Xildhibaan Frp ah oo gabar muslim 15 sano ah ku yiri: 1.000 kr qaado oo xijaabka iska bixi.

0
195

Sida uu qoray muuqaal-baahiyaha TV2, Christian Tybring-Gjedde oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka dalkan Norway, ayaa gabar 15 sano jir muslim ah oo xijaaban usoo bandhigay inuu siiyo 1.000 kr, ayna ku badalato inay xijaabka ay wadato iska bixiso.

Gabadha 15-sano jirka ah oo lagu magacaabo Faadumo ayaa TV2 u sheegtay in iyada oo la socoto ardeyda fasalkeeda, ay tagtay meel ay olole ka wadeen xisbiga Frp, ayna weydiisay waxa uu xisbigaas ka qabo xijaabka ay xirtaan dumarka muslimiinta ah. Maadaama ay horey u maqashay in Frp ay rabaan in la mamnuuco xijaabka.

Faadumo ayaa halkaas kula kulantay Christian Tybring-Gjedde oo xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, hadana ah musharaxa koowaad ee xisbiga Frp uga sharaxan Oslo. Xildhibaankan katirsan Frp ayaa gabadha 15 sano jirka muslimka ah u sheegay in dumarka muslimiinta ay iska bixiyaan xijaabka, si ay u dareemaan xornimo. Waa sidaas TV2 u sheegay Faadumo oo intaas kadib sheegtay in iyada iyo Christian ay dhexmartay dood adag.

15 sano jirkan muslimka ah ayaa ku adkeysatay in iyadu ay iskeed iyo rabitaankeeda u xiratay xijaabka, aysana jirin cid ku qasbeyso. Waxeyna sheegtay in siyaasigan Frp katirsan uu intaas kadib usoo bandhigay inay qaadato 1000 kr, ayna iska bixiso xijaabka. Ninkan ayaa sheegay inay shardi la galayo, uuna rabo uu arko timaheeda quruxda badan, waa sida uu hadalka u dhigee.

Faadumo oo cod ka duubtay siyaasigan Frp katirsan xiliga uu hadalkaas ku dhahayay, ayaa sheegtay inay dareentay in ninkaas uusan wax ixtiraam ah u heynin, uuna muujiyay inuu ku liidayo doorashadeeda.

Iskuulka oo waraaq u gudbiyay xisbiga FRP:

Maamulaha iskuulka Bjerke Videregående Skole ayaa waraaq cabasho ah u gudbiyay xubnaha baarlamaanka ee xisbiga Frp, waxuuna ka dalbaday in arrintaas ay raaligalin ka bixiyeen.

Gudoomiyaha xisbiga Frp iyo xubnaha baarlamaanka Frp ayaa iska fogeeyay ficilka uu ninkaas ku kacay.

Xigasho/kilde: Fatima (15) besøkte Frp-valgbod – Tybring-Gjedde tilbød henne 1000 kroner for å ta av seg hijaben

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments