadhiyo wasiirka arrimaha qoyska Norway, ahna gudoomiyaha KrF

0
141
Wasiirka Qoyska Norway, Kjwll Ingolf Ropstad. Foto: Astrid Waller

Warbaahinta Norway ayaa 24-kii saac ee tagay si aad ah u hadalheysa wasiirka arrimaha qoyska Norway Kjell Ingolf Ropstad oo sidoo kale ah gudoomiyaha xisbiga Krf. Hadalheynta ayaa dhalatay kadib markii wargeyska Aftenposten uu soo bandhigay in wasiir Ropstad uu 10-sano degenaa guri bilaash ah oo uu ku deeqay baarlamaanka Norway, arrintaas oo uu u maray wado mugdi uu kujiro.

Baarlamaanka Norway ayaa xildhibaanada aan magaalada Oslo kasoo jeedin, ama guryo ku laheyn ugu deeqo guri bilaash ah oo ay degaan, mudada ay fadhiyaan kursiga xildhibaanimadda.

Ropstad oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka ayaa 10-kii sano ee ugu danbeysay degenaa guri uu baarlamaanku kiradiisa bixiyo, sababtoo ah waxaa wali u diiwaangashanaa inuu deganyahay gurigii uu kusoo koray ee hooyadiis iyo aabihiis. Wuxuuna sidoo kale heli jiray candhuur dhaaf, iyada oo laga bixin jiray safaradda uu ku aado guriga uu ka diiwaangashanaa ee qoyskiisa ay deganyihiin isbuuciiba halmar.

Arrinta muranka dhalisay ayaa ah in Ropstad oo 35 sano jir ah, hadana xildhibaan noqday, kadibna wasiir uga sii dalacay uu wali ku diiwaangashanyahay inuu deganyahay qolkii uu degenaa waagii uu dhalinyarada ahaa ee ku yaalay guriga hooyadiis iyo aabihiis. Waxeyna dad badan wasiirka ku eedeeyeen inuu arrintaas u sameeyay, si uu dowlada uga helo guri bilaash ah iyo candhuur dhaaf.

Inkasta oo arrinta uu wasiirka sameeyay ay muran dhalisay, mugdi badana uu ku jiro, hadana baarlamaanka Norway ayaa sheegay in wasiir Ropstad uusan jabin wax sharci ah.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa dhankeeda sheegtay in arrinta uu wasiirku sameeyay ay aheyd mid laga fiicnaa.

Wasiirka laftirkiisa ayaa sheegay inuu fahmayo dareenka kacsan ee dadka, wuxuuna sheegay inuu sameeyay arrin qalad ah oo laga fiicnaa inuu sameeyo. Balse wuxuu dhanka kale iska diiday inuu dib usoo celiyo lacagtii ay baarlamaanku kuriga uga bixin jireen.

Xigasho/kilde: Vil ikke betale noe tilbake.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments