torsdag, april 25, 2024

Dowlada oo dhaqaale 1, 8 milyan gaaraya ka joojisay ururka lagu muransanyahay ee HRS.

Dowlada xilka kasii dageyso ayaa joojisay taageeradii dhaqaale ee sanadkii sida joogtada ah loo siin jiray ururka Human Rights Dowlada oo dhaqaale 1, 8 milyan gaaraya ka joojisay ururka lagu muransanyahay ee HRS.

Arrintan ayaa laga ogaaday miisaaniyada ay sameysay dowlada xilka kasoo dageyso, ayna hogaamibayeen xisbiyada Høyre, Venstre, Krf iyo Frp.

In taageerada dhaqaale laga joojiyo ayaa aheyd arrin ay dood ka socotay mudo dheer, balse xisbiga Frp ayaa shardi adag ka dhigay inaan la taaban taageerada dhaqaale ee ururka HRS.

Ururka Human Rights Service (HRS) ayaa maamula webka HRS.no oo ah website inta badan lagu soo bandhigo macluumaad ka dhan ah dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan muslimiinta.

Ka jaritaanka dowlada ee taageerada dhaqaale ee HRS ayaa imaaneyso kadib guushii ay gaareen xisbiyada bidixda. Waxeyna xisbiyada bidixda oo dhawaan la wareegi doono awooda xukuumada Norway ku baaqeen inay joojin doonaan taageerada dhaqaale ee HRS.

Xigasho/kilde: Regjeringen fjerner statsstøtten til HRS

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x