fredag, april 26, 2024

Oslo: Dhakhtar ku eedeysan inuu suuxiyay, kadibna fara-xumeeyay qof bukaan ah.

Waxaa dhawaan maxkamada magaalada Oslo ka bilaaban doonto dhageysiga dacwad ka dhan nin dhakhtar ah, kaas oo ku eedeysan inuu suuxiyay, kadibna fara-xumeeyay haweenay kamid aheyd bukaanada uu dhakhtarka u yahay.

Booliska ayaa sheegay in ninkan dhakhtarka ah ay u timid haweeneydan oo uu dhakhtarkeeda gaarka ah ahaa, iyada oo ka rabtay talo bixin daaweed iyo inuu u qoro warqada fasaxa xanuunka(sykemelding). Xiligaas oo ay haweeneydu kujirtay xaalad adag. Balse dhakhtarka ayaa isaga ka faa´iideysanayo booskiisa shaqo suuxiyay haweeneydan, kadibna jinsi ahaan fara-xameeyay, una geystay jirdil.

Xeer ilaalinta ayaa ninkan ku eedeysay inuu jabiyay dhowr sharci oo halis ah, isaga oo si qaldan uga faa´iideystay awoodiisa xirfadeed iyo kalsoonida ay ku qabtay haweeneydan uu dhakhtarka u ahaa.

Ninkan ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu jabiyay xeerka shaqada ee howl-wadeenada caafimaadka kaas oo waajib uga dhigayay inuu guto waajinaadkiisa shaqo, si waafaqsan sharciga iyo aqoontiisa xirfadeed ee caafimaad, uuna qofka bukaanka ah siiyo caawin dhab ah.

Sawiro caruur anshax xumo ah:

Marka laga tago kiiska dacwada ah, ninkan dhakhtarka ah ayaa ku eedeysan inuu sidoo kale keyd ahaan u heystay sawiro anshax xumo ah oo laga sameeyay caruur. Waxeyna boolisku gacanta ku dhigeen fariimo anshax ah oo arintaas taageeraya.

Xeer ilaalinta ayaa ku baaqday in ninkan la gala noqdo leysinka dhakhtarnimo.

Qareenka u doodaya haweeneydan ayaa sidoo kale la filayaa inuu lacag magdhow ah ka dalbado dhakhtarka ku eedeysan fara-xumeynta.

Xigasho/kilde: Lege tiltalt for misbruk av pasient.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x