Dhawaan ma qaadatay dhalashada/baasaboorka Norway: Warqadan ayaad heli doontaa.

0
170
Baasaboor Foto: Scanstockphoto

Hey´adda doorashooyinka dalkan Norway ee Valgsdirektoratet ayaa sheegtay in qiyaastii 90.000 qof oo sideedii(8) sano ee lasoo dhaafay qaatay dhalashada/jinsiyada dalkan Norway, ay heli doonaan warqad ka timid hey´addaas oo muwaadiniinta cusub lagu xusuusinayo inay xaq u leeyihiin cod dhiibashada doorashada.

Warqadda ay hey´adda u direyso muwaadiniinta cusub ee dhawaan qaatay dhalashada Norway ayaa ah mid wargalin ah oo dadkaas lagu xusuusinayo inay codkooda dhiibtaan, ayna ka qeybqaataan xoojinta nidaamka dimuqraadiga ah ee dalkan an jinsiyadiisa qaataan. Waxaana sidoo kale la socdo macluumaad kale oo ku saabsan qaabka codbixinta iyo warbixino kale oo doorashada la xiriirta.

Warqadda ay dadka sideedii(8) sano ee ugu danbeysay qaatay jinsiyada Norway, ay heli doonaan ayaa u ekaan doonto sidaan oo kale(Riix), si ay sheegtay hey´adda doorashada Norway.

Xigasho/kilde: Nye statsborgere får brev om stortingsvalget.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments