Warbixin: Norway 3 bilyan kr ayay Soomaaliya galisay: shaki ayaa laga qabaa.

0
156
Madaxweyne Farmaajo iyo wasiir N. Astrup Foto: NorwayinSomalia

Hey´adda wasaaradda arrimaha dibadda Norway u qaabilsan deeqaha ee Norad, ayaa dhawaan heshay warbixin laga diyaariyay doorka iyo shaqooyinka ay Norway ka qabatay gudaha Soomaaliya, 7-dii ee ugu danbeysay. Waxaana warbixinta diyaariyay shirkad kuwa baaritaanada sameeya ah oo laga leeyahay dalka Denmark.

Warbixintan ay shirkada DANISHKA ah diyaarisay(Hoos ka akhri) ayaa si qeexan loogu cadeeyay in inkasta oo Norway ay lacago badan ku bixisay Soomaaliya, hadana ay soomaalidu wali shaki weyn ka qabaan danaha Norway ee Soomaaliya. Waxaana lagu sheegay in Norway aan mar walba loo arkin xubin dhex-dhexaad ka ah arrimaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Norway ay qeyb weyn ka qaadatay xasilinta Soomaaliya, iyo dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib usoo celinta nolosha deegaamada laga qabsado Al shabaab, balse waxaa hadana lagu cadeeyay inay mad-madow badan uu kujiro qaabka ay Norway uga howlgasho Soomaaliya, iyo inaysan jirin qiimeyn cad oo lagu sameeyo talaabooyinka ay Norway qaado iyo khataraha ku hareereysan. Taas oo abuurtay shaki iyo tuhun laga qabo Norway.

Mid kamid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee warbixinta lagu sheegay ayaa ah wadashaqeynta Norway ee dowlada federaalka ee soomaalidu aysan u wada arkin dowlada adeegyada lasoo gaarsiiyo gaarsiiso meelaha loogu talagalay. Waxaana su´aal laga keenay in deeqaha iyo lacagaha ay Norway bixiso ay gaaraan goobihii loogu talagalay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in cadaan la´aanta qaabka ay Norway uga shaqeyso Soomaaliya, iyo ku xirnaanta dowlada dhexe, ay soomaali badan ay shaki ka qabaan ujeedooyinka Norway ee Soomaaliya, gaar ahaan arrinta shidaalka oo ay Soomaali badan Norway isha si gaar ah ugu hayaan.

Xigasho/kilde: Har brukt 3 milliarder bistandskroner i Somalia: «I beste fall er resultatene variable».

Halkan warbixinta oo dhameystiran.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments