FHI: Waxaan baareynaa inuu xiriir ka dhaxeeyo talaalka Corona iyo caado-wareerka dumarka

0
114

Hey´adda caafimaadka dadweynaha dalkan Norway ee FHI ayaa sheegtay inay baari doonaan inuu xiriir ka dhaxeeyo caado wareerka dumarka iyo qaadashada talaalka feyruska Corona.

Hadalka FHI ayaa yimid kadib markii dumar qaatay talaalka feyruska Corona ay sheegeen inay isku arkeen waxa ay soomaalidu u yaqaan caado-wareerka. Dumarkan ayaa sheegay inay isku arkeen caadada oo kasoo daahda ama kasoo hormarto xiligeedii, halka kuwana ay sheegeen inay isku dhiig badan oo xiliga caadada ah.

Lill Trogstad oo ah dhakhtar katirsan hey´adda FHI ayaa sheegay in ilaa hada aysan xaqiijin karin inuu xiriir ka dhaxeeyo arrimaha ay dumarkaas ay isku arkeen iyo qaadashada talaalka feyruska corona, balse wuxuu sheegay in hey´addu ay arrintaas baaritaan ku sameyn doonto.

Hey´adda daawooyinka Yurub oo horey baaritaan ugu sameysay arintan ayaa sheegtay inuusan jirin wax xiriir ah oo la taaban karo ah oo ka dhaxeeyo caado wareerka dumarka ay isku arkeen, iyo qaadashada daawada talaalka Corona.

Taas oo jirto ayay hey´adda caafimaadka Norway rabtaa inay sameyso baaritaan iskeed ah oo ay iyaga u madaxbanaan.

Xigasho/kilde: UNDERSØKER MENSTRUASJONSFORSTYRRELSER ETTER CORONAVAKSINE.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments